Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Haatu   

Carafaat;908183 wrote:
Che, is from the Ethiopian branch of the trinity.They are well known to oppose evrrything. Che is an clear example.
:D

You got that damn right. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I cant think of Che being a Puntian it just doesn't fit my mind he has not the characteristics of a Puntian i initially thought he was Carabta Salax the dhibic shan, but related to the larger tribe Laakin wa ciyaala xamaro. But the guy is also not a fan of Arab sheikhs flying on carpets so that leaves the smaller clans in Puntland. But he is no original Puntian or those Wardheer Puntians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

PROF. JAWAARI: “Wadahadallada Dowladda Somalia iyo Somaliland waxay qayb ka yihiin Qorshaha Qaran ee dib u heshiisiinta”

 

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay ay soo dhaweynayso wadahadallo walba oo nabadeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida ay kusoo biiraan qorshaha nabadeed ee socda.

 

Isagoo u warramayay wakaaladda wararka Iiraan ee FNA ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya soo dhaweynayaan shirka bisha May ee sannadkan lagu qaban doono magaalada London.

 

“Wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland waxay ka mid yihiin qorshaha Qaran ee dib u heshiisiinta, sannadkan waa sannadkii midnimada, barwaaqada, isku-tiirsanaanta iyo walaalnimada, weliba waa sannadkii is-cafinta iyo isi-saamixidda,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

 

Isagoo intaas ku daray: “Waxaan doonaynaa inaan dhisno Soomaali mid ah, dowladda Soomaaliyana waxay soo dhaweynaysaa wadahadlalada lagu qaban doono London bisha May.”

 

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaankuba ay taageerayaan qorshayaasha lagu xallinayo arrinta Al-shabaab iyo sidoo kale qorshaha lagu dagaalamayo Al-Qaacidada ku sugan dalalka Afrika.

 

Xubnaha ururka Al-Qaacida ee ku sugan gudaha dalka ayuu sheegay inay dowladdu ugu baaqay inay hubkooda dhigaan ayna aqbalaan qorshaha nabadeed ee Qaran.

 

Dowladda Britain ayaa marti-gelinaysa bisha May ee sannadkan shir looga hadlayo arrimaah Soomaaliya, kaasoo ay dalalka deeqaha bixiya kasoo qayb-geli doonaan; wuxuuna daba socdaa shirkii bishii Feberaayo ee sannadkii hore lagu qabtay dalka Britain.

 

Maamulka Somaliland ayaa horay uga qayb-galay shirkii Feberaayo 2012 lagu qabtay dalka Britain, kaasoo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yeeshaan wadahadallo ay arrimahooda siyaasadeed ku xallinayaan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in Somaliland ay qayb ka noqoto dowladda Soomaaliya, halka ay Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isku-taaggeeda sannadkii 1992 ay weli doonayso inay noqoto dowlad gooni ka ah Soomaaliya inteeda kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whats hiiraans problem Somaliland independence declaration was done in 1991 may 18 , not 1992 i have seen them making that mistake several times. We welcome the talks says Jawaari but want to restore the Union, Somaliland insists to be an independent state ,some one will make a huge compromise lets see how it goes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Waa Qaran Somalia Ka Da’ weyn Oo Dawladnimada Ka Hor-qaatay” Guddoomiye Cirro

20130117114958.jpgWaxa kale oo uu GudDoomiye Cabdiraxmaan Ciro sheegay inay soo dhawaynayaan madaxda iyo.............

 

Hargeysa (GNS) -Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa sheegay in qaranimada Somaliland Madaxbanaanideeda aan wax gorgortan iyo wada hadal ah laga gali karin, waxaanu tilmaamay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia haddii ay la gole yimaadaan midnimo masuuliyiinta Somalia ay taasi soo dedajinayso in wada hadaladu fashilmaan, waxaanu intaa ku daray in siyaasada qaranimada Somaliland ay tiir dhexaad u tahay aftidii shacbiga Somaliland ay ku ogolaadeen gooni isku taaga 97%. Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa kale oo uu sheegay in wixii taabanaya masiirka qaranimada go’aan wada tashi ay ka qaadanayaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada siyaasadu.

 

Waxa kale oo uu GudDoomiye Cabdiraxmaan Ciro sheegay inay soo dhawaynayaan madaxda iyo taageerayaashii ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanadu inay ku soo biiraan xisbiga wadani, taas oo uu tibaaxay in qaar ka mid ah ururadii hadhay uu wada hadal dhexmaray.

