Sign in to follow this  
Mooge

BREAKING NEWS - Qoslaye tries to assasinated a Somali MP over kismayo comment

Recommended Posts

Mooge   

Monday, February 25th, 2013 | Posted by Pi

 

WAR DEG DEG AH— Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka badbaadey isku day dil ka dib markuu ka hadley weerarkii shalay ee Kismaayo

 

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa caawa fiidkii afar nin oo hubeysan oo isaga doonaya ay ciidanka AMISOM gacanta ku dhigeen, Shaqaalaha Hotelka ayaa afartanin ka shakiyey waxayna durba la xiriireen Ciidanka Amisom oo Hotelka amaankiisa gacanta ku hayay.

 

Nimanka la qabtay ayaa Bistoolada watey, waxaana laga shakiyey markey shaqaalaha Hotelka waydiiyeen Xildhibaan Xidig iyadoo mid ka mid ah nimanka lagu qabtey isagoo hortaagan Qolka Xildhibaanka.

 

Warar aad ugu dhow Xildhibaanka oon aan goor dhaweyd helney ayaa sheegaya in Xildhibaan Xidig uu maantaa maalin nimadii hore la xiriirey Radio Muqdisho si uu uga hadlo weerarkii shalay ka dhacay Kismaayo oo uu xogo rasmi ah ka hayay, balse Radio Muqdisho way diideen inay waraystaan Xildhibaanka, markaas ka dib ayuu xildhibaan Xidig la hadley Idaacado kale oo Lokal ah Magaalada Muqdisho, wuxuuna Idaacadaha ka sheegey in Weerarkii shaly ka dhacay Kismaayo lagasoo abaabuley Villa Soomaaliya uuna cadeymo rasmi ah u hayo arintaas.

 

Xildhibaanka ayaa iminka loo kexeeyey Xerada Xalane, wuxuuna beri subax (isniin 25-02-2013) usoo dhoofayaa Nairobi, waa sida aan xogta ku helney.

 

Puntlandi.com

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge maba la yaabani laakiin The Zack oo cajalad laga dhex daaray baan la yaabay.:D

Puntlandi iyo Mooge adinku been haddaad sheegeysaan been run u eg baa la sheegaa. Goormaa AMISOM hotel ilaaladiisa mandate-kooda loogu darayna? :D Bal noo sheega hotel-ka ay AMISOM ammaankiisa gacanta ku hayaan? Waryaa Mooge anigaa kaa naxaya ee quraan isa saar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And some got mad that I called Culosow an Al Shabab sympathizer.

 

Saaxiibyaal, if it looks like a duck, walks like a duck, and quacks like a duck, it's probably a duck.

 

Hassan Culusow is Al Shabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;921540 wrote:
Tilla adigu maka war haysaa hoteelka AMISOM ilaaliso? duck duck hannoo dambaysee.
:D

Abwaan, Xidig wuu idinka fakadey ee bal nin kale aad madaxa usoo duubataan orod raadiya! And yes, Amisom is responsible for the security of all government officials including MPs.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

War madaxweynaha ninna kama xigo ee ninyahow in caqligeenna lagu ciyaaro oo been loo sheego dadka ayaan ka soo horjeedaa. I support this government but I will not go against a reasonable criticism. I just don't like the qabyaalad maalayacni ee haddana beenta la isku boohinayo. Waa su'aale adigu hotel-ka magaciisu maku soo gaarey The Zack?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Tillamook;921547 wrote:
Abwaan, Xidig wuu idinka fakadey ee bal nin kale aad madaxa usoo duubataan orod raadiya! And yes, Amisom is responsible for the security of all government officials including MPs.

I just asked which hotel did this incident take place and still not answer?:D That says a lot

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

wallee meeshii moqdisho ee shacabka dhan rabeen inay u guuraan, nin qoslaye la yirahdo ba yimid oo dadka assasinate gareynaya. loool.

