Sign in to follow this  
Somalina

Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!

Recommended Posts

Somalina   

War saxaafadeed: Xukuumada Soomaaliya oo baaq ka soo saartay Dagaalada Gobolka Mudug

 

 

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyawaxay baaq nabadeed u diraysaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaasoo dhaliyay dhimasho aad u badan iyo dhaawac.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu aad uga xunayahay colaadaha soonoqnoqoday ee ka taagan gobolada Mudug iyo Galgaduud. HorumarkaGoboladaasi waxay ku xiran yihiin xoojinta nabada.

 

Dadka deegaankuna waa dad walaalo ah ehelna ah, wiilkii ku dhintaana waa kugu dhimay oo kaadhimay.

 

“Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, waxaana marka labaad leeyahay dagaalka ha la joojiyo maadaama uusan labada dhinacba wax faa’iido ah u laheyn” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay dagaalka, wuxuuna dhinaca kale wax lagaxumaado ku tilmaamay in xilligan oo ay jiraan abaaro dad iyo duunyabaaafeeyey ay dagaalamaan Soomaalida dhexdeeda.

 

“Waxaan la hadlay madaxda maamulada goboladaasi, xildhibaanada ka soo jeeda gobolada iyo dhamaan qeybaha bulshada, waxayna naga balan qaadeen in ay dhexda u xiran doonaan sida loo joojin lahaa dhiigaasi daadanaya, waxaana rajeyneynaa inay mas’uuliyadaasi ka soo baxaan” ayuu yiri Dr. C/weli Maxamed Cali.

 

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inay dhowaan gaaridoonaan goobaha lagu dagaalamay guddi Nabad raadis ah oo ay Xukuumaduu xil saartay daminta colaadaasi oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano,Waxgarad iyo odayaal dhaqameed.

 

Communication

Officemedia@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

R/wasaaraha: Musuqmaasuqa iyo Shabaab ayaan la dagaalami doonnaa

 

Dr.-Abdi-Wali.jpg

R/wasaraha xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay xoogga saari doonto la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo maleeshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.

 

Dr. C/wali oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono xukuumad tiro yar isla markaana tayo badan, taas oo dhisi doonta hay’ado ka shaqeeya marxaladdan adag.

 

“Ma ballan qaadi karo in Muqdisho ay ku noqon doonto sidii ay ahayd 20 sano ka hor muddo 12 bilood ah, taas waa wax aan la rumeysan karin, laakin waxaan isku dayi doonaa in aan ka saarno maleeshiyaadka sababay in ay magaaladu ahaato sidaan, taas oo abuuri karta in dadka shacabka ah ay dib ugu soo laabtaan si nabad ah guryahooda” ayuu yiri R/wasaaruhu.

 

Wareysigiisa ayuu ku sheegay in xukuumadda cusubi ay sii wadi doonto horumarka dhinaca ammaanka ah ee ay sameysay xukuumaddii isaga ka horreysay ee uu ka midka ahaa, islamarkana ay dhisi doonto awoodo badbaadin kara shacabka xaaladdana wax ka bedeli kara.

 

Dr. C/wali ayaa sheegay in aysan dowladdu ka gaabsan doonin in ay isticmasho awood si ay uga adkaato maleeshiyaadka sii baaba’aya ee Shabaab.

 

R/wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dowladdu ay ka shaqeyn doonto dib u heshiisiinta “Waxa ee ay tahay in aan fahamno waa, dowladdani waa dowlad dib-u-heshiisiin, waxaana loo baahan yahay in la isticmaalo qorshayaasha dib-u-heshiisiinta”.

 

Wakaaladda AP ayaa ka soo xigatay Dr. C/wali in Aqoontiisa dhinaca maamulka ee uu ku bartay Jaamacadda Harvard iyo Aqoontiisa Dhaqaalaha ee Vanderbilt ay ka caawin doonaan hagaajinta dhaqaalaha iyo haykalkii dowladnimo ee burbursanaa 20-kii sano ee la soo dhaafay, taas oo oggolaatay in maleeshiyaadka iyo burcad badeeddu ay dalka ku baahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddiga Gurmadka oo kormeeray barakacayaal

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heerka wasiir ayaa maanta kormeer ku tagay xeryo ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan ka soo barakacay gobollada dalka oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Ibraahin Isak Yaroow oo ka mid ahaa xubno wasiiro iyo ku xigeeno isugu jiray oo tagay degmooyinka Xamarweyna, Waaberi iyo Xamar Jajab ayaa sheegay in dowladdu ay dadka barakacayaasha ah u diyaarisay dhul ay degaan, isla markaana dhawaan loo rari doono halkaasi.

 

Ibraahin Isak ayaa hadalkiisa sii raaciyay in dowladdu ay iminka ku howlan tahay sidii dhulkaasi oo ku yaalla degmada Dharkeynleey loogu sameyn lahaa adeegga bulshada sida Biyo, Koronto iyo dhismooyin ay dadku degaan, wuxuuna tilmaamay in dhawaan la soo gabagabeyn doono arrintasi.

