Sign in to follow this  
Liibaan

KHaatumo State of Somalia - First Anniversary Celebrations :) :) :)

Recommended Posts

Aaliyyah   

U diyaar garowga sanad guurada 1aad ee Khaatumo oo kasocota Taleex

January 12, 2013 | Filed under: Wararka | Posted by: admin

 

Taleex:-(RT)Waxaa maanta si xawli ah uga soconaya caasimada Ku meel gaadhka ah ee maamul goboleedka Khaatumo ee Taleex xaflad lagu maamuusayo sanad guurada 1aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Khaatumo.

 

Xafladan ka dhacaysa xarunta maamulka ayaa ah mid maalmahanba laga dareemayay gudaha magaalada waxaana si aad ah ugu mashquulsanaa hawl wadeeno gaar ah oo xukuumadu u xilsaartay munassabada.

 

Munaasabadan oo ah sanad guuradii ugu horeeysay ee maamul goboleedka ee maamulka Khaatumo oo caawa kadhacaysa halka looyaqaan Berda Khaatumo ayaan ka dhacayn caasimada oo keliya balse waxaa sidookale laga xusayaa magaalooyin badan oo ku kalayaal gudaha dalka iyo dunida dacaladeeda.

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa xafladani looga goleeyahay in lagu maamuuso taariikhda Khaatumo oo kalhore January 12,2012 dhidibada loogutaagay magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

 

Isku soo wada duuboo munaasabadan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli qaybo kamid ah dhulwrynaha Khaatumo ay ka socdaan dagaalo ay Kula jiraan maamulka lamagacbaxay Somaliland oo iyagu dulaanka kuyimi”gacana xabadda ayaanu kuridaynaa gacana xafladaanu ku dhigaynaa”ayuu yidhi mid kamid ah qaban qaabiyayaasha munaasibada.

 

 

 

Realtaleex News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Taleexi;898573 wrote:
Dhalasho wacan Khaatumo. Liibaan baan ka baqayaa inuu i budheeyo haddaan dhaho Khaatumo xafladaha yareeya waa misallocated resources'e:)

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

download-11.jpg

 

 

Waddanka Saudi Arabiya oo laga Xusi doona Sanad Guuradii Maamul Goboleedka Khaatumo

 

waddanka boqortooyada saudi arabiya ayaa lagu qabanayaa xaflad lagu maamuusayo sanad guuradiii 1aad waxaana lagu qabanayaaa bariga saudi arabia ee magaalada dammaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Dabaal Dega Sanad Guurada khaatumo Oo meelo badan Ka Socda

 

Waxaa Qaybo badan oo kamida Deeganada maamulka Khaatumo State iyo Guud ahaan Qaaradaha Kala Gadisan Ee caalamka maanta Si Toos ah Uga Socda Dabaal Dega Sanadguurada 1aad ee Maamulka Khaatumo State.

 

Dabaal degan Ayaa hada Ka Bilaabmay Qaybo badan oo kamida Deeganada Dalka Gudihiisa Ah Iyoadoo habaynimada Caawa ahna La Filayo Inay Ka Bilaabmaan Qaybaha Kala Duwan ee Daafaha Caalamka.

 

Sawirada, Muuqaalada Iyo Warbixinaha la xidhiidha Dabaal dega Sanad Guurada Khaatumo State Haka Fogaan

 

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

 

Laascaanood/Sool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Wacdarihii Taariikhiga ahaa ee TORONTO iyo Xuskii Sanadguuradii Khatumo State

 

Xafladii Sanadguurada Khaatumo State Ee Magaalada Toronto ee Dalka Canada

 

 

 

Waxaa xalay magaalada Toronto Lagu qabtay xaflad ballaadhan oo loogu dabaaldegayey sanadguurada koowaaad ee kasoo wareegtay aasaaskii maamul goboleedka Khaatumo State.

 

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha kala duwan ee jaaliyaddaha soomaalida ku nool magaalada Toronto iyo gobolka Ontario.

Waxaa kaloo kasoo qaybgalay siyaasiin ka socota dawlada Canada oo ay hogaaminayso MP Kristy Duncan oo laga doortay xaafada Etobicoke North iyo kuwo ka socda dawladda hoose ee Toronto, oo xaflada khudbado kasoo jeediyey.

Xafladan waxaa lagasoo bandhigay maqal iyo muuqaal ka hadlaya waxa u qabsoomay maamulka Khaatumo State mudadii sanadka uu jiray.

Sidoo kale waxaa xaflada heeso wadani iyo khaatumo lagu amaanayo ka qaaday fanaaniin ay hogaaminayso fanaanada weyn ee Fadumo Cali Nakruum

 

Sanad-Guuro.jpg

P1010156.JPG

P1010173.JPG

P1010157.JPG

P1010166.JPG

P1010168.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

 

TORONTO’s 1st Anniversary of Khatumo State Celebrated in Style

 

 

On a favourably winter evening on January 11th, 2012 a large crowd gathered in the Grand Ballroom of Woodbine Hotel, Toronto, Canada for a historic day. Folks from Toroto’s diverse Somali Community filled the majestically beautiful venue expressing their support of the Somali Union; giving speeches, poetry, modern and folk dance were also displayed. Over a Thousand guests were on hand to celebrate Katumo State’s1st anniversary, along with representatives from the Canadian Government and Members of Parliament and other business leaders.

 

Watch the Video

 

Watch More Photos

 

Khatumo Community in Toronto hosted the event, which was organized in conjunction with Khatumo Relief Network which is dedicated to supporting folks in Khatumo State. The formal part of the event featured several keynote speakers. Each contributed a great deal of history and insight as to how Khatumo has evolved and appreciated by all Somalis around the world. Additionally, Khatumo Youth groups spoke about the need for Somali Youth to get involved and support positive developments in Somalia; importance of education among Khatumo youth as a mechanism to alleviate poverty and hopelessness.

 

The event finished with the unveiling new songs dedicated to Khatumo State; specially the new one for Taleh’s Airport. Faduma A . Nakruuma, Omar Bongo, Kooshin, A. Boqol, Mohamed Manka, and more participated in the festivities.

 

 

 

 

P1010184.JPG

P1010185.JPG

P1010186.JPG

 

P1010188.JPG

 

P1010187.JPG

 

P1010183.JPG

 

P1010176.JPG

P1010177.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Taleexi;907695 wrote:
Sannad guuro wacan.

Taleexi, Sanad Guuro Wacan oo Wanaagsn, Insha Allah waxaan Illaahay ka rejeenanaa inuu Khaatumo State Iyo Dhamaan Soomaaliya ka dhigo Nabad iyo Barwaaqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Is it me or Somali-clan-federal states spend a lot of time on celebrations and heeso loo sayeeyey......look at Galmudug, Puntland, Somaliland and now Khatumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this