Sign in to follow this  
oba hiloowlow

DEG DEG: Banaan bixii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedo Labada Shariif oo ka socda Muqdisho

Recommended Posts

Banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galaan boqolaal ruux ayaa goor dhow ka bilowday Magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu is heysto Jidka dheer ee Maka Al-Mukarama.

 

Sida ay sheegayaan wararka banaan baxan oo qaban qaabadiisa saacadihii la soo dhaafay laga dareemay Magaalada ayaa durba goor dhoweyd ku bilowday sawaxan iyo dhagaxaan ay dibad baxayaasha careysan la dhacayaan Gawaarida.

 

Banaan baxa ayaa boqolaalka ruux ee ka qeyb galaya ay uga soo horjeedaan Labada Shariif iyo go'aanada ka soo baxay shirkii Kampala, kaasoo ugu dambeyn meesha ka saaray Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in inkastoo Banaan baxa uu ku bilowday jawi kacsanaan ah, ayaa waxaa moodaa inuu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa, iyadoo dadka ka qeyb galaya oo u badan Haween ay isku xireen Gurigii Hooyoyinka, Barxadii Iskaashatooyinka ilaa Taaladii Sayidka.

 

Banaan baxayaasha ayaa mar sii horeysay xiray wadada Madaxtooyada looga galo, taasoo keentay inay istaagaan gawaarida wadadaas mareysa iyo kuwii Madaxtooyada geli lahaa.

 

Ilaa iyo hada ma jirto wax qasaare laga soo sheegay banaan baxa, ha yeeshee dadweynaha oo aad u careysan ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg: Ciidamadda dowladda ee ku sugan xeendaabka dowladda oo careysan iyo rasaas ay ridayaan

 

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxay muujinayaan sida ay uga xun yihiin wax yaabaha kasoo baxay shirka ka soconaaya magaaladda Kampala iyo iscasilaada Raa’isal Wasaare Farmaajo.

 

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda Somaliya ayaa waxay yihiin kuwo careysan, iyadoo si raxan raxan ah u taagan wadooyinka, waxayna ridayaan rasaas xoog leh oo ay ku ridayaan gawaarida, taasoo ka dhigan inay ka qeyb ka yihiin carada ay maanta qabaan shacabka reer Muqdisho.

 

Ciidamadaan oo si dhirarsan u taagan wadooyinka ayaa waxay yihiin kuwo si weyn uga soo horjeeda dhaq dhaqaaqyada ay wadaan labada Shariif, waxaana la-dareymaayaa in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay taageero u yihiin Raa’isal Wasaare Farmaajo.

 

Farmaajo oo ah shakhsi wax weyn ka badalay xaaladda magaaladda Muqdisho todobadii bilood ee uu tallada haayay ayaa wuxuu kasbaday taageero xoog leh, wuxuuna mirihii uu horey u beertay maanta laga dareymayaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Waxaa jira gawaari badan oo ay wax-yeelo kasoo gaartay rasaas ay ku fureen ciidamo careysan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana jira gawaari qaar oo wadooyinka yiillay, kuwaa oo ay rasaas ku fureen ciidamo careysan.

 

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan xeendaabka dowladda ayaa waxay yihiin kuwo shacabka ku taageersan banaan-baxayaasha ay maanta wadaan, kuwaa oo ay uga soo horjeedaa labada Shariif oo ay shacabka ugu yeereen kuwo Shayaadiin ah, waa sida ay hadalka u dhigeen’e.

 

Hugunka sawaxanka xoogga leh ee ay maanta sameynayaan shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwa laga dareymaayo xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda, waxaana shacabka la-dhihi karayaa waxay doonayaan Farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho oo maanta aad u careysan iyo ereyo aan looga baran oo kasoo yeereysa

 

Waxaa maanta aad u kacsan xaaladda magaaladda Muqdisho, kadib markii laga war hellay in uu iscasilaayo Raa’isal Wasaare Farmaajo, waxayna xaaladdu magaaladda Muqdisho ay tahay mid Allow sahal ah.

 

Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay maanta ay wadaan saxmad xoog leh, iyadoo uu shacabku uu kusoo qul qulaayo Garoonka Dayuuradaha Aadan ee magaaladda Muqdisho, waxayna shacabku ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin iscasilaada Farmaajo.

 

Guud ahaan shacabka ku dhaqan xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ay galka kala baxeyn seefta, waxayna soo bandhigayaan sida xoogga leh ee ay u taageersan yihiin Raa’isal Wasaare Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”.

