Sign in to follow this  
Somalina

Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!

Recommended Posts

Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay ururrada bulshada rayidka, kalana hadlay wada-shaqeyn dhexmarta

 

Premier.jpg

Arbaco, July 27, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la yeeshay ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sidii ay u wada-shaqeyn u dhexmari lahayd dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah.

 

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa hadallo badan isku dhaafsaday ra'iisul wasaaraha iyo xubnihii ka socday bulshada rayidka ah, iyagoo si aad ah iskula eegay sida ay iskula jaan-qaadi karaan, isla loo gargaari lahaa dadka ay abaaruhu soo barakiciyeen.

 

"Talada lasoo jeediyay waa in la is-kaashado, la iskuna kaashado sidii barakaca wax looga qaban lahaa, barakaca la iska kaashanayo ma ahan mid ku siman bilo ee waa mid socon doona, waayo sanooyin badan roobab lama arkin," ayuu yiri C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo u hadlay ururrada bulshada rayidka ah.

 

Xubnihii ka socday bulshada rayidka ah ayaa waxay dowladda KMG ah ugu baaqeen inay dadaal u gasho sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka kusoo qulqulaya Muqdisho ee ay abaaruhu soo barakiciyeen.

Premier2.jpg

 

Ra'iisul wasaaraha Somaaaliya oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ka jawaabi doonaan talooyinka loosoo jeediyay oo dhan, isagoo xusay in dowladdu ay qaylo dhaan u dirtay beesha caalamka taasoo ku aaddan sidii gargaar loogu fidin lahaa shacabka abaaraha kusoo barakacaya.

 

"Kulanka waxaa laga sheegay waa in la dadaalo - runtiina waan dadaalaynaa -waayo afartii bilood ee lasoo dhaafay DKMG ah waxay ku howlanayd sidii ay dadka gargaar ugu fidin lahayd, waxayna u dhistay kaamam ay dagaan," ayuu yiri C/weli Gaas.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowalddu ay sii-wadi doonto gargaarka ay shacabka u fidinayso iyadoo kaashanaysa ururrada bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, isagoo intaas ku daray inay sugayaan jawaabta caalamku ka bixiyo qaylo-dhaanta ay direen.

 

"Waxaa laga dhawaaqjiyay in shacabka Soomaaliyeed 73% ay ku nool yihiin maalintii wax ka yar hal ama laba doollar, waana run taas. Runtiina dadkii dhibkaas ku jiray markii ay kusoo biiraan dad kale oo xoolihii ay kasoo dhamaadeen culeys weyn ayay ku tahay, waana waxyaabaha aan doonayno inaan wax ka qabanno," ayuu ra'iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

 

Ugu dambeyn, C/weli Gaas wuxuu sheegay in ururrada bulshada rayidka ah looga baahan yahay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan xukuumadda KMG ah. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmara xukuumadda cusub iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Premier4.jpg

Premier7.jpg

Premier5.jpg

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Taliyaha ciidamada Milateriga DKMG ah oo boqolaal askari tababar ugu soo xiray degmada Dhoobley

 

Arbaco, July 27, 2011 (HOL) – Taliyaha ciidamada milateriga DKMG ah Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xiray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose 600-askari, kuwaasoo dhameystay tababar ciidan muddo lix bilood ah uga socday.

 

Munaasabadda tababarkan lagu soo xirayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo la sheegay inay dhinaca tababarka iyo qalabka ka saacideen ciidamada maanta tababarka loosoo xiray.

 

"Ciidamadan waxay ku biirayaan kuwa ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo si ay uga qaybqaataan dagaallada lagula jiro Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Jen. C/qaadir, wuxuu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan maqli doonaan warar ay ku farxaan, isagoo xusay in qorshahoodu yahay inay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay ka saaraan xoogagga Xarrakatul Shabaab ee ku sugan.

 

Waa markii ugu horreysay oo Jen. C/qaadir Diini uu gobollada Jubbooyinka tababar ugu soo xiro ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo Dhoobley oo tababarka lagu soo xiray ay ay ka talinayeen ciidammo taabacsan dowladda KMG ah bilihii lasoo dhaafay.