 

Gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, ugu horayna gudoomiyaha oo aanu waydiinay hadalada ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Somalia ee uu ku sheegay in wada hadalada Somaliland ay ku doonayaan midnimo dhexmarta labada dal, isagoo ka hadlayana arrinkaasina waxa uu yidhi “Somaliland waa qaran Somalia ka da’ weyn oo dawladnimada ka hor qaatay, waa qaran markii hore ikhtiyaarkiisa ugu biiray Somalia, waa qaran markii danbe-na shacbigiisu go’aansaday inay kala soo noqdaan qaranimadoodii iyo madaxbanaanidoodii 18-kii May 1991-kii, waa qaran doonaya in daris wanaag lala wadaago dhamaanba dawladaha jaarka ah, Somaliland waxay ogolaatay sanadkii hore in Somalia lala hadlo, laakiin siyaasada somaliland waxaa tiir dhexaad u ah aftidii laga qaaday shacbiga Somaliland ee 97% ay ku ogolaadeen madaxbanaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, taasaana lagu heshiiyay oo aan qarsoodina ahayn in loo wada hadlo Somaliland iyo Somalia, ujeedo kaliya ayay ka lahayd beesha Caalamku ay joogaan in qadiyadeeda ay ka hadasho, Somaliland wada hadalada waxay ka rabtaa Somaliland oo madaxbanaan iyo daris wanaag, Somalia haday midnimo ka rabto somaliland dee waa arrin u gaar ah Somalia ama madaxweyne ha yidhaahdo ama raysal-wasaare ha yidhaahdo waxaa lama taabtaan ah inm shacbiga Somaliland ay ku go’aansadeen madaxbanaanidooda aftidii lagu go’aamiyay in Somaliland ay gooni isku taagto, aftidaasina cid badali kartaa ma jirto”.

 

S: Golayaashiina Baarlamaanku miyaydaan door ku lahayn inaydin kala qayb qaadataan xukuumada wada hadalada Somalia maadaama ay tahay arrin qaran?

 

J: Qaran ahaan xukuumadaynu wakiilanay, laakiin talada qaranka waa la wada leeyahay golayaasha qaranka ha noqoto, wixii masiira ee weyn waxay noqonaysaa in laga wada tashado ama golayaasha qaranka ha noqoto ama axsaabta qaranka ha noqotee.

 

S: Gudoomiye ma noo sheegi kartaa mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga wadani maadaama uu noqday xisbigii saddexaad ee u soo biira xisbiyada qaranka?

 

J: Wadani waxa uu noday xisbigii saddexaad ee ku soo biira axsaabta Somaliland tobankii sano ee u dambeeyay waxa uu noqday guri dambayskii Somaliland, waa xisbi aanu ugu baaqayno ururadii aan ku guulaysan xisbinimada madaxdoodii iyo taageerayaashoodii inuu u furan yahay, oo uu qofkastaa xubin iyo madaxba ka noqon karo, waa xisbi doonaya inuu ummada mideeyo oo dalka horumarkiisa ka shaqeeyo, mustaqbal fiican baanu rajaynaynaa, mahada horena Ilaahay baa iska leh ta dambena shacbiga Somaliland ee iyagu doortay inay codkooda siiyaan xisbiga wadani, sababna waxa u ahaa guusha uu xisbiga wadani keenay shacbiga reer Somaliland.

 

S: Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah ururadii ku hadhay doorashada ay idiin socdaan wada hadalo ku saabsan sidii xisbiga wadani ay ugu soo biiri lahaayeen, maxaa ka jira?

 

J: Ururadii aan guulaysan waanu soo dhawaynaynaa, qaar aanu wada hadalnayna way jireen, laakiin natiijada waxa laga arki karaa marka ay soo baxdo.

 

S: Haddii dawlada Somalia ay wada hadalada Somaliland la gole yimaadaan midnimo Soomaaliyeed oo mawqifkaasi ay istaagaan maxaad ka odhan lahayd?

 

J: Taasi waxay ila tahay waxay soo dhawaynaysaa in wada hadalku fashilmo, balse Somaliland madaxbanaanideeda cid gorgortan iyo wada hadal lagala galayaa ma jirto, cid badali kartaana ma jirto masiirka shacbiga, qaranimada Somaliland-na waa lama taabtaan”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland speaker of parliament response to Jawaari speaker parliament of Somalia.. Somaliland is older than Somalia and that Somaliland statehood is not negotiable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NO to Somaliland's Blackmail to

 

the London Conference

By Osman Hassan

Jan. 18, 2013

 

The minister for "foreign" affairs of the one-clan secessionist enclave calling itself Somaliland is reported to have raised unacceptable condition amounting to blackmail for their participation in the forthcoming London talks between the government of Somalia and its northern region (former British Somaliland). According to press reports, the minister was quoted as threatening their boycott of the forthcoming talks in London if representatives of the federal government include anyone hailing from the north (former British Somaliland). He claimed their position on this matter was accepted at the previous London conference in February 2011 and also at a subsequent meeting in Dubai between their leader, Siilaanyo, and the former Somali president, Sheikh Shariif Ahmed. If that is the case, where is the proof and, if he has one, what is the point of his spurious threat? The answer, of course, is that the minister has typically taken liberties with the truth as he has so often done in the past.

Making baseless assertions to serve their propaganda for the enclave has been the minister's trademark. But even by his usual standards, he has gone over the top this time when he comes up with this bizarre claim and presumably still keeps up a straight face. Doesn't he know we are not in the dark ages and that the facts in this day and age are common knowledge and incontestable. Either he has short memory when it suits him, or believes others have none. The fact of the matter is that there has been no agreement between the host country (UK) and the principal parties (Somalia government and Somaliland delegates) as to the region or clan composition of their representatives to the conference. Each side was free to select its allotted representatives without any dictation from the other side.

