Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Raysal Wasare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland oo wada hadal uga bilaab Mayo London

 

January 1, 2013 |

 

London January 1, 2013 (SDN) Warar xogagala oo ay heshay shabakada qurbejoog.com ayaa waxa la filayaa maalinta sabtida ay kulmaan Raysal wasare ku xigeenka Dawlada Fedralka Somaliya Marwo Foosiya Xaji Adan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Omaar waxa la filaya inuu kulankani ka dhaco xarunta wasaarada arimaha dibada ee wadankan Britain shirkan ayaa waxa la filayaa in looga arinsado sidii ugu surto gal ah ee uu ku furmi karo wada hadalka somaliland iyo somaliya iyo shir wayne caalamiya oo la filaayo in la qabto bisha May ee sanadkan taas oo madaxda soomaliya ay uga soo qayb gali lahayeen waxii wara ee ku soo kordha wada hadalkan kala soco qurbejoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalilands foreign Minister Dr Muhammad abdulahi Omar and Somalia's foreign minister Fawziya Yusuf haji Adan will meet Saturday officially to pave way for the talks of Somaliland and Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;904504 wrote:
Somalilands foreign Minister Dr Muhammad abdulahi Omar and Somalia's foreign minister Fawziya Yusuf haji Adan will meet Saturday officially to pave way for the talks of Somaliland and Somalia.

That's just weird. These people were batting for the same team just few months ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Che, that is why I think the whole thing is just to entertain the idle hands and the idle minds of the Somalis...Seriously you want to tell me the respected president of Somalia couldn't appoint a commitee of respected Somalis to represent the nation? If you want to win a game at least get people with the Golden tongue!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

STOIC;903147 wrote:
I agree with Haatu here.There are more holes in Somaliland politics than in that proverbial Swiss cheese.Somaliland is today poisoned by irattionality of sub-clan politics in the service of narrow self-interest of few powerful men.. What we have witnessed over the last few months , which showed a dramatic display of sub-clan politics, suggest that Somaliland is NOT ready to part ways with Somalia permanently yet and if they do at this time they are in for a big chilling shock! In this respect the question of secession is entirely irrelevant until the public educates themselves on the downfall of sub-clan politics and a strong civic institutions separate from the clasp of any president is put in place.. Though it was in the offing long before this past election, but this sham election brought the weakness of Somaliland to the open and I will argue Somaliland is NOT ready yet.I hate to admit it, but the truth never kills anyone!

I echo your sentiments. Somaliland should fix its internal problems first before it can ask for a divorce.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are hardly any problems in somaliland president silanyo has the country under control ofcourse there are shortcommings but that should not hinder the talks. Why are people so worried about these talks its just talks. How can there be a future relationship between sl and somalia if we dont talk about its beeen 21 years dhimanay ba goorma la heshin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Stoic the presidents of somalia and somaliland will be leading these talks

They already had a committe during sharifs admin

 

The 2 ministers are just prepairing the talks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Britain u Qaabilsan Afrika Oo Maanta Kulan la yeeshay Wasiirka Arr. Dibadda Somaliland

January 3rd, 2013

 

Dawladda Britain oo xaqiijiye Inay ku faraxsan tahay inay wada hadalada u fududayso Somaliland & Soomaaliya

 

Xukuumadda Somaliland Oo Dalkeeda Ku Marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska

 

London (Somaliland.Org)-Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana ay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Ingiriiska.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu fursad u helay oo uu Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, warbixin dheer ka siiyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee 28-kii bishii November ee la soo dhaafay ka qabsoomay dalka, taasi oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku muujiyay sii xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

 

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahad celiyay dawladda Britain kaalintii dhaqaale ee ay ka geysteen doorashooyinka Somaliland.

 

Waxa kale oo uu Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku ammaanay dawladda Britain dhaqaalaha ay ku bixiso sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyadda ammaanka iyo doorashooyinka.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dawladda Britain-na uga mahad celiyay siday u fududaynayso jawiga ay ku wada hadlayaan labada dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay Somaliland diyaar u tahay inay la sii wado wada hadaladii labadaas dal dawladda Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo imika uun dhisay dawladiisii.

 

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu dawladda Britain u cadeeyay inay Somaliland Sii wadayso la dagaalanka Budhcad badeedda iyo argagixisadda Geeska Afrika.

 

Wasiirka Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Simmonds, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso taageeradda kala duwan ee ay Somaliland kaga saacido dhinaca horumarinta.

 

Mr. Simmonds, waxa uu sheegay inay dawladda Britain ku faraxsan tahay inay fududayso wada hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kooban ee Wasiirka Arrimaha dibaddu caawa soo saaray waxa lagu sheegay in labada Wasiir ay kaga wada hadleen kulankaasi sidii kor loogu qaadi lahaa in Ingiriisku maal-gashu ku sameeyo wadanka Somaliland.

 

Ugu dambayn waxa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda guud ee Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Rejada Uu Ka Qabo Wada-hadallada Somaliland “Waxaan Ahaa Ninkii Soo Qaaday Warqadii Dabar-goynta beelaha Somaliland Muqdisho

 

(Ramaas) Jan 9,2012 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya Dr. Caydiid Cabdillaahi Ilka-xanaf, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida uu u arko inay Soomaaliya iyo Somaliland kala yeelaan mustaqbalka, isla markaana waxa uu beeniyey warar ay Warbaahinta qaar ka baahiyeen oo tilmaamaya in Guddoomiye Ilka-xanaf caddaaladdiisu tahay mid ku salaysan Laaluush iyo lacag qaadasho, hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in arrintaasi been-abuur tahay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi Ilka-xanaf oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Telefeeshinka madaxa-bannaan ee BULSHOTV oo khadka taleefanka ku waraystay isaga oo jooga magaalada Hargeysa, waxaanu Guddoomiyuhu Waraysigaas ugu horreyn si adag ugaga hadlay Sawir-gacmeed uu ka sameeyey Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir, Sawirkaas oo uu ku soo daabacay boggiisa Internet-ka ee Amiinarts.com, kaasoo muujinaya Laaluush la siinayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliye. Hase-yeeshee, waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in laga been-abuuray sawirkaas iyo warar ay warbaahinta Soomaalidu ka baahiyeen oo uu ku tilmaamay kuwo ujeeddooyin gaar ah iyo in sumcaddiisa wax lagu yeelo looga dan leeyahay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo wax laga waydiiyey wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya sida uu u arko iyo fikrada uu ka qabbo Madax-banaanida Somaliland doonayso ayaa ku jawaabay sidan “Addeer waxaan u malaynayaa in SNM dagaalkeedii nin iiga horeeyay aanu jirin, Madaxwaynaha Somaliland oo ahaa Guddoomiyaha SNM-na wuu ogyahay oo xitaa waraaqdii ahayd Dabar-goynta beelaha Somaliland anigaa keenay, markaa anigu cidna ugama dambaynayo Somaliland, waxaanan ahay nin waligiina qabay Somali-weyn, laakiin ma ogoli in cidna gardaro lagu sameeyo”

 

Guddoomiye Ilka-xanaf oo ah Muwaadin reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Somali-weyn, waxa kale oo uu soo qaaday “Somaliland nabadgalyadeeda iyo siday imika tahay inay ahaato ayaan ogolahay, waxaan ogolahay inay si fiican oo sharafle isugu soo noqdaan (Somaliland iyo Somaliya), Somaliland-na xumaan lama jecli oo reerkayga iyo xaaskaygu waxay deggan yihiin Hargeysa”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.