Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Talks will restart in January 2013 the biggest talk behind doors in hargeysa and Mogadishu is where to hold the next official talks between Somaliland and Somalia. Some of the places suggested is Qatar Kenya Ethiopia S/Sudan Djibouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir ku saabsan Adkaynta Nabad-gelyadda oo u furmay xubno ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya

 

December 9th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shir hawleed ku saabsan adkaynta nabadda iyo xasiloonida dalka oo ay ka qayb qaadanayaan xubno ka kala socday Somaliland iyo Soomaaliya, socona doona muddo todoba maalmood ah ayaa maanta ka furmay Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa.

 

Wasiirrada wasaaradaha beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad ayaa ka qayb galay kulan hawleedkaasi oo sidoo kale ay ka qayb qaadanayeen hay’adaha iyo ururada wadaniga ah ee wada shaqaynta la leh hay’adaha ammaanka Somaliland.

 

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa dhamaantood waxa ay ka hadleen muhiimadda ay aadamaha u leedahay xasiloonida iyo deganaanshuhu.

 

sida la ogyahay kulankan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxa uu yahay kulankii sadexaad ee Somaliland lagu martigeliyo.waxaana Furitaankii kulankaasi ay wasiirada wasaaradaha beeraha iyo shaqadu ku dheeraadeen faahfaahin ay ka bixiyeen marxaladihii kala duwanaa ee ay JSL u soo martay nabadda ay manta ku noolaanayso iyo hanaanka dimuqraadiga eek a hir galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

This morning I went to my local Somali Makhayad, I heard rumours about a deal between Somalia and Somaliland to work in Union for 10 years and then referendum after that period.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heard those rumors to wax ka run iyo wax ka been ah laakin sure there will be an agreement soon between SL and Somalia. An agreement that will better both Somaliland and Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ And i am sure no one would accept at least not from the Somaliland side that's why they are just rumors maybe few years 4 or 5 years. There is also another alternative on the table that's if SL helps policing Somalia And sends some security forces to Somalia and that in the next 2 years SL helps built Somalia's upper parliament. A permanent settlement will be reached with in Hassan sheikhs first term in office.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Oo Ka Hadlay Sababaha Hakiyey Wada Hadalka Somaliland Iyo Somaliya, Sheegayna Inuu Ku Rajo Weyn Yahay Inay Noqdaan Kuwo Midho Dhala

 

Muqdisho (Ramaas), Dec, 13, 2012- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay sababaha keenay inay wakhtigan hakadaan wada hadalkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn ee hakiyey wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ay yihiin hawlo mashquuliyey labada dhinaca, isaga oo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay wada hadaladasi noqdaan qaar midho dhala.

 

Xasan Sh. Maxamuud Madaxweynaha Somaliya oo wareysi uu siiyey laanta afka Somaliga ee BBC-da kaga hadlay dhinacy badan oo xaalada dalkiisa iyo wada hadaladu ka mid yihiin.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale shuruud adag ku xidhay cafinta dagaal yahanada Al-shabaab ee ka dagaalama dalkiisa, waxaanu sheegay inaanay cafin doonin tan iyo inta ay dhigayaan hubka, qofkii hubka dhigana ay soo dhaweyn doonaan.

 

Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalada dalkiisu la galayo Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Wadahadalladu way sii socon doonaan, laakiin duruufo ayaa hakiyay, waayo waxaa la galay in xilliga KMG ah laga baxo, sidoo kale Somaliland waxaa ka dhacayay doorashooyin, waxaana rajeynayaan in wadahadalladu ay noqdaan kuwo midho-dhal ah”.

 

Si kastaba ha ahaatee Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa marar badan oo masuuliyiinta labada dhinac ka hadlaan sheegaan inay ku rajo weyn yihiin inuu midho dhal noqdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Geelle Oo Fursado Siyaasadeed Ka Dhex Raadinaya Madaxwaynayaasha Somaliland Iyo Somaliya

Geelleee.jpg

Kulan Madaxwayne Siilaanyo la yeesho dhigiisa Somaliya wuxuu halis ku yahay xidhiidhka Kenya la samaysanayso Somaliland