 

mesha isaga yaaca dheh faradheerta meesha dhooban. loool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg deg:Ururka Nabada, Midnimada iyo Cadaalada oo Bayaan kasoo saaray Isku daygii dilka ee Xildhibaan Xidig

Last update 25-02-13

 

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo cadaalada codka wadaniyiinta damiirka,dareenka dadnimo,qiirada nool iyo maqaamka qarameed leh (Diintooda,dalkooda iyo karaamadooda difaacideeda u taagan) gunimo iyo gumeeysi hoose joogida diidan,qabyaaladda, colaada, dagaalka sokeeye, bulsho kala fogeeynta, cadaalada darada, eexda, garsoor xumida, xaq soor la'aanta,boobka hantida qaranka iyo maamul xumada diidan,walaalnimada,midimada cadaalada leh iyo hanaan dawladeed garsoor,hogaamin wanaag iyo nidaam xaq ah leh rajeeynaaya,waxaan halkan ku caambaareeynaa talaabadda fal-dembiyeedka leh,cadoownimadeeda,kana baxsan hanaanka ama hab dhaqmeedka Diinteena Islaamka,curfigga caalamka iyo habka dhaqan Somaaliyeedka-ba(Isku deeyga dilka Xildhibaan Xiddig).

 

 

 

Shaki kuma jiro in Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xiddig ka mid yahay Xildhibaanadda Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kuwooda uga kartida, dadaalka, daacadnimada, xilkasnimada, geesinimada iyo dareenka wadani leh lana oran karaayo inta tiradda yar oo ka soo haray Xildhibaanadii hore ayuu ka mid yahay laguna mitaali karaayo Shakhsiyaadkan:-

 

 

 

*-Ex Xildhibaan-Cawad Axmed Cashare.

 

*-Ex Xildhibaan-Marxuum-Mowliid Macaani.

 

*-Ex Xiildhibaan-Marxuum-Proff Ilka Dahab.

 

*-Xildhibaan Proff-Max'd Cumar Dalxa.

 

*-Ex-Xldhibaan-Marxuum-Proff-Ibraahim Cadoow.

 

*-Ex Xildhibaan-Maxamed Saleeban Bootaan(Gaadh-haye).

 

*-Ex-Xildhibaanad-Marxuumad-Dr-Qamar.

 

*-Ex Xildhibaan-Drs-Caasha Axmed Cabdalle.

 

*-Xildhibaanad Drs-Caasha X.Cilmi.

 

*-Ex-Xildhibaan-Dr-C.Xakiim Fiqi.

 

*-Ex Xildhibaan-Proff-Ismaaciil Buubaa.

 

*-Ex Xildhibaan-Drs-Maryasn Qaasim.

 

 

 

Isku deeyga dilka Xildhibaan-Xiddig waa talaabo ama qorshe taxane ah oo lagu ugaarsanaayo shakhsiyaad qiimaha qaran leh,wax tarka ah iyo dareenka wadaniyadeed horena loogu dilay shakhsiyaad badan oo mudnaan gaar ahaaneed lahaa(Culumaa-udiinka,Hogaan Dhaqameed, Aqoonyahano, Saraakiil sarre,Abwaano iyo kuwo ka mid ahaa bahda warbaahinta)inkastoo su'aali imaaneeyso ah(ka hadalka Xildhibaanka arr.jubooyinka)iyo isku deeyga dilkiisa???Urur ahaan waxnu u ragnaa tallaabadaas mid naxdiinteeda leh, balse Allah mahadii inuu ka badbaadeey Xildhibaan Xiddig,nasiib wanaag gacanta lagu dhigay kuwo falkaas fulin lahaa,anagoo rajeeyneeyna in la soo bandhigo eedeeysanayaashaas oo aan arrinta la marin habkii suuqa madoow ahaa ama xeelado kale la adeegsan hadii shakhsiyaadka la garto, runtiina angoo shaki weyn iyo amaano xumo ku qabna hey'adaha Garsoorka iyo Boliiska-ba,una aragna in eey qeyb ka yihiin dhibaatada,tacadiga iyo fal-dembiyeedyada magaaladda muqdisho ka dhacaaya(Duqa Magaaladuna ku eedeeyeey Taliska Boliiska masuuliyad dayacid iyo karti daro-ba).

 

 

 

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

 

-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

 

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

 

-Feb-25-2012.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this