Sign in to follow this  
Macallinka

President Shari - Farmaajo did not take no Money

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Kooxda daba galka Qaramada Midoobey ee Monitoring Group inay ka mid yihiin Cadawga Soomaaliya, isagoo si kulul uga jawaabay warbixintii dhowaan ay soo saareen, kaasoo madaxda dowladda ay ku eedeeyeen inay lunsadeen lacago fara badan oo deeq ahaan u heshay.

 

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu Madaxweynaha ka jeediyay Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay in mar kale xilka madaxtinimada uu qabto, isla markaana daah fur u aheyd ololihiisa doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux, oo isugu jiray Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Wasiiro, Odayaasha dhaqanka, salaadiinta, Imaamyada, Qeybaha bulshada iyo Ururada Haweenka.

 

Munaasabadan oo aheyd tii u horeysay nooceeda ee Muqdisho ka dhacdo ayaa lagu soo beegay, iyadoo muddo 33-cisho ka harsan tahay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo la qabanayo 20-ka bisha Agosto.

 

Ka qeyb galayaasha Munaasabada ayaa watay boorar ay ku xardhanaayeen sawirka Madaxweynaha, sidoo kale haween xirnaa dharka hidaha iyo dhaqanka, Fanaaniinta Hobolada Waabari oo suugaano kala duwan soo bandhigay iyo ruwaayado ka turjumeysay waxqabadka Madaxweynaha mudadii uu xilka hayay iyo inuu mar kale sii qabto Xafiiska Madaxweynaha.

 

Ugu horeyn waxaa Khudbadaha ka jeediyay Munaasabada oo muddo ka badan lix saacadood ka socotay Hotelka City Palace, Mas'uuliyiin, Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada iyo Imaamyada, kuwaasoo taageeray in Madaxweyne Shariif sii haayo xilka, isla markaana dib ugu soo laabto kursiga Madaxtinimada, iyagoo qaarkood si dhoola cadeyn ah u sarbeebay in muddo 10-sano hada soo socota uu xilka sii haayo, maadaama uu nin dhalin yaro ah.

 

Isagoo wajigiisa ay farxad ka muuqato, hareerahana ay ka fadhiyeen Marwooyinkiisa ayuu u cadeeyay taageerayaashiisa in wali diyaar u yahay, in isagoo dhalinyaro ah Soomaaliya gaarsiiyo mustaqbal iftiin leh oo lagu gaaro dowladnimo, midnimo iyo xasilooni.

 

"Waxaan u baahanahay inaan xaqiijino mustaqbal umada Soomaaliyed ay leedahay oo iftiimiya,dadka dhalinyarada aan dhaho aniga ugu yarahay, waqti badana ka soo lhumay, wali dowladnimo ma arkin dowladnimo lagu mushaaxo waqtigeena hada joognaa.

 

Madaxweyne Shariif ayaa dalbaday in fursad la siiyo, si dalka ay u gaarsiiyaan mustaqbalka jiilka cusub ee da'da yarta ah inay xilka kala wareegaan, isla markaana aanay diyaar u aheyn inay meesha iska joogaan sida uu yiri

 

"Waxaan u baahanahay in fursad nala siiyo, anaga mustaqbalka insha allaah waxaan u diyaarineynaa kuwo naga yar yar iyo caruurteena meesha iskama joogi doono, baahida dowladnimo loo qabo anagaa fahamsan, odayaasha waxaa laga yaabaa inay ku soo noolaayeen daruuf aad u fiican, anaga waxaa la kulanay qub iyo qac, waan u diyaarsanahay inaan sikin aan beel dareyn fursadaas, waxaan rabnaa inaan ka faa'ideysano gododkii dadkii naga horeeyay ay ku dhaceen, si aan qaranka naga dumin mar kale"ayuu yiri Madaxweynaha oo aad u dhoola cadeynayay.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku hogaamiyo dareen Soomaalinimo, Mas'uuliyadeedn iyo dareen wadaniyadeed, isagoo tilmaamay inay maskaxda ku heyn doonaan in xisaab alle ay xagiisa lagala hortagi doono.

 

"Waxaan rabnaa howshii aan soo bilownay in aysan dhexda ka kala go'in oo aan shacabka Soomaaliyed gaarsiino, doorashooyin xor ah, degmo kasta iyo gobol kasta sanaadiiq in la dhigo, oo dadka ay ku doortaan, sidaas rabnaa insha allah"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Mar uu soo hadal qaaday warbixintii ka soo baxday Kooxda Monitorin Group ayuu mar kaliya afka kala furtay, isagoo ku tilmaamay Kooxdaas inay ka mid yihiin Cadawga Soomaaliyed, isagoo meesha ka saaray inay lunsadeen hanti.

