Sign in to follow this  
Liibaan

Declaration of the Consultative Conference of SSC

Recommended Posts

Liibaan   

Khaatumo 2 Guul iyo Gobonimo Muuqata

 

marka hore dhamaantiin naxariisi korkiina ha ahaato, waxaana filayaa in wakhti dheer ka hor ay indhihiina iyo dhagahiinaba ugu danbaysa warar, warbixino, iyo barnaamijyo wakhtigaasi xanbaarsanaa duluc muhiim ahayd oo aan kusoo daabici jiray mareego iyo shaashadaha afka soomaaliga ku hadla qaarkood.

 

waxaana hada igu kalifay inaan qalinka qaato ifafaalo muhiim ah taasi oo iigu muuqatay inaan waxka odhan karayo, waxaan maalmahan danbe ku arkayay qaarkamida warbaahinta gobolada SSC warar sheegaya inuu Hogaanku qaadacay shirka khaatumo 2, isagoo ula jeedadiisa ku sifaynaya in layska dhagatiray talooyin uu hogaanku horay usoo jeediyay.

 

Hogaanka SSC iyo Hadalada Kasoo Yedhaya.

 

hadalada kasoo yeedhaya hogaanka SSC ayaa waxay umuuqanayaan wakhtigan lajoogo kuwo katurjumaya in uu hogaanku gabi ahaanba ku fashilmay horumarinta hadafka siyaasadeed ee SSC isagoo mudadii uu xilka hayay helay taageeradii ugu balaadhnayd ee abid ay shacabka daga gobolada SSC ay siiyaan fikradihii siyaasadeed ee soomara goboladan, taasi oo muujinaysa in uu hogaanku diidanyahay inay shacabka SSC kala xisaabtamaan masuuliyadii ay u idmadeen.

 

waxaana xasuusin mudan inuu hadafka siyaasada SSC uu ahaa hadafkii ugu horeeyay ee ay siwadajira utaageeraan shacabka SSC oo intabadan taariikhdooda kusoo qaatay mucaaradad ku salaysnayd inay aragtidooda meelmariyaan, kuwaasi oo ahaa dadkii dhaliyay qaranimada somaliyeed sandii 1960 iyagoo xiligaasi halgan hubaysan kala hortagay gumaystihii ingiriiska oo xiligaasi sheegtay inuu haysto quwada milatari ee ugu badan aduunka.

 

Xornimadaasi kadib ayaa dadka dega gobolada SSC sidoo kale waxay aragtiyo siyaasadeed isku diideen xukuumadihii shacabka ahaa iyo xukuumadii milatariga ahayd ee uu hogaaminayay alla haw naxariistee Gn,Maxamed Siyaad Bare, iyadoo xiliyadaasi ismaandhaafka jiray ay wax ka iftiimiyeen suugaanyahanadii qarnigaasi jiray oo uu kamid ahaa abwaankii waynaa ee soomaalieed Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab) isagoo abwaanku xiligaasi tiriyay gabay uu ugu magac daray Ministar, gabaygaasi oo uu ku dhaliilayay waxqabadka xukuumadii kala duwanaa ee soo maray dalka Somalia, gabaygaasi oo ay tuducyadiisa kamid ahaayeen,

 

# Isagaa Maqsuudaye Waxkale Nooma Maamuline.

 

# Bal Muxuu Macneeyoo Itaray Ministarkaan Doortay.

 

# Ma Muacaaradbaan Ahay Hadaan xaqa Ku Maansoodo

 

Khilaafyadaasi Soo noqnoqday oo aad moodo in ay meesha kasaareen xuquuqdii halgankii hubaysnaa ee ay shacabka SSC usoo galeen xoriyada somalia.

 

hadii aan usoo noqdo taariikhda dhaw shacabka SSC ayaa waxaan ku amaani karayaa inay wali utaagan yihiin Qaranimada somaliya iyadoo ismaandhaaf ba,ani uu haatan kala dhexeeyo maamulada Somaliland & Puntland khilaafkaasi oo ku salaysan kala goynta qaranka soomaaliyeed oo ay maamuladaasi ka midaysan yihiin sidii loo hirgalin lahaa.

 

wixii ka danbeeyay 2009 shacabka SSC intabadan waa u iftiimay aragti cusub oo odhanaysa in arimaha siyaasada ee Goboladaasi loo sameeyo cid hogaamisa oo lagala xidhiidhi karayo, waxaana lagu dhawaaqay 26-10-2009 hogaanka midaynta iyo dib uxoraynta ee Gobolada SSC, waxaana xiligaasi taageeray dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada SSC, iyadoo ay dadku u arkayeen in lagu dhaqaaqi karayo talaabo markale dib loogu hanan karayo qaranimadii soomaaliya hadii lahelo midnimo kadhalata Gobolada SSC, inkasta oo aanu hogaamiyihii talada loo dhiibay xiligaasi sidii larabay uga faa,iidaysa Taageradii buuxday ee uu ka helay Shacabka SSC.

 

waxaanuna hogaanka SSC uga digaynaaa hadii uu xushmayn waayo rabitaanka Shacabka SSC oo iyagu markii hore codbuuxa ugu doortay horumarinta arimahooda siyaasadeed inuu lakulmi doono caqabado farabadan oo kaga yimaada dhanka shacabka, Warbaahinta SSC oo ilaa iyo hada dhexdhexaad ka aah waxyaabaha soconayaana aysan ka xishoon doonin soo bandhigida fursadaha uudayacay hogaanku mudadii uu xilka hayay taasi oo soo dadajisay Qabanqaabada Shirkan.

 

iftiimin Khaatumo 2

 

inta badan dadka ka shaqeeya kala fogaynta shacabka SSC kuwaasi oo xanbaarsan aragtiyo kasoo iftiimay maamulada hareeraha ka xiga deegaamada SSC ayaa waxay shirka khaatumo ku dhaleecaynayaan in ay hirgalinayaan shiqsiyaad dano gaara kaleh shirkan, iyo in shirkan uu dabada ka riixayo maamulka Somaliland, arintaasi oo muujinaysa heerka ay ka marayaan fahanka ifafaalooyinka siyaasadeed ee soconaya.

 

khaatumo 2 waa shir wada tashi ah oo lagu doonayo inay shacabka SSC kaga tashadaan aayahooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed, shirkaasi oo ladoonayo in lagu saxo aragtiyaha kaladuwan ee ay aaminsanyihiin waxgaradka beelaha dega Gobolada SSC si loohelo talo midaysa.

 

inkasta oo horay loo qabtay shirar farabadan oo xal loogu raadinayay mushkiladaha ay midnimo la,aantu ugu horayso ee kataagan go,bolada SSC ayaa shirkani wuxuu kusoo beegmayaa xili kala guur ah oo ay xukuumada iyo shacabka somaliyeed uhayaamayaan dhinaca horumarka kaasi oo hadii qodobo waxku ool ah oo dhaqan gala lagasoo saaro waxwayn kabadali karaya jaahwareerka dhanka siyaasada ee ka taagan gobolda SSC.

 

dhanka kale shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shiqsiyaad saamayn balaadhan kuleh siyaasada iyo dhaqaalaha somaliya oo iyagu aan dano badan kayeelan karin arimaha gobolada SSC, kuwaasi oo markii hore ku mashquulsanaa dib usoo celinta dawlad dhexe oo soomaaliyeed, arintaasi oo umuuqata hadeer mid yididiilo leh.

 

Talo iyo Tusaale (G6)

 

Masuuliyiinta isