Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay sii wadayso Wadahadallada u socda iyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadalladii ay kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, balse waxay ku xireen sii socoshada wadahadallada in la dhameystiro shuruudihii hore ee ku socdeen wadahadallada.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullahi Cumar ayaa sheegay in Somaliland ay ka go'an tahay inay wadahadallada lasii waddo dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay in wahadalladaas ay u joogsadeen inta Soomaaliya ay ka baxayso xilliga kala guurka ah.

 

"Innagu haddaan Somaliland nahay waxaa naga go'an inaan sii wadno wahadalladii billowday ee ka dhacay London iyo Dubai, laakiin waxaan doonaynaa inaan la jabin shuruudihii hore ee ay wadahadalladu ku socdeen," ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.

 

Shuruudaha ay Somaliland ku xirtay wadahadallada ayaa waxay ahaayeen inaysan ka qaybgelin wadahadallada xubno kasoo jeeda Somaliland oo matalaya dowladda Soomaaliya, taasoo ay ogolaatay dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

 

Maxamed Cabdullaahi Cumar, wuxuu sheegay inay dhankooda ka go'an tahay inay miro-dhalaan wadahadallada u socday labada dhinac, isagoo sidoo kale sheegay inaysan jirin xubin Somaliland wakiil ka ah oo ku jirta xukuumadda cusub ee lasoo dhisay, isagoo sheegay in cid walba oo ka mid noqota xukuumaddaas uu sharci ka yaallo Somaliland.

 

"Qofkii ka mid noqda golaha wasiirrada Soomaaliya sharci ayaa halkan ka yaalla. Ma dhacayso inuu yimaado Somaliland, balse haddii uu yimaado waxaa la xisaabtami doona ciidamada ammaanka iyo maxkamadaha," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

 

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wadahadallada ay kula jirto Somaliland, iyadoo wasiirradda arrimaha dibadda ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay sheegtay inay diyaar u tahay inay isku keento labada dhinac oo ay sheegay inay u dhexeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;886383 wrote:
A khadar how so this topic is about the talks between Somaliland and Somalia.

That is the why its SL's predicemant.. After 22 years of beleiving that it's an independent nation, talking to Somalia is heartbreaking to many!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Whats wrong with talking with Somalia ,, Somaliland talks to Djibouti kenya Ethiopia uganda Rwanda i dont think Somaliland will lose anything if it talks to Somalia just talks wala isku af garan kara ama deee la isku ma af garan karo simple as that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;886395 wrote:
Ma is yeel yeelanay marka.. Inaga daa awoowe.. Keep on talking then..

It was always in the Kulmiye campaign to open talks with Somalia.. it was part of President Siilaanyos campaign i dont see anything wrong with that

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Carafaat;886398 wrote:
A Khadar, do you oppose the talks?

Sheekada la qabso before asking irrelevant questions. This is nothing to do if I do or don't oppose but rather your project and how it lost its tracks. Years of lie and misleading poor people including two of you as its sovereign nation and now participating Somalia's matters directly and indirectly is what I am talking about with your cousin. Halkaa kala qabso!

 

Oday Xunduf this ain’t about talking to likes of DJ, Uganda or semi necked people, it’s about that your clannish dreams hit its bottom and shattered before you.. So mate swallow slowly with lots of water that will ease the pain a little bit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

A Khadar, Adeer thats called politics. And it should make every Unionist happy atleadt I am but I sense anger

and frustrations from your side. How come? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Talks are good as long as SL only represents the folks of the tri-cities. Somali family has to come together in one way or another.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynayaasha Somaliland Siilaanyo Iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Khadka Telefoonka Ku Wada Xidhiidhay

is-haysta.jpg

Posted by Halbeeg News on Nov 9th, 2012 and filed under featured, today's top stories. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

 

Muqdisho (Halbeegnews)– Sida Hawl-wadeen ka tirsan xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya u xaqiijiyey shabakaddani caalamiga ah ee Halbeegnews todobaadkii hore ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Siilaanyo si toos ah markii labaad ay khadka telefoonka ugu xidhiidheen.

Sida uu Hawl-wadeenkani tibaaxayo dalbashada wada-hadalkani ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaayey inuu madaxweyne Siilaanyo kala hadlo magacaabista golahiisa wasiiradda gaar ahaana xilka uu siiyey Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Sida Hawl-wadeenkaasi u xaqiijiyey Halbeegnews labada madaxweyne ayaa muddo afartan daqiiqadood ku siman ku wada hadlaayey khadka telefoonka waxaanay isla soo qaadeen arrimo badan oo ay ku jirto magacaabista haweenaydaasi isagoo madaxweyne Siilaanyo ku qancay magacaabista balse sida hawl-wadeenku tibaaxayo madaxweynaha Somaliland ayaa wuxuu ka codsaday Xasan Sheekh Maxamuud inaan Foosiya lagu soo darin guddida wada hadalka labada dhinac taasi oo madaxweyne Xasan uu dhinaciisa ka aqbalay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa wuxuu ka codsaday madaxweyne Siilaanyo dhawr arrimood oo ay ka mid tahay in wada hadalada labada dhinac lagu soo daro xubno uu isagu ka door bidayo dhinaca Somaliland maadama uu dhinaciisa aqbalay inaanu Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu darayn xubnahaasi ayaa la sheegay inay ka mid yahiin Dr. Sifir iyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur isagoo madaxweyne Siilaanyana dhinaciisa sheegay inuu arrintaasi tixgelin siin doono.

