Sign in to follow this  
Abwaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xalay Kormeer ugu Kuurgalayey Qaabka Ammaan ee Muqdisho iyo Habeenkii

Recommended Posts

Abwaan   

Maaddeey;809500 wrote:
^^Wax ma akhrisid miyb Abwaanow?. Wuxuu ku yiri tii Yey iyo ta Shariif-ba waan taageersanahay.

 

Waxa magaalada camiray waa adoo miiran oo tii hore qabyaalad uga soo horjeeday ee adiga iyo inta kula midka ah maxaad tan ku taageerteen?.

 

Amxaarada weli wadanka waa ku jirtaa, dhibaatana waa geysataa!.

Maaddeey, haad-haafka Ilaah hannaga daweeyo, adiga yaa proof-reader kaa dhigtay....And I know wuxuu dhahay balse xaqiiq ma tahay?

 

Lol Magaalada cammiray...I wish I did that.....FYI I have both family and relatives who left the city in 1991 and went back to build their houses....Adigade Ceelasha biyaha waa laga guuray iyo shacabkii aad ku haysatey xoogga ee xaggee aadee Lullumo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Goverment troops poopoo on the holy koran. This is the worst ever.

 

Arin aad u fool xumo badana ayaa tobanka bishan ka dhacday Masjidul Catiiq oo ku yaala degmada Wada jir ee magaalada Muqdisho, imaamka Masaajidka iyo dad kale ayaa waxa ay indhahooda ku arkeen kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo lagu Saxarooday, kadibna lagu guray saddax ka mid ah Musqulaha ku yaala Masjidka.

 

Dhacdooyin kuwan lamid ah ayaa dhawaan ka dhacay Masaajidka Faataxa-fashaq iyo Masjidu Raxma oo ku wada yaala isla degmada Wadajir, intaana waxaa sii dheer in dugsi ku yaala degmada Hodan todobaadkii la soo dhaafay lagu dhex saxarooday, laguna dhex jeex jeexay kitaabka Qur’aanka iyo maradii xijaabka u kala ahayd wiilasha iyo gabdhaha Dugsiga , isku soo wada duuboo dhacdooyinkaa Xanuunka badan ee loogu geyfey Kitaabka Qur’aanka ayaa shacabka soomaaliyeed looga fadhiyaa sidii ay uga dhiidhin lahaayeen.

 

W/D Cabdi Fitaax Maxamad Qaasim “Filibiin

Muqdisho Somalia

 

http://taleex.net/2012/03/17/maxay-tahay-sababta-ka-dambeysa-in-dalka-soomaaliya-gudihiisa-xiligaan-tacaddi-loogu-geysto-kitaabka-quraanka-kariimka-ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loooool....Mooge your name says all....It looks like inaadan wax badan la socon:D....Do you have another source? Or is this the only one? Taleexnet?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

<img src="http://warqaad.com/wp-content/uploads/2012/03/1m.jpg"?

 

Dibadbax ka dhan ah tacadiga lagula kacay Kitaabka Quraanka oo ka dhacay Marka

 

19.March.2012:- Waxaa shalay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo magaalooyin kale ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo arin laga wada naxay oo dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Sida aad ku aragteen wararkeena hore dhowaan magaalada Muqdisho waxa ka dhacday arin argagax ku reebtay umadda Soomaliyed ee ku yaal qalbi damqada, taasoo culimada Soomaliyed ee kala duwan iyo DKMG ay ka wada hadleen.

 

Qof ayaa Kitaabo Quraanka Kariimka jeex jeexay kadibna ku saxarooday, waxaana arintan ay ka dhacday masaajido ku yaal degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo dadka ku dhaqan ay ka xumaadeen.

 

Maamulka degmada Wadajir ayaa waxa uu horaan u sheegay in ninka falkan sameeyay ay gacanta ku dhigeen oo maxkamad ay soo istaajin doonan, balse wali ma jirto wax kasoo naaso cad arintaasi.

