Sign in to follow this  
Maaddeey

Seekh Xasan Dahir Aways

Recommended Posts

Maaddeey   

images?q=tbn:ANd9GcTR5qlgZGBL1WvgQEDGgOY

 

Sheikh Xasan Dahir waa nin aad looga yaqaan gudaha Soomaaliya, waa xaafidul Quraan, mujawwid ah, Aabihiis oo dhowaan geeriyooday oo ahaa macallin dugsi Quraan oo xufaad badan soo kiciyey ayaa yaraantiisii uu Quraanka ka bartay, wuxuu ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna qayb libaax ka qaatay dagaalkii 77 oo uu billad geesinimo ku qaatay, wuxuu askarta ku boorrin jiray inay Tawxiidka iska saxaan, salaaddana tukadaan, niyaystaanna iney Jihaad ku jiraan.

 

Sida lagu yaqaan Culimada Rabaaniyiinta ah, waa in Xabsiyada Dhawaagiidda la dhigaa 'Ibn Taymiyyah, Albaanee, Sayid Qutb and more', Sheekh Xasan waa la xiray waxaana lagu xakumay dil toogasho ah isagoo dambigiisu yahay: ' Rabbii Allaah', Aabihiis Macallin Dahir ayaa damcay inuu Siyaad Barre uga ergeeyo wiilkiisa, Siyad Barre 'calayhi maa yastaxiq' oo ahaa nin xeelad badan ayaa ogolaaday in Macallin dahir uu u yimaado 'labadooda qabiil isku meelna waa degaan, waana iska guursadaan', wuxuuna soo labistay macawis & shaal qurux badan, tusbaxna gacantuu ku soo qabsaday, Salaaddii cishaha ayay wada tukadeen, markii Macallinkii dantuu u socday sheegay ayuu Siyaad Barre yiri: 'Wiilkaaga inaan daayo waxba kama qabo, lakin ka warran ninkaygaan salaadda cishaha hadda kula tukaday, hadduu Gaal ii yaqaanno' Odaygii wuxuu yiri: 'ma dhici karto', Sheekh Xasan baa loo yeeray, 'maxaad iga aaminsantahay?', 'Gaal Alle ka furtay' daliilkiina wuu hordhigay, sidaas baa Xabsigii loogu celiyey ilaa markii dambe Sheekh Ibn Baaz uu uga shafeecay Boqor Fahad isna sidaas Siyaad Barre uga codsaday in la sii daato Sheekha.

images?q=tbn:ANd9GcTHthdcOJntH9DulSzq7pl

Waxaa laga yaabaa ineysan dad badan ka warqabin, lakin Dagaalkii Araarre ee wadaadadii Itixaadka ee reer Puntland u badnaa ey si qaldan isaga dhaadhiciyeen iney Caydiid uga hortagaan buundada Araarre si ay Kismaayo u difaacaan, ayuu Culimo uu isagu hogaaminaayey ka ambabexeen Xamar si ay wadaadadaas uga dhaadhiciyo iney dagaal oogayaasha (Morgan & Caydiid) la kala safan, balse wadaadadii warkaas waa diideen, oo sidaas dagaalkii ku galeen, natiijadiina noqotay in aaggaas oo dhan maydkoodii daato oo dhulka dhan cimaamad guduudan noqday 'Alle ha u naxariisto'.

images?q=tbn:ANd9GcR_riBZhRK-CvLBylfkKin

 

Xabsiga waxaa ku soo booqday walaalkiis Sheekh Muuse Daahir, markey sheekeysteen kadib, ayuu damcay Sheekh Muuse inuu samirsiiyo walaalkiis ka wayn(1), maadaama askartii la joogaan ayuu Af Carbeed ku yiri:

اصبر فى السجن صبراً

Taasoo uu Sheekhu ku jawaabay:

و حتى الموت نصبر

images?q=tbn:ANd9GcT8jt3-9FVt4Y8OuqSoal5

 

Sida Shariifka isma bedelin oo Aduunyo ma qaadin, weli wuxuu ku taaganyahay wadadii uu 30 sano iyo ka badan ku taagnaa. Sidoo kale sheekhu mudaahanah 'munaafaqayn' ma yaqaanno oo Xizbigiisa & dadka kale isku si buu ula dhaqmaa, wax uu xaq u heystona ma qariyo, si aan taa u caddeeyo labadan dhacdo ila eega:

 

1) Cabdulqaadir Mumin oo ka mid ah Culimada Xarakada ayaa maalin masaajid ka sheegay in 'Macallimiinta Quraanka dhigta aan waxba laga aqbalayn ilaa ay jihaadka ka qayb qaataan, dugsiyada waa in la xiraa oo waxbarasho ma soconeyso iyadoo wadanka la heysto' hase yeeshee Sheekh Xasan ayaa ka daba istaagay oo si cilmiyeysan u naqdiyay oo caddeeyey in waxa loo jihaadayoba ay tahay inuu Quraanku kor noqdo, weliba marka Jihaadka loo baxo loo baahanyahay in Culimo ku haraan magaalada si ay dadka diinta u braan: فلولا نفر من كل فرقة منهم طائفة ليتفقهوا في الدين ولينذروا قومهم إذا رجعوا

 

