Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Professor cali khalif galaydh we are willing to talk with Somaliland

Recommended Posts

This soft talk of Galaydh is not helping specially after the indiscriminate attacks of L.A and Buuhoodle, the secessionist need someone, a strong man to tell them to bugger off. Enough with these elites of diaspora and Professors, I think the SSC community need a crazy warlord to stop warlord Siilaanyo's aggression. Nothing short of a violent back off talk and action will get warlord Siilaanyo to smell the coffee.

 

 

Adeer qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa and the educated lot from the west, men like Galaydh, Xaglatoosiye or Abdikarim are not up to the job.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

New Khaatumo state is for peace. there are regional and international community involvement in situation

and Galaydh understand it. In addition new Khaatumo State will need more time.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Lool@ qaniiyaa qaniinyo kaa fujisa. My aunt would tell me that when bullied by my older cousin. But note on the subject- SSC needs both ul iyo carooto to deal with Somaliland. SSC lives along side Somaliland community and it only makes sense that there is some sort of discourse between the two.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

some people never understand politics. Ali and other kHAATUMO elites manage to bring Siilaanyo in london as SNM leader with 4-5 formula

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dervish   

Khaatumo leaders are playing chess while somaliland plays checkers. Khaatumo leaders are trying to exhaust all means of peaceful dialogue before they can go on the offensive. Khaatumo state is a new state we can't be seen as an aggressive force in the region. It is khaatumo's duty to Delegitimize somalilands claims of being victimized and prove they infact are the true aggressors in the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

galeyr-150x150.jpg

Prof. Cali Khaliif oo Xidhan Calanka Soomaaliya, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

January 2012

 

Prof. Cali Galeydh: Siilaanyo Isma Hortaagi Karo Qadiyadda SSC/Khaatumo STATE

 

VOA Somali | Washington, DC January 2012

 

Halkan Ka Dhageyso Wareysi Dheer oo VOA da la yeelanay Prof. Cali Khaliif Galeydh

 

http://www.voanews.com/somali/news/Galeydh-Siilaanyo-Ma-hor-istaago-Karo-Qadiyadda-SSC-137348288.html

 

 

Prof. Cali Khaliif Galeydh, ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.

 

Prof. Galeydh wuxuu VOA u sheegay in shirka Taleex uu yahay shir madax banaan oo beesha degta Sool, Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayaan aayahooda isla markaana ay go’aan ku gaadheen inay maamul-goboleed ka madax banaan Somaliland ku dhistaan.

 

Prof. Galeydh wuxuu sheegay in Somaliland aysan hor-istaagi karin qadiyadda iyo rabitaanka dadka dega gobollada SSC.

______________________________________________________________________

 

 

images?q=tbn:ANd9GcSo06462gSoeJfMv5YrOn5

Prof. Cali Khaliif oo Xidhan Calanka Soomaaliya, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

 

Boocame Online : Prof. Cali Galeydh " Warlord Siilaanyo Isma Hortaagi Karo Qadiyadda SSC" (Dhagayso Waraysi VOA)

 

Halkan Ka Dhageyso

http://sscradio.com/playaudio.php?id=102

 

Siyaasiga rugcadaaga ah Ee Prof. Cali Khaliif Galaydh, marna ahaanjiray ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta tira beelka ah Ee ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.

 

Prof. Galeydh wuxuu VOA u sheegay in shirka Taleex uu yahay shir madax banaan oo beesha degta Sool, Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayaan aayahooda isla markaana ay go’aan ku gaadheen inay maamul-goboleed ka madax banaan Somaliland ku dhistaan.

 

Prof. Galeydh wuxuu sheegay in Somaliland aysan hor-istaagi karin qadiyadda iyo rabitaanka dadka dega gobollada SSC.

 

Qeybta hoose ka dhageyso wareysi dheer Oo uu siiyay Idaacada VOA Prof. Cali Khaliif Galeydh.

 

________________________________________________

 

 

Cali Khaliif “Waan Iska Difaaceynaa Cidii Nasoo Weerarto”(Dhageyso)

http://codkaqaranka.com/2012/01/15/cali-khaliif-waan-iska-difaaceynaa-soomaaliland-hadii-ayna-soo-weerarto/

 

 

Halkan Ka Dhageyso

http://codkaqaranka.com/3747-2/

 

 

15-01-20120 Nairobi:-(V.O.N):-Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaalia Mudane Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Xubnaha ka qeyb galaya Shirweynaha Khatuma 2 ee Magaalada Taleex ayaa jawaab kulul ka bixiyay.

