Sign in to follow this  
Somalia

Barre Hiiraale Is Coming: Game of Kismayo Begins

Recommended Posts

Somalia   

Nairobi (RBC) Warar Shabakada Raxanreeb ka soo gaaray deegaanka Faafax Dhuun ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay soo gaareen ciidamo uu wato Col Barre Aadan Shire “Hiiraale” kuwaasoo ka soo dhaqaaqay magaalada Garbahaarey.

Ciidamadan uu wato Barre Hiiraale ayaa la sheegayaa inay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyo kala duwan oo ay ugu deeqday dawlada Ethiopia, waxaana warar ku dhow Barre Hiiraale ay xaqiijinayaan inay ku sii jeedaan dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo dagaalo ay ku dhexmarayaan ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Raskambooni.

 

Col Barre Hiiraale oo dhowr bilood sanadkan ka mid ah u xirnaa ciidamada Ethiopia kadib markii ay isku qabteen hawlgalada ka socda gobolka Gedo ayaa hadda u muuqda in isaga iyo saraakiisha Ethiopianka ay heshiis yihiin, waxaana saraakiil ku sugan magaalada Garbahaarey ay Raxanreeb u sheegeen in maalmo ka hor intuusan Barre ka soo dhaqaaqin Garbahaarey uu kulamo la soo qaatay saraakiil Ethiopian ah oo aan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen.

 

Ciidamada uu wato Barre Hiiraalr ayaan wax war ah aysan ka heyn saraakiisha Dawlada Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka iyo Ciidamada Kenya ee hormuudka ka ah dagaalada mudada sanadka qaatay ee ka socda gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.

Barre Hiiraale ayaa sanadihii u dhexeeyay 1999 illaa 2006 ka talinayey magaalada Kismaayo xilligaasoo uu gudoomiye u ahaa isbahaysigii Dooxada Jubba ee fadhigiisu ahaa magaalada Kismaayo ka hor intii aysan dagaal uga qabsanin ururkii Maxkamadaha Islaamiga sanadkii 2006 dhamaadkiisa.

 

Loolanka Kismaayo

 

Tan iyo markii uu soo dhowaaday duulaanka Kenya ee ku wajahan magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa dhanka kale soo baxayey loolan adag oo qabqablayaal, maleeshiyaad iyo qabiilo kala duwan ugu jiraan inay ku hantaan ama ay wax ku yeeshaan awoodaha la wareegi doona Kismaayo kadib Al-Shabaab, waxaana dhaqaaqa Col Barre Hiiraale uu qeyb ka yahay “loolaanka dhinacyada kala duwan” ay ku jiraan.

 

Sidoo kale ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolka Juubada Hoose ka mid ah ka soo qulqulayey maleeshiyaad beeleedyo kala duwan oo mid kasta dhinaceeda isu abaabushay si ay uga qeybgasho “loolanka awoodeeda ee Kismaayo’ iyadoo summada guud ee lagu dagaal galayo ay tahay “la dagaalanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida”.

 

Dad badan ayaa qaba in qabsashada Kismaayo kadib ururka Al-Shabaab ay keeni karto khilaaf dhiig ku daato oo markale ka qarxa magaaladaasi haddii aysan dawlada cusub ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo kuwa Kenya ka tirsan yihiin aysan la iman qorshe lagu xakameynayo maleeshiyaad beeleedyada isgarbinaya ee ku sii jeeda Kismaayo oo ah magaalo muhim ah oo ku taalla koonfurta dalka.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I don't think so. We will soon see AMISOM arresting any warlord that attempts to jeapordize restoring peace in Lowe Juba. Somalia is not like it used to be few years ago. I don't think that the new president will take maalayacni too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;871321 wrote:
This is not game. There are lives at stake.

 

This isn't game this is pure proxy war of strategic geopolitical and economic interest. the Somali needed respite is far from near

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

It's obvious AMISOM will administer the city, but this is an interesting development in the Game of Kismayo. Some clans seem to have the backing of AMISOM while others, no so much.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

barre hiirale should retire from politics and with his friend like Qanyare, Suudi yalaxow and Moorgan, because the time of warlord-ism has passed .

Share this post


Link to post
Share on other sites

UZTAAD;871409 wrote:
barre hiirale should retire from politics and with his friend like Qanyare, Suudi yalaxow and Moorgan, because the time of warlord-ism has passed .

The issue here is not about the relevancy of the bygone warlords but who is this trying to resuscitate them? and why?

 

Is Kenya's Johny come late into AMISOM a blessing or a curse for this region?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The International Criminal Court and the (AU,EU,US) should start issuing warrants on all these warlords if they start to go back their old ways. If they don't reform themselves then their lives should be forfeited.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Kenya is playing positive role there by supporting the Somali troops or so called Azania and their enemy is alshabab. Kenya wants shabaab be eliminated, they dont support warlords. there should be inclusive administration there after alshabab is defeated not clan militia

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Hiraale dooni mayno af gaduudna dooni mayno madoobana dooni mayno muunyana dooni mayno

Maan qabqablayaalka loo duceeyo, ama laga tashado, intaan amisom iyo kenyati dhidid badan daba socon lahayn.

Meeshaan dawlad xaq iyo xoog wax ku xalin kartaa ma joogtee qolo walba warlord'keeda ha u yeerto si loo heshiiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this