 

It is for this reason that the federal minister of education, Prof Ahmed Aideed Ibrahim, who hails from the Khatumo State of Somalia (based on the regions of Sool, Sanaag and Cayn), was one of the key representatives of the federal government at the conference, seated close to this very minister without any objection from him, and if anything radiating visible cordial body language. As for the meeting in Dubai, it was nothing more than an improvised informal rendezvous whose purpose was merely to reaffirm the continuation of the talks but otherwise did not engage in anything of substantive or procedural significance contrary to the minister's characteristic spinning.

 

What is always predictable about the minister is his irresistible penchant to hector the international community to imbibe their false mantra as fact: that his clan, masquerading as a separate independent country, is the sole representative of all the other four clans in the northern territory of Somalia. Seen through their distorted prism, they will deny, or else count as of no consequence, the fact that these other clans remain vehemently unionists and indomitably opposed to the secession, as witnessed by the armed struggle raging in the Khatumo State of Somalia over the last 3 years. It is their way that counts and nothing else. And when their dictate is challenged on the ground in the unionist regions, their answer is occupation and repression; and when they sense they may not have their way at the international arena, they resort to oral threats and ultimatums in lieu of physical force.

 

This narcissistic self-righteousness - that their wishes are special and as such should always prevail over the inalienable fundamental rights of others - has been partly fostered by fawning hired lobbyists who unfailingly painted the enclave as the jewel of the Horn, a paragon of democracy, an oasis of peace and stability deserving recognition and not to be held hostage to what they ad nauseam depicted as the "turmoil-ridden" southern Somalia. It is the combination of the work of these lobbyists and the enclave's own relentless propaganda since their declaration of secession in 1991 that has created worldwide the false impression among the less knowledgeable that the clans of Somalia's northern regions are all behind the secession. Unfortunately for them, northern unionists have woken up, albeit belatedly, to chip away at their claims, paring it to the bone for all the lies they are.

 

This patent self-righteousness has also its roots in the colonial era when the clan was the coloniser's favourite collaborator and rewarded with preferential treatment. That past special relations is being presently resuscitated by some wayward British parliamentarians who are nostalgic about their ex-colony and eager to see it splinter from Somalia and gravitate to the mother country as in the good old days. No wonder most in the enclave perceive Great Britain as having a soft spot for them and count on it to take their side when push comes to shove in their contest with the central government of Somalia. Of course, the British Government is not burdened with sentimental bag and beholden to a bygone era. What counts for it is what serves its interest best, which lies in a united and stable Somalia. By all indications, achieving this objective is the endgame of Britain's current initiatives for Somalia, unless betrayed by the Somalis themselves

 

Each time the honourable minister makes one of his absurd statements, it should be seen against the backdrop of the preceding observations. As such, the question that arises now is why he should make this disingenuous baseless claim that the previous London conference agreed on the exclusion of northern unionists from the conference, and threaten their boycott of the conference unless this phantom "agreement" is respected?

 

One plausible answer could be that they are pessimistic about the outcome of the conference and are using this concocted unacceptable claim as an exit strategy; or more likely they may see the situation to have changed considerably in their favour since the previous London conference, and see the time now as auspicious to make a pitch for the exclusion of northern unionists who, more than southern participants, are bound derail their chances of success at the conference. Their sanguine outlook is based on the support they reckon they can get from the Somali government and the United Nations Special Representative.

 

Starting with the Somali government, much water has gone under the bridge since the first London conference. This time, there is a new Somali leader, unmistakeably ambivalent about the union and oozing empathy for the secessionists; and, no less important for them is the new foreign minister who hails from their secessionist enclave and who has a history of being diehard separatist. She has not recanted, openly and unreservedly, her allegiance to the secession which is the prerequisite for accepting her true return to the fold more than a fleeting ritualistic swearing by a sympathetic Chief Judge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Both the president and foreign minister of Somalia are expected to lead their delegation to the conference. Rather than risk Somaliland's boycott of the conference, they may expediently decide to exclude northern unionists from their delegation, particularly if he/she comes from the Khatumo State of Somalia, something which is an anathema to the secessionists. If they were to do that, such an action is bound to raise credible suspicions that the president and his foreign minister are in collusion with Somaliland in this conspiracy to exclude the unionists so that Somaliland can have its way at the conference. If that was to happen, it would only confirm the persistent doubts about their commitment to the union in the first place. The president, more than Somalia, would be the casualty as he digs his own political grave.

 

More than anyone else, it is the United Nations' Special Representative to Somalia, Ambassador Augustine Mahiga, to whom the secessionists are counting on for support and that is for good reasons: in flagrant disregard of his mandate, he has gone public on a number of times to declare his support for the enclave's self-determination and recognition; and the more he got away with it, the more audacious he got with his support. Ratcheting up that support should be easier now that there is likely to be a more pro-Somaliland federal government delegation to the conference.