 

"Kooxdan la yiraah Monitoring Group, hada Report soo saartay waxay ka mid yihiin cadawga umada Soomaaliyed, 20-kii sano la soo dhaafay Repor ma sameeyeen, maxaa diiday inay baaritaan u sameyn waayeen, dadaa la dhacay dad ayaa la dilay, dadka la kufsaday balaaya dhacday, wax repor ay ka sameeyeen ma jiraan, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti, boqol doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadeyno oo noo muuqata ma jirin, Ganacsatada u yeernay Hotelada Isbaheysiga aan aheyn waxaa lagu leeyahay deen, dowladii mas'uuliyadeeda la wareegnay deyma lagu leeyahay, lacaga ka deensanay soomaalida, halkan ayaa nimid Malyan iyo labo boqol kun ka deensanay, inlee wax wax lagu dhaqaajiya la la'yahay"ayuu si kulul u yiri.

 

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada qaar ay wali deymahooda ka maqan tahay, isla markaana aan la siin, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay Warbixinta oo ujeedadeeda aheyd in dowladda lagu bur buriyo.

 

"Madaxda dowladda waxaa mas'uuliyad saaran, in xoolaha shacabka inay ilaaliyaan, sharafkooda inay ilaaliyaan, dowladnimada ka shaqeeyaan, qofkii ka leexdana waa qof naftiisa qiyaanay, waxaa ku jira Repor waxyaabo aan rabo inaan wax ka sheego oo aan cadeeyo, matalan, lacago dowlado kala duwan ay na siiyeen oo la yiri lacagahaas waa maqan yihiin, waxaa fiicnaan laheyd maanta inuu joogo xisaabiyaha guud ama Bankiga, waxaa ka mid ah lacag laga keenay Cumaan, saddex milyan ayay aheyd, waa la keenay, waxay ku baxday kuligood shaqada dowladda, qeyb waxaa lagu bixiyay deymihii lagu lahaa ciidamada, qeyb waxaa lagu bixiyay baarlamaanka, qeybihii kale waxaa lagu bixiyay adeegihii kale ee shaqo, Bankiga ayaa martay"ayuu yiri Madaxweynaha oo ka jawaabayay eedeynta ku aadan lacagaha dowladda ay lunsatay.

 

Mar uu soo hadal qaaday lacagaha lagu eedeynayo in Xukuumadii Farmaajo lunsatay, isagoo tilmaamay in aanay waxba ka jirin.

 

"Waxaa ka mid ah lacag lagu eedeeyo Ra'isal wasaare Farmaajo, ayadoo culeys jiray ayay soo gashay, qeybo ka mid ah ayadoo Bankiga marin la isticmaalay, maxaa yeelay dhibaato ayaa jirtay, qeybana waxaa la mariyay Bankiga, hadii Bankiga aan la marin waa maamul xumo sax, laakiin go'aanka dowladda is ka leh"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha ayaa tibaaxay in warbixintan lagu soo aadiyay xilli is bedel ka jiro Soomaaliya, isla markaana warbixintii ka horeysay ee Qandaraaslayaasha hey'adaha gar gaarka lagu eedeeyay inay musuq maasuqaan raashinka iyana la musuq maasuqay, taasoo uu xusay inay joojisay kaalmadii laga heli jiray dowladaha caalamka, isla markaana ay ka dhalatay macluushii inay baahdo.

 

"Waxaan rabaa inaan idin sheego in arrintan lagu soo aadiyay Soomaali is bedel ka jiro, warbixintii ka horeysay waxaa lagu soo aadiyay xilli Soomaaliya ka jireen Abaaro, report waxaa ku jira hey'adaha gar gaarka bani'aadanimada, ee UN-ka u shaqeeya iyo dad soomaaliyed ganacsato in lagu eedeeyay, inay wax musuq maasuqaan ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab taas waxay dhalisay dowladihii deeqda bixinayay, inay joojiyaan deeqdii maxaa ka dhashay, macluushii inay baahdo ay dadka dhintaan ka dhashay, kana waxaa la rabaa in dowladda inay bur burto"ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif.

 

Ugu dambeyn munaasabadan ballaaran ee uu Madaxweynaha afka ku kala furtay ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxda dowladda lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago malaayiin oo deeq ahaan dowlado uga heshay, waxaana socda xilligan ka gudbista xilliga kala guurka iyo doorashada madaxtinimo Soomaaliya oo dhaceysa 20-ka bisha Agosto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting , PM Gas is accusing his former friend Farmaajo of taking some money while Sharif is defending him with prove. I doubt Mr Gas can prove anything , he just wanted to drag Farmaajo into this mess !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Abdiweli has stated that transactions were done through PricewaterhouseCoopers, so we will know who stole.