 

Sidoo Kale Cali Khaliif Galeyr ayaa waxlaga Xumaado ku tilmaamay hadal shalay kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo kaaso ahaa in ay weerari doonaan deegaanada Maamulka loo samaynayo ee SSC.

 

 

______________________________________________________________________

 

Prof Cali Khaliif Galeyr oo Jawaab Kulul Siisiye Warlord Silaanyo

 

Prof. Cali Khaliif ayaa difaacay shirka Taleex oo u sheegay in beesha gobollada SSC ay ku dhisteen maamul ka madax banaan Somaliland.Prof. Cali Khaliif waxuu sheegay in Siilaanyo in uusan ka hadli Karin danaha SSC xiligaana ay ka baxaday sheegashadii horay loo sheegan jiray lakiin xiligaan ay garteen aayahooda

 

Hadalo dhiilaleh ayaa ka soo yeerayo shirka Taleex iyadoon maamulka Soomaaliland ay aad u dhibtay markii ay meesha ka dhex arkeen calanka baluuga ahaa ee Soomaaliya taana waxay keentay mar qur ah in ay qeylo ka soo yeerto madaxweyne Silaanyo oo isagu ka hor yimid shirkaas isagoona ku ti,maamay xaraan

 

Waxaase u jawaabay Prof Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in aan cidna lagala tashaneynin ayaaha SSC xiligaana ay ka tirsan yihiin Soomaaliweyn.

 

Si kastaba ha ahtee dhiilada is burineysa ee ka soo yeertay labada masuul ayaa cabsi galin karta in dagaal dhex maro SSC iyo Soomaaliland

 

______________________________________________________________________

 

Warlord Siilaanyo iyo Prof. Cali Khaliif oo Hanjbaadyo Kulul Is-Weydaarsaday Ka Dib Markii…

 

Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siillaanyo} ayaa shaaly khudbad dheer u jeediyay labadda gole ee maamulka Somaliland waxa uu si kulul uga hadlay shirka magaalada Taleex uga socda beesha Dhul-bahante iyo maamul goboleedkii ay ku dhawaaqeen.

 

“Shirka Taleex waxa uu ku bilaabmay jawi nabadgalyo oo beel ka mid ah beelaha Somaliland oo kaga arrinsanayeen arrimo dhaqan iyo horumarineed, balse markii dabe la bedelay oo la ceynwareejiyey, shirkaas waxaa ma jaro habaabiyey koox fidmawadayaal ah oo qaarkood hore uga baxay maamulka Somaliland oo u jeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan nabdoon, beesha Sool iyo dhamaan beelaha Somaliland waxay u baahan yihiin nabadgalyo iyo horumar” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

 

Sidoo kale Axmed Siilaanyo waxa uu yiri “Kama muuqato shirka Taleex inay xilligan ka soo baxayaan wax dani ugu jirto beelahaasi, maamulka Somaliland marna ma ogolaan doono in qarankan la kala jabiyo, la kala qeybiyo iyo in lagu qaraabto magacyo aan jirin, waxaanu difaacayna midnimada iyo wada jirka Somaliland, intii mas’uul ka ahayd shirqoolkaasna waxaanu u aragnaa inay yihiin dambilayaal Qaran, wax garadka iyo samataliska reer Sool waxaanu ugu baaaqaynaa inay ka feejig-naadaan iskana jiraan fidnadaasi ay la wareegayaan kooxdaas ku soo duushay wada jirkii Ummaddda”.

 

Dhinaca kale Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa si adag uga jawaabay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuuna sheegay in hadalkaasi uu yahay daandaansi colaad looga dhex-hurinayo dadka deriska ah, wuxuuna intaasi ku daray in shirka Taleex uu yahay shir madax banaan oo beesha degta Sool, Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayaan aayahooda, isla markaana ay go’aan ku gaareen inay maamul-goboleed ka madax banaan Somaliland ku dhistaan.

 

Prof. Galeyr sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland iyo Puntland aan lagala tashaneynin aayaha beeshiisa, wuxuuna intaasi ku daray inuu la yaabanyahay hadalka ka soo yeeray Axmed Siilaanyo ee oranaya beeli ma tashan karto, isagoo ka mid ahaa raggii 80-naadkii jabhadda bilaabay iyagoo ka soo horjeeda maamulkii dalka ka jiray markaasi, ku doodayeyna inay aayahooda ka tashanayaan, marka siduu hadda ku diidaa inaan aayaheena ka taashano.