 

As for the talks themselves, they can be held in one of two ways: one way is for the conference to be between the Somali government and those who claim to belong to "Somaliland", the latter defined as embodying those clans and regions who claim to have seceded from Somalia. Put this way, the people from the SSC regions and Awdal are not part of Somaliland since they do not subscribe to the secession, and the fact that they have established their own States speaks volumes. As such, they have nothing to do with this "Somaliland" and the talks are purely between the federal government of Somalia and the secessionists. Even so, the northern unionist regions and their clans, as part of federal Somalia, have the same right like other regions in southern Somalia that their members be included in the federal government's delegation as happened in the first London conference. Somaliland should never be allowed to exercise veto power over this fundamental right irrespective of whatever retaliatory measures it threatens.

 

On the other hand, if the secessionists are claiming that "Somaliland" is more than one clan-based, and that the other clans and their regions, such as Khatumo, are part of it through the freely expressed will of their people, and not because they are under occupation, then that claim has to be put to the test and the only way it can be done at the London conference is for these regions and clans to send their true representatives. Somaliland can not have its cake and eat it. It can not demand self-determination and deny it to others. Nothing could portray its cynical contempt for this fundamental right than to bring their stooges to the conference, the likes of Xaabsade and Xagle, as the true representatives of the SSC people!

 

In the final analysis, no binding action on the break-up of Somalia can be taken by the president and his cohorts, at London or anywhere else. Such existential action regarding the dismemberment of Somalia will be null and void unless it has first and foremost the endorsement of the unionist people in northern Somalia; secondly, it is consistent with the constitution; thirdly, it has the approval of the Somali parliament and the cabinet; and in the end is approved by the Somali people through a referendum. It is difficult to see how the secessionists can get over the first hurdle let alone the successive ones. Going through this process is a dead end. A better one for all concerned is for the secessionists to come to their senses and return to the fold

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cawil Oo Ka Hadlay Saamaynta Somaliland Ee Aqoonsiga Maraykanka Ee Somaliya

Jan 19, 2013 Hargeysa(Cadceed)-Wasiirkii maaliyada ee xukuumadii hore Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay sida uu u arko aqoonsiga ay dawladda Maraykanku u fidisay dawladda Somaliya iyo weliba saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland iyo qadiyadeeda.

Dawladda Maraykanka ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dawladda Somaliya, ka dib 21 sannadood, waxaanay dad badan oo reer Somaliland ahi isweydiiyeen saamaynta uu aqoonsigaasi ku yeelan karo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Haddaba Md. Cawil, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, shalay wax ka weydiiyay sida uu u arko aqoonsigaas iyo isbedelka uu ku keeni karo siyaasadii Maraykanka ee Somaliland, wuxuu sheegay inaanu aqoonsigaasi dhibaato ku keeni karin Somaliland, waxase uu ku taliyay in si mug leh loogu diyaar garoobo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo sannadkan galaya wejigii labaad.

Ugu horayn Cawil, oo ka jawaabaya sida uu u arko aqoonsigaas Maraykanka ee Somaliya, wuxuu yidhi “Horta icriaafka Maraykan ee Somaliya wax cusub maaha. Markii Sheekh Shariif la doortay waa tii uu kula kulmay Nayrobi Ms. Hillary Clinton, taasiba ictiraaf ayay iska ahayd, markaas ku dhawaaqistani waa iska magac oo mar hore ayay ictiraafsanayaanee. “

Isagoo ka hadlaya dhawaaqa Maraykanku ku sheegay inuu meesha ka saari doono siyaasadii uu kula macaamili jiray Somaliland iyo Somaliya ee loo yaqaano Dual track policy, wuxuu Cawil yidhi “Tan dual track policy-gana waxaan anigu u qabay inay Koonfur ku salaysnayd oo ay u badnayd, waayo wasiirul maaliya ayaan ahaa oo wax Maraykan ina siin jiray ma jirin, sirdoonka Somaliland xidhiidh ayuu la lahaa, isna waxba kamuu helin jirin, markaas siyaasadaasi mid inaga ina soo gaadhayba may ahayn.”

Mar la weydiyay saamaynta uu ictiraafkaas Maraykanka ee dawladda Somaliya ku yeelan karo Somaliland, wuxuu yidhi “Inaga qadiyadeenu mid qarsoon maaha, waa mid culus oo 20 sanno taagnayd, taariikhdeenana la ogyahay. Adduunku wuu aqbalay inaynu wada hadalno, markii Ereteriya iyo Itoobiya wada hadlayeen 1991-kii; Maraykanku markiiba wuu ictiraafsanaa Itoobiya, waxaana socday wada hadaladii Ereteriya ay la lahayd Itoobiya, markay is afgarteen awaxba kamuu bedelin ee wuu ku taageeray.”

Cawil, wuxuu tallo ku soo jeediyay in si culus loogu diyaar garoobo wada hadalka la filayo inuu dib u furmo bisha May ee sannadkan, kaas oo dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya, “Inaga waxa weeye wada hadalkaas aynu la galayno inaynu si mug leh oo miisaan leh u wada hadalno oo walaaladeen wax badan way ogyihiinee ku qancino inaanay jirin wax kaga lumaayaa laba dawladood, waa inaynu wada hadaladaas inagu u diyaar garowno adduun weynahana la socodsiino oo aynu ku casuuno dawladaha dhexda inoo ah, wax kale oo inoo yaalaa ma jirto, dawladaas Somaliya laga dhisay haddii Maraykan ictiraaf iyo haddii kaleba inooma taalo, waxa inoo taala qaddiyadeena inaynu ku qaicino walaaladeen. Ta inoo taalaa waa aynu u diyaar garowno wada hadaladaas.”

