Sign in to follow this  
Somalina

Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!

Recommended Posts

Somalina   

Extremists Deliberately Starving Somalis To Death

 

Press release

 

Extremists Deliberately Starving Somalis To Death

Mogadishu, 22 July, 2011

 

 

The Transitional Federal Government of Somalia has condemned the reinstatement by extremist insurgents of a ban on international humanitarian agencies at a time when the country is suffering catastrophic famine.

 

"The extremists are literally and deliberately starving the people to death," said Prime Minister Dr Abdiweli Mohamed Ali, after reports emerged that the rebels are also stopping people from leaving areas under their control in search of food. He appealed to the world to come to the aid of Somalia and to help free her people from both the famine and the inhumanity of the insurgents.

 

"The international community must come to our aid by giving us, not just food, but also the means to rid Somalia of these callous terrorists who have no regard for the interest of the Somali people," he said.

 

 

"It is the insurgency itself that is the root cause of the famine," he said, adding that the government, with the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), was doing all it could to tackle the immediate crisis as well as defeat the extremists.

 

"With the help of AMISOM, we have established a relatively secure zone in the southern half of Mogadishu where humanitarian agencies can deliver emergency assistance to the people," he said. "With more resources and troops, we could expand this to cover the whole country. We must do this if we are to save the lives of millions."

 

The UN estimates that more than 3.5 million Somalis, the vast majority of them in insurgent-held areas, may starve to death unless emergency aid reaches them in the next few weeks.

 

 

 

- END -

 

--

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia

Tel: +252615479911

Tel: +252699998854

Tel: +25262755400

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaare Dr. C/weli Gaas oo magacaabay wasiir ku xigeennadii iyo wasiir-u-dowlayaashii ka dhinnaa xukuumaddiisa

 

Jimco, July 22, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimco ah magacaabay wasiir ku xigeenno iyo wasiir-u-dowlayaal uu ku dhameystirayay golihiisa wasiirrada ee cusub, iyadoo xubnaha la magacaabay ay ku jirto haweeney keliya.

 

Wasiir ku xigeennada la magacaabay ayaa tiradoodu waxay gaaraysaa 18-xubnood, halka wasiir-u-dowlayaasha iyaguna ay yihiin sagaal xubnood oo aysan haweeney ku jirin. Waxaana la sheegay in magacaabiddan uu aqbalay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Illaa lix wasaaradood ayaa loo magacaabay min laba wasiir ku xigeen, iyadoo nidaamkan uusan ahayn mid lagu arkay xukuumadihii hore ee dalka soo maray.

Iyadoo xubnahan xukuumaddan cusub ayaa waxay sugaysaa inay hesho codka baarlamaanka ka hor inta aysan howlaheeda billlaabin, iyadoo lagu wado inay shaqeyso muddada halka sano ah ee soo socota.

 

Liiska Wasiir ku xigeennada:

 

1. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Garsoorka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta - Mudane Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax) iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim.

 

2. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha -Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble.

 

3. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Caafimaadka - Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir.

 

4. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo Bay'ada - Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan.

 

5. Wasiir ku-xigeennada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta - Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur.

 

6. Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare - Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi).

 

7. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta - Mudane Cali Dirir Faarax.

 

8. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska -Marwo Luul Cabdi Aadan.

 

9. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda - Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar.

 

10. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta - Mudane Cabdullaahi Bille Nuur.

 

11. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga - Mudane Daahir Xaaji Geelle.

 

12. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga - Mudane Maxamed Cali Catoosh.

 

13. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha - Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere).

 

14. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha - Mudane Khaliif C/kariin Maxamed.

15. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib u dhiska - Mudane Xareed Xasan Cali.

 

16. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Batroolka - Mudane Cabdullaahi Dool Maxamed.

 

17. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka - Mudane Cabdi-xakiin Cige Guuleed.

 

18. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga - Mudane Cali Nuur Ducaalle.

 

Liiska Wasiir u dowlayaasha:

1. Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha - Mudane C/casiis Macalin Nuur.

 

2. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda - Mudane Xaamid Sheekh Cali Maasheeye.

 

3. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga - Mudane Maxamuud Macalin Nuur.

 

4. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka - Mudane Maxamed Maxamuud Aadan (Indha-Geelle).

 

5. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta - Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer.

 

6. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta - Mudane Maxamed Axmed Kaamil.