Jabuuti (Waaheen) – Magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa 22-ka bishan December lagu qabanayaa xuska 40 guuradda qoriska Afka Somaliga iyo shir arintaasi la xidhiidha, kaasi oo ay qaban-qaabinayaan dawladda Jabuuti ururka qalinlayda Somaliyeed ee PEN. Xuskan oo ah kii ugu horeeyay ee loo sameeyo qoraalka Afka Somaliga oo todobaatanaadkii la hirgaliyey, ayaa waxa ka qayb-galaya Madaxda dadka Af-Somaliga ku hadla ee Mandaqada Geeska Afrika, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxwaynayaasha Somaliland, Somaliya, Kililka Somalida Itoobiya, Suugaanyahano, qorayaal iyo aqoonyahan aad u tiro badan, kuwaasi oo dawladda Jabuuti ku marti-qaaday xuskan, oo sidoo kale ay barbar socoto hirgalinta Madxaf weyn oo lagu kaydiyo dhaqanka Somaliyeed iyo afkaba. Xuskan oo mudada uu soconayo aan la ogeyn, ayaa isku arki doona Madaxda Somalida ee Mandaqada Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Madaxwaynayaasha Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo inta la ogyahay aan aqoon hore isku lahayn, balse dhanka warbaahinta ka leh xidhiidh diblumaasiyadeed oo aan heerkiisa la qiyaasi Karin. shirkan ay ku kulmayaan Madaxda Somalidu ayaa ku jira fursado Siyaasadeed oo mid walba dhankiisa uga faa’ideysan karo, kuwaasi oo la xidhiidha danaha siyaasadeed ee ka dhaxeeya dalalkooda iyo bulshooyinka ay hogaamiyaan. Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Xamar iyo Hargeysa ka kala dhoofay ayaa la filayaa inay is-arkaan inta xuskani socdo isla-markaana ay isla faaqidaan danaha siyaasadeed ee labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya iskaga xidhan, kuwaasi oo loo baahan yahay in xal laga gaadho, inkasta oo ay jirto xurfuf dhinaca warbaahinta ah oo ka dhalatay haddalo Xasan Sheekh Maxamuud intii tallada Somaliya qabatay ku celcelinayay, kuwaasi oo uu ku sheegayey in midnimada Somaliya tahay lama taabtaan, halka Madaxda Somaliland-na ay taa lidkeeda kaga hal-celinayeen. Labada Madaxwayne ee Somaliland iyo Somaliya, ayaa kulankooda la saadaalinayaa noqon karaa mid fure u noqda in si deg-deg ah loo guda-gallo wada-hadaladii Somaliland hore ula furtay xukuumadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadda oo dhanka kalena dadka siyaasadeeda indho-indheeyaa sheegayaan inay suurto-gal tahay in kulan ay yeeshaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud sabab u noqon karo in dawladda Kenya ka noqoto xidhiidh diblumaasiyasadeed oo ay doonayso inay Somaliland la yeelato, si ay ugaga maaranto Somaliya oo khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay markii ciidamadeedu Al-shabaab ka saareen Magaaladda dekeda leh ee Kismaayo, halkaasi oo dawladda Kenya doonayso in maamul gaar ah laga sameeyo, balse xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ka diiday. Sidoo kale, xogaha xaqiiqda ku dhow ee la xidhiidha ujeedada Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxwayne Siilaanyo ugu marti-qaaday xuskan ayaa sheegaya inuu wax ka og-yahay xidhiidhka Kenya doonayso inay Somaliland la yeelato si ay ugu xumayso Somaliya oo uu Mr Geelle taageero, doonayana inuu Madaxwayne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud isku sawiro si Kenya ay candhuufteeda dib u liqdo isla-markaana ay uga noqoto xidhiidhka ay doonayso inay Somaliland la samaysato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay la Filayo inay Jabuuti isku Arkaan

 

Mon 17th Dec,2012

 

Madaxweyne Geelle oo Madaarka Jabuuti si diirran ugu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa

 

Jabuuti (Jam)- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horreysay madaarka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu horkacayo oo gelinkii dambe ee shalay gaadhay dalkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasibad xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti u samaynayso xuska 40-guurada ka soo wareegtay markii la qoray Afsoomaaliga.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Waxbarashada iyo marwada 1aad waxa la dejiyey hudheelka Kambiski oo ku yaal caasimadda Jabuuti, halkaas oo casho-sharaf loogu sameeyey xalay.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay saxaafadda ugu warramay qolka nasashada Madaarka Egal ee Hargeysa, waxa uu sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jabuuti, isla markaana ka qaybgeli doonaan xuska 40-guurada qoristii afka Soomaaliga.

 

“Aniga iyo weftiga ila socdaa waxaannu tegaynaa dalka Jabuuti, annagoo martiqaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaannu kaga qaybgalaynaa xuska 40-guurada ka soo wareegtay qoristii far Soomaaliga, markaa shirkaas ayaannu ka qaybgalaynaa, waanuna madaxda Jabuuti ka wadahadli doonnaa wixii daño ah ee labada dal ee jaarka ah ka dhexeeya,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qaybgalaya xuska munaasibadda qorista Afsoomaaliga, ayaa isaguna gaadhay isla shalay dalka Jabuuti, iyadoo la filayo inay markii ugu horreysay halkaas isku arkaan Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu horkacayo oo iyaguna ku sugan Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Somaliland oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Wadahadallada la sii wadaan dowladda Soomaaliya

 

Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go'aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la hadlay BBC-da isagoo ku sugan Jabuuti ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay dib u billowdaan wadahadallada, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yihiin sii socoshada wadahadallada.