 

Maamulka ururka xarakada AL Shabaab ee magalada Marka ayaa waxa ay soo qaban qaabiyeen mudaharaadyo looga soo horjeedo jeex jeexida Kutaabka Quraanka Kariinka oo ay ku tilmaameen ruuxa falkaasi geystay inuu gaaloobay.

 

Dibadbax ay kasoo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo aad u farabadan oo isugu jira Dhalanyaro, Caruur, iyo Waayeel oo ku cabiraya dibadbaxa sida ay uga soo horjeedan dhacdada lagula kacay Kitaabka Alle.

 

Masuuliyiin uu kamid yahay Afhayeenka xarakada AL Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage[sheekh Cali Dheer] ayaa waxa ay sheegeen in Soomalida meel walbo ay joogan looga baahan yahay in ay ka qiiroodan xumaanto lagula kacay Kitaabka.

 

Warqaad.com-Marka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Kitaabka Qur,aanka Kariimka ah oo lagu saxarooday 3 masaajid oo ku yaala Muqdisho

Updated About:14 days ago3

 

Todobaadkan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday arinti ugu xumeyd ee lagula kaco kitaabka Qur,aanka Kariimka ah taariikhda inta la xasuusta gudaha dalka Soomaaliya.

 

Qaar ka mid ah Culuma,udiinka degmada Wadajir ayaa xaqiijiyey in sadex ka mid ah masaajidada degmadaasi lagu arkay kitaabo Qur,aan oo qaar la jeex jeexay qaarna lagu saxarooday, kadibna lagu daadiyey musqusha ama suuliga.

 

Sheekh C/risaaq Cumar oo ka mid ahaa culimadi soo arkay ayaa isaga oo aad uga naxsan arintaasi kana murugeysan u sheegay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo la yiraahdo Radio Risaala in ay kasoo saareen musqulaha sadex masaajid qeybo ka mid ah masxafka shariifka ah ee Kitaabka Qur,aanka Kariimka ah.

 

Sheekha ayaa tilmaamay in iyaga oo koox ah ay dhaqeen kitaabadaasi iyo bogag ka mid ah qur,aanka oo inta la jeex jeexay lagu daadiyey godka musqulaha ama suuliga qeybta lagu saxaroodo, taasi oo ah meel ka dhaci iyo gafki ugu weynaa ee gudaha Soomaaliya loogu geysto kitaabka Qur,aanka Kariimka ah inta la xasuusto.

 

Masaajidada ay ka dhaceen dhacdooyinkan ayaa kala ah Masjid Fatxu Raxman, Masjid Al Catiiq, iyo Masjid Faatux, waxaana culimadu ay sheegeen in dhacdadan ay ku beegneyd 10-ki bishan March sanadkan 2012.

 

Sheekh C/raxmaan Yusuf Jarane oo ka mid ah culuma,udiinka ugu caansan Muqdisho ayaa ku sifeeyey arintaasi mid diinta loogaga baxay, waxaana uu la masalay kuwi ka danbeeyey falkaasi sidi Fircoon iyo Abu Jahal oo ahaa gaaladi ugu waaweyneyd ee soo dhibtay diinta ALLE.

 

Waxa uu sheekh C/raxman uu ALLE ka baryey inuu fadeexeeyo oo uu banaanka soo dhigi kuwo ka danbeeyey dhibaatada xun ee loo geystay Kitaabkeena sharafta leh ee ka kooban kalaamka iyo hadalada ALLE.