 

Waxaa kaloo shacabka la-arkaayaa iyagoo wata budad iyo birar, waxayna kusoo fatahayaan Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde, iyadoo inta badan shacabku ay yihiin luwo aad u careysan, waxayna maanta yihiin kuwo lama taabtaan ah.

 

Sidoo kale shacabka reer Muqdisho ayaa waxay qeyb qaadanayaan banaanbaxyo waaweyn oo ay ku diidan yihiin labada Shariif, isla-markaana waxay ku dhaawaqaan “Labada Shariif ee Shayaadiinta ah Shartooda hanala dhaafaan, ee Farmaajo Joog Rabiyaa ku Jacelee”.

 

Hadalada xoogga leh ee maanta kasoo yeeraaya shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo si weyn u gil gillaaya shacuurta shacabka kale ee aanu muujineen carada ay u qabaan labada Shariif.

 

Iskusoo wada-duuboo horey looma arag sida ay maanta u kacsan yihiin shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna shacabku ay yihiin kuwo maanta afka kala furtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Well done ! its time we as the Shacab of Somalia to react and take the future of this country in our hand!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaan baxyo ballaaran ayaa wali ka socda Caasimada Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan kumanaan ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana dadweynaha oo ah kuwo careysan ay dhagxaan la dhacayaan Gaadiidka.

 

Banaan baxyada ayaa iminka is heysta wadada istiraatiijiga ah ee Maka Al-Mukarama, halkaas oo gaadiidka aanu haba yaraatee ka jirin, waxaana dadka ay dhagxaan la dhacayaan Baabuurta yar yar ee gaarka loo leeyahay iyo gaadiidka kale ee Ciidamada.

 

Dadweynaha oo u muuqda kuwo isku qeybiya banaan baxyada ayaa kumanaan ka mid ah waxay hor tuban yihiin garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo dadka ay sheegayaan inay ku suganaa Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan, isla markaana aanay u ogolaan doonin inay soo dhaafaan Garoonka.

 

Sidoo kale Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaan jirin cid geli karta ama ka bixi karta, iyadoo dadka banaan baxaya ay isku hareereeyeen, afaafka hore oo dadka ay yihiin kuwo hor tuban.

 

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa ah mid kacsan, isla markaana dadka ay yihiin kuwo aad uga xun wararka ka soo baxay Magaalada Kampala ee lagu heshiiyay in Ra'iisul Wasaaraha is casilo.

 

Kumanaanka ka tirsan dadka banaan baxaya ayaa dalbanayay in Ra'iisul Wasaaraha uu ka laabto go'aankiisa iska casilaada, waxaana ay dadku sheegeen inay sii wadayaan Kacdoono ballaaran oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

 

Taayaro ayaa la gubay, qiic iyo uur ayaa cirka isku shareeray, wadooyinkana dadka dhagxaan ayay ku gooyeen, waxaana dadka wajiyadooda laga dheehanayay caro aad u weyn.

 

Mid ka mid ah dadka banaan baxayaasha ayaa sheegay in wadooyinka ay dagayaan, isla markaana ay teendhooyin dhiganayaan, ilaa ay ka gaaraan hadafkooda aanay ka dhaqaaqi doonin.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo banaan baxayaasha la hadlay ayaa ugu baaqay inay is dajiyaan, isla markaana kaliya degenaan ku muujiyaan dareenkooda, isagoo ugu baaqay inay kala dareeraan.

 

Hase ahaatee dadweynaha ayaa durba ka qaaday hadalkaas caro, iyagoo dhagaha ka fureystay baaqa Gudoomiyaha, kuwaasoo sii watay banaan baxyadooda.

 

Sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka C/kariin Yuusuf Dhega-Badan ayaa isna ka dalbaday dibad baxayaasha in aysan sameyn wax carqalad ku keeni kara ammaanka, isagoo ka digay inay ku soo dhex dhuuntaan kooxaha nabadiidka.

 

Banaan baxan ayaa marka tusaale loo soo qaatay kuwii ka dhacay Bariga Dhexe uu yahay mid dadka ay ka shidaal qaadanayaan, isla markaana dareen geesinimo ku dheehan ay ku muujinayaan inay ka dhabeeyaan hadafkooda.

 

La soco daqiiqad kasta wixii ku soo kordha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaan bax noociisa kii u horeeyay oo aan horay loo arag ayaa maanta ka bilowday Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan kumanaan ruux oo dadka reer Muqdisho ah, kuwaasoo ka soo horjeeda inuu is casilo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana dadweynaha kumanaanka ee banaan baxaya ku qeylinayaan halku dhigyo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

 

Dadka ayaa tuuryeynaya gaadiidka, waxay is hortaageen in wadooyinka la maro, waxaa ka qeyb galaya haween, caruur iyo dad da'a ah, wadooyinka ayay ku gooyeen dhagxaan, sidoo kale Taayaro ayay ku gubeen.