 

7. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha - Mudane Maxamed Axmed Kaynaan.

 

8. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha - Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel. :)

 

9. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska - Mudane C/kaafi Macalin Xasan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

No worries brother.

------

 

Mudanayaasha Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wasiirrada cusub ee Soomaaliya

 

Sabti, July 23, 2011 (HOL) – Xidhibaannada tiradoodu gaarayso 397-mudane ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay maanta oo Sabti ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee uu toddobaadkii soo magacaabay ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali, iyadoo ay diidday 21-mudane, halka ay ka aamuseen laba mudane.

 

Kulanka oo ay ka qaybgaleen 420-mudane ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay ansixiyaan xukuumadda cusub. Waxaana intaas kaddib hadal u jeediyay xildhibaannada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Mudane C/wli Gaas ayaa khudbaddiisa oo ahayd mid dheer ku sheegay in xukuumaddiisu ay soo celinayso ammaanka guud ee dalka, sidoo kalena ay la dagaalamayso musuqmaasuqa, inuu dib u heshiisiinta hirgelinayo iyo inuu ka shaqeyn doono gargaarka bani'aadamnimo muddada uu xilka hayo.

 

Ra'iisul wasaaraha markii uu hadalkiisa dhameystay ayaa wuxuu guddoomiyaha baarlamaanku uu gacan-taag ah geliyay xukuumadda cusub, isagoo ku dhaawaqay inay codkooda siiyeen 397-mudane, sidaa daraadeedna ay tahay ansax.

 

Xukuumadda cusub oo ka kooban 45-xubnood ayaa waxay shaqeynaysaa muddo hal sano ah, iyadoo ay hor-yaallaan arrimo ay ugu culus yihiin soo celinta ammaanka iyo sidii lagu gargaari lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku qulqulaya dalalka dariska ah iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya iyagoo kaalmo doon ah.

 

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay ansixinta xukuumadda mid aan u dhicin si sax ah oo la musuqmaasuqay codeynta. Waxaana inta marka uu baarlamaanku ansixiyo ajande horyaalla soo baxa mudanayaal kasoo horjeesta.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo Khudbad xasaasi u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya

 

 

23ka Luulyo 2011

 

Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Guddoomiye Ku xigeenadda Guddoomiyaha Baarlamaanka,

 

Dhammaan Xildhibaanada sharafta leh,Ciidamada Amniga Bahda Saxaafadda Iyo Dhammaan marti sharafta goob jooga ah Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah,

 

Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta markale hortiina imaado annigoo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah, si aan idiin kugu soo gudbiyo xubnaha aan u soo xulay inay ka mid noqdaan golaha wasiirada iyo barnaamijkii Xukuumadda, si aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.

 

Sidaad la socotaan, marxalladda aan ku jirno waa mid aad u adag oo u baahan inaan si wada jir ah gacmaha isu qabsano isla markaana aan xilliga ku meel gaarka ah ku wada dhameysano sidii aan dalka u gaarsiin laheyn marxalad aad u wanaagsan. Shacabka Soomaaliyeed waxaa heysta macluul tii ugu xumeyd, barakacii shacabkana aad buu u baahay, saacaddan aan joogno waxaa macluul ugu geeriyoonaya caruur, waayeel iyo dumar, waana inaan u wada istaagno. Kooxaha ka soo horjeeda dowladda shacabkii bey ka hor-istaageen gurmadkii oo xaaladda jirta sii gelisey murugo hor leh.

 

Sida aad ku aragtaan barnaamijka Xukuumadda cusub waa mid ka tarjumaya xaaladda dhabta ah, isla makaana ujeedooyinkeenu ay yihiin kuwo cad-cad, oo halbeeg lagu cabiro leh, ahna kuwa la fulin karo, oo macquul ah isla markaana ku kooban muddada 12ka bilood ah ee aan heysano.

 

Xildhibaanada Sharafta leh,

 

Arrimaha na horyaalla ee naga mudan mudnaanta koowaad waxaa ka mid ah arrimaha amniga, iyo dhameystirka dastuurka. Tani waxey noo wada sahleysaa inaan hiigsanno himiladeena oo ah in la horumariyo amniga isla markaana aan dhameystirno dastuurka. Xukuumaddan cusub waxaa ka go’an in lala yimaado ama lagu shaqeeyo si hufnaan, karti iyo tayo leh. Waxaa kaloo qorshaha ku jira maamul wanaag oo ay dhammaan hay’adaha dowliga ah ay ku shaqeeyaan, iyadoo la hagaajinayo toosinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, dhowrista xaquuqul insaanka, gar-gaarka bani’aadanimo, dib-u-heshiisiin, adeegyada bulshada iyo sidii xiriir wanaagsan uu u dhexmari lahaa Dowladda Dhexe iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.