 

Xarrakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii lagala wareegay deegaanka Dhoobley waxay sheegaysay inay ka hortagi doonto weerar walba oo kaga yimaada ciidanka DKMG ah ee ku sugan Dhoobley oo ay saacidayso dowladda KMG ah.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sannakdii hore dadaal xooggan ugu jirta sidii ay dib gacanteeda ugu soo celin lahayd gobollada Koonfureed ee dalka oo ay labadii sano ee ugu dambeysay ka talinaysay Xarrakatul Shabaab.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta magacaabay hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka, iyadoo hay'addan sheegay inay wax ka qabanayso qulqulka barakacyaasha ka imaanaya gobollada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen.

 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in hay'addan sameynteeda ay ku timid talo-soo-jeedin ka timid guddigii abaaraha Qaranka ee heer wasiirka ahaa iyo qiimeyn uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sameeyay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu go'aamiyay howlgelin ha'yaddan uu u magacaabay shaqsiyaad sumcad ku leh bulshada dhexdeeda, sidoo kalena leh karti, aqoon iyo waayo-aragnimo ay ku fulin karaan howsha loo magacaabay.

 

Xubnaha loo magacaabay ha'yaddan ayaa waxay kala yihiin:

 

1. C/llaahi Maxamed Shirwac - Madaxa Hay'adda

2. Jamaal Maxamed Barrow - Ku-xigeenka Barnaamijyada

3. C/xakiin Axmed Guuleed - Ku xigeenka Maamulka

4. Cali C/raxmaan Axmed - Madaxa Saadka

 

Hay'addan ayaa la sheegay inay tahay mid madax-bannaan oo loogu talogalay inay maareyso musiibooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, qulqulka barakacayaasha iyo musiibooyinka kale.

 

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas ayaa guddiga uu hay'adda maareynta musiibooyinka kula dardaarmay inay si wanaagsan howlahooda u gutaan, isgaoo u rajeeyay howl gudasho wacan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xarun cusub oo Maxkamada ciidamada qalabka sida oo laga furay goobaha dagaalka ee Muqdisho

 

Muqdisho (RBC Radio) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta xarun ka furatay goobihii ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo ay ka qabsadeen xoogaga Al-Shabaab.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maxkamadaan laga furay goobaha ay xiligaan ku suganyihiin.

Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maxkamadaan la saari doono askari kasta oo lagu arko asagoo dhibaataynaya shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maxkamadaan loogu talagaya in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya aysan wax dhibaato ah u geesan shacabka Soomaaliyeed

Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili ciidamada dowlada KMG Soomaaliya Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay goobo badan ka qabsadeen xoogaga Al-Shabaab.

 

p6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Our very own Michelle Obama!

------------------------------------------

August 8, 2011

 

Marwada koowaad ee Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali oo maanta la kulantay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed

 

Marwada koowaad ee Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah Mss. Hodon Saciid Ciise ayaa maanta booqatay xarunta ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasina ku dhoweeyeen mas'uuliyiinta ururkaasi oo ay ka mid ahaayeen Sii hayaha Guddoomiyaha ahna K/Xigeenka koowaad Canab Xasan Cilmi, Xoghayaha guud ee ururkaas Faaduma Aadan Cosoble iyo xubno ka tirsan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin ku saabsan waxqabadka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed mudadii la asaasay iyo xilligaan ka soo jeedisay Canab Xasan Cilmi oo ah Guddoomiye K/Xigeenka ururkaasi, iyadoo ka warantay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ururkani uu dhisnaa, iyadoo xustay inay wax weyn ka qabteen horumarinta haweenka iyo taakuleynta iyo qoysaska Soomaaliyeed ee agoonta iyo barakacayaasha ah, sidoo kalena waxay sheegtay in ururka Haweenka Soomaaliyeed uu garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu gacan ka geystay taageero isugu jirta hiil iyo hooba oo magaalada Muqdisho ciidamada Dowladda ay kaga saarayeen kooxdii Al-Shabaab ee sida ay sheegtay dhibaatada weyn ka geystay dalka, gaar ahaan barakicinta iyo burburinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

