Sign in to follow this  
Tillamook

Al Shabab Culusow is at it again...

Recommended Posts

Deeq bixiyaasha Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka yelanaya Xiriir la ogaadey inuu ka dhexeeyo Al-shabaab iyo Villa somalia

 

Warar rasmi ah oo Puntlandi ka heleen dublamaasiyiin ku sugan Nairobi, Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shir deg deg ah isugu imaanaya Nairobi si ay uga wada hadlaan Xaalada ka soo cusboonaatey Soomaaliya.

 

 

 

Sida aan xogta ku helney Ciidamadii dhowaan Kismaayo yimid ayaa laga helay xogo badan iyadoo waliba dhinaca sirdoonka Reer Galbeedku ay heleen iyana Xogo kale oo ku saabsan xiriirka soo cusboonaadey ee dhex marey Al.shabaab iyo Villa Soomaaliya.

 

Sida la sheegey Villa Soomaaliya waxay Al-shabaab ka codsadeeen iney wadada u baneeyaan Ciidan joogey Ceelwaaq kuwasoo Kismaayo u soo socdey, waxaa ka dib Ciidanka lagu wargaliyey iney u dhaqaaqaan Kismaayo, Al-shabaabna aysan Wax weerara ku qaadeyn.

 

Sirdoonka Kenya. Itoobiya iyo Wadamo kale ee Reer Galbeed ah balse laga magacaabey Mareykanka ayaa la socdey Xiriirka iyo gacan saarka ay wada yeesheen Villa Somalia iyo Al-shabaab.

 

Wadama deeq bixiyaasha ee bixiya Mushaarka Amisom iyo Dowladaha Ciidamda Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyey Xaalada soo cusboonaateym, waxayna maalmaha soo socda shir deg deg ah ku yeelanayaan Nairobi.

 

Warkaan oo ah mid rasmi ah ayaa kusoo beegmaya xili ay wadamadaan shiri doona qaarkood ay ku booriyeen Golaha Amaanka ee QM in Dowlada Federaaalka laga qaado cunaqaba teynta hubka.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu maalmo ka hor xilkii ka xayuubiyey saraakiishii ugu sareysey Ciidanka.

 

Shalayna Waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo laga celiyey Labada sargaal ee cusub ee lagu badaley Jeneraal Diini iyo Jeneraal dhagabadan.

 

 

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The is a reason for concern. Puntland media along with other Somali media are doing investigation on the issue of Alshabaab and the forces from Gedo's recent alleged meeting, and government official rush visit to Kismayo yesterday, reports and interviews are being conducted with the locals and with some Alshabaab members.

 

Puntland is expected to release a statement on this matter upon the outcome - its still early days and still gathering intelligence. Also the next move of the forces that came from Gedo will shed light to matter greatly and the allegation against Hassan Culusow and his government in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^There are drone pictures provided by friendly country as well showing the route of the national army, and places they've stopped :D :D :D

 

Waryaa WW, nimanka ka aayar bahasha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Xaaji Xunjuf;926039 wrote:
Reer Budhlayn way washeen hada madaxweynihi bay eedeynayaan shabaab ku sheegeyaan, hada wa ninka dalka shabaab ka xoreyey. War ileen inaga wax aragnay

Waa dad shoodaha u taxan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Si al-Shabaab iyo Soomaalida inteeda kale u heshiiyaan waxaa marka hore al-Shabaab looga baahanyayahy ineey katawba keenaan dhibaatada iyo dilka dadka maatada ah ee ay geysteen.

Qollo walboo rabto ineey la hadlaan ama la heshiiyaan al-Shabaab marka hore waa ineey hubsadaan meesha ay al-Shabaab ka taagantahay Maamulada ka jira wadanka iyo waa ineey qiraan in dhiiga qofka Muslimka ah uu xaaraan ka yahay qofka kale sida Ilaahey Qur'aankiisa uu ku sheegey.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this