Sign in to follow this  
Che -Guevara

Somali president names Abdi Farah Shirdon Saaid as new Prime Minister

Recommended Posts

my friend was telling there couldnt be a somalilander prime minister as this could endanger the chevening declaration. there couldnt be a puntlander PM becos we all know why. there couldnt be a khatumite PM could this could risk upsetting the somalia and somaliland relations. so there was bound to be a gedo PM becos he was strategically placed to create the balance necessary. good decision.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Shinbir Majabe;877479 wrote:
Let us hope that the new PM Saacid will bring the change and the hope that were so missing in the Somali political arena..

Amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Saacid would not be my choice and I think the president did not pick the best guy but I would like to congratulate the new PM and I hope in Ilaah u sahlo xilka aadka u culus ee loo dhiibey. I hope inuu wasiirro tayo leh soo magacaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

EG DEG: MADAXWEYNAHA DALKA OO MAGACAABAY RA'IISUL WASAARAHA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw waxaa uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya .

 

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isagu waxaa loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya kaasi oo si rasmi uu ugu dhawaaqay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Prof : Xasan Sheikh Maxamuud .

 

Madaxweynaha ayaa dhawaanahanba waxaa laga sugayay in uu soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya si uu isna u soo magaabo Xukuumad uu yaasho Dalka

 

http://www.risaala.net/view.php?id=8396

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah: Madaxweynaha Soomaaliya oo u magcaabay Raysal wasaare Saacid Faarax Garaad.OCTOBER 6, 2012 17:53 5 COMMENTS

 

 

Saacid Faarax Garaad waxaa loo magcaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed ayaa goor dhow magacaabay Ra’isulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

 

Waxaa lagu magcaabay Raysal wasaaraha cusub xaflad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka & Saraakiil ka socotay beesha Caalamka.

 

Waa Raysal wasaarihii 5-aad oo Soomaaliya yeelato tan & markii Dowladda Federlaaka lagu soo dhisay sanadkii 2004 wadanka Kenya wuxuuna xilkaas kala wareegi doono Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo horay u hayey.

 

Ilaa xalay waxaa la isla dhex marayey warar sheegaya in Saacid laftigiisa loo magcaabi doono Raysal wasaare arrintaas oo maanta si rasmi ah u cadaatay.

 

Waa shakhsi ku cusub siyaasada Soomaaliya mase aha markii ugu horaysay ee uu u ordo xilkaas horay Madaxweyne Shiriif Sh. Axmed ayaa la sheegay inuu u balan qaaday inuu xilka Raysal wasaare u magcaabi doono kadib markii uu is casilay Raysal wasaare Sharmaarke sanadkii 2010 hase ahaate markii danbe wuxuu Madaxweyne Shiriif go’aan saday inuu xilkaas u dhiibo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 

Wuxuu ku yimi nidaamka 4.5 isagoo ka soo jeeda Beesha ********* oo ka tirsan beelaha ******* .

 

Shaqooyinka ugu muhimsan ee horyaal.

 

Raysal wasaaraha cusub waxaa horyaala hawlo badan ayna u horeeyaan inuu soo dhiso Xukuumada tayo leh oo hogaamisa Dalka 4-ta sano ee soo socota.

 

Intixaanka ugu weyn ee hada horyaala Raysal wasaaraha cusub waa go’aankii uu ka qaadan lahaa xaaladda Gobolada Jubooyinka oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda oo taageero ka helayey kuwa Kenya deegaanadaas oo hada la qorsheynayo in Maamul Goboleed loo dhiso waloow beesha uu asal ahaan ka soo jeedo Raysal wasaaraha cusubi ay si weyn uga biyo diidan tahay sida hada loo wado qorshayaasha lagu soo dhisayo maamulkaas.

 

Jawaabta Puntland.

 

Raysal wasaaraha cusubi kama soo jeedo dhanka Deegaanada Puntland oo si weyn loo hadal hayey in jagadaas loo magcaabo shakhsi ka soo jeeda Deegaanadaas lamana oga jawaabta ay ka bixin doonto Xukuumadda Puntland oo iyadu horay genefka ugu dhufatay magcaabidii Raysal wasaarihii hore ee Farmaajo oo ay isku beel ka soo jeedaan Raysal wasaaraha cusub.

 

Magcaabidii Raysal wasaare Farmaajo kadib Xukuumadda Puntalnd waxay si cad u sheegtay in xilkaas ay lahaayeen siyaasiyiinta reer Puntland taas oo dhalisay khilaaf baahsan oo soo kala dhex galay TFG & Puntland markii danbena ku soo dhamaaday in meesha laga saaro Raysal wasaare Farmaajo laguna bedelo Raysal wasaaraha hada wakhtigiisii dhamaaday ee Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

 

Shiine Culay

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaarihii la sugayay

 

Sabti, Oktoobar 06, 2012(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor dhaweyd soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo muddo bil ku dhow soo magacaabiddiisa laga sugayay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasi oo ah nin ganacsade ah oo degan dalka Kenya, isla markaana la soo shaqeeyay hay'adaha samafalka. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka mid ahaa musharrixiintii isu soo taagay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay madaxweynaha ka wada tirsanaayeen isbaheysi ay ku bahoobeen xisbiyo isbedel-doon ah.

 

Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maalmo kaddib la hor-geyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya si uu codka kalsoonida u siiyo, kaddibna waxaa ooga fadhiyaa in uu soo dhiso xuuumad tayo leh oo afarta sano ee soo socota gudata waajibaadka horyaalla ee ah in ay dalka iyo dadka ka bixiso dhibaatada ay ku jiraan.

 

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Ra'iisal Wasaaraha cusub, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa munaasabadda magacaabidda ka hadlay, waxayna ra'iisal wasaaraha cusub u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilka loo magacaabay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Good luck to the new PM, I don't know how competent or qualified he is, we will find out soon, but for now it's not fair to write him off!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Congrats to our new prime minister Cabdulqaadir Faarax Shirdoon. Now it is time to focus on moving beyond the turmoil of the past two decades. Somalia ha nolaato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Congrats to the newly elected PM...I think Gabaal was on the money predicting all along that the man will be from his corner....hahaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this