Cawil, ugu dambayn wuxuu sheegay inuu Maraykanku mar walba diiradda ku hayay Somaliya oo uu u arkayay meel hoy u ah argagixisada, taas darteedna uu wakhtigana doonayo inuu aqoonsigaas ku dhiirigeliyo dawladda Somaliya ee wakhtigan. “Anigu waxaan qabaa mar walba mawqifkii ay Somaliland ka qabeen way ogaayeen nabadda iyo dawladnimada iyo doorashooyinkeena, mar walba iyagu Somaliyadaas ay ka baqayaan in argagixisadu ay saldhig ka dhigato oo mar walba waxay qabeen in Somaliland aanay khatarni kaga iman karin, laakiin koonfur ayay ka baqayeen, dawladaha adduunkuna meelaha ay ka baqayaan ayay inta badan culayska saaraan, markaas waa taas tay mar walba u danaynayeen Somaliya, qodobka uu aqoonsiga ugu dhawaaqayna waxa weeye dhiirigelin, waa wax gaar ah oo la xidhiidha xaasaasiyada uu ka qabo argagixisadaas.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Madaxwaynaha Somalia Waxaan Uga Digayaa Inuu Ku Dhaco Godkii Ay Madaxwayne-yaashii Ka Horeeyey, S/Land Heshiis Kulama Aha Inay La Dhisato Federaal Ah”

C/Raxmaan Cirro

 

Hargeysa, January 23, 2013 (Haatuf) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uga digay inuu maro wadadii ay Madaxwaynayaashii ka horeeyey ku fashilmeen, kaas oo kula taliyey inuu ka waantoobo waxyaabaha iska horkeenaya dalkiisa iyo dalka Somaliland.

C/raxmaan Cirro waxa uu sidoo kale uga digay Madaxda dawladda Muqdisho inay ka faaloodaan qaabka ay u dhici doonaan wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, kaas oo sheegay inaan lagaga wada-hadlay arimo la xidhiidha Mid-nimadii lagu hungoobay, isla markaana ugu baaqay in dhinac waliba uu soo diyaarsado Ajandaha uu la shir iman doono. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Aqoonsigii dawladda Maraykanku u fidisay todobaadkii hore Somalia, kaas oo ku dooday in xukuumadda Washington xaq u leedahay inay Ictiraafto cida ay doonto, isla markaana xusay inay Somaliland xaq u leedahay inuu Maraykanku aqoonsado. Guddoomiya Wakiilada C/raxmaan Ciro ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey Munaasibad wayn oo Xisbigiisa Waddani u sameeyey Hogaankii ururkii Ummadda ee hadhay oo ay ku midoobeen, taas oo ka dhacday Hutelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa. Ugu horayna isaga oo digniin u diray Madaxwaynaha Somalia iyo taariikhda Madaxbanaanida Somaliland, waxa uu yidhi “Gumeystihii Africa Gumeystay dadka Af-Somaliga ku hadla waxa uu qaybiyey shan qaybood, Jabuuti, Somaliland, Kililka 5aad, Somalia, iyo NFD. Xidigta 5 geeska ah ee calanka Somalia taas bay u taagan tahay. Somaliland shanta Somaaliyeed iyada oo xoriyad ugu hor qaadatay 26th June 1960. Waa qaran ka da weyn Somalia. Madaxweynaha Somalia Md Xasan Sheekh oo aan dhegaystay khudbad uu ka jeediyey Minnesota, USA waxa uu xusay in Mandate-ka xukuumadiisu tahay in dalka Federal laga dhigo. Waxa kale oo ka mid ahayd khudbadiisa inta dawlad goboleed ee Somalia yeelanayso waxa goynaya baarlamaanka Somalia. Waxa kale oo ku jirtay khudbadiisa (Youtube-ka ayaad ka heli kartaan) inuu yahay Madaxweynaha dadka Somaaliyeed oo dhan, Waxa laga yaabaa in haddi taariikhdu madmadow kaa galo oo kaa qaldanto, in xisaabtu kaa qaldanto, ka dibna xaalku noqdo Cabdoo Qalad Xisaab. Madaxweynaha Somaliland waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, Ka Djibouti-na waa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ka kililka 5-aad waa Cabdi Cumar, NFD waa gobol ka mid ah Kenya. Adiga waxaan kuu aqoon sanahay oo kugu ixtiraamayaa inaad tahay Madaxweynaha Somalia. Khubadda Madaxweyne xasan ee Mennosota iyo khubadiisi marka loo doortay Madaxweynaha faraq weyn baa u dhaxeeya. Somaliland kulama heshiis aha Somalia inay la dhisato nidaam Federaal ah oo Gooni isutaaga Somaliland waa go,aan shacbi”. C/raxmaan Cirro mar uu la hadlayey Baarlamaanka Somalia, waxa uu yidhi “Baarlamaanka Somalia isagaa xor u ah inta dawlad goboleed ee uu Somalia ka dhigayo, Arrin khuseysa iyo arrin u taal Somaliland midna maaha”. Guddoomiye Cirro isaga oo hadalkiisa sii wata fariina u diray Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somalia oo uu ka muuqda dadaal badan waxaanse kula talin lahaa inaanu ku dhicin dabin iyo godkii ay hore ugu dhaceen Madaxweynayaashii ka horeeyey ee Somalia oo ah inay iskaga khaldanto gobolada Somalia iyo Somaliland, Dastuurka Somalia waxa uu gaar u yahay Somalia, Somaliland waxay leedahay dastuur shacbigu afti ku ansixiyey iyo baarlamaan”. Mar uu ka hadlayey wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi Wadahadalada Somalia iyo Somaliland waan soo dhaweynaynaa, waxaanse uga dhigaynaa Madaxda Somalia inaanay ka hor dhicin gunaanadka wada hadalka, laguna koobnaado in la wada hadlo keliya, qolo kastaana ajendaheeda miis la timaado”. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro mar uu ka hadlayey aqoonsiga Maraykanku u fidiyey Somalia, waxa uu yidhi “Maraykanka waxaan leeyahay dowlad waliba xaqbay u leedahay in ay ictiraafto cida ay doonto lamana odhan karo maxaad u ictiraafteen laakiin waxaan xaq u leenahay In dhehno Somaliland ahaan na ictiraaf oo ay ka shaqeeyaan madaxdeena iyo asxaabteena”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Back Around The Table With Somalia