 

Dhacdadan ayaa ah tii ugu murugada badneyd uguna naxdinta badneyd ee meel ka mid ah magaalada Muqdisho ama dalka Soomaaliya loogu geysto kitaabka Qur,aanka Kariimka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge Qofkii amase kooxdii Kitaabka ilaahay u geftey nabsigu wuu ka soo bixi, laakiin weli ma aadan keenin warar rasmi ah....Maxaa u diidey the usual Somali Websites ee wararka soo qora inay arrintaan wax ka qoraan? Ma waxaad leedahay way ka gaabsadeen? Mise waa loo diidey? Hiiraan, radiomuqdisho, Mogadishutimes, Raxanreeb, Garoweonline, Waagacusub, Dayniile, Soomaalinews, allgedo, qaranimo, allpuntland iyo qaar kale oo badan sida BBC iyo VOA arrintan maka meermeeraysteen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

abwaan arintan nairobi oo dhan sheekadeeda dadka dhan baa og. wax qarsoon maaha.

 

sawirada tacadiga.

 

mudugmedia.com

 

catiiq%20(8).JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Maaddeey;809500 wrote:
^^Wax ma akhrisid miyb Abwaanow?. Wuxuu ku yiri tii Yey iyo ta Shariif-ba waan taageersanahay.

 

Waxa magaalada camiray waa adoo miiran oo tii hore qabyaalad uga soo horjeeday ee adiga iyo inta kula midka ah maxaad tan ku taageerteen?.

 

Amxaarada weli wadanka waa ku jirtaa, dhibaatana waa geysataa!.

lol Ninkan meel loo raaco ma laha sida aad aragto ayaa ka dhab ah oo maba akhriyo waxa lagala doodayo.

 

Waxaan ka sugayey in uu policy difference between the two admins soo tiriyo lakiin waxa uu ka dhamaan waayey liido ayaa lagu bashaalaya iyo dad laguma dal dalo xeryaha ciidamadama ethiopia. Iyadoo aan ogsoonahay in xasuuq xun ka dhacay duqayn amisom u gaysatay suuqa bakaaraha iyo meelaha barakacayaasha deginyiin sida ceelasha biyaha iyo yaqshiid mar aan sidaa u fogeyn. Tan kale hadii uu leyahay dad baa la daldalay oo waxaa amaray AY hadaba kuwa wabiga beledweyne lagu tooganayey maalmihii dhoweyto yaa amray?

 

jug jug meeshada joog..

 

Taageeradisu waa iska cadahay waxa ay ku saleysantahay marka wax micno ah ay keeneyso in aan la doodno intaan ka bacdi ma jirto.

 

PS: Sida aan horay u sheegayna is badalka yar oo aan aragno waxay ku timid kadib markii kuwa isaga la fakarka ahi ay dhagax tuurka ka daayen dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maaddeey;809500 wrote:

Amxaarada weli wadanka waa ku jirtaa, dhibaatana waa geysataa!.

Shuush, Beled Weyne, Baydhabo, Xudur iyo Guriceel are not technically part of Somalia now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Maadeey haba waalnaadee waluusan qabiilayste iyo munaafaq ahayn, laakiin dadkii 2006 laga fadhiyi waayey waxaa fiican inay qarsadaan alalaaska ay u alalaasayaan dowlada hada inlayn unless ay amxaaradii the last 4 years aysan is badel. Labadaan dowladood waxay ku

Kala duwan yihiin ma jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

bilan adigana ma soo kacday? lol....Wallee tan illaa 2006 waa socotey nothing new...Adduunka Ilaahay waxaa ugu daran qabyaalad haweenka gasha. Weligey ma arkin bani'aadam ka indha adag oo been iskugu marqaati furaya, iskuguna hiillinaya.....come on been been ma soconayso. bilan....For your info waxay ku kala duwan yihiin check here http://www.unascuolaperlavita.org/inglese/listafoto.asp?manifestazione=The+loot+of+Madina+Warsame+school Iskuulkaan muxuu galabsaday? And as you know under Madaxweyne Sh. Sharif's command Mogadishu University within few days waxaa la wareegay maamulkeeda hawsheedii ayayna dib u billaabatay.

