Sign in to follow this  
oba hiloowlow

DEG DEG: Banaan bixii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo Labada Shariif oo ka socda Muqdisho

Recommended Posts

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo soo degay iyo Kumanaan ruux hor-tuban albaabka Garoonka

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa daqiiqado ka hor ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli in ka badan lix saacadood oo xiriir ah ay ka soconayaan Magaalada banaan baxyo waa weyn oo ay ka qeyb galayaan kumanaan ruux oo shacab ah.

 

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaan wali garoonka ka soo bixin, waxaana diyaarada ay ka soo dajisay goor dhow, sidoo kale kumanaan ruux oo dibad baxayaal ah ayaa taagan banaanka hore ee garoonka, kuwaas oo erayo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku jiraan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada oo ka qeyb qaadanaya soo dhoweyna Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Mid ka mid ah dadka ka qeyb galaya banaan baxa ayaa sheegay in aanay banaanka hore ee garoonka ka tageyn, isla markaana ay u diidayaan Madaxweynaha inuu ka soo baxo Garoonka, ilaa go'aankooda laga meel mariyo.

 

Banaan baxayaasha ayaa dalbanaya in Ra'iisul wasaaraha ka laabto is casilaada uu go'aansaday, kadib markii xalay lagu heshiiyay Magaalada Kampala, lagana soo saaray qodobo ah in Dowladda hal sano loogu daray, dibna loo dhigay doorashada, sidoo kale waxaa ku xusneyd in Ra'iisul wasaaraha uu muddo sodon cisho isku casilo.

 

Kumanaanka ruux ee maanta dibad baxayay ayaa hakiyay dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada, waxaana dadka ay dhagxaan la dhacayeen gawaarida, sidoo kale taayaro ayay gubeen, dadkan ayaa ilaa iyo hada ah kuwo wadooyinka fadhiya, iyagoo doonaya in la meel mariyo go'aankooda ah in Ra'iisul wasaaraha sii joogo, iyadoo eedeymo iyo hadalo kulul kala dul dhacayay Labada Shariif.

 

 

Ilaa iyo hada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaan banaanka u soo bixin, ammaanka Garoonka ayaa si weyn loo adkeeyay, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Booliska ayaa heegan buuxa ku jira, sidoo kale dadka hor dhooban Garoonka ayaa fadhiya laamiga oo ay adag tahay inay baneeyaan, gaadiidka AMISOM uu soo maro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

are they protesting because they want Puntland to be kept isolated? are they afraid that sheekh shariif will be a true Somali president who cares about all regions of somalia?

 

hmmmm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif iyo Farmaajo oo kasoo bixi la’ Garoonka Aadan Cadde, xilli kumaakun oo ruux ay dhooban yihiin

 

Waxaa saacad kahor Garoonka Dayuuraha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho kasoo deggay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, oo ka yimid magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Madaxweynaha Dowladda Kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxay soo gaareen magaaladda Muqdisho ah ee Muqdisho, iyadoo ay iminka labadooduba ay ku xiyiran yihiin Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

 

Wadada weyn ee gasha Garoonkada Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa iminka dhooban kumaakun oo ruux, iyadoo wadooyinku ay yihiin goobo ay soo buux-dhaafinayaan shacabka reer Muqdisho.

 

Shacabka reer Muqdisho oo maanta banaanbaxyo waaweyn ka sameynaaya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay dhooban yihiin wadada Maka Al Mukarama, iyo wadada dheer ee aadda Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

 

Shacabka ayaa waxay kor u lulayaan sawirada Raa’isal Wasaare Farmaajo, isla-markaana waxay ku dhawaaqayaan ereyo ammaan ah oo ay ku ammaanaayaan Mudane Farmaajo, halka Madaxweyne Shariif ay wax ka sheegayaan.

 

Reer Muqdisho ayaa waxay maanta ay calanka ululayaan Raa’isal Wasaare Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”, isla-markaana waxay shacabka ay ugu baaqayaan inuusan dalka ku dhaafin, waxa ay ugu yeereen Cadowga Ummada Soomaaliyeed, oo ay ula jeedaan labada Shariif.

 

Sidoo kale shacabka qaarkood ayaa waxay wataan Dhag-xaan, Budad iyo Birar, waxayna maanta ay suurta gelliyeen in’aysan gawaari ka dhaqaaqin xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

 

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Dowladda Kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxay iminka ku xaniban yihiin Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, shacabka oo aad u dhooban wadooyinka awadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge;727363 wrote:
are they protesting because they want Puntland to be kept isolated? are they afraid that sheekh shariif will be a true Somali president who cares about all regions of somalia?

 

hmmmm

Right-Sharif is just good leader that he visit Kampala more than visit Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RaMpAgE   

A bunch of women and kids running around isn't going to do anything, matter of fact their just causing destruction to the already battered city.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Che -Guevara;727384 wrote:
Right-Sharif is just good leader that he visit Kampala more than visit Garowe.

 

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa arin aad loogu farxo runtii inaad aragto shacab taageeraya ninkii ay u arkeen inuu wax u qabtay oo qabiil ka gudbay mashaa allah

sawiradaas rajo fiican baa ka muuqata

 

Tan kale qurba joogtu wakhtiga hadda lagu jiro pm kama noqon karaan somalia aragtidayda, waayo?

Isma keeni karaan dad ka aqoon badan oo wax kusoo bartay somaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay, meeshu waa soomaaliya maahan australia dimocaracy iyo resign lagama yaqaan qaybta saxanka saaran waa 4.5 intaad qaado raadinayso baa rag gacanta uga dhargi!!

 

Sharci dajintuna waa is baaradii shacabka 20kii sano ee lasoo dhaafay 550 aan mushaar qaadan dhawr bilood iyo cashier koodii, ajandaha ay ka doodaana waa owood qaybsi iyo dabar goynta shacabka.

waxaan sugnaaba waa pm cusub aqoon fiican leh wadanka dibadiisana aan ka iman si loo helo siyaasad dheeli tiran.

 

Akhuukum fillaah gooni, wabilaahi towfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

you are right Che. shariif's current policies towards people of puntland are a debacle. but i heard he will change and is making mends. why don't we wait and see. i am willing to give shariif some chance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

kacdon-muqdisho_6.jpg

 

Walahi, the above photo says it all for me! Ayeeyo with her dhagax!!! Mansha'allah, for the first time in a very long time, I feel there's midnimo over qabiil on the streets of Mogadisho...Shariif Biijoole iyo madaxweyne kusheegnimadiisa dadkii waaka daaleen...

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

i agree, kuwa qurbaha joooga uu qabiilku ku dambeeyaa, all they see is Farmaajo was doing a good job and they could care less about qabiilkiisa. haday reer muqdisho sii wadaan banaan baxaan i am sure they will win.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

I don't know why this news breaks my heart! I guess, in the short time Farmaajo was in position, he showed us a glimpse of hope for Somalia, which died for me years ago, specially the South...:(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

R/wasaaraha oo la hadlay banaanbaxayaasha

 

IMG_4656.jpg

R/wasaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed oo galbta dalka dib ugu soo laabtay ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadlay bannaanka hore ee xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

 

Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa dadka isu soo baxay oo ay haween ku jireen u sheegeen in ay is-dajiyaan isla markaana ay guryahooda u laabtaan, isagoo tilmaamay in ay jirto rajo wanaagsan.

 

R/wasaaruhu wuxuu uga mahad celiyay dadka dareenka ay muujiyeen, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay si wanaagsan u kala warqaadan doonaan hase yeeshee ay muhiim tahay in marka hore ay dadku is dajiyaan oo ay guryahooda u laabtaan.

 

Barxadda u dhaxeysa Xafiiska Madaxweynaha iyo midka R/wasaaha waxaa buuxiyay boqolaal dad ah oo isugu soo xoomay kaddib markii ay ******** imaanshaha R/wasaaraha oo Gaariga uu saarnaa korkiisa dadka ka salaamay ka hor inta uusan hadalkaan kooban u jeedin daqiiqado kaddib.

 

Dadkii ayaa ka tagay goobta oo hadda cidlo ah, ciidamada ammaanka kaliya ayaana hadda ku sugan xarunta madaxtooyada iyo waliba ka soo horjeedkeeda oo uu deggan yahay R/wasaare Farmaajo.

IMG_4629.jpg

IMG_4637.jpg

IMG_4646.jpg

IMG_4652.jpg

IMG_4654.jpg

IMG_4638.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

QM oo soo dhoweeysay heshiiska masuuliyiinta dowladda

 

 

Qm ayaa soo dhoweeysay heshiiskii madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee Soomaliya ku gaareen magaalada Kambala ee dalka Uganda,kaasi oo ay ka mid tahay in muddo sanad ah loogu daro DKMG ah ee Somaliya islamarkaana la magacaabo ra’isal wasaare cusub.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka QM ee Somaliya Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska dalka Uganda ay ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee Somaliya,waxaana uu sheegay in heshiiskan uu soo afjaryo khilaafkii dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeyay madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

A.Mahiga ayaa sheegay inuu ka codsanayo masuuliyiinta dowlada ee heshiiska ku gaaray magaalada Kambala inay ka shaqeeyaan sidii nabad iyo xasilooni dib loogu soo celin lahaa dalka Somaliya, islamarkaana ay fuliso heshiisyadii ay horay ula gashay maamulka Puntland iyo Ahlu-sunah Waljamaaca.

 

Hadalka QM ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu maanta uu ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska masuuliyiinta Dowladda KMG Somaliya ay ku gaareen magaala Kambala.

 

 

 

http://horseedmedia.net/2011/06/09/qm-oo-soo-dhoweeyay-heshiiska-masuuliyiinta-dowladda/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this