 

Waxay sheegtay Canab Xasan Cilmi in dhismaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geysatay Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in Hay'adda CCD ay bil walba 150-xubnood oo haween ah oo ka kala socda G/Banaadir ay seminaar wacyi gelin ah ugu qabato magaalada Muqdisho iyo inay gacan ka siisay qalabeynta xafiiska Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Kulankankaasi ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Marwada Ra'iisal Wasaaraha Mss. Hodon Saciid Ciise, waxayna ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeedisay xubnaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed sida ay ugu heelan yihiin wax ka qabashada arrimaha Haweenka iyo samatabixinta qoysaska Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxayna sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan nabadda, maadaama haweenku ay yihiin laf dhabarkii bulshada, wiilka la khalday ee dhimanaaya iyo kan xabbadda ridayana ay iyadu dhashay isku midna ay u yihiin.

 

Waxay ku boorisay haweenka Soomaaliyeed si ay u taabagasho qorshaha waxqabad oo ay hiigsanayaan waa inay sameystaan sanduuq dhaqaale oo ay ku horumarinayaan haweenka Soomaaliyeed, inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka iyo inay shaqo u abuuraan haweenka aan fursadda u helin ka qeyb qaadashada howlaha qaranka, si ay taasi u suurtagashana waa in haweenku la dagaalamaan oo ay baabi'iyaan waxa loo yaqaan 4.5 kaddib xilliga kala guurka, waxayna gabagabadii kulankaasi Mss. Hodon ugu deeqday haweenka liita in lagu tabaruco lacag dhan 1500$ si loo gaarsiiyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada iyo abaaraha, iyadoo mas'uuliyadeedana ay qaadayaan xubnaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Xoghayaha guud ee ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faaduma Aadan Cosoble ayaa iyaduna munaasabadaasi ka soo jeedisay qoraal dheer oo ka koobnaa laba bog oo koobayay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed mudadii la asaasay iyo waxyaabaha u qabsoomay iyo waliba qorshaha mustaqbalka uu hiigsanaayo ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ka mahad celisay booqashada ay maanta ku soo booqatay xafiiska ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

 

marwada-raysalwasaraha_1.jpg

marwada-raysalwasaraha_4.jpg

marwada-raysalwasaraha_2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

August 9, 2011

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Mark Bowden, Isu-Duwaha Xiriirinta iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay, Bruno Geddo, Madaxa UNHCR Somalia, Alvaro Rodriguez, Madaxa UNDP Somalia, Kiki Gbeho, Madaxa OCHA, iyo saraakiil ka socotay WFP, UNHCR, UNDP iyo OCHA. Dhanka Dowladda waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka Haweenka. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta Hay’ada Maareynta Musiibooyinka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiintii Qaramada Midoobay imaatinkooda Muqdisho oo uu sheegay inay beryahan danbe muuqato dadaaladooda iyo imaatinkooda Muqdisho, ugana mahadceliyey dadaalada gurmadka abaaraha oo hay’adaha QM qaarkood soo gaarsiiyeen shacabka tabaaleysan gar-gaar.

 

Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in xaaladda macluusha ay aad u baahsantahay loona baahanyahay in dadaalada la labo jibaaro. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dowladdu ay ku howlantahay sugidda amniga goobihii Al-Shabaab ka baxeen, isla markaana loo baahanyahay in QM ay kaalin mug leh ka qaataan xasilinta magaalada iyo gaarsiinta shacabka adeegyada bulshada muhiimka u ah noloshooda.

 

Mark Bowden ayaa siiyey Ra’iisul Wasaaraha warbixin la xiriirtay qorshayaasha QM ee ku wajahan gar-gaarka bani’aadanimo, waxuuna sheegay in WFP iyo UNHCR ay mucaawano gaarsiiyeen gobolada Gedo iyo Muqdisho. Waxuu kaloo uu sheegay inay macluusha sii baaheyso oo gobolo hor leh lagu daray liiskii hore ee macluusha, kuwaas oo kala ah Jowhar, Afgooye iyo Muqdisho.