Maaddeeyna adigaaba u dhammeeyey inuu qac yahay war dambe maba dhaafsanayo ee xariggii lagu xirxiri lahaa baan meelaha ka raadin.

 

peasant adiga weligaaba intaad guri mugdi ah isku xirtid waa isla mid ku dikri....Isla mid ma ahan...period.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Wallee odaygii Abwaan maanta waa la hayaa! Waryaadhahee odayga ka hadha. At least Sharif prays LOL. Istaghfurulaah. Seriously though, Sharif just looks more religious than the late Yey. As far as policy wise, they are two sides of a coin, brothers. Yey asked for 20K foreign troops, only got heard by Xabashis. Shariif is asking 18K. Maybe there is 2K difference LOL.

 

Abwaan, Xabshida maanta Beledweyne, Gedo, iyo Galgaduud dadka joogo madaxa ka garaacyso with Shariif's blessings uma jeedid miyaa walal markaa dhaheysid Xamar ma joogaan Xabashi? Bal taas naga qanci.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

The Zack;809565 wrote:
Wallee odaygii Abwaan maanta waa la hayaa! .

The Zack....Waa la hayaa ku lehe.....Dadkaan sidii raxan-raxan lee u soo daadanayaan hal jawaab, su'aal or evidence lee ku filan maba soo noqonayaan...Teeda kale Amxaarada lee lagu meereysanaa.....Soomaaliya Amxaaro lee kama khaldana, dad aan waxba aqoon oo jagooyin loo dhiibay xitaa dhibkay ka mid yihiin, beel aaminsan inay dadka ka caqli badan tahay iyo dad u riyaaqaya dhibkay ka mid tahay....Dad isku haysta inay wanaag lee sameeyaan oo aan xumaantooda arkin tan dadka kale lee arka oo isku cammirana dhibkay ka mid tahay, dad leh annagaa xoog leh oo inta kale dardarnay cid noo talinaysana ma leh dhibkay ka mid tahay, dad leh ciddaas waan dagaalnay wax wanaag ahna na dhexmari maayo dhibkay ka mid tahay, dad haysta hanti dad kale dhibkay ka mid tahay, dad degaan aysan weligood degin dhahaayo hanti baa nalooga dhacay dhibkay ka mid tahay, dad aanba rabin in dowlad dhalato oo qofkii soo muuqda cid un u arkay dhibkay ka mid tahay, dad walaalahood 0.5 ku sheegaya iyaguna isu arka dad dhan dhibkay ka mid tahay, dad raba inay dhul gaar ah yeeshaan dhulka aad deggan tahayna kula leh dhibkay ka mid tahay, Taxi and bus driver madaxweyne isku sharraxaayo with the cidda's blessing dhibkay ka mid tahay, nin wadaad sheeganaayo oo dadka laynaayo dhibkay ka mid tahay, dad warlords-kooda taageeraya kuwa dadkana farta ku fiiqaya dhibkay ka mid tahay, dad hagardaamada ay geystaan aan ka hadleyn wixii iyaga loo geystey un u jeedana dhibkay ka mid tahay, dad dhiigyacabkooda dhahaya waa statesperson kuwa dadka kale lee u jeedana dhibkay ka mid tahay, madaxweyneyaal qabiil dhibkay ka mid tahay...Mise intaas oo dhan waa diiddan tahay....Been baa la isku sheegayaa...Yaase iska dhegeysan.

 

Zack aniga goormaa aragtay anigoo leh Itoobiyaan waa walaaleheen iyo wax nooma dhimaan...Haddaad caddaaladda wax ka taqaan dadkii dhihi jirey sidaas ima barbar dhigteen. For the last time....The Ethiopian Intervention is wrong but it is unfair that the loosers of yesterday just focus onto that and ignore all the other positive things that president Sharif and his government achieved....The guys who want to talk are the ones who used Addis as an entery and exit point for Somalia....Let us get real....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this