Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ibrahim dheere the most wealthiest Somali in the Somali peninsula the Economist.

Recommended Posts

Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) Oo Wergeyska Economist’e Ee Dalka France U Aqoonsaday Ninka Ugu Maalqabaysan Dunida Afka Soomaaliga Ku Hadasha Shaacisayna Hantidiisa

 

March 16, 2012 -

Paris – Wergeyska Economist ee ka soo baxa dalka faransiiska ayaa todobaadkii hore wuxuu shaaciyey liis dheer oo ah maal-qabeenada ugu lacagta badan qaaradda Afrika wuxuuna markii ugu horaysay liiska ku soo darray dadka Afka soomaaliga ku hadla oo yeeshay Hantiile leh lacag aad u tiro badan.

 

Wergeysku wuxuu u aqoonsaday ninka ugu ladan ama ugu lacagta badan qaaradda Afrika Ninka lagu magacaabo Aniko Dangote oo dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Nigeria oo ka ganacsade Sifaynta Sonkorta iyo Milixda ninkaasi oo Wergeysku sheegay inuu haysto lacag qadarkeedu dhanyahay 13.8 Bilyan oo dollarka dalka maraykanka ah.

 

Waxaa iyaguna kaalinta labaad soo gallay laba nin oo ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika oo la kala yidhaahdo Diamond Magnete iyo Nicky Oppenheimer oo leh shariikadd keliya oo dahabka ka ganacsada oo haysta hanti dhan 6.5 Bilyan Dollar.

 

Markii ugu horaysay ayaa Wergeysku wuxuu sheegay in ninka ugu ladan Dalka Jibouti iyo dhulka Soomaalidu degto uu yahay Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo Wergeyska Economist’e sheegay inuu haysto lacag qadarkeedu dhanyahay 1.6 Bilyan dollarka maraykanka oo u dhiganta 1.2 Bilyan Lacagta Euro-da ah una sii dhiganta 1.1 Bilyan oo lacagta Sterling dalka ingiriiska ah, Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) ayaa wergeysku sheegay inuu lacagta ugu badan ka sameeyey ganacsiga cuntada la quuto (Food Industry) isagoo u dhoofiya in ka badan 20 Dawladood oo qaaradda Afrika ku yaalla iyo weliba Shariikado caymiska ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Badhtamaha Afrika oo u badan dalalkii Faransiisku gumaysan jiray.

 

Waa markii ugu horaysay ee la shaaciyey hantida nin u dhashay jinsiyadda Soomaalida isla markaana ka soo jeeda Somaliland balse deegaan ahaan degen dalka Jibouti inuu haysto hanti qadarkeedu kor u dhaafay Bilyan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Hustler;804987 wrote:
Its sad that the richest somali man in the world has only 1.1 billion, we are sure behind

lol...Not really...If this is true and a Somali individual is on the top richest Africans, it is something to celebrate for.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;805081 wrote:
Jacaylbaro horta ibrahim habla ma leeyahay?

Haa, laakiinse waa la wada qabaa. Inkasta oo aan adiga sharciba ku qaban.

 

Good job for the fella .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya sharicigu wuu ii qabta Adeer balse waxan jecelahay wadooyinka fudud eeh la maro waad fahantay baan filaya

 

Ibrahim hada kuwisa la wada qabo dee koley qaar bu awoow u yahay

 

tarankooda danbe na waxay wada noqon tujaar wada talabsate eh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this