 

Sidoo kale wasiirka Caafimaadka Dr. Adan Ibraahin Xaaji Daa’uud oo ka mid ahaa xubnaha kormeerka sameeyay ayaa sheegay in wasaaraddu ay qorsheysay adeeg caafimaad oo dadkaan la siiyo inta ay ku sugan yihiin hareeraha waddooyinka iyo marka dib u dejin loo sameeyaba, isagoo sheegay in maalin kasta adeeg caafimaad loo sameeyo dadka barakacayaasha ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda maaliyadda oo 70 milyan siisay barakacayaasha

 

Wasaaradda maaliyadda ayaa gelinkii dambe ee maanta deeq lacageed oo dhan 70 Milyan oo Sh. So. gaarsiiyay in ka badan 300 oo Qoys oo kasoo hayaamay qar kamid ah Gobollada dalka Soomaliya.

 

Xildhibaan Ibraahim Saalax Seyfulaahi oo kamid ah mudaneyaal ay wasaaraddu deeqdaasi lacageed u soo wakiilatay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta ayaa sheegay in 343qoys loo qeybiyay deeqdaan, kuwaas oo ku sugan Dahablihii suuqa Xamarweyne, isagoo ugu baaqay wasaaradaha kale ee dalka inay kaalin ka qaataan sidii loo gargaari lahaa dadka soomaliyeed ee dhibaateysan.

 

Qoysas badan oo ka soo barakacay gobollada dalka ayaa daadsan hareeraha waddooyinka degmada Xamarweyne, sidoo kale waxay dadkaani aad ugu sugan yihiin degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab, Wadajir iyo Dharkeynleey, dadka ree Muqdisho iyo dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay gurmad u fidinayay, ayagoo wali aan wax gargaar ah ka helin hay’adaha samfalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa kaga hadlay xaalada abaareed ee dalka, isagoo baaq u diray Dalalka deriska, Hey'adaha Qaramada Midoobey, Jaamacada Carabta iyo wadamada Islaamka si ay gar gaar ula soo gaaraan dadka abaaraha ay ceyrteeyeen.

 

Madaxweynaha ayaa ka digay in Abaaraha ay sii daba dheeraan hadii aan la helin kaalmo bani'aadanimo, Waxaana Madaxweynuhu sheegay inay abaaraha sii socon karaan ilaa sanadka 2012.

 

"Dowladda waxay bilowday inay bixiso lacag ay abaaraha ugu tala gashay oo gaareysa 500-Kun Doolarka Mareykanka, waxaan dhignay Bankiga Dhexe, sidoo kale waxaa Account ka furnay Shirkada Xawaalada Dahabshiil iyo Bankiga Dhexe"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Madaxweyne Shariif oo ay dhinac taagnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha, Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin oo madax u ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Wasiir ayaa sheegay in Xaalada abaareed ee xilligan dalka ka jira ay la mid tahay sidii tii dhacday sanadkii 1992-dii.

 

shariif-xubnaha_dowladda.jpg

Waxaa uu sheegay inay jiraan kumanaan kun Soomaali ay ku barakaceen dalalka deriska, halka kumanaan kalena uu tilmaamay inay ku soo qaxeen Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay isku dayi doonaan in gar gaar la gaarsiiyo dadka aanay soo gaarin Magaalada Muqdisho ee ku sugan Gobolada dalka.

 

Baaqa Dowladda ka soo yeeray ee ku aadan inay lacago ugu deeqday dadka abaaraha ayaa imaanaya xilli gar gaar la gaarsiinayay dadka abaaraha, kuwaasoo ka imaanayay dadka reer Muqdisho, Hey'ado sama fal oo dalal Islaam ka mid ah laga leeyahay iyo Mudanayaasha Baarlamaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo ilaa 1500 abaaraha ka soo barakacay gaarsiiyay deeq gar gaar

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa gaarsiiyay qoysas fara badan oo barakacayaal ah deeq gar gaar ah oo ay ugu tala gashay Dowladda KMG, si ay caawinaad ugu gaarsiiso dadka ku soo qul qulayay Magaalada Muqdisho.

 

Howl galka deeq gaasiinta dadkan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudiga Gurmadka abaaraha Heer Wasiir, oo deeqdan ka timid, iyadoo uu Ra'iisul Wasaaraha uu u qeybiyay ilaa 1500-qoys oo la siiyay Baco, Bustayaal, Raashin, Lacag iyo dhar.