 

Arrimaha Horumarinta Amniga: Amniga waa aasaaska lagu dul dhisayo dhammaan waxqabadka dowladda. Xukuumaddu waxey sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameystiraysaa Qorshaha Nabadda iyo Xasilinta Qaranka. Waxaan xoojineynaa sidii hay’adaha amniga ay u noqon lahaayeen kuwo soo celiya sharaftii iyo karaamadii dalka. Xukuumaddu waxey dhameystiri doontaa howlgallada ay ciidamada dowladda ku soo celinayaan amnigii, kala danbeyntii iyo ku dhaqankii sharciga. Waxaan xoojineynaa dib-u-dhiska iyo dhameystirka dhismaha ciidamada qalabka sida, daryeelka iyo tayeynta ciidamada.

 

Xukuumaddu waxey ka howlgeleysaa dhaqangelinta talo soo jeedintii Qaramada Midoobey ee arrimaha Xuquuqul Insaanka, tanoo dabo socotay warbixintii ay Dowladdu ka horjeedisay Qaramada Midoobey 3dii May 2011. Xukuumadda waxaa ka go’an Ilaalinta iyo dhowrista Xaquuqul Insaanka, gaar ahaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

 

Xildhibaanada Sharafta leh,

 

Dhameystirka Dastuurka: Xukuumadda cusub waxey ballanqaadeysaa in qabyo qoraalka Dastuurka la dhameystiro, si waddanka uga baxo Ku Meel Gaar-nimada oo loo helo dowlad rasmi ah. Sidoo kale waxaan ku dadaali doonaa dhameytirka howlaha KMG ah (transitional tasks). Xukuumaddu waxey si buuxda ula shaqeyn doontaa baarlamaanka gaar ahaan Guddiga baarlamaanka ee arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxbannaan, waxeyna si joogta ah uga wada shaqeyn doonaan qorshe howleed qayaxan oo waqtiyeysan iyagoo kaashanaya beesha caalamka. Waxaa la diyaarin doonaa qorshihii wacyigelinta bulshada. Waxaan si rasmi ah u bilaabi doonaa dhameystirka dhammaan howlaha xilliga kala guurka ah ee uu Axdiga KMG ah na farayo, sida hindise sharciyeedka xisbiyo siyaasadeed, guddiyada qaranka, shuruucda garsoorka iyo dhammaan hindise sharciyeedyada uu Axdiga na farayo.

 

Gar-gaarka Bani’aadanimo: Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo sidii shacabka soomaaliyeed loogu heli lahaa gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed. Shacabka soomaaliyeed waxaa isagu darsoomay abaaro soo noqnoqday, roobabkii oo yaraaday, kooxaha nabad-diidka oo ka hor-istaagay gurmadkii iyo dagaallo joogta ah oo dhammaantood sababay in waddanku uu galo xaalad adag oo murugo leh.

 

Xaaladda uu dalku maanta ku jiro waa tii ugu liidatay muddo 60 sano ah oo shacab badan ka barakacay guryahoodii. Waxaan aad ugu faraxsanahay in 3dii usbuuc ee ugu danbeysey dhammaan hay’adaha dastuuriga ah si xoog leh uga wada shaqeeyeen sidii shacabkaas loo gaari lahaa. Waxaa muhiim ah inaan sii labolaabno dadaaladaas oo ay ummadda soomaaliyeed isku tashato.

 

Xildhibaanada sharafta leh,

 

Dib-u-heshiisiin dhameystiran: Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, waxey siyaasaddeedu tahay in xalka lagu raadiyo nidaam dib-u-heshiisiin dhameystiran. Xukuumaddu waxey soo dhoweyneysaa cid allaale iyo cidii doonaysa wada hadal iyo dib-u-heshiisiin. waxaa lama huraan ah in xal buuxa loo helo xaaladda Soomaaliya si wadajir ahna aynu u wada wajahno qaab kasta iyo talaabo kasta oo aynu dalkeena iyo dadkeena ku bad baadin karno.