 

Ugu dabneyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Isu-Duwaha Xiriirinta iyo Gar- gaarka Bani’aadanimo ee QM ayaa shir-jaraa’id si wada jir ah u qabtay warbixina ka siiyey shirkii oo ay labaduba sheegeen in la dar-dargelinayo dadaalada gurmadka abaaraha, isla markaana la ballaarin doono howlaha gar-gaarka bani’aadanimo oo la gaarsiin doono goobo fara badan.

 

Mas’uuliyiin ka soctay Qaramada Midoobey ayaa bishii ugu danbeysay dhowr jeer yimid Muqdisho, tan oo tuseysa sida ay uga go’antahay inay Dowladdu ku taageeraan dadaalada gurmadka abaaraha iyo gar-gaarka bani’aadanimo.

 

-DHAMAAD -

bowden-_2.jpg

bowden-_3.jpg

bowden-_4.jpg

bowden-_1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey Amb. Mahiga

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Ambassador Augistine Mahiga. Sidoo kale kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Ambassador Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ee XG ee QM ayaa markii uu soo dhamaaday kulankooda si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay wafdigii QM kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen macluusha baahsan ee dalka ka jirta, guulaha dhanka amniga ee ay Dowladdu dhowaan Al-Shabaab uga xorreysay Muqdisho iyo shirka wadatashiga ah ee la filayo in bisha September la qabto. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in QM ay ballanqaaday inay Dowladda ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka amniga.

 

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kala hadlay Ambassador Mahiga sidii ay QM u saacidi lahaayeen qorshaha lagu xasilinayo nabadda ee magaalada Muqdisho oo ay xukuumaddu wado. Waxuuna sheegay in Suuqa Bakaaraha lagu wareejiyey ciidanka Booliska si ay amnigii u sugaan oo loo soo celiyo kala danbeyntii.

 

Ambassador Mahiga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in isaga iyo wafdigiisa ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha kuna faraxsanyahay guulihii Sabtigii la soo dhaafay oo ay dowladdu caasimadda ka saartay Al-Shabaab. Mahiga ayaa ku nuuxnuuxsaday in QM ay diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido sidii amniga loo soo celin lahaa, shacabka tabaaleysana loogu gurman lahaa. Mahiga waxuu sheegay in shirka soo socda uu muhiim u yahay Somalida lana rajeynayo in looga hadlo qorsheyaasha Dowladda iyo mustaqbalka Dalka.

 

Shirkan maanta ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay ka soo qeybgaleen guddiga diyaarinta shirka wadatashiga oo ka kooban qeybaha Dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

 

Arrimihii ay sida gaarka ah uga wada hadleen guddigan ayaa waxaa ka mid ahaa agendaha shirka iyo sidii loo soo xuli lahaa xubnaha ka qeybgalaya shirka wadatashiga ah oo lagu wado inay ka soo qeybgalaan dhammaan qeybaha bulshada ay ka koobantahay. Guddigan waxey isku af-garteen in kulamada la joogteeyo maalmaha soo socda si horumar looga gaaro oo loo dhameystiro qabanqaabada kulanka.

 

- DHAMAAD -

 

walimahiga_2.jpg

walimahiga_4.jpg

walimahiga_3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali oo la kulmay kuxigeenka Xoghayaha Guud QM

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxmaed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi sare oo ay hogaamineyso Vlarie Amos oo ah ku- xigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay ee arrimaha Bani’aadanimada.

 

Kulanka labada mas’uul oo soconayay muddo saacado ah ayaa waxaa lagu lafa guray arrimaha Bani’aadaminimada dalka Soomaaliya, gaar ahaana abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo gabo gabadii kulankoodana ay saxaafada u faah faahiyeen natiijada kulankooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u sheegay warbaahinta inay ka wada hadleen wefdiga ay hogaamineysay Vlaria Amos arrimaha Bani’aadanimada iyo sidii Q/midoobay ay u ballaarin laheyd dedaalkeeda ku aadan u gargaarista shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen.