 

Monday, 21 January 2013 20:13

Dr M. A. Omar Somaliland Foreign ministerSomalilandsun - Bilateral talks between the new administration of Somalia and Somaliland will resume soon. Below is an article published by All Africa:

Somaliland's Foreign Affairs Minister, Dr. Mohammed Abdulahi Omar has told journalists that the stalled talks between the new administration of Somalia and Somaliland officials will resume soon.

Dr. Omer said the talks would be a follow-up of the earlier talks in London and United Arab Emirates. A similar statement was made by Somalia's Prime Minister, Ali Farah Shirdon, a day earlier. Prime Minister Shirdon told reporters that the talks would resume "soon" and expressed his hopes that they would be fruitful. The talks halted because of the ending of the transitional process in Somalia and the elections of a new Parliament and a new President, as well as a new administration, last year.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo sheegay Qadiyadda Ictiraaf raadintu inaanay u dabranaan doonin wadahadalada Somaliya iyo Somaliland haddii Beesha Caalamku mar kale wadahadaladii ay fureen dhakhso u bilaabi waayaan

 

“Somaliland waligeed kamay qayb galin shirka midawga Afrika, Somaliland maaha xubin ka mid ah midawga Afrika. hase yeeshee ka Somaliland ahaan sanad kasta marka shir caynkan oo kale ahi ka socda Addis ababa waanu ka soo qayb gali jirnay si aanu kulamo ka baxsan shirka ula yeelano wufuuda ka imanaysa dunida daafaheeda kala gedisan”

” Shirka Ingiriiska Wali Somaliland si sharci ah Casuumad looguma soo dirin, Qaranku wuxuu ka tashanayaa markaanu ogaano meeqaamka iyo sharafta ay Somaliland ku tagayso ee aanu ogaano waxa nooga soo kordhay

“Waxaanu beesha Caalamka ka codsanaynaa in shirkaas si dhakhso ah dib loogu bilaabo oo ay dunidu ka soo qayb gasho oo aanu halkaas ku cadayno madax banaanidayada haddii taas la waayo Somaliland uma dabranaan doonto Somaliya”

“Wadahadaladu waa dariiq Dublamaasiyadeed oo ku soo biiray arrinta Somaliya iyo Somaliland waana arrin aanu jecelnahay in laga midho dhaliyo, hadduuse hagaagi waayo maaha mid ay Somaliland u dabranaan doonto”

Addis ababa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Hilton oo ay ku sugnaayeen Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo u jooga Dalka Itoobiya Shirka Midawga Afrika ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay dib u furto wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya, isagoo sheegay Somaliland wali inaanay Martiqaad ka hyanin shirka Ingiriiska ka dhici doona ee loo qabanayo Somaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedu waxa uu sheegay wadahadalada SoMALILAND IYO Somaliya inaanay waxba u dhimaynin qadiyadii Ictiraaf raadinta Somaliland, isagoo sheegay Somaliland inaanay u dabranaan doonin Somaliya ee ay Beesha Caalamka iyo saaxiibada ay leedahayba kala hadli doonto Qadiyadooda.

Wasiir Maxamed C/laahi waxa kale oo uu ka hadlay imaatinkooda Adis ababa oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ay ugu ololaynayaan Qadiyadda Somaliland, isagoo sheegay mudadii ay joogeen inay la kulmeen wufuud ka kala socotay Kenya, Masar iyo Jarmalka, kuwaasi oo ay kala hadleen sidii ay u taageeri lahaayeen Somaliland.

