Sign in to follow this  
Liibaan

Declaration of the Consultative Conference of SSC

Recommended Posts

Liibaan   

00151-pact-agreement-hands.jpg

 

Go’aamada Shirka Wadatashiga Beesha SSC (Af-Somali)

 

Go’aamada Shirka Wadatashiga SSC

 

Mabaadii’da (Guiding Principles)

 

Shirka Wadatashi Beesha SSC ee London 21-24/04/2011, waxaa udub dhexaad u ahaa arrimaha nabadaynta, nabadgelyada iyo kaalmada bini-aadnimo ee si xun u aafaysey shacabka ay ku habsadeen olole dagaal iyo abaaruhu ku gadaaman dhammaan dhulka ay degaan. Waxaa kaloo lagaga wada hadlay fidinta hawlaha mujtamaca, mashaariic dib-u-dhis iyo mashaariicda horumarineed.

 

Waxaa shirkaas ka soo baxay inay lagama maarmaan tahay in la farsameeyo helidda qaabka siyaasadeed iyo in la sameeyo hab lagu hubiyo nabadda, degnaanshaha dhulkeenna, jaarkeenna iyo geeska Afrika

 

Qaabka Siyaasadeed, waxaa ku jira in si adag loo qaato mabaadii’dan:

 

1. Midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed

2. Dimoqradiyad iyo isku-xukun lagu fuliyo xuquuqda iska-caabinta gardarada ah

3. Wada hadal siyaasadeed oo ku salaysan nabad iyo xal-u-helidda khilaafaadka.

4. Dhisidda nabadda, in la taago xididada deganaanshaha iyo horumarinta waara

5. Ku-dhaqanka maamul wanaagga iyo xisaabtan (Accountability and transparency)

6. Maraynta meelaha la wadaago sida daaqa iyo ceelasha biyaha iyada oo loo eegayo tirada xoolaha iyo baaxadda dhulka(carrying capacity)qaadi karo iyo sidii loo yarayn lahaa xaalufka

 

Ismaamulkayagu wuxuu ka salsanyahay sida ay nooga go’antahay inaan go’aansano masiirkayaga. In aan dhiirigelino sida aan u abaarayno, loona maamuli lahaa khilaafaadka iyadoo loo marayo wadada nabadda iyo dhisida nabadaynta, si loo afjaro ciidanka dhulkayaga haysata sida tuulooyinka, magaalooyinka iyo miyigaba.

 

Mabaadii’dda kor ku xusan waxaa hagaya inay naga go’antahay iyo in aanan marnaba ogolayn in la haysto

 

Go’aamada iyo talo-soo-jeedinta ee shirka waa sidan hoos ku xusan:

 

1. In shir beesha leedahay lagu qabto dalka gudihiisa, loona qabto dhammaan shacabka SSC gudaha iyo dibedaba

2. In ma magacaabo guddi farsamo oo ka soo talo-bixiya

1. Goorta shirka la qabanyo

2. Goobta Shirka lagu qabanayo

3. Dhaqaalaha shirka ku baxay

3. In shirka lagu qabto magaalooyinka SSC mid ka mid ah, lagana heli karo dhammaan shuruudaha shirku u baahanyahay

4. In dhaqaalaha shirku ka yimaado beesha SSC ee gudaha iyo dibeddaba, laguna marti qaado dhammaan saxaafadda gudaha iyo dibedda si ay u tebiyaan wararka xaqiiqa ah ee shirka

5. In loo gudbiyo gudaha iyo bulshada caalamka in shacabka SSC ka go’antahay inay kula nooladaan nabadgelyada iyo deris wanaag kula noolaadaan jaarkooda iyo Geeska Africa

6. In shacabka SSC ka go’antahay inay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan iskana caabiyaan haysashad dhulkooda

7. La mideeyo cudada iyo dhaqaalaha SSC si loo gaadho gaadho nabadgelyo iyo xasilooni

8. In la horumariyo dhulka SSC iyadoo xoog la saarayo bey’ada, daaqa iyo biyaha lana yareeyo xaalufka iyo nabaadguurka

9. In la horumariyo arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida madaarada, wadooyinka, waxbarshada iyo caafimaadka

10. In tayada dadka la hormariyo sida tababarada xirfadaha, dhiirigelinta soo noqoshada aqoonyahanka iyo in la yareeyo dadka ku soo qulqulaya magaalooyinka