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo sugi lahaa ammaanka

goobaha laga saaray Al shabaabka si howlaha gargaarku ay u noqdaan kuwa si habsami leh u socda.

 

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadaminimada iyo xaaladdaha deg deg ah Vlaria Amos ayaa iyaduna sheegtay in Q/midoobay ay ballaarin doonto howlaha gargaarka Soomaaliya waxayna tilmaantay in xaaladda abaarta dalka Soomaaliya ay tahay mid heerkeedu sareeyo oo caruurtu ay u dhimanayaan nafaqo darro.

 

“Waxaan soo booqday Isbitalka Banaadir waxaana ku arkay xaalad aad u liidato oo caruurta” ayay tiri Mr. Amos oo tilmaantay in Q/midoobay ay laban laabi doonto gargaarka Soomaaliya si looga hortago macluusha sii baaheysa ee gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, Vlaria Amos iyo wefdiga ay hogaamineysay oo uu ku jiray iskuxiraha howlaha gargaarka Bani’aadanimada ee Q/midoobay Mr. Mark Bowden ayaa waxay kormeer ku tageen Isbitalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir halkaasoo ay jiifaan boqolaal caruur ah oo la il daran nafaqo darri qaarkoodna la il daran cudurka shuban biyoodka.

vlaria_amos_1.jpg

vlaria_amos_5.jpg

vlaria_amos_3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Raysalwasaare Dr.Gaas: “Waalalahayaha Reer Kuweyd Si Weyn Ayey Noogu Soo Gurmadeen”

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo Shacabka Kuwait kaalmada ay soo gaarsiiyeen dadka abaaruhu halakeeyeen ee Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan ka sheegay munaasabad hay’adda Bisha-cas ee Kuwait ay saaka ku goddoonsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka raashin gargaar ah oo tiradiisu dhantahay 3,300 Tone oo isugu jira Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, Timir, Daawo iyo bacaha roobka laga galo iyadoo munaasabadani ay ka dhacday gudaha dekedda weyn ee Muqdisho.

IMG_8545.jpg

IMG_8551.jpg

IMG_8581.jpg

 

http://horseedmedia.net/2011/08/13/raysalwasaare-dr-gaas-waalalahayaha-reer-kuweyd-si-weyn-ayey-noogu-soo-gurmadeen/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra’iisul Wasaaraha oo Isbitaalka Banaadir ku wareejiyay dawo ka timid Imaaraadka Carabta

 

Muqdisho August 20, 2011-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta booqday Bukaanada ku jira Isbitalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir isaga oo maamulka Isbitaalkana ku wareejiyay deeq daawo ah oo ka timid ninka iska leh dhaxalka Imaaraadka Carabta Sheekh Suldan bin Khalifa Bin Zayed Al-nahyan.

 

Deeqdan dawada ah ayaa isugu jirtay kuwa caruurta gaar ahaana Faleebooyinka fuuq baxa iyo dawooyin kuwa nafaqeeyo caruurta ah waxayna ku jirtay sanduuqyo waaweyn iyo Kartoono iyadoo Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli uu ku wareejiyay Agaasimaha Isbitalkaasi Banaadir Dr. C.risaaq Xasan Cali.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in mar kasta ay taageerto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay dowladdaha kale ee Carbeed inay labo jibaaraan kaalmadooda.

 

Agaasimaha Isbitaalka Dr. C/risaaq ayaa isaguna sheegay in dawooyinkan ay wax badan ka tari doonaan baahida loo qabo daawooyinka caruurta maadaama maalin kasta Isbitaalka la keeno caruur uu hayo shuban biyood (Chelora) iyo nafaqo darri wuxuuna xusay in ay shacabka u gaarsiin doonaan si siman oo lacag la’aan ah.