 

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=6105

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirka-khaatuma-II-300x225.jpg

Prof. Cali Khaliif oo Xidhan Calanka Soomaaliya, Jooga Taleex, Khaatumo State of Somalia

 

January 15, 2012

 

LasQorey.org

 

Dr. Cali Khaliif Galeydh: "Waagaa Baryey ee Khaatumo STATE, Nin Gacan Weyn Iyo Nin Gacan Yar Toona Ma Qarin Karo"

 

Dr. Cali Galeydh: "Cid Ka Hor-Imaan Karta oo Waagaa Baryay Iyo Qorraxdaa Soo Baxday ee Khaatumo State Gacanta Ku celinta Kartana Ma Jirto”

 

Dr. Cali Galeydh: "Dadka Sool, Sanaag & Cayn u Dhashay Waa Diideen in Dalka Soomaaliya la Kala Gooyo".

 

 

Dr. Cali Galeydh: “Taageerada aan Heysanno Waa tan Dadkeena, 100% Dadku Meel ayay uga Soo Wada Jeedaan, Awooddeena Baana Ku Tashaneynaa”

 

 

Dr. Cali Galeydh: “Ma Laascaanood baa Nabadi Taallaa, Bandow baa ka Jira, 5ta Galabnimo Ayaa la Xidhaa, Ardaydii baa la Leynayaa, Ma Ogolin Dhaqan-Xumada Somaliland Lagu Hayo Laascaanood, Ma Ogolin Wixii Ka Dhacay Kalshaale iyo Hoodaale”

 

Dr. Cali Galeydh: “Shirweynaha Soomaaliyeed Ayaan Xidhiidh La Sameysaneynaa. Maamulka Somaliland Waxa uu Diidan Yahay oo aan u Cuntameynin Waxaa Weeye Annagu Waxaan Rabnaa midnimada Soomaaliyeed,

Haddii uu Maamulka Somaliland Leeyahay Annaga Soomaaliya Kama Mid Noqoneyno IYAGA AYEEY U TALAA., Waxaanse Aragnay in Umadda Dhulkan SSC Ku Nool iyo Umadda Soomaaliyeedba Guud Ahaan In Ay Danta Ku Jirto In aan Dalkan La Kala Gooyn.

 

 

http://laasqoray.org/?p=5403

 

Dr. Cali Galeydh: “Cidda oraneysa afraad baa ku shireysa Taleex waa ka been sheegeysaa xaqiiqda, waagaa baryayna nin gacan weyn iyo nin gacan yar toona ma qarin karo”

 

 

Axad, January 15, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr oo Degmada Taleex ee gobolka Sool uga qeybgelaya Shirka Khaatumo II ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shirkaas Taleex iyo sida uu u arkayo fal-celin uu shirkaas ka keenay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sheegay in ay shirkaas ka qeybgaleen afraad fidno-wadayaal ah.

 

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sida uu u yiri Axmed Siilaanyo uu sheegay in ay Taleex ku shireen afraad ama shakhsiyaad, wuxuuna caddeeyay in ay shirkaas qabsadeen dadka u dhashay Sool, Sanaag iyo Cayn “Waxaa nasiib darro ah in Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo diidanaa xukunka xukuumaddii hore oo lahaa xuquuqda dadkeyga ayaa lagu xad-gudbayaa in uu maanta yiraahdo waan diidanahay dadka Sool, Sanaag iyo Cayn in ay aayahooda KA TASHADAAN”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo caddeeyay in ay si weyn u raddinayaan hadalka uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Waxaa la weydiiyay hadalkiisa in uu u dhacayo in Beesha degta Sool oo shirkii gooni-isu-taagga Somaliland ka qeybgashay ay haatan gebi ahaanba ka baxday heshiiskii lagu dhisay Somaliland, wuxuuna sheegay in uu isago Cali Khaliif ahaan ka qeybgalay labo shir oo arrimhaas looga hadlayay, “Shirarkii 1991 (Burco) iyo 1993-kii (Boorama) labadaba waan ka qeybgalay aniga Cali ahaan, markii hore ee 1991-kii caqli badan in uu meesha yaallo nooma muuqan waddanka ayaa la kala goynayaa markaas kuma qanacsaneyn, 20-kii sano kuma qanacsaneyn, maantana kuma qanacsanin”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in "dadka Sool, Sanaag iyo Cayn u dhashay aysan ogoleyn in dalka Soomaaliya la kala gooyo".