11. In la dhiirigeliyo maalgashiga gobolada SSC, iyada oo la adeegsanayo Hay’adaha horumarinta Dhaqaale ka iminka dadka gudaha iyo qurbajoogta iyo Hay’adaha Deeqda Bixiya ee caalamiga ah

12. In la kobciyo Jaamacadda Nugaal sida cilmi baadhista, xog-ururinta iyo qiimaynta baahiyaha

13. In la koriyo ganacsiga gaarka horumarintiisa, gaar ahaan Ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah

14. In la koriyo feejignaanta iyo la isticmaalayo shabakadaha bulshada iyo saxaafadda (Facebook, Twitter).

 

Uga damabayn waxaan jeclahay inaan idiin sheegno shacabka SSC in qurbajoogtu midaysantahay oo aan la kala qaybin karin si ay u gaadhaan xoriyad, horumarin dhulkooda iyadoo ku dadaalaya inay taas wada gaadhsiiyaan dhammaan SSC iyo shacabka Soomaaliyeed. Qurbajoogta SSC waxay soo jedinaysaa qabashada shir loo dhanyahay oo ka dhaca dalka gudahiisa sida ugu dhakhsaha badan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Guul SSC! :o

 

Fabulous event - literally just got home.

 

Libaan yaa eheed, which of one of the camera guys baa eheed - Lool, I can see myself lurking in one of the pictures..

 

Guul SSC! SSC waa Somalia - Somalia Hanoolatooooooooooooooooooo!

 

The haters, sakiin soo liqaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boocame 1, Boocame 2, Boocame 3, Buuro Wadal 1, Xeys Dheer 1, Buuhoodle 1, Buuhoodle 2, Nairobi 1, London 1.... another one planned.

 

Wooow... they are fast approaching Somalia's Peace Conference record. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Suldaanka;714216 wrote:
Boocame 1, Boocame 2, Boocame 3, Buuro Wadal 1, Xeys Dheer 1, Buuhoodle 1, Buuhoodle 2, Nairobi 1, London 1.... another one planned.

 

Wooow... they are fast approaching Somalia's Peace Conference record.
:D

It's none of your business Mr. Somalidiid, Orodoo shaqo yeelo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Picture%20067.jpg

Picture%20193.jpg

 

Reer Minnesota oo Taageerey Shirka London iyo Garaad Cali Buraale oo ugu Duceeyey Midnimo ! (Sawiro)

 

Xafladdii Shirkii Wadatashigga iyo Is Xog Waraysi Jaaliyadda Gobolka Minnesota iyo Garaad Cali Buraale:

 

Waxaa Caawa Lagu Qabtay Magaaladda MNPLS ee Gobolka Minnesota, Xaflad ay si heer Sare ah u Soo Agaasimeen jaaliyadda beesha, Xafladdan oo lagu Maamusayay Garaad Cali Buraale ayaa Waxaa ka Soo qayb galay dad aad faro badan oo ka tirsan jaaliyadda Beesha *********** ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

 

Xafladdan oo ahayd Gogol dhaqameey ayaa Waxay ahayd mid lagu Sharfaayay Garaad Cali Buraale oo ah Garaad ay Bulshadda Goboladda SSC aad ugu Wayn.

Siddii lagu yaqaanay Dhaqan Soomaaliyeedka ayaa Waxaa Garaadka soo garab galay Dhalinyarro loo Soo xiray Dharkii Hidaha iyo Dhaqanka, oo ay ka mid ahaayeen shaalkii iyo Macawistii lagu yaqiinay dhaqan Soomaaliyeedka.

Siddoo kale waxaa goobta Xafladda Lagu qurxiyay Alaabta Hidda iyo Dhaqanka Soomaalidda taas oo ay dadkii ka Soo qayb galay Xafladda aad uga Heleen.

 

Garaadka oo Reer Awdal Salaan Gacaltinimo iyo Soomaalinimo ka Gudoomay !

 

Markii Uu Garaadku Soo Galayay Goobta Xafladda ayaa Waxaa Xagga Hore ku Salaamay dhalinyarro ka soo jeeda Gobolka Awdal oo iyaguna Meesha Shir Qaas ah ku lahaa Balse In ay Garaaad Salaamaan Ugu Soo baxay dibadda hoolkii ay ku shirayeen,

Dhalinyarradda iyo aqoonyanahaddan Reer Awdal ayaa Waxay ku Salaameey Garaadka in la Soo Celin doono Midnimaddii iyo Xiriirkii Soo jireenka ahaa ee ka dhaxayn jiray reer awdal iyo Reer Sool, iyagoo nin ka mid ah uu Yiri ” Garaad Waa In la Soo Celiyaa USP” Garaadka ayaa si farxad leh Salaanta Jaaliyadda reer Awdal kaga qaabilay goobtii.

 

“Midigta Dhalinyarro Reer Awdal Ah oo Garaadka Cali Buraale Salaamaya”

“Waxbarashadda”

qaar ka mid dadkii ka hadlay Shirka Ayaa Waxay ka hadleen in Dhalinyarradda Joogta Maraykanka eyan ka faa’iidaysan Waxbarashadda Taalla Wadanka Maraykanka taas oo ay sheegeen in ay tahay Wax Ceeb ah in Nin dhalinyarro ah uu ka sheekeeyo Maqaayadda fadhi- ku-dirirka halkii uu Wax ka baran lahaa.

 

Dadkii Goobta ka Hadalay:

Xafladdan oo ahayd Gogol Garaad ayaa Waxaa Dadkii Madasha ka hadlay ay u isugu jireen odayaasha Magaaladda,Masuuliyiin,Aqoonyaho iyo kaalinta Xoogga ee Haweenka.

Raggii Meesha ka hadlay oo Dhan ayaa Waxay soo wada dhaweeyeen Safarka Garaad Cali Buraale uu ku Soo gaadhay jaaliyadda Reer Minnesota.

goobtan Shirka oo ay ka hadleen dad kala duwan ayaa Waxay ka kala hadleen doorka ay isimaddu ka soo Ciyaareen in beeshu ay ka nabad gasho dagaalkii sokeeye iyaddoo la xusay in isimadda ay qayb wayn ku lahaayeen dagaanaansha ka jiray dhulkii labaatankii sano ee na soo dhaaftay.

Siddoo kale Waxaa la Xusay In Degaanadda SSC Waxa Gabay in ay Yihiin Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiinta balse ayan ahayn Isimmadda.

Siddoo kale Waxaa la xusay In Midnimadda anaan laga filin Bulshadda kaliya ee Isimadda naftigoodda ay Midnimadda Godahoodda ilaaliyaan.

 

“Shirka Ingiriiska iyo Taageeradda Reer Minnesota”

 

” Adeer Qaloocow oo Sheegay In Wax Walba oo ka Soo baxa Shirka Ingiriiska la Taageero”

Shirka ka socda Wadanka Ingiriiska ayaa Wuxuu aad u hareeyay shirkan iyagoo dad badan oo ka mid ah Odayaada iyo Siyaasiyeentuba ay afka Wada Mariyeen in Wax Alaale iyo wixii ka soo baxo shirkaas la taageero,Waxaana arintaas ay ahayd mid ay isku wada raacsanayeen Dadkii ka hadlay Xafladdan.

Shirka khaatumo ee ka socda Wadanka Ingiriiiska ayaa Wuxuu ahaa Shir ay Dadka Reer Minnesota ay aad u hadal hayeen baryahan oo idil, Shirkan oo ay soo abaabuleen dad ku xeel dheer Maamulka iyo Siyaasadda. Xilliga uu ku Soo aaday ayaa Dadka Badankiis Waxay isku raaceen in Meel lagu kalo Haro iyo Wax danbe oo la kala sheekto in aysan harin,

Dadka taageeray Shirka ingiriiska ee Reer Minnesota ayaa Waxay ahaayeen Dad Horey Siyaasiyadda iyo kala fikir ahaa jiray.

Balse Caawa Garabka bixid iyo Garabka Middigba Waxay ku Balan qaadeen in ay Aqbali doonaa Waxa alaale iyo Wixii ka soo baxo shirkaas oo Maanta qodobaddii ka soo baxay lagaga dhawaaqi doono Magaaladda London.

Farxadda soo dhawaynta Garaad Cali Garaad Buraale ayaa Waxaa Wehelisay Farxad kale ee shirka ingiriiska iyo in uu is af garad ku soo dhamaaday.

 

 

Qudbaddii Garaad Cali Buraale”

Garaad Cali Buraale oo ah Nin ehel diin ah ayaa wuxuu dadka ku Salaamay Salaanta islaamka, Salaanta Islaamka ka dib Garaadka wuxuu u Mahad Celiyay Dadkii Goobta Kuu Soo Dhaweeyey iyo Sidda Wanaagsan ee ay Ugu Soo Dhaweeyeen Gobolka Minnesota.