Kulankaasi uu saxaafadda u qabtay Wasiirka Arrimaha Dibeda waxa lagu weydiiyay su’aalahan oo dhinacyo kala duwan taabanaya:-

Su’aal : Wasiir imaatinkiina shirka ka socda Addis ababa maxaad ku qiyaasi lahayd?

Jawaab: shirkan waxaad moodaa inuu xooga saarayo xurgufaha ka dhex jira qaaradda Afrika, hase yeeshee ka Somaliland ahaan sanad kasta marka shir caynkan oo kale ahi ka socda Addis ababa waanu ka soo qayb gali jirnay si aanu kulamo ka baxsan shirka ula yeelano wufuuda ka imanaysa dunida daafaheeda kala gedisan. Intii aanu halkan nimidna nasiib wanaag waxa noo suurogashay inaanu dhawr Dal wufuudooda la kulano waxaana ka mid ahaa wefdigii Dawladda Kenya ee uu hogaaminayay Wasiirul khaarajiyaha Dalkaasi, wufuud ka socotay Dalka Masar iyo saaka oo aanu la kulanay kuwo ka socday Dalka Jarmalka, kuwo kalena way noo hadheen intabana waxaanu kala hadlaynay qadiyada arrimaha dibeda Somaliland iyo sidii aanu taageero uga heli lahayn.

Su’aal: wasiir, waxa caawa soo gabagabaysmaya kulankii wasiiradda maxaad ka filaysaa inay ka soo bixi doonaan?

Jawaab: waxaanu ka filaynaa inay ka soo bixi doonaan waxyaabo ku waajahan qadiyadda Somaliland iyo madax banaanideeda, Somaliland waa go’aan shacab ku salaysan rabitaanka Somaliland iyo qawaaniinta iyo shuruucda Somaliland, waxaanu jecelnahay mar labaad Beesha Caalamku inay go’aankaas shacbi ee Golayaashiisa leh nagu taageeraan. Waxaanu jecelnahay beesha Caalamku inay naga taageerto dhibaatooyinka Somaliland ku xeeran si aanay Nabadgelyadda iyo deganaanshaha wax nooga yeelin.

Su’aal: wasiir kal hore xiligan oo kale waxaad timaadeen halkan, marka laga yimaado Wufuuda kale ee aad la kulanteen waxa la yidhi Oodi Ab ka dhaw wadahadaladii dhinaca Ganacsiga ee aad la lahaydeen Itoobiya ma kala hadasheen halkayse idiin marayaan?

Jawaab: arrintaa Ganacsiga Doorkan halkan umaanaan iman inaanu ka hadalno, laakiin arrimtaasi waa mid socota dhawaan Diridhaba wefti ilaa dhawr iyo labaatan ah ayaa yimi oo ka qayb qaatay wadahadaladaasi, mid heer wasiiro ahna waa loo balansan yahay, laakiin arrinta aanu imika u nimid waxa weeyi inaanu ka ololayno dalalka aanu isleenahaya waxa loo baahan yahay inaad taageero siyaasadeed ka heshaan.

Su’aal: Wasiir, Somaliland iyo Somaliya waxa u furmay wadahadalo, bisha May-na waxa jira shir kale, Madmadow baa ku jira saamaynta ay Somaliland shirkaas ku yeelan doono sidii kii kal hore, maxaad nooga sheegi kartaa doorka ay Somaliland ku leedahay shirkaaasi?

Jawaab: shirkaas go’aanba kamanaan qaadan inaanu ka qayb galayno iyo inkale, wali Somaliland si sharci ah Casuumad looguma soo dirin, Qaranku wuxuu ka tashanayaa markaanu ogaano meeqaamka iyo sharafta ay Somaliland ku tagayso ee aanu ogaano waxa nooga soo kordhaya, markaanu arrimahaas ka dheregno ayaanu mawqif cad ka bixin doonaa, laakiin imika shir Somaliland lagu soo casuumay oo aanu arrimihiisa go’aan ka qaadanay ma jiro.

Su’aal: Wasiir sida aad sheegtay waxaad halkan u timaadeen Ololayn siyaasadeed oo la xidhiidha qadiyada Somaliland, waxa soo baxaya dareeno ka dar-daar warinaya siyaasadii Arrimaha Dibeda ee Somaliland, waxaad lumiseen safaaradihii Somaliland ay ku lahayd dibedaha, Baasaaboor Somaliland ka dalalkii lagu tagi jiray ee South Sudaan, maleesiya iyo South Afrika intuba way istaagaan, miyaanay haboonayn inta aad sanadkiiba mar u imanaysaan halkan Olole siyaasadeed inaad kuwaas joogtaysaan oo ay shaqeeyaan, ta kale maadaama oo ay kuwaasiba soo xidhmneen waxa laga cabsi qabaa Itoobiya lafteeda oo aynu dano badan ku leenahay inay inaga xidhanto maxaa damaanad ah inaanay taasina dhicin?