 

Sidoo kale waxaa la arkayay Gaadiidka AMISOM ee qafilan oo wadooyinka mari waayay, kuwaasoo istaagay, waxaana dibad baxayaasha ay is heystaan min Guriga Madaxtooyada, Wadada Maka Al-Mukarama, KM4 ilaa Garoonka Diyaaradaha.

 

Hadaba daawo sawirada banaan baxa Muqdisho ka socda wali

 

kacdon-muqdisho_1.jpg

 

 

 

 

 

kacdon-muqdisho_5.jpg

 

kacdon-muqdisho_6.jpg

 

kacdon-muqdisho_7.jpg

 

kacdon-muqdisho_9.jpg

 

kacdon-muqdisho_10.jpg

 

kacdon-muqdisho_13.jpg

 

kacdon-muqdisho_15.jpg

 

kacdon-muqdisho_16.jpg

 

kacdon-muqdisho_18.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa weli magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka soconaaya banaanbaxyo culus, iyadoo ay banaanbaxyadu qeyb maldahan ka yihiin ciidamadda dowladda Soomaaliya oo maanta lagu arkay dabeecad nooc kala ah.

 

Banaanbaxayaasha ayaa waxay kor u lulayaan sawirada Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/Laahi “Farmaajo”, iyadoo ay banaanbaxyadu u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada rayid, caruur, ciroole, rag iyo dumarba.

 

Kacdoonka maanta ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu dad badani uu ku noqday layaab, kadib markii sida aad sawiradaba ku arkeysaan la-arkaayay, shacabka qaarkood oo sawirada Farmaajo dul saaraaya gawaarida ay wataan ciidamadda dowladda Soomaaliya.

 

Kacdoonka maanta hareereeyay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa looga soo horjeedaa labada Shariif iyo go’aankii kasoo baxay magaaladda Kampala ee dalka Uganda, iyadoo ay shacabku muujiyeen sida ay u doonayaan Raa’isal Wasaare Farmaajo.

 

Wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Muqdisho ayaa waxay iminka ay ku kala sugan yihiin goobaha ay banaan-baxyadu ka soconayaan, iyadoo shacabka reer Muqdisho ay maanta u tahay maalin aad u weyn, oo ay ku muujinayaan dareenkeedu.

 

Wariya-yaasheena ayaa waxay ku soo waramayaan in xaaladda magaaladda Muqdisho ay maanta tahay mid Allow sahal ah, isla-markaana waxay soo sheegayaan in laga cabsi qabo in dhibaatooyin ay ka dhacaan magaaladda.

 

Warar hoose ayaa sheegaaya in Xarakada Al Shabaab ay qorsheyneyso inay ka faa’ideysato kacdoonka shacabka, iyadoo laga cabsi qabo inay qaraxyo waaweyn ka geysato xeendaabka dowladda oo maanta Allow sahal ah.

 

Sidoo kale shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, halka ereyo ammaan ahna ay u jeedinayaan Raa’isal Wasaare Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”.

 

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda magaaladda Muqdisho ayaa waxay maanta tahay mid ay hareereeyeen uuro iyo qiiq xoog leh, iyadoo hawada magaaladda Muqdisho ay maanta tahay maalin nooc kala ah.

 

brxw3.JPG

 

brxw4.JPG

 

brxw5.jpg

 

brxw9.jpg

 

brxw1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wallahi the people of Hamar have made me proud, they recognized who actually did something for them and inspite and despite of qabiil have come out in favour of himtrust me they will not be even a whimper when Sharif Hassan bows out even from the people on the street he was born in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qorax;727353 wrote:
beautiful pictures!

indeed!

it is good to see the somali people finally putting the interests of the nation before the interests of petty and corrupt mercenary politicians!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Shacabku waa in ay taageero buuxda siiyaan madaxda daacada ah ee ka shaqaynayasa Horumarka iyo Nabadgelyada Soomaaliya. Kuwa Tuugta ah ee xatooyada iyo musuq-maasuqa doonaya in ay dalka ku maamulaan waa in laga soo hor jeestaa oo la iska qabtaa inta ay goori goor tahay.

 

Oba, saxiib na soo gaar sii wararka cusub iyo banaanbuxu sida uu ku dambeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this