Sign in to follow this  
Che -Guevara

300 Million Dollars Missing from the Somali Government Coffers

Recommended Posts

Madaxa Maaliyadda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in la la' yahay lacag ku dhow 300 Milyan oo Dollar oo soo gashay qasnadda Dowladda Soomaaliya 2009-2010

 

Sabti, May 21, 2011(HOL): C/risaaq Xaaji Cabdi Far-taag oo ah madaxa maaliyadda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, horayna isla xafiiskan ugu qaabilsanaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa wuxuu soo bandhigay warbixin ku saabsan dhaqaale xoog leh oo soo galay Dowladda Soomaaliya sanadihii 2009-2010, kaasi oo intiisa badan aan la ogeyn meel uu ku baxay.

 

 

 

Sarkaalkan oo warbixintiisa ku saleeyay sida uu sheegay dabagalka uu ku sameeyay dhaqaalahaas xoogga leh ee soo galay Dowladda Soomaaliya oo isugu jira mid ka soo xarooday Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo mid ay ku deeqeen dowlado heshiis gaar ah uu dhexmaray Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo uu ka xusay dowladaha Mareykanka, China, Libya,Rwanda, Saldanadda Cummaan, Imaaraadka Carabta, Suudaan iyo kuwo kale.

 

 

 

C/risaaq Xaaji Cabdi Far-taag oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo gashay sanadihii 2009-2010 lacag dhan 311,937,428 (seddex boqol kow iyo toban Milyan sagaal boqol sodon iyo todobo kun afar boqol labaatan iyo sideed doollar), wuxuuna caddeeyay in lacagtaas aan la ogeyn ilaa iyo hadda meel ay ku baxday, marka laga reebo 33 Milayn oo uu qoraal ahaan u hayo Hanti-dhowrka guud ee Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Mar uu C/risaaq ka hadlay lacago ka soo xarooday Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho sanadahaas oo aan iyana xogteeda la heynin meel ay ku baxday. Dekedda Muqdisho ayuu sheegay in ay sanadkii 2009 ka soo xarootay lacag dhan 11,529,000 (Kow iyo Toban Milyan Shan Boqol Labaatan iyo Sagaal Kun oo dollar), hayeeshee uu Hanti-Dhowrka Dowladda ka hayo qoraal ah in ay dekedda ka soo xarootay 6 Milyan oo dollar. Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayuu sheegay C/risaaq in ay sanadkaas ka soo xarootay 551 kun oo dollar.

 

 

 

C/risaaq waxaa uu intaas ku daray in sanadkaas 2009 isu geyn gudaha iyo dibadda ay dowladda Soomaaliya soo gashay lacag dhan 155,135,000, marka la eego 11 Milyan oo u diiwaangashan Hanti-dhowrka dowladdana waxaa uu sheegay in ay maqan tahay oo aan la ogeyn meel ay aadday lacag dhan 144 Milyan oo Doollar.

 

 

 

Sanadkii 2010 ayuu sidoo kale sheegay C/risaaq Far-taag in ay Dowladda Soomaaliya soo gashay lacag dhan 156,802,000, marka loo eego 21,976,000 oo u diiwaangashan hanti-dhowrkana ay maqan tahay lacag dhan 134,820,000. Sida uu Sarkaalkan sheegayo isu geyn lacagta soo gashay dowladda Soomaaliya 2009-2010 waxay dhan tahay 311,937,428, marka la jaro lacagtaas 33 Milyan oo u diiwaangashan hanti-dhowrka Dowladda Soomaaliyana waxaa maqan oo aan la ogeyn meel ay aadday 278,877,000.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xog-warrankan dhaqaale ee uu shaaciyay C/risaaq Xaaji Cabdi Far-taag oo ah Madaxa Maaliyadda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid ay dad badan ku baraarugayaan in dowladda Soomaaliya ay soo gashay lacag badan oo cadadkaas leh, maadaama dowladda Soomaaliya ee hadda jirta la sheego in ay u dhaqdhaqaaqi la’ dahay dhaqaale la’aan heysa, gaar ahaan hay’adaheeda ammaanka iyo kuwa muhiimka u ah dhaqdhaqaaqa Dowladda.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ hehe waanba yaabey,

 

when I made a calculation based on facts about the salaries of TFG waxa ku jiro oo dhan in one of the threads back few weeks ago, waa la ila yaabayey where I got the figures, now, my figures ayaaba nolol noqonayo qofkii arkaa 300dan boqol oo malyuun

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

One of the main reasons why Somalia has and continues be in constant chaos. Experienced career criminal politicians in the deep pockets of greedy multimillion dollars businessmen. A net income of nearly $312 million in the year of 09-10 and no show of any significant progress. Where in the world does a tiny 3km government earns itself $312 millions in one year and pays itself all of it. Only in Somalia. Keep milking the chaos. Why do they even need aid from the international community?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Very sad, There is nothing worse than corruption, No wonder SOMALIA is the most corrupted nation on earth!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

:eek: :eek: :eek: Okay there is corruption and there is robbing blind a nation on its knees. :eek: :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed it is worse than corruption, it is robbing the Somali people blind. Something tells me that this figure of 300 million may not be real. Let the minister explain how the TFG got this money and from where. All I see is few million income from the port and airport.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ha la xisaabtamo waa waxa la isku mariwaayey ee raysal wasaarihii hore isu casiley ama madax kaloo wax tar leh shaqadooda looga qaadey...imika iyo maantadan doorashada ha la qabto ayaa la isku mari la yahay, ...dowladnimo iyo dastuurkeeda ayaa khalad laga fahmay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
RaMpAgE   

Recent reports have suggested that 300 million has gone into sh.Sharif's new suits. From Macalin dugsi to President of Somalia, What a joke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xeefow   

I don't understand some people in this thread! Are some of you guys thick....??

 

Let me put it simply for those........The cabinet of Farmaajo has created anti-corruption team.....the vice minister of finance did some investigation and has founded out that during 2009-2010 the former Cabinet that was led by Omar Abdirashid has lost over 300 million dollars....which is one of the reason that guy got sacked by Pres. Sheikh Shariif.

 

I welcome Farmaajo's cabinet for their patriotic and genuine work!

 

By the way the government has captured many areas in Mogadishu today and they are on the verge of entering Bakaraha Market........Nice Job.......! I'm soooooooooooooo happy!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this