 

 

Xiriirka Maamulada: Xukuumadda iyadoo ka duuleysa waajibaadkeeda qaran, isla markaana fulineysa Axdiga KMG ah, waxaa ka go’an inay xiriir wanaagsan la yeelato dhammaan maamulada dalka ka jira. Waxaa waajib nagu ah inaan adeegyada bulshada gaarsiino dhammaan maamulada dalka, ha noqoto gar-gaarka bani’aadanimo ama mashaariicda horumarineed ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la isku xiro dhammaan ururada bulshada rayidka ah iyo Dowladda FKMG ah.

 

Xildhibaanada sharafta leh,

 

Maamul wanaag: Xukuumadda waxaa udub-dhexaad u ah maamul wanaag iyo in howl walba oo la qabanayo lagu qabto si xoojineysa nidaamka, kordhineysana waxqabadka howlaha muhiimka ah ee na wada horyaalla. Waxaa la abuuri doonaa aqoonyahanno biirsaday, waxtar, hufnaan, iyo waayo-aragnimo oo leh karti maamul. Sidaas daraadeed xukuumaddu waxey hirgelin doontaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Dhismaha Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda, gaar ahaan Garsoorka si loo xoojiyo tayada iyo waxqabadka garsoorka. Shacabku waxay naga sugayaan inaan u horseedno caddaalad, sinnaan iyo maamul wanaagsan oo shacabka siin kara kalsooni buuxda.

 

Xiriirka Caalamka: Si waafaqsan qodobka 69-aad ee Axdiga KMG ah, xukuumadu waxay ku dadaali doontaa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa doorkii Soomaaliya ku lahaan jirtey golayaasha caalamiga ah iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ay la lahayd wadamada caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwa deriska la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee adduunka.

 

Xukuumaddu waxey ka qayb qaadan doontaa nabad ku wada noolaanshaha caalamka iyo la dagaalanka denbiilayaasha caalamiga ah sida argagixisada,iyo burcad-badeeda.

 

Sidoo kale waxay xukuumadu xoojin doontaa xiriirka jaaliyadaha qurbo joogta Soomaaliyeed iyadoo laga faa’iideysan doono aqoontooda, kartidooda iyo macluumaadka wadamada ay degan yihiin.

 

Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada: Waxaan abuuri doonaa mudo 60 maalmood gudahood ah Guddiga la dagaalanka Musuqa iyo Ilaalinta hantida dadweynaha oo ku meel gaar ah, oo qorshahoodu yahay soo diyaarinta sharciyadii iyo dhisidii hay’ad qaran oo la dagaalanta musuqmaasuqa iyo maamul xumada.

 

Xildhibaanada sharafta leh,

 

Adeegyada Bulshada: Iyadoo la kaashanayo hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa aan dowliga aheyn (NGOs) iyo maamulada dalka ka jira waxaa si hagar la’aan ah loo fulinayaa adeegyada bulshada, sida waxbarashada aasaasiga ah, caafimaadka, dayactirka waddooyinka iyo dhammaan howlaha adeegyada bulshada ee uu shacabku u baahanyahay, kuwaasoo shaqo u abuuri kara dhalinyarada.

 

Xukuumaddu waxey dhiirigelin doontaa mashaariicda durbaba la fulin karo (quick impact projects) ee keeni kara in shacabka soomaaliyeed ay nolol ka abuurtaan, kuna helaan shaqooyin, gaar ahaan dhalinyada iyo dumarka.

 

Si haddaba, qorshe howleedkani u meel maro waxaa lagama maarmaan ah in loo helo dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlahan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay kaalin mug leh ka qaataan sidii aan u hirgelin laheyn qorshahan. Xukuumadda waxey diyaar u tahay inay la timaado nidaam fur-furan, keeni karana isla xisaabtan dhameystiran. Beesha caalamka waxaan kaloo ka codsaneynaa inay si hagar la’aan ah noogala qeybqaataan la dagaallanka argagaxisada, bur-cad badeeda, macluusha, iyo arrimaha adeega bulshada oo ay taageero muuqata ka geystaan badbaadinta shacabka soomaaliyeed.

 

Sidaas daraadeed, waxaan si xushmad leh idiin kaga codsanayaa idiinkuna dhiirigelinayaa inaan waqtiga yar ee aan heysano aan uga wada faa’iideysano si wadajir, midnimo, wada-noolaasho, isu dulqaad, is-faham, daacadnimo iyo ka gun gaarid himilooyinka aan hiigsaneyno ee ah inaan dalka ku soo dabaalno nabad waarta.