Arrinta labaad ee madaxweyne Xasan ka dalbaday madaxweyne Siilaanyo ayaa ahayd in labada nin ay iska kaashadaan arrimaha caalamiga ah isla markaana socdaaladda dibadda labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ay si wada jir ah ugu baxaan beesha caalamka taasi oo ka caawin karta ayuu yidhi xukuumadiisu inay la tacaasho cadaadiska kaga imanaya dalalka dariska sida Kenya oo uu hadda gacanta ku haysa magaalada Kismaanyo kana faa’iidaysanaysa awood la’aanta dhinaca diblomaasiyadda iyo militery ee hadheeyey dawladiisa, wuxuuna madaxweyne Xasan ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo in cod isku mid ah lagala hor yimaado haysashada ciidamadda Kenya ee magaalada Kismaanyo, arrintaasi ayuu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay madaxweyne Xasan inuu kula noqon doono la taliyayaashiisa isla markaana go’aan ka soo gaadhi doono.

Halbeegnews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysal-wasaaraha Somaliya Oo Caddeeyay Qorshaha Dawladdoodu Ku Waajahayso Qaddiyadda Somaliland Iyo Wada-Hadaladii Labada Dal U Furmay

 

Muqdisho (Ramaas) Nov 10,2012 - Raysalwasaaraha dalka Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa ka hadlay qorshaha ay dawladoodu ugu tallo gashay inay ku waajaho dawladda Somaliland iyo qaddiyadda madaxbanaanideeda.

 

Mr. Saacid, oo shalay idaacada dawladda ee Radio Muqdisho si toos ah uga jawaabayay su’aalo ay shacabku weydiinayeen, ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wada hadalkii ay Somaliland la bilowday dawladii uu Sheekh Shariif Madaxweynaha ka ahaa “Qadiyada Somaliland hadda ka hor xukuumadii naga horaysay waxay ku jirtay hawsheeda, waayadii anaga naga horeeyay, waxaanu xurmaynaynaa waxii lagu heshiiyay iyo sidii wax ahaayeen, qorshahayaguna maaha inaan nidhaahno waanu cusub nahay oo wixii hore waanu jeex-jeexnay oo waanu ka boodnay” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Somaliya, waxaanu isagoo hadalkiisa sii sharaxaya uu yidhi “ Xagga siyaasada hadda ka hore madaxweynaha dawladayadu waxa uu hore si kooban u sheegay aragtidii uu doorashada ku galay ee uu ka qabay Somaliland, aragtidaas oo ahayd mid siyaasad iyo diblamaasiyad ku dhisan taas ayaanu qoraal siyaasadeed ka soo saaraynaa, oo mid rasmiya noogu noqon doonta siyaasada aanu ka leenahay, iyada oo wixii hore u soo socdayna xidhiidh la noqon doonto, Siyaasadayada Somalilandna waxay ku dhisnaan doontaa soo jeedintii madaxweynaha iyo siyaasada cusub oo faahfaahin ka sii baxin doonta dariiqa loo mari doono.”

 

Raysalwasaaraha Somaliya, wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday aragtidiisa oo uu yidhi , “Mar naba kuma jiri doono xoog, mar naba kuma jiri doonto isqasab, dadka Somaliyeed iyaga oo is ogol ayay israaceen waanay ku sii wada jiri doonaan, fikir ahaana waxaan qabaa Somaliya way wada kaban kartaaye ma kala kaban karto, Somaliya waa wada jiri kartaa nabad iyo barwaaqana waa ay wada gaadhi kartaye ma kala gaadhi karto.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Danjire Mahiga Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland, Magacaabista Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Iyo Wada Hadalkii Labada Dal

 

Nov 21, 2012 Hargeysa (Geeska)- Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya Dr Agustine Mahiga, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrikaayaa sheegay inay dhiirigelinayaan isla markaana uu rajeynayo dhowaan inay dib-u-bilaabmaan wada-xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Dr, Mahiga, ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay inaan Somaliland ka codsan ka taageerida doorashooyinka, balse, haddii codsi uga yimaado ay dersi doonaan wakhtigeeda.