 

"Xilliga iyo goobta ay dib uga billaaban lahaayeen wadahadallada weli wax go'aan ah lagama gaarin," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaliland, balse wuxuu xusay in Somaliland ay mar walba diyaar u tahay inay sii socdaan wadahadallada guulana laga gaaro.

 

Wadahadalladan ayaa billowday xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed waxayna wajigoodii koowaad ka dhaceen magaalada London ee xarunta dalka Britain, halka wajigii labaadna ay labada madaxweyne ee Shariif Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ay isku arkeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta bartamihii sannadkan.

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin in lasii wado wadahadallada u billowday Somalia iyo Somaliland ay sii socdaan, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay inay noqon doonaan kuwo hadafkii laga lahaa laga gaaro.

 

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya 1991-kii ayaa waxay tan iyo xilligaas ku jirtay dadaallo ay ku raadinayso in aqoonsi ay hesho, balse riyadaas weli kuma aysan guuleysan inay hirgasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kulan Ku Yeeshay Hotelka Kempinski

 

Djibouti(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan ku yeeshay gudaha hotelka Kempinski ee dalka Jibouti oo wefdi labada Madaxweyne kala hogaaminayaan ku suganyahiin kuwaasi oo ku yimid Jibouti martiqaad ay ka helleen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankan ay labada Madaxweyne Yeesheen waxa la sheegay inuu ahaa mid furan oo u badnaa isbarasho iyo in ay labada dhinac wadahadaladii socday gogol xaadh u sii sameeyaan, balse wax war ah fahfaahsan lagama hayo, waxaanu ahaa kulankaasi mid aan warbaahinta loo ogolayn.

Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya waa markii ugu horaysay ee ay si fool ka fool ah u kulmaan tan iyo intii uu Madaxweynaha Somaliya talada Dalkaas kaga guulaystay Madaxweyne Sh Shariifkii wadahadalada la bilaabay Madaxweyne Siilaanyo.

Kulanka ay labada dhinac qaateen ayaa la sheegayaa inay labad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Resumption of Dialogue with Somali Talks Anticipated

 

Wednesday, 19 December 2012 03:35

 

VP Sayli L with his boss President Silanyo at Egal Airport where service commanders gave their commander in chief a welcome home salute of honourBy: Yusuf M Hasan

HARGEISA (Somalilandsun) – The presidents of Somaliland and Somalia have met for the first in Djibouti where impromptu discussions were held.

The president H.E Ahmed Mahmud Silanyo is back in the country after a two days visit to Djibouti where he participated in activities commemorating the 40th Anniversary of Somali-speaking Pen organization

The head of state was received at the Egal international airport in Hargeisa by his deputy Hon Abdirahman Abdilahi Ismail 'Sayli' and multitude of citizens who included ministers, Members of both houses of parliament, Traditional and Religious leaders as well as senior officials of the ruling Kulmiye party

After a colourful guard of honour mounted by units of the national army, the head of state who briefed members of the press at the airports' VIP lounge termed the ongoing Somali-Speaking Pen-SSP conference as a very important event for the development of the Somali language both oral and written.

President Silanyo briefs media at the airports VIP loungeWhile informing of the significance of the SSP conference where dignitaries from Somali speaking areas and Somali language experts converged to chart the way forward for the local script, Dr Silanyo revealed of his impromptu meeting with the new president of neighbouring Somalia Mr Hasan Sheikh Mahmud.

"In the course of conference participation a meeting with President Hasan who was also present became inevitable" Said the head of state

After exchanging pleasantries, we briefly discussed suspended talks between our two countries of whose importance we both acquiesced on without fixing dates but in accord and hopes that once resumed the shall be concluded to the satisfaction of the citizens of our two neighbouring countries, further informed the president.

The President who addressed the SSP conference together with others like Presidents Ismail Omar Guelleh and Hasan Sh Mahmud of Djibouti and Somalia respectively was at the conference together with a high powered delegation on official invitation from the Djiboutian head of state.

Those in the president's entourage included the 1st lady Ms Amina Weris, Dr Mohamed A Omar, Ms Zamzam Aden and Mr Ali Elmi Gelle the foreign, Education and Communication ministers respectively.

On the alleged doctoring of local council election results by some unsuccessful Army Units mount a guard of honour for President Silanyopolitical groups the president said fingers should not point at the government nor the ruling Kulmiye party because neither was involved.

While urging those alleging to have been cheated during the elections to pursue proper channels of communicating their grievances the head of state said those aggrieved should direct their grievances towards the National Election Commission is the body mandated with the management of elections.

Reminding that there is always a winner and loser at competitions of every sort the head of state advised the unsuccessful political groups that purport the ballot was doctored to the advantage of some, to seek legal channels of redress rather than engaging in acts that might impinge on the wellbeing of the country if unchecked.

Following the release of election results for the Hargeisa municipality on 6th December supporters of the Haqsoor political group who accused NEC of doctoring the results in favour of the ruling party went on the rampage that concluded with the death of three people and injury to several others including riot police officers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.