 

Waxaa uu xusay Dr. Cali Khaliif Galeyr in shirka Khaatumo II looga hadlayay arrimaha dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isla markaana ugu dambeynta laga soo saari doono maamul madax bannaan oo ay dadka gobolladaas yeeshaan”Arrimaha maamulkaas ku dhawaaqiddiisa gacanta ayaa lagu hayaa, dhaqsina waa loogu dhawaaqi doonaa, cid ka hor-imaan karta oo waagaa baryay iyo qorraxdaa soo baxday gacanta ku celinta kartana ma jirto” ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

 

Deegaannada uu maamulka lagu dhisayo Taleex ka talin doono haddii lagu dhawaaqo ayaa la weydiiyay Dr. Cali Khaliif Galeyr, wuxuuna sheegay in dhulka uu ka talin doono ay yihiin Sool, Sanaag iyo Cayn, “ Dhulka ay dadkan leeyihiin waa la yaqaan, meelaha la wada degan yahayna waa la yaqaan, u maleyn maayo Siilaanyo in uu LAASCAANOOD KU MURMUYO AMA DHULKA SSC ee aan taariikhiyan leenahay, haddii uu taas ka murmana dee isagaa cirka roob ku og” ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

 

Deegaannadaas oo ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland sida ay qorsheynayaan in ay ku soo ceshadaan ayaa la sii weydiiyay Dr. Galeyr, wuxuuna ku jawaabay “Annaga waxaan u dhabar adeegeynaa in si nabadgelyo ah arrimahaas ku dhammaadaan ku dhamaadaan, ciidamada Somaliland ee halkaas joogana ay meesha ka baxaan, iyadoo aanan la is-qasbeynin, iyadoo aan ognahay in ay jiraan waxyaabo badan oo aan wada leenahay taariikhiyan, haddana aan diyaar u nahay in wixii aan wada leenahay wada hadal lagu galo”.

 

Waxaa la weydiiyay Dr. Galeyr sida ay u arkayaan dadka ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland, wuxuuna sheegay in dadkaas ay u arkayaan sida uu maamulka Somaliland u arkayo dadka Hargeysa u dhashay ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay.

 

“Cidda oraneysa afraad baan ku shireysa Taleex waa ka been sheegeysaa xaqiiqda, waayo halkan (Taleex) waxaa isugu yimid dhammaan dadka u dhashay dhulkan oo Isimadii, Cuqaashii, Culumaa’udiinkii, Siyaasiyiintii, Ganacsatadii, Haweenkii iyo cid walba ah, cidda caga jugleyneysana u suurtagelimeyso waxa ay dooneyso”ayuu Dr. Cali Khaliif Galeyr.

 

“Maamullada Somaliland iyo Puntland waa ay diidan yihiin maamulka laga filayo Shirka Khaatumo II, markaas waa tee cidda aad isku halleyneysaan ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Dr. Cali Khaliif Galeyr, “taageerada aan heysanno waa tan dadkeena, 100% dadku meel ayay uga soo wada jeedaan, awooddeena baana ku tashaneynaa”ayuu yiri Dr. Galeyr.

 

Haddii colaad uu horseedo shirkan Taleex oo deegaanno nabad ah ay colaad ka dhacdo cidda mas’uuliyaddaas qaadeysa ayaa la weydiiyay Dr. Galeyr, wuxuuna sheegay in aysan jirin nabad taalla Sool, Sanaag iyo Cayn, “Ma Laascaanood baa nabadi taallaa, bandow baa ka jira, 5ta galabnimo ayaa la xiraa, Ardaydii baa la leynayaa, ma ogolin dhaqan-xumada lagu hayo Laascaanood, ma ogolin wixii ka dhacay Kalshaale iyo Hoodaale” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in aysan weerar ku ahayn Burco, Berbera iyo Hargeysa.

 

Su’aal kale oo la weydiiyay Dr. Galeyr ayaa ahayd cidda ay Isbaheysi la sameysan doonaan haddii ay Somaliland iyo Puntland ay dhismaha maamulkooda diidan yihiin, “Shirweynaha Soomaaliyeed ayaan xiriir la sameysaneynaa, welina kama quusan shacbiga Somaliland iyo Puntland oo dano ayaan wada leenahay, maamulladana waan aragnaa. Maamulka Somaliland waxa uu diidan yahay oo aan u cuntameynin waxaa weeye annagu waxaan rabnaa midnimada Soomaaliyeed, haddii uu maamulka Somaliland leeyahay Annaga Soomaaliya kama mid noqoneyno iyaga ayay u taallaa, waxaanse aragnay in Umadda dhulkan ku nool iyo Umadda Soomaaliyeedba guud ahaan in ay danta ku jirto in aan dalkan la kala gooyn, balse laga tashado sidii la isugu soo noqon lahaa iyo sidii wax loo qeybsan lahaa habkii ay doontaba ha noqotee”.

 

 

 

_____________________________________________

 

_________________________________________________

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this