Dr, Mahiga, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya shalay wareysi gaar ah uu la yeeshay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan bahda Geeska Afrika,waxa kale oo uu sheegay inuu aaminsanyahay inaanay magacaabida marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxba u dhimi doonin wada hadalkii labada dal u socday. Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay dajire Mahiga, wuxuu u dhacay sidan:

Sidaad u aragtaa wax-qabadka xukuumada kooban ee dhowaan Raysal-wasaare Saacid magacaabay, marka loo eego, diidmo beelo badani ka muujiyeen?

Runtii, waa xukuumad kooban, aqoontooduna sareyso, isla markaana aanu dhaqaale badani ku bixi doonin. Waxaan filayaa inay markii koowaad tahay qaarada Afrika ee xukuumad sidan u kooban laga dhiso. Marka loo eego, waxqabadka dhabtii, xukuumad kooban ayaa ku haboon, welina magacaabida wasiir-xigeeno iyo aqaasimeyaal ayaa la filayaa.

Ma filaysaa in magacaabida Foosiya X. Adan, caqabad ku keento wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya?

Runtii, taasi waxay ku xidhan tahay labada dhinac, waxaanan rajeynayaa in wada xaajoodku sida ugu dhakhsaha badan u bilaabmo. Waa u dan labada dhinac in wada hadaladu dib u bilaabmaan. Qaramada Midoobay way dhiirigelinaysaa dib u bilowga wada xaajoodkaa, keliya ma dhiirigelinayso, balse, waxaan diyaar u nahay inaan caawino oo fududeyno, sidii wada xaajoodkaasi dib ugu bilaabmi lahaa.

Ka helitaanka Somaliland beesha Caalamka gargaar dhaqaale, waajibaadkaaga ayey ku jirtaa, taasoo aan si weyn looga dareemin halkan, maxaad ka odhan lahayd? Maxaadse ka qabatay qorshaha horumarineed ee Somaliland?

Taasi, waa sababta aan wefdi balaadhan oo Qaramada Midoobay iyo xafiiskayga ugu soo diray Somaliland, si ay u soo qiimeeyaan in hawlaha aanu wadno ula jaanqaadaan qorshaha horumarineed ee Somaliland iyo sida Qaramada Midoobay u kordhin lahayd doorkooda weyn ee kobcinta xasiloonnida iyo qaab nololeedka shacabka Somaliland, hawshaa waan sii wadi doonaa, iyadoo aan ku koobnayn sanduuqa gargaarka Qaramada Midoobay, balse dhiirigelino sidii loo gaadhi lahaa qorshaha hiigsiga horumarinta Somaliland.

Miyaanay, mashaariicda Qaramada Midoobay ku jirin kuwo taageerida doorashooyinka, maadama, caqabad ka taagan tahay helitaanka kharashkii wakiilada ururada/xisbiyada doorashooyinka Deegaanka gelaya?

Maya, ma jirto wax taageero dhinacaa ku saabsan oo nala weydiistay.

Haddii codsigaa la idiin soo jeediyo, maxaad odhan lahayd?

Dhabtii, waxay ku xidhnaan doontaa sida loo arko codsigaa, laakiin, annigu ma sii saadaalinayo in wakhtigan nala weydiisto.

Hore, waxaad u taageertay magacaabida Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ma filaysaa inay taasi kuu geliso fikir xun shacabka reer Somaliland, maadama, halkan, looga arko qof khiyaamo qaran galay?

Taa jawaab kama bixin karo, (Qosol), keliya waxaan ogahay inay tahay shaqsi karti leh, laakiin, dhinaca siyaasada marka laga eego ma jecli inaan ka hadlo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somalia Oo qiray Horumarka Doorashadda deegaanka Somaliland

 

November 28th, 2012

 

Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee maanta Somaliland ka qabsoomay. Waxaanu tilmaamay inuu rajaynayo inay cadaalad ku dhammaato.

 

Madaxweynaha dalka Somalia waxa uu sheegay inuu rajaynayo inay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka Somaliland ee markii labaad qabsoomayaa ay sii xoojiso nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka jira isla markaana ay tusaale u noqon doonto dalkiisa Soomaaliya.

 

“Dadka reer Somaliland iyo dawladoodaba waan ugu hambalyeynayaa inay soo gaadhaan heer ay dadku cod bixinayaan oo ay kala doortaan cidii talladooda qaban lahayd. Hawshaasi waa hawl horumar leh,”ayuu ku tiraabay Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku jooga dalka itoobiya oo maanta u waramayay Laanta afsoomaaliga ee VOA-da.

 

Xasan Sh. Maxamuud waxa uu intaasi ku daray “Waa hawl aan ku bogaadinayno waxaanan u rajaynaynaa inay doorashadaasi si nabad ah oo xor ah u dhacdo, isla markaana ay hore u sii waddo qaabkii dimuqraadiyadda oo ah wax ku dayasho mudan.

 

Madaxweynaha Somalia waxa kale oo uu tilmaamay inay sii wadayaan dhinacooda wada xaajoodyadii hore ugu bilaabmay dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu ku dooday inay kulamadaasi ka soo bixi doonto wax labada shacab-ba raali ka yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.