 

And Sheikh Shariif is running against Abdiweli, so what a surprise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Macalinka, I came across this article. Read it

 

 

 

Mahiga: Eedeynta Loo Jeediyey Madaxda DKMG Beenin Kaliya Kuma Filnaan Doonto ee Cadeyn Waa Inay Keenaan

 

Nairobi (RBC) Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga ayaa maanta sheegay in madaxda DKMG ah looga baahan yahay inay iska soo cadeeyaan eedeymaha loo jeediyey ee ku jiray warbixintii ay soo saareen kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaano Monitoring Group. Akhri warbixinta

 

“Kuma filnaan doonto loo kaliya inay iska beeniyaan ee waa inay keenaan cadeymo xoog leh oo ay isku difaaci karaan” ayuu yiri danjire Mahiga oo la hadlay idaacadda BBC maanta.

 

Wuxuu sheegay inuu arkasy eedeymaha ku jira warbixinta ka kooban 198 bog ee ay faafiyeen kooxda Monitoring Group oo ah koox madax bannaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan raadraaca xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

 

Eedeynta Madaxweynaha

 

Mahiga oo la weydiiyey in warbixinta guddiga ay ku jirto eedeyn xoogan oo ka dhan ah madaxweyne Shariif taasoo tilmaameysa in madaxweynuhu xiriir la leeyahay hogaamiyaal burcad badeed ah qaarkoodna uu siiyey baasaboorada diblomaasiga.

 

“Waa arin welwel leh, waxaana madaxweynaha laga rabaa inuu iska difaaco oo daliil cadna uu ku dhiso difaaciisa, haddii kale waxay noqoneysaa in Golaha Amaanka loo gudbiyo” ayuu yiri Danjire Mahiga.

 

Waqtiga eedeynta iyo doorashada

 

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in isaga laftiisa uu ka welwelay eedeymaha culus ee ka dhanka ah madaxda DKMG Soomaaliya kuwaasoo lagu soo beegay waqtigan doorashada ay soo dhowdahay isla markaana madaxda laftooda ay hadda sharaxan yihiin.

 

“Waa taas mida anaga lafteena walwalka nagu beertay, laakiin waxaa jira dad kale oo isa soo sharaxi doona” ayuu yiri Augustine Mahiga.

 

Hadalka ergeyga Qaramada Midoobay ayaa soo baxay iyadoo masuuliyiinta ugu sareysa dawlada KMG Soomaaliya ay dhex dabaalanayaan eedeymo harqiyey xafiisyadooda taasoo ka dambeysay warbixin fadeexad ah oo ay siidaayeen kooxda Monitoring Group oo shaaca ka qaaday kiisas musuq iyo wax isdabamarin ah oo ka dhacay xafiisyada ugu sareeya ee dawlada.

 

Illaa hadda waxaa eedeymaha ka jawaabay iskana beeniyey raysul wasaarihii Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, & raysul wasaare C/weli Gaas oo ku jira ragga la eedeeyay, halka madaxweyne Shariif, Shariif Xasan, iyo C/raxmaan Faroole aysan weli ka jawaabin eedeymaha loo jeediyey.

 

Dhanka kale Maalinta Khamiista ee berito oo ku beegan 19-ka July ayaa lagu wadaa in warbixinta eedeynta ah ee ka dhanka ah madaxda DKMG Soomaaliya la hordhigo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay si ay go’aan uga gaaraan aakhirka bishan July.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Where did the money go? It happened during his administration, and the man has no answer, while Abdiweli has provided his statement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Macallinka;851916 wrote:
Interesting , PM Gas is accusing his former friend Farmaajo of taking some money while Sharif is defending him with prove. I doubt Mr Gas can prove anything , he just wanted to drag Farmaajo into this mess !

he didn't say farmajo took money pesonally. he said the money disaspeared during that time farmajo was pm. there are lot of tuugs around tfg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ The money went through the central bank and that is why the Monitoring Group didn't go further to accuse Farmaajo except say that Abdiwali told them so. So Let Abdiwali prove that the money was miss managed by Framaajo administration in which he was a part of it?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Macallinka;851927 wrote:
^^^ The money went through the central bank and that is why the Monitoring Group didn't go further to accuse Farmaajo except say that Abdiwali told them so. So Let Abdiwali prove that the money was miss managed by Framaajo administration in which he was a part of it?

You don't even know the facts, they couldn't contact the Central Bank, they effecitively wrote that they "couldn't be reached", meaning they were being avoided.

 

Abdiweli doesn't have to prove jack, he has stated that the money went missing during Farmaajo's administration and he is 100% right.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ yeah walaal. It seems they are all accused. Allow sahal.

 

Abdiweli doesn't have to prove jack, he has stated that the money went missing during Farmaajo's administration and he is 100% right.

You sound like ilma yar lool@ does not have to prove a jack. He is a PM he has to, he is not above the law.

 

They have to all bring strong evidence that they are innocent. A statement of denying the allegation does not cut it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Farmaajo took 2 million for 5 months of work. That's like a bonus of 20.000 dollar a day on top of his salary

 

Talk about corruprion. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this