 

Marxaladda adag ee dalku marayo waxaa waajib naga saaran yahay dhismaha Hay’ad fulin oo karti iyo aqoon leh si loo dhamaystiro habsami u socodka iyo hawl maalmeedka shaqada dawladda.

 

Xildhibaanada sharafta leh,

 

Ugu danbeyntii, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa waqtigan adag ee aan ku jirno inaan si wadajir ah gacmaha is qabsano. Sidaas daraadeed, waxaan jeclaan lahaa in aan si xushmad iyo qadarin lehba idiinkaga codsado inaad xukuumadda cusub iyo barnaamikeedaba siisaan kalsoonidiina si aan u guda galno fulinta qorshe howleedka na wada horyaalla. Waxaan diyaar u ahay inaan saxo waxii dhaliilo ah ee jira, isla markaana aan soo dhoweynayo tallooyinka xildhibaanada sharafta leh.

 

Ilaahoow Calanka, Dhulka Iyo Maatada Nooga Badbaadi Cadawga.

 

Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysul Wasaare C/weli Gaas oo Maanta Booqday Dhaawacyada Amisom iyo TFG ee ku Jira Xerada Xalane (Sawiro)

dhaawac5.jpg

Raysul wasaaraha KMG oo booqanaya Dhaawacyada Amisom iyo kuwa TFG

 

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas aya maanta markii ugu horeysay booqday dhaawacyada ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ee ku jira isbitaalka xerada Xalane oo ay maamulaan Amisom.

 

Socdaalkan oo raysul wasaaruhu ay ku wehliyeen xubno ka mid ah xafiiskiisa ayaa waxaa uu mid mid u gacanqaaday dhaawacyada ciidamada ee ku jira isbitaalka Xalane, isagoo askarta u rajeeyey inay Illaahay caafimaad siiyo.

 

Raysul wasaaraha ayaa hadal kooban oo uu saxafiyiinta ku siiyey gudaha isbitaalka Xalane wuxuu ku sheegay in booqashadiisa ay tahay sidii uu u soo arki lahaa askarta ku dhaawacantay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Al-qaacida, isagoo sheegay in ciidamadaasi ay yihiin geesiyaal u dhaawacmay difaaca dalkooda.

 

dhaawac21.jpg

Dhanka kale raysul wasaaraha ayaa amaanay ciidanka Amisom oo uu sheegay inay shaqo muhim ah u hayaan DKMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xukuumadiisu ay aad u la socoto waxqabadka Amisom.

 

Gabagabadii booqashada raysul wasaaraha ayaa taliska ciidanka Amisom waxay ku wareejiyeen deeq qalab ciidan ah oo isugu jirtay gawaari iyo mootooyin loogu talagalay ciidamada kuwaasoo Amisom ay ugu deeqeen DKMG ah.

 

Booqashada raysul wasaare C/weli Gaas uu maanta ugu tegey dhaawcyada ciidamada ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo uu raysul wasaaruhu qaado tan iyo intii loo magacaabay xilka raysul wasaaraha dalka. Waxayna booqashada ku soo beegantay iyadoo raysul wasaaruhu uu Jimcihii hore soo dhameystiray dhismaha xukuumadiisa isla markaana barlamaanka ay ansixiyeen maalintii shalay.

 

Wareejin.jpg

Xukuumada C/weli Gaas ayaa la filayaa in dhowaan ay si toos ah u gudagasho shaqadeeda iyadoo qorshihii ay soo gudbisay xukuumada ahmiyad weyn ku siisay dhanka amniga.

 

 

Amisom oo gawaari ku wareejisay raysul wasaaraha

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Askar ka tirsan DKMG ah oo ku jira Isbitaalka AMISOM

 

Axad, July 24, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta booqday askar ka tirsan ciidamada DKMG ah oo ku jira isbitaal ku yaalla saldhigga AMISOM ay ka daggan yihiin Muqdisho. Isagoo intaas kaddib kulammo albaabbadu u xiran yihiin la qaatay saraakiisha ciidamada Midowga Afrika.