Jawaab: arrintaas arrin borobogaando ah ayaan u arkaa, waxaan u arkaa arrin aan jirin. Somaliland waxa ay la leedahay dalalka aynu jaarka nahay xidhiidh adag, haday Itoobiya tahay, haday Jabuuti tahay, haday Kenya tahay, haddii ay tahay kuwaas kale ee aad tilmaantay intuba hawlaha qaranu si fiican bay uga socdaan waxaananu ku leenahaya Wakiilo. Waxaan u arkaa Arrin borobogaando ah oo ay fidinayaan dad aan jeclayn Somaliland oo aan u dhalan, markaa saxaafadda Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inay ka fiirsato asalkooda, waa arrin ay fidinayaan dad cadaw u ah Somaliland. Itoobiya waxaynu leenahay xidhiidh Ganacsi, Mid Nabadgelyo iyo mid siyaasadeed markaa wax suuroobaya maaha in xafiiskeenu xidhmo waana arrin aan jirin.

Su’aal: dhawaan waxay warbaahinta Somaliland qortay in Safaaradda Itoobiya ee Somaliland u isticmaasho hawlaheeda shaqo wax ka baxsan Nidaamka Dublamaasiyadeed, oo arrimo aanu dhaqan ahaan wanaagsanayn magaca safaaradaasi lagu soo geliyo Somaliland, maadaama oo aad tahay wasiirkii arrimaha dibeda ee Somaliland maxaad ka odhan lahayd?

Jawaab: arrintaas Dawlada ahaan aad iyo aad baanu uga xunahay ugu horayn, safaaradda Itoobiya iyo Dawladoodaba raaligelin baanu ka siinaynaa arrintaas, waana arrin muujinaysa masuuliyad darada ay ku kacayaan qaybo ka mid ah saxaafadda Somaliland oo ay had iyo jeer samayso loomana baahna. Waxaanu u aragnaa safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland mid ka shaqaysa xidhiidhka labada Dal inuu hagaago, waana saafard xooga saaraysa xidhiidh Ganacsi iyo mid dhaqaale inuu dhex maro, waxaanan filayaa inaanay ku kicin wax wax u dhimaya labada dal, mana filayo inay arrimo Ganacsi ku jiraan oo aan hawlahooga ahayn. Waxaanan jecelahay in ay saxaafaddu arrintaa mar danbe ku kicin oo ay ka waantawdo. Waana arrin Qaranka ceeb ku ah.

Su’aal: Wasiir waxa shalay qabsoomay shirkii wasiirada Midawga Afrika, Somaliland shirkaasi kamay muuqan. Dadka siyaasadda Odorosaa waxay u aanaynayaan wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya inay sabab u tahay oo waxay leeyihiin waxay Dawladaha Afriki ka war sugayaan waxa ka soo baxa wadahadaladaasi, miyaanay jirin inaad lumiseen fursadii Somaliland kaga ololayn jirtay shirarkaas ee gaadhsiisnaa heer xataa ay Goob-jooge ka noqon jirtay mararka qaarkood?

Jawaab: horta aan ku saxo Somaliland waligeed kamay qayb galin shirka midawga Afrika. Somaliland maaha xubin ka mid ah midawga Afrika, manay lahayn xubin sharafeed ay waligeed kaga qayb gashay shirkaasi. Ta labaad wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waa wadahadalo soo nooleeyay magacii Somaliland ee Adduunka, waa wadahadalo ka dhigaya Somaliland iyo Somaliya halkii barigii hore ee aanay isku dhafnayn, waa wadahadalo ka yeelaya cidina inaanay cida kale jujuubayn. Taa waxaan u arkaa arrin u soo korodhay Somaliland oo aan waxba yeelayn qadiyadii Ictiraaf doonka iyo xorriyadda Somaliland. Wadahadaldu waa runtaa oo waxa loo baahnaa markii Dawladda cusub ee Somaliya la sameeyay inay dib u bilaabmaan, laakiin sida laga war hayo Dawladda Somaliya waxay ku jirtay sidii ay hay’adaheeda u dhisi lahayd anagu geestayadase diyaar baanu ka nahay, waxaananu beesha Caalamka ka codsanaynaa in shirkaas si dhakhso ah dib loogu bilaabo oo ay dunidu ka soo qayb gasho oo aanu halkaas ku cadayno madax banaanidayada haddii taas la waayo Somaliland uma dabranaan doonto Somaliya, waxaananu beesha Caalamka iyo saaxiibadayaba ka dalbanaynaa in ay na Iciraafaan, Qaranimadaya waxa goostay Shacabka Somaliland, maaha mid u dabran ama ku xidhan waxay Somaliya ka yeesho. Laakiin waa dariiq Dublamaasiyadeed oo ku soo biiray arrinta Somaliya iyo Somaliland waana arrin aanu jecelnahay in laga midho dhaliyo, hadduuse hagaagi waayo maaha mid ay Somaliland u dabranaan doonto, waanay noo socdaan wadahadaladii kale ee aanu Dunida la lahayn.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa socdaalkiisa ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamud Xaashi Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

The panic has started in the separatist politicians in SL. The US recognition of Somali government signifies one thing quite clearly: that talks between Mogadishu and Hargeysa are talks between Somali parts concerning territories within jurisdiction of Somali government in Mogadishu. And that is very significant. The fact Hassan is co-chairing the conference with British prime minister makes that quite clear.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.