Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Somaliland iyo Somaliya oo aan wali isla qaadan Meesha lagu qabanayo wada-hadaladii u socday

 

“Dawlada Ingiriiska waxaanu isla qaadanay in la sii wado wada-hadaladii noo socday Somaliya”Wasiirka Arrimaha D. Somaliland

Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib Safar mudo qaatay oo uu ugu maqnaa Wadanka Boqortooyada Ingiriiska, waxaanu shalay ka soo degay Madaarka diyaaradaha ee Magaalo madaxda Kilalka shanaad ee Itoobiya ee Jig-jiga.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isla shalayba u soo baqoolay dhinaca Somaliland, socdaal dhulka ahna kaga soo gudbay xuduuda labada dalka ayaa markii uu soo gaadhay Magaalada Gabiley, halkaasi lagu soo dhaweeyay, waxaanu warbaahinta uga waramay waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkiisa “waxaan ka soo noqdey safar aan ku Joogay dalka ingiriiska intii aan halkaa joogay waxa ii suuro gashay Inaan kulan la yeesho wasiirka wasaarada arimaha dibada dalka Ingiriiska u qaabilsan africa, oo aanu ka wada hadlaney guud ahaan Xidhiidhka labada dal iyo hawlaha imika socda ee ay iska kaashadaan Dawlada somalila nd iyo dawlada ingiriiska, ha noqoto xaga Nabadgalyada iyo horumarkaba”ayuu yidhi.

waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo aanu ka wada hadalney arimaha xaga siyaasada la xidhiidh ee Wadamada geeska africa, waxa kale oo aanu ka hadalney wada Hadalada dhawaan u bilaabmaya somaliland iyo somaliya iyo sida Ingiriisku diyaar ugu yahay inay wadahadala daasi sii socdaan, inkasta Oo aan taariikh iyo meel mucayin ah la sameyn,hasa yeeshee waxay Dawlada Ingiriisku muujisay inay daneyneyso inay gacan ka geysato hawlahaasi” ayuu yidhi Dr.Maxamed C/laahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya

 

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-geli doonto wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya iyada iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ka digtay in lagu soo daro xubno matalaya Soomaaliya mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka hadlay wadahadlalada furmi doonaan ayaa sheegay inay dhankooda aad u soo dhaweynayaan, balse aysan ogolaan doonin in lagu soo daro xubno kasoo jeeda maamulkooda oo ka socda dowladda Soomaaliya.

 

“Ma ogolaan doonno in wadahadallada ay kasoo qaybgalaan xubno kasoo jeeda dhankeenna oo matalaya Soomaaliya. Waxayna Wadahadalladan daba-joogaan wadahadalladii ka dhacay London iyo Dubai sannadkii hore,” ayuu yiri Cumar.

 

Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sannadkii hore bartamihiisa waxay wadahadalladii ugu horreeyay muddo labaatan sano ka badan uga furmeen magaalada London, iyadoo madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif ay iyaguna isku arkeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta iyagoo ku baaqay inay wadahadalladu sii socdaan.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa wuxuu hadalkiisan kusoo beegmay xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon uu isna shaaca ka qaaday inay dib u billaaban doonaan wadahadlaldii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

 

“Rajo weyn ayaan ka qabaa inay wadahadalladaas kasoo bixi doonaan natiijooyinka wanaagsan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin inay la hadlaan walaalahooda Somailland.

 

Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadanayso shuruudda ay ku xirtay Somaliland wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in wasiiradda arrimaha dibadda Somaila,Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay kasoo jeeddo Somaliland.

 

Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day sannadkii 1992-kii, iyadoo tan iyo xiligaas dadaal ugu jirtay in loo aqoonsado dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya, balse taasi ma hirgelin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

^ Garoonkii ay ku soo cago dhigan laheyd in loo xaadho ayey dooneysaa dee!!! mafiiqdii, iskoobihii iyo xaaqinkii inoo soo qaad yaa Taleexi

Share this post


Link to post
Share on other sites

N.O.R.F;907992 wrote:
No talks yet. Things will drag. Election season soon all over the place. Maybe in a couple of years
:D

 

No it will happen pretty soon these talks are facilitated by the IC both SL and Somalia have little do with its timetable they can just pick the plase of negotiations and ofcourse they will do the talking while the IC is the mediating factor between the 2 sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;907986 wrote:
Ahhaha, Waan taageersanahay shuruuddaa ha ku adkaystaan.

Taleexi khatumo maxay ka qabta wada hadalada ileen iyaga ba wa khuseysa eh maan fahmin waxay khatumo uga amuustay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

2 guys opposed it and one guy said lets talk to the koonfurians. But they have their reasons these men cherish Somaliland statehood more than anything, but the people of Somaliland completely trust President Siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;908016 wrote:
Taleexi khatumo maxay ka qabta wada hadalada ileen iyaga ba wa khuseysa eh maan fahmin waxay khatumo uga amuustay?

Khaatumo waxay ka qabtaa in walaalaha SL waxay xaq u leeyihiin laga duudsiyin, waxaanay xaq u lahayna lagu marti soorin. Guud ahaan, Khaatumo waa nabad iyo caddaalad doon sid SL dulmi doon ma aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.