 

Mudane C/weli ayaa saraakiisha ciidamada AMISOM ka guddoomay mootooyin ama dhug-dhugley iyo gaadiid ay ku caawiyeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan booqdo saldhigga AMISOM iyo ciidamada DKMG ah ee ku jira isbitaalkooda ku yaalla Xalane," ayuu ra'iisul wasaaruhu u sheegay wariyeyaasha, isagoo intaas ku daray inuu u mahadcelinayo ciidamada Uganda iyo Burundi ka socda dadaalka ay ugu jiraan sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.

 

"Ciidamada AMISOM waa kuwo garab nagu siinaya inaan ammaanka dalkeenna dib u soo celinno, waana uga mahadcelinayaan," ayuu mar kale yiri ra'iisul wasaare C/weli Gaas.

 

Ra'iisul wasaaraha ayaa intii uu booqashada askarta dowladda KMG ah ku gudo jiray wuxuu mid-mid u salaamay askarta dhaawacan ee dowladda, isagoo mid walba weydiiyay xalaaddiisa caafimaad.

 

Inkastoo aan la ogeyn wixii kasoo baxay kulanka dhexmaray ra'iisul wasaaraha DKMG ah iyo saraakiisha AMISOM ayaa haddana waxaa saraakiil ka tirsan kuwii uu la shiray oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda KMG ah gacan ka caawiyaan sidii ay ammaanka u soo celin lahayd.

 

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku tago saldhigga AMISOM ay ku leedahay Muqdisho tan iyo markii la magacaabay. Waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo shalay baarlamaanku uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumaddiisa.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Howlgallo lagu qabqabtay askar iyo qaar ka mid ah dhallinyarada darbi-jiifyada ah oo Muqdisho laga sameeyay

 

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Howlgallo ay ciidamada booliiska DKMG ah maanta ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Xamar-jabab iyo Xamarweyne oo kawada tirsan degmooyinka ay dowladdu ka maamulaan Muqdisho ayaa waxay kusoo qabqabteen toddoba ruux oo isugu jira askar iyo darbi-jiifyo.

 

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo uga warbixiyay saxaafadda howlgallada ka billowday Muqdisho ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo ammaanka lagu sugayo, isagoo xusay inay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka.

 

"Ciidamada howlgalka sameeyay waxay illaa hadda qabteen toddoba ruux oo isugu jira askar iyo dadka si-xun-u-noolka-ah ee darbi-jiifyada," ayuu yiri G/sare Bariise oo intaas ku daray in askarta la qabtay la weydiin doono xerada ay ka tirsan yihiin.

 

Askarta la qabtay ayaa la sheegay in lagu qabtay hub ay magaalada dhexdeeda la marayeen iyadoo hubkiina lagala wareegay, waxaana howgalladani imaanayaan xilli uu maamulka gobolka Banaadir sheegay inuu sameynayo howgallo looga hortagayo hubka lagu dhex-sito magaalada Muqdisho.

 

G/sare Bariise, wuxuu sheegay in haddii askarta la qabtay ay ka tirsanaan waayaan saldhig ciidan oo la yaqaan la horgeyn doono sharciga, haddiise ay noqdaan kuwo ka tirsan saldhig la ciqaabi doono.

 

Ma uusan sheegin afhayeenka booliiska sida laga yeelayo dadka darbi-jiifyada ah ee ay qabteen, iyadoo la xusuusto in maxkamadda gobolka Banaadir ay dhawaan ku ridday dadka mukhaadaraadka isticmaala xukunno xabsiyo kala duwan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay`adda FAO oo Soomaaliya ugu yaboohday 120-milyan oo dollar

 

 

Hay`adda cuntada FAO oo fadhigeedu yahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa maanta shir deg-deg ah ka yeeshay arrimaha abaaraha Geeska Afrika.

 

Shirkan oo ka dhacay isla magaalada Roma islamarkaana Soomaaliya u matalayay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda, ah r/wasaare xigeen mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo ay ka mid yihii deeq Soomaaliya loogu yaboohayo.

wasirkadibadda3.jpg

Deeqdan ayaa waxaa ay dhantahay 120-milyan oo dollar, waxaana lagula tacaalayaa arrimaha abaaraha Soomaaliya oo faraha ka baxay.

 

Waxa ay sheegeen in abaaruha Soomaaliya xoogoodu ka jiraan gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose, waxaa dadka ay saameeyeen abaarahaasi ku sheegeen in ay kor u dhaafayaan 3-milyan.

