Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga

Recommended Posts

Abwaan   

Cimaamadda ma waxaa ku jira xoogaagii loo siinayey dadka uu Itoobiya u soo gacan geliyey?:D Midda ugu daran waxayba tahay kii Caalin ahaana wuu duufsaday oo mar dhow halla yaabina Galmudug oo Itoobiya dad u gacan gelineysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan;843567 wrote:
Midda ugu daran waxayba tahay kii Caalin ahaana wuu duufsaday

Adi maxa ka fileysaa madaxweyne markuu shir aadayo lifti uu siiyo Faroole.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

A_Khadar;843607 wrote:
Somalia, Now I know why Somalina called you Osmano...

No you don't, you don't know anything about our complex relationship, we had our ups and downs, but we managed. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MoonLight1;843590 wrote:
Adi maxa ka fileysaa madaxweyne markuu shir aadayo lifti uu siiyo Faroole.
;)

Iyaga dhan baa lift la wada siiyaa wax ay madaxweyneyaal ka ogyihiin maleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Puntland oo Heshiis Iskaashi la Saxiixday Dowladda Deegaanka Somalida ee Dalka Ethiopia.[War-saxaafadeed]

 

June 21, 2012

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda Deegaanka Somalida (DDS) ee dalka Ethiopia.Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Farole ka soo wada duuleen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimce 15 June 2012, iyadoo Madaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

 

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Farole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Ahmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdi Farax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo sooagaasime.

 

Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas’uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin (presentation) ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaanada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.

 

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Puntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisa dhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun arday Somali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka (Health College), halkaasoo Madaxweynaha Puntland uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa’idaysanaya.

 

Wafdigii Dowladda Puntland oo uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Cabdifatax Maxamud Xasan ayaa kulan balaaran la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee DDS iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqanka iyo isu dhowaanshaha iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah.

 

Maalintii Isniinta 18 June 2012 ayaa waxaa Heshiis Guud si wadajir ah u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Farole iyo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia Mudane Cabdi Iley, iyadoo heshiiskaas uu sii xoojinayo heshiiskii Puntland iyo DDS ay wada saxiixeen 27 June 2010, waxaana Heshiiska Guud lagu xusay arrimo muhiim ah ayna ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga sharci-darrada ah (Security and IlegalTrade); Dhiirigalinta Ganacsiga Sharciga ah (Lawful Commerce); iyo Iskaashiga Guud ee arrimaha Horumarinta sida biyaha, waxbarashada, iskaashiga xilliyada xaaladda degdega ah sida masiibooyinka dabiiciga ah (General Cooperation on Development Affairs).

 

Safarkii Wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Dr Cabdiraxman Farole ayaa guul ku soo dhamaaday iyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wadashaqay need ee arrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS. Wafdiga Puntland ayaa maalintii Talaado 19 June 2012 gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Somalida ee laxiriiray Geedisocodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka, si dalka Somalia u helo Dowlad rasmi ah.

 

— END —

 

Communications Office

The Puntland Presidency

Office: +252 90 794312 / 790999 / 794040 / 799128

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this