 

Garaad Salaad Xirsi

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

garaadcadde@gmail.com

 

gaas-banadir_5.jpg

gaas-banadir_4.jpg

gaas-banadir_2.jpg

gaas-banadir_8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxda ugu sareysa Dowladda oo la kulmay Jean Ping Madaxa Midowga Afrika

 

Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Xarunta Madaxtooyada wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa la kulmay Wafdiga uu hogaaminayay Jean Ping, iyagoo ka wada hadlay xaalada ammaanka, siyaasada iyo arrimaha bani'aadanimada.

 

Kadib markii uu soo gaba gaboobay shirka ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in kulankooda xooga ku saareen arrimaha siyaasada, Amniga iyo xaaladaha bani'aadanimo ee abaaraha.

 

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in 25-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Addis Ababa shir looga hadlayo abaaraha Soomaaliya, kaasoo dhaqaale loogu uruurinayo Abaaraha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay shirkaas mid fursad ah.

 

Shariif ayaa u sheegay Gudoomiyaha Midowga Afrika in arrinta ammaanka lagu daro horumarka arrimaha bulshada sida dib u dhiska wadooyinka, Waxbarashada, isbitaalada iyo adeegyada aas aasiga.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Mr Jean Ping ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu yimaado, waxaa uu xusay in sanadkii hore iyo sanadkan ay horumar sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

 

Waxaa uu sheegay in Dowladaha Afrika ay dhaqaalo ay ugu yabooheen abaaraha Soomaaliya, isagoo tibaaxay in Al-Jeeriya ay balan qaaday lacag gaareysa 10-milyan doolarka Mareykanka, oo lagu bixin doono shirka Addis Ababa lagu qaban doono.

 

Mr Jean Ping ayaa sidoo kale cadeeyay in dalal kale oo Afrikaan ah ay dhaqaalo ku taageeri doonaan arrimaha abaarha ee Geeska Afrika, isagoo soo qaatay dalalka Ghana iyo Gabon iyo kuwa kale.

Waxaa uu ugu baaqay dalalka Shiinaha, India iyo Brazil oo hada maal-geshi ku sameynaya Afrika inay ka qeyb qaataan howlaha bani'aadanimada sidii gar gaar ula soo gaari lahaayeen.

 

Midowga Afrika ayaa shirkan ay u qaban doonaan arrimaha abaaraha Soomaaliya uu noqonayaa kii u horeeyay oo ah mid heer caalami ah oo dhaqaalo loogu uruurinayo wax ka qabashada xaaladaha bani'aadanimo.

jean-ping_2.jpg

jean-ping_3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdigii kulanka Amniga ee Naivasha

 

naivasha%20(4).JPG

(Muqdisho, Axad, 21 August 2011) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)).

 

Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Husseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka, Mudane Ugas Axmed Bile, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdisamad Macallim Maxamud, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Bashir Maxamed Jama, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska General Cabdulqaadir Sh Cali Diini, iyo General Sharif Sheekhuna Maye iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada Nabadsugidda Qaranka, iyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxtooyada.

naivasha%20(2).JPG

 

Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey wafdigii dowladda ee ka qeybgalay kulankii lagu soo diyaarinayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka, kuna ammaanay sida ay si waddaninimo leh uga qeybqaateen diyaarintan Qorshahan muhiimka u ah dalka, iyo sida ay si Soomaalinimo leh ugu horseedeen diyaarinta Qorshahan oo ah markii ugu horreysey ee Somali qaadato hoggaanka diyaarinta Qorshahan muhiimka ah oo ay khubaro ku xeel dheer arrimaha amniga oo Soomaali ah ay iyagana ka qeybqaateen kulankan oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii hore ee dalka oo in muddo ahba waday daraasad lagu qiimeynayo xaaladda dhabta ah ee amniga dalka iyo sida lagu xasilin karo.

 

Kulankaas Naivasha waxaa goob joog ka ahaa Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiin ka kala socday waddamada US, EU, UK, Egypt, AU, AMISOM iyo dalal kale oo iyagana si heer sare leh u ammaanay sida Soomaalida ay uga go’neyd qorshahan kuna dhiiri geliyey inay dhameystiraan dokumentiga Qorshahan si ay beesha caalamka u taageerto, isla markaana u keenaan tasiilaadkii lagu fulin lahaa Qorshahan.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay guddiga soo diyaariyey qorshahan kana codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan, si loo horgeeyo golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka oo uu u noqdo mid sharci ah.

