Sign in to follow this  
Somalina

PL parliamentarian held in an Ethiopian prison

Recommended Posts

Somalina   

Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii uu xoriyadiisa dib ugu heli lahaa xildhibaan Xasan xaange oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland,kaasi oo muddo bil ka badan ku xiran gudaha wadankaasi Itoobiya.

 

"Xildhibaanka waxaa la xiray taariikhdu markay ahayd 17/8/2011 ,waxaana laga kaxaystay deegaanka Qaloocan mar uu ka qayb-galayay caleema saarka Suldaan C/qani Suldaan Xasan Cali Baale"ayuu yiri mudane ka tirsan barlamanka Puntland oo la hadlay warbaahinta.

 

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la sheegay in magaalada Adis Ababa ay u tageen sidii loo soo dayn lahaa xildhibaanka xiran ,iyadoo xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Ithopia uu iminka yahay mid wanaagsan.

 

Waxaa dhinacyada Puntland iyo Ethopia lagu wadaa in ay iska afgartaan sii daynta masuulkan mudada halkaa lagu haysto ,waxaana soo baxaya baaqyada loo jeedinayo Adis-Abab ee ku aadan in mudanaha uu xoriyadiisa dib u helo sida ugu haboon.

 

Si rasmi ah umaysan shaacin dowladda Ethopia sababta keentay xarigaasi oo dhaawac u keeni xiriirka labada dhinac,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in mudanaha xiran xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

 

Safarka uu madaxwayne ku xigeenka halkaa ku gaaray oo aan ahayn kii ugu horeeyay ayaa hadana lagu wadaa in uu la kulmo qaar kamid ah madaxda ugu saraysa Ethpoia si uu ugala hadlo arimo ku aadan in labada dhinac ay iskaashi ka yeeshaan arimaha ammaanka.

 

Faysal Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Somaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Atirisho   

Xaaji Xunjuf;745811 wrote:
lol faroole wa inu heesti qaado let my people go

Wasn't Siilaanyo, the President of Somaliland detained in China few weeks ago? The world doesn't respect Somalis regardless of what region they are from lets face it.

 

I am pretty sure the Puntland parliamentarian will be released soon, but Ethiopia need a reality check. The fact that Ethiopia repeatedly violated Somalia's sovereignty by coming in and out of the country as they please and imprisoning anyone they want is pretty messed up

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Atirisho;745832 wrote:
Wasn't Siilaanyo, the President of Somaliland detained in China few weeks ago? The world doesn't respect Somalis regardless of what region they are from lets face it.

 

I am pretty sure the Puntland parliamentarian will be released soon, but Ethiopia need a reality check. The fact that Ethiopia repeatedly violated Somalia's sovereignty by coming in and out of the country as they please and imprisoning anyone they want is pretty messed up

its not messed up. Whats messed up is that we allow it.

We allowed ourself to get to this weak point.

we allow being bulliyed by everyone in the horn.

even burundi is taking advantage of Somalia.

Somalia is not in good condition because we allow it.

A strong Somalia then Ethiopia would not dared to behave in such way. We could topple TPLF in days because they lack public support and installed a somali puppet over there. Or even worse install a oromo person in power, that would lead to eternal civil-war on their part because of habash hate for oromos.

Somalia put itself down because of bad leadership and qabil politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Xaaji Xunjuf;745811 wrote:
lol faroole wa inu heesti qaado let my people go

What about your officials behind bars in garowe,did you sing that song? ok,my bad,those are just Taleexis uncles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Waxaa shalay gelinkii danbe xoriyadiisii dib u helay xildhibaan Xasan Xaange oo ah mudane ka tirsan Baarlmaanka Puntland kaas oo in mudo ah ku xirnaa xabsi ku yaala Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.

 

Wararka laga helayo magaalada Jig jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa sheegaya in xildhibaanka lala siidaayey sadex qof oo lala xiray kuwaas oo uu ku jiro dareewalkii gaarigiisa wadey.

 

Sii deynta xildhibaan Xasan Xaange ayaa lagu soo waramayaa inay timi ka gadaal markii ay wada hadal mudo dheer qaatay magaalada Addis-ababa ku yeesheen madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire iyo madaxweynaha ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia oo isagu amar ku bixiyey in xildhibaan Xasan xoriyadiisa dib loo siiyo ayaa sidoo kale raali gelin ka bixiyey xariga loo geystey , isagoo intaas ku daray in arintani aysan dib markale ugu dhici doonin.

 

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in xildhibaanka iyo ragii kale ee lala xirayba ay soo gaaraan degaanada Puntland , waxaana xariga xildhibaan xasan loo geystey horay dhowr jeer uga hadlaay hogaanka sare ee Baarlamaanka Puntland islamarkaana canbaareeyey kuna tilmaamay inuu mid sharci darro ah yahay.

 

labo bilood kahor ayey ahayd markii ciidamada Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ay xildhibaan Xasan xaange ka qabteen degaanka (Qaloocan) halkaasoo uu u tegey si uu uga qayb qaato caana shubka suldaan Cabdiqani Suldaan Xassan Xaaji Cali-Baalle , wuxuuna in muddo ah ku xirnaa xabsiga magaalada Jig jiga.

 

http://horseedmedia.net/2011/10/07/xildhibaan-xasan-xaange-oo-dib-xoriyadiisii-u-helay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;745811 wrote:
lol faroole wa inu heesti qaado let my people go

Don't some of your officials sit in Garowe county jail? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;745806 wrote:
This is a reminder of the need for strong, unified Somalia

Despite our petty squabbling, it is clear that we as Somalis are ruled from Ethiopia. The Ethiopians are laughing at how idiotic we are as a nation because of our tribalism.

 

Xiinfaniin, I hate to say this, but a unified Somalia is nothing but a pipe dream. Qabil hate is deeply ingrained in our ethnic psyche.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this