2) 11 May 2011 waxay Shabaab xaflad ku qabteen magaalada Afgooye ay ugu magac dareen: كلنا أسامة waxay ku xardheen darbiyada Sawirka Usaama, xoolona waa qaleen, Sheekh Xasan arintaa aad buu u diiday sheegayna iney tahay waxan oo kale wixii ay la dagaalami jireen, xaaraanna tahay!. Isla meeshaas wuxuu ka sheegay iney Usaama dhowr mar kulmeen uuna ka diiday dhowr qodob oo arrimaha Soomaaliya ku saabsan.

images?q=tbn:ANd9GcS094Qczt7NtfSwEqmQT5Z

___________________

1) Seikh Xasan isagaa Waxbarashada ka saaciday dhamaan walaalihiis including Sh. Axmad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

xasan-daahir1.jpg?w=468

 

 

ec-louis-michel-somalia-president-yusuf-

 

 

Galkacyo boys Dahir Aweys and Abdullahi Yusuf, both with EU Commissionar Michelle. waa rad madax ah, reer Mudug ileyn. dhinac kasta wee ka ciyaaraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

the man was a military man, he is a brilliant strategist and was the master mind of the islamic courts union, he gave it to sheriff as the face of brand to unite the mugdishso population. I doubt he is dead, they said he was dead before and he wasnt, he was recently declared to be the man in charge of the fight against the A.U. the man is a regular hudini he always comes back from the dead somehow...politically speaking...tachtician walahi...i respect him more then any southern politician.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Xaaji Xunjuf;797616 wrote:
People can hate this guy and he is not perfect but he is a very principled guy he will die for his beliefs.

Xasan Dahir siyaasi ma'aha ee waa askari qori caaradiis uun wax ku raadinaya. Isaga oo 60jir ah ayuu wali qorigii la ordayaa oo uu cid walba mucaarad ku noqday. Siyaad Bare ayuu u soo dagaalamay markii danbena la dagaalamay, C/laahi Yuusuf ayuu la dagaalamay, Sheekh Shariif dowladiisii ayuu yidhi ha lagu jihaado, xitaa Al-Shabaab markii ay iska soo horjeesteen iyagana dagaal ayuu kala hortagay. Xasan Dahir geeri mooyee wax guul ah ummada Soomaaliyeed umuusan horseedin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sheikh Xasan Daahir Aweys-Qaybta labaad

 

Markii uu dagaalkii Boosaaso ee Itixaadka & SSDF dhacay, Sheekha oo hogaaminya ciidamo fara badan oo dhallinyaradii Mucaskarka Marko ku jirtay ahayd ayaa u soo kicitimay Boosaaso, Sheekha dagaalka ayuu hoggaaminayey, guulo badan ayuu ka soo hoyey dagaaladaa, taasoo sabab u noqotay in Colonel Abdullaahi Yusuf & madax sare oo SSDF ah nolol lagu qabto, hase yeeshee Culimo Itixaadka ah asee ay Cabdullaahi isku hayb yihiin baa u shafeecay, sidaa baana lagu siidaayey.

 

Waxay SSDF-tu shacabka ku beer laxawsadeen, in nin Korneyl ka mid ah qabiilka Caydiid uu doonayo inuu idin gumeysto & waxyaabo saas ah, taasoo aakhirkii keentay in ciidamada Ittixaadka la jebiyo.

 

Markii la jabay, waxay galeen tuulada Qaw, taasoo ay Ciidamadii SSDF uga daba yimaadeen, haddana wuxuu Sheekhu ciidamadiisa u hogaamiyey Buuraha Saliid ee Gobolka Sanaag, meeshaas oo ay ka dhacday waxyaabo la yaab leh, sida wadaadada isu jecelyihiin oo Xoolaha loogu keeni jiray buuraha dhexdooda, waxaa kaloo dhacday in gabdhaha & wiilasha la isu guurin jiray iaydoo WELi uu u yahay Sheikh Xasan.

 

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu qayb libaax ka qaatay dagaaladii looga soo hor jeeday Xabashida uu soo hoggaaminayey Cumar X. Masalle (madaxa SNFta). Labadaas dhacdo waxay ku tuseysaa in Sheekhu xayndaabka qabiilka uu ka baxsan yahay...

 

La soco qaybta 3aad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

La yaabi maayo oo SOL ayay caado ka tahay wiilal iyo gabdho adeeryaalkood faaninaya. The only difference here is Maaddeey probably has one nickname, kuwo ka daba mashxaradana ma haysto.

Xassan Daahir inuu diin yaqaan, derejo ciidan gaarey, bulshana abaabuli karo la iskuma hayo, laakiin xukun iyo beel jacayl oo ka mid ah astaamihiisa ayaa laga tegey...ninka taariikhdiisa yaan qaar laga tegin. Maaddeey goormaa buuggiisu soo baxayaa?:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

...wuxuuna soo labistay macawis & shaal qurux badan, tusbaxna gacantuu ku soo qabsaday, Salaaddii cishaha ayay wada tukadeen, markii Macallinkii dantuu u socday sheegay ayuu Siyaad Barre yiri: 'Wiilkaaga inaan daayo waxba kama qabo, lakin ka warran ninkaygaan salaadda cishaha hadda kula tukaday, hadduu Gaal ii yaqaanno' Odaygii wuxuu yiri: 'ma dhici karto', Sheekh Xasan baa loo yeeray, 'maxaad iga aaminsantahay?', 'Gaal Alle ka furtay'

Waagaas ku fiicneyd si fiican in loo siibo, dhibkii ka dambeeye uu keenay maba dhici lahayn. Nin madax adag waaye ninkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this