 

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ugu daran tahay abaaraha ka jira geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya islamarkaana ah ra`iisal wasaare xigeen Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalay shir ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay`adda cuntada FAO.

wasirkadibadda1.jpg

Shirkan uu wasiirku ka qeybgalay ayaa looga hadlayay arrimaha abaaraha geeska Afrika iyo sidii loo gar-gaari lahaa shacabka abaareysan ee ku dhaqan geeska Afrika.

 

Wasiiro ka kala socda dalal dhowr ah ayuu la kulmay mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, waxaana ka mid ah wasiiradaasi wasiirka beeraha (Agriculture) Fransiiska Bruno Le Maire.

 

Waa shirkii ugu horeeyay ee heer caalami oo uu wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya ka qeybgalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxkamada ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo xukun ku riday askari saakay dil u geystay askari kale

 

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Maxkamada ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa gallinkii dambe oo maanta Isniin ah ku riday xukun dil ah askari la sheegay inuu dil ugu geystay saakay askari kale afaafka hore ee Hotel Naasa-hablood II ee Muqdisho.

 

Askariga xukunka lagu riday ayaa lagu magacaabaa Cabdi Kuus Cabdi iyadoo la sheegay inuu dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdi Yuusuf oo ay isla shaqeynayeen.

 

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada DKMG ah G/sare Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta markii uu xukunku dhacay ayaa sheegay inay u cuskadeen sharciga Islaamka iyo xeerarka ciqaabta ciidamada.

 

Xukunka dilka ah ee lagu riday askariga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo askariga la xukumay ay ku marqaati kaceen askar kale oo goobjoog ka ahaa xiliga uu dilka geysanayay.

 

Lama sheegin xiliga xukunka lagu fulinayo askariga la xukumay, wuxuuna qayb ka yahay asakar badan oo horay xukuno dil iyo xabsi ah ay maxkamada horay ugu riday, kuwaasoo qaarkood lagu fuliyay xukunka, halka kuwa kalena aan weli lagu filin.

 

Askariga xukunka dilka ah lagu riday ayaa waxaa isla markiiba loo kexeeyay xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaasoo la sheegay inuu ku jiri doono inta xukunka dilka ah looga fulinayo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;736084 wrote:
What a speech, thanks Somalina..

Achievable and doable goals ayuu ka hadley, he's a man with a plan indeed!.

I like "himilooyinka aan hiigsaneyno" part, i will use that on my next speech. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amisom supplies vehicles to Somali transitional federal government + video

 

AMISOM has donated six vehicles on behalf of the African Union to the Transitional Federal Government as part of its ongoing mission to stabilise Somalia.

 

The vehicles will be used by Somalia’s Ministry of Agriculture, Livestock, Forestry and Range to assist with disease control and food security programmes.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho

 

Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay xeryo ay ku jiraan barakacayaashii abaaraha ee ku sugan Muqdisho, isagoo halkaas warbixnno uga dhageystay maamulka gobolka Banaadir.

 

Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu horreyn booqday xeryo ku taalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo xeradaas lug ku dhexmaray, isla markaana xaaladahooda ka wareystay qoysaskii qoxootiga ahaa ee ku jiray.

 

Intaa kaddib, ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha booqashada ku wehliyay ayaa waxay sidoo kale tageen xero ku taalla xaruntii hore ee UNICEF ay ku lahayd Muqdisho oo degmada Waaberi ku yaalla, halkaasoo uu kula kulmay barakacayaashii ku jiray.

CABDIWALI2.jpg

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xero walba ka bixinayay faahfaahin. Iyadoo dadka ku jiray xeryaha uu ra'iisul wasaaruhu booqday ay ka muuqatay macluul aad u daran, balse waxay dadkaasi sheegeen inay noloshoodu aad uga wanaagsan tahay sidii hore.

 

Ra'iisul wasaaraha ayaa booqday goob barakacayaasha cunnooyinka loogu kariyo isagoo sheegay in dowladda KMG ah ay dadaal ugu jirto sidii ay dadkan ku heli lahaayeen gargaar raashin iyo mid dawo.

 

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku tago xeryaha barakacayaasha, iyadoo maalin walba ay soo gaarayaan Muqdisho barakacayaal cusub oo ka imaanaya gobollada koonfureed ee ee dalka.

CABDIWALI3.jpg

CABDIWALI4.jpg

CABDIWALI6.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this