 

Waxaa dhowaan lagu wadaa in Muqdisho markii ugu horreysey lagu qabto kulankii Guddiga Wadajirka ah ee Ammaanka (Joint Security Committee) oo ay shir-guddoomin doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Kulankan JSC ayaa looga hadli doonaa documentiga qabyada ah ee Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka laguna wadaa in looga doodo isla markaana lagu ansixiyo oo beesha caalamka ay goob joog ka ahaan doonaan.

 

naivasha%20(3).JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

UNPOS, the UN Political Office for Somalia, has finally indicated that it is prepared to increase the number of its staff in Mogadishu, from four to twenty four by the end of the year. The United Nations Special Representative for Somalia, Ambassador Mahiga, told the Security Council that the UN would begin to relocate its Somalia operations from Nairobi in the next few months. “We are now actively planning for an expanded UN presence inside Somalia, rather than the ‘light footprint’ we had envisaged,” Mahiga said. He said it was “critical that we secure the logistical support, including a fast-tracked construction of permanent facilities to pave the way for the deployment of additional staff in Somalia, particularly in Mogadishu.” A base is being built at Aden Ade international airport to house most of the increased numbers. Ambassador Mahiga also noted that the most pressing immediate need was to secure access for international humanitarian agencies bringing food and supplies into the capital.

http://unpos.unmissions.org/Portals/UNPOS/Repository%20UNPOS/110810%20SRSG%20Statement%20for%20UNSC.pdf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkii guddiga wadajirka ee Amniga Soomaaliya oo maanta markii ugu horeysay lagu qabtay Muqdisho

 

 

Isniin, Ogoosto 22, 2011 (HOL) – Waxaa maanta markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee amniga dalka iyadoo ay shir guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Amb. Augustine Mahiga iyo ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Wafulu Wmanyinyi.

 

Shirkan oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay wakiilada, ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, waxaana goob-joog ka ahaa wakiilo ka socday dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Fransiiska, Jarmalka, Norway, Denmark, iyo Sweden.

 

Kulanka ayaa intii uusan soo gabagaboobin ka hor waxaa warbaahinta faahfaahin siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ergeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Mahiga iyagoo sheegay in kulankani uu ahaa kulan taariikhi ah isla markaana markii ugu horeysay ay tahay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

 

Waxay sheegeen in kulanka looga arrinsaday arrimaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen inuu ku socdo weli si habsami iyo saaxiibtinimo leh.

 

Amb. Mahiga ayaa yiri: "Kulankan wuxuu jawaab u yahay horumarka laga gaaray nabadda Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho oo laga saaray Al-shabaab, waxaana kulankan midka xiga lagu qaban doonaa halkan laba bilood oo maanta ka billlaabanaysa kaddib," ayuu yiri Mahiga oo xusay in Qarammda Midoobay ay dib u dhis iyo tayeyn ku sameyn doonto hay’addaha nabadgelyada sida ciidamada Booliska iyo saldhigyada.

 

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli ayaa xusay in kulankan uu yahay midkii sagaalaad oo uu guddiga wadajirka ah Amnigu yeesho, balse siddeedii kulan ee hore ay ka dhaceen dalka dibadiisa.

 

"Dowladda Federaalka shirkan muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay maadaama markii ugu horeysay lagu qabtay dalka Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in kulamada dambe ay si rasmi ah uga dhacaan dalka," ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Guddigani wadajirka ee Amniga ayaa waxaa lagu aasaasay dalka Jabuuti sanadkii 2008, kaddib heshiiskii ka dhacay dalkaasi Jabuuti iyadoo ujeedadiisuna ay ahayd in beesha caalamku ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa hay’addaha Amnigasi dibna loogu soo celin lahaa Amnigii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska wafaafinta Ra'iisul wasaaraha

media@opm.gov.so

Muqdisho - Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this