 

Deeqdan loo qeybiyay dadka barakacayaasha ayaa ka dhacday School-ka Maxamuud Mire ee degmada Waabari, halkaasoo uu gaaray Ra'iisul Wasaaraha, isla markaana uu dadkaas mid mid ugu qeybiyay deeqda raashinka.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlay goobta ayaa hadal uu jeediyay waxaa ugu baaqay Ganacsatada, Jaaliyadaha dibada inay gar gaaraan dadka tabaaleysan ee abaaraha ay soo barakiciyeen, isagoo sheegay in Dowladda ay kaalin weyn ka qaadan doono gar gaarka dadka faraha badan ee u baahan in la caawimo.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ku soo qul qulayay Magaalada Muqdisho boqolaal qoys oo ka soo hayaamayay Gobolada dalka, kuwaasoo xaalado abaareed ka soo barakaciyeen deegaanadooda, iyagoo ku waayay wixii xoolo ee ay lahaayeen, saameynta abaaraha darteed.

deeq-r_1.jpg

deeq-r_6.jpg

deeq-r_2.jpg

deeq-r_5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

quick question for anyone in the know, in certain neighborhoods here in America, certain stores will tell me they can not take my hundred dollar bell because "they don't have change for it", where do these solders take hundred dollars bills in mogadishu?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Naxar Nugaaleed;733546 wrote:
quick question for anyone in the know, in certain neighborhoods here in America, certain stores will tell me they can not take my hundred dollar bell because "they don't have change for it", where do these solders take hundred dollars bills in mogadishu?

It is extremely odd that the TFG is paying its soldiers with another country's currency but hey after all the country is now officially ruled by the neighbors and to be fair to Kenya, Ethiopia, Uganda, Mahiga and IGAD, we got to use the $ currency. By the way, there is this place by the name of Suuqa Bakaaraha where even 1k bills are accepted so $100 is considered a change over there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ms Josette Sheeran, Madaxa Guud ee WFP

Muqdisho, Khamiis, 21 July 2011 – Josette Sheeran oo ah Madaxa Guud ee Hay’ada Cuntada Adduunka (WFP) ayaa maanta ku soo booqatay Ra’iisul Wasaaraha Xafiiskiisa Muqdisho. Waa markii ugu horreysey oo ay Madaxa Guud ee Hay’ada Cuntada Adduunka soo gaarto magaalada Muqdisho, wallow ay bishii April soo gaartay magaalada Gaalkacyo. Josette waxaa wehliyey Agaasimaha Geeska Afrika ee WFP iyo saraakiil sar-sare. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulankan wasiiradii guddiga abaaraha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyey Josette Sheeran imaatinkeeda magaalada Muqdisho, isla markaana siiyey warbixin la xiriirta xaaladda bani’aadanimo ee macluusha ah ee heysata shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu ka warbixiyey sida Dowladdu ay bishii ugu danbeysey xoogeeda isagu geysey sidii gar-gaar deg-deg ah loola gaari lahaa shacabka soomaaliyeed iyo dadaalada aan kala go’a laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaaraha waxuu kaloo sheegay in dowladdu ay dib-u-dejin ku sameeyso barakacayaal gaaraya 4,000 oo loo diyaariyey hoy, biyo nadiif ah, iyo dhammaan gar- gaarkii ay u baahnaayeen. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxuu kaloo sheegay in xaaladda abaarta ay mareyso heerkii ugu xumeyd oo shalay Qaramada Midoobey ay caddeeyeen inay shacabka soomaaliyeed heyso macluul aad iyo aad u daran.

 

Waxuuna ka codsaday WFP inay labo jibaaraan howlahooda quudinta iyo sidii shacabka tabaaleysan loogu heli lahaa gurmad deg-deg ah. Waxuuna sheegay in xaaladda ay mareyso heer loo baahanyahay gurmad maanta ah oo aan la sugi karin inta qorsheyaasha caadiga ah laga hirgelinayo.

 

Josette Sheeran, Madaxa Guud ee Hay’adda WFP ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay la kulanto Ra’iisul Wasaaraha, sheegtayna in WFP ay ka go’antahay sidii gurmad deg-deg ah loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed.

 

Josette ayaa sheegtay in WFP ay hadda diyaarisay nafaqooyin wax weyn ka tari kara xaaladda oo dadka gaajeysan ay ku soo celineyso nafaqadii, waxeyn ballanqaaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan nafaqadan u gaarsiin doonaan dhammaan goboladda.

 

dalka gaar ahaan kuwa ay sida ba’an abaarahu uga jiraan. WFP waxey si joogta ah cunno iyo nafaqo u gaarsin doonaan barakacayaasha ku sugan Muqdisho. WFP oo ka jawaabeysa codsiga Ra’iisul Wasaaraha waxey ballanqaadeen in isbedel cusub ay la iman doonaan taasoo laga dareemi doono xoojinta iyo kobcinta gar-gaarka bani’aadanimo.

 

 

wafuuda-wfp_1.jpg

wafuuda-wfp_2.jpg

wafuuda-wfp_5.jpg

wafuuda-wfp_6.jpg

wafuuda-wfp_7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this