Garaadka Ayaa Wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka Aduunka ka jiray haddii ay tahay mida haysata Soomaaliya,Islaamka iyo dhibaatooyinka ka taagan Aduunka in ay tahay Imtixaan

garaadka ayaa siddoo kale ka hadlay Dhibaatadda Colaadeed iyo Mid abaareed taas oo uu garaad u sheegtay in uu Mar labaad ugu Celiyay waxa ay Og yihiin oo ah Abaarta Wadankii ka jirto isagoo u Sheegay inay Dadka Iska Xilsaaraan Dhibaatadda ka taagan dhulkii.

Garaadka ayaa Wuxuu ku Dhiiri galiyay ka Soo qayb galayaashii shirkan in ay ka qayb qaataan horu Martinta dhulkii hooyo isagoo ka hadlay kaalintii uu ku lahaa dhismihii Dugsigga Agoonta gabdhaha ee ku yaala Magaaladda lasanood.

uga danbaytii Garaad Cali Buraale ayaa Wuxuu ku soo Gunaanadday Duco uu u duceeyey Dadkii goobta isugu yimid.

 

Ahmed laarri iyo Abdiaar

 

Halkan ka daawo Sawiradda.

Picture%20257.jpg

Picture%20129.jpg

Picture%20131.jpg

Picture%20182.jpg

Picture%20192.jpg

Picture%20228.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Posted by Malika : The haters, sakiin soo liqaa!

LOOOOL @ sakiin so liqa...ur too funny.

 

My beautiful people. So proud of you walahi..qurux iyo qiimo aya niga muuqata.

 

Wishing SSC guul, gobonimo, iyo horumar! allow la qabo oo gargaar!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Malika;714214 wrote:
Guul SSC!
:o

 

Fabulous event - literally just got home.

 

Libaan yaa eheed, which of one of the camera guys baa eheed - Lool, I can see myself lurking in one of the pictures..

 

Guul SSC! SSC Hanoolatooooooooooooooooooo!

 

The haters, sakiin soo liqaa!

Guul Guul SSC,

 

Walaal Malika, London waa lagu kulmay, mashriq iyo magrib waa lagayimi, meel kasta oo dunida dacaladeeda kamid ah,Allah mahadii

 

It was great event Masha Allah, you just arrived home :)

 

Haters - kanaxoo, nafta waaya......

 

Guul SSC , Hanoolatu SSC, Hanoolatu Midnimada Somalia

 

Malika;714218 wrote:
^Let him throw his Koala bear punches - wuxuu SSC iyo Somalia kaa qadeyaa baa iska yar.

You right, kani waa mid iska hadlay oo waxba ogeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^I literally got home - after feeling sorry for my feet..Lol. Saado was rocking maa iis tiriid? I am still on a buzz!

 

Amiiiiin @Aaliyah - You should have been there, waxaa meshaa joogte people from all over the world - it was trully a great event - one of many to come ahead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How much money did you guys spend on this conference 80.000 pounds or more who knows the food the accommodation of the guests the rental of the holiday inn hotel in london England the tickets bought by all the guests around the globe and the only thing you guys agreed on was to hold another conference back home. Why not spend that money on the people who are affected by the drought in awr boogeys?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Because first you work on gathering mass support from everywhere through events likes this that will unify and change the minds of those that may support the secessionists agenda. After you have formed a solid base, then you address the issues facing the community you seek to help.

 

It's amazing to witness the SSC's formation and how it is growing to a world wide movement!

 

It is becoming a force!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

WOW! What a turn out! Beautiful pictures, beautiful gathering! I see couple of family friends( Col. AhmedShukri and co.) in the pictures, they traveled from Columbus to London, good stuff!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Xaaji SSC way socotay oo duushay waxba haka walwalin.

 

Malika ameen thuma ameen. Insha'Allah waan kasoo qeeb geli oo safka hore soo istaagi! ..not naming names but ppl were there on my behalf and I was there in spirit :)..

 

I still cant get over these beautiful pics and how amazing the event turned out....waxa ka muqata wada jir iyo wadaninimo..qiiru uuba igu ridin! let me grab some tissues I sooo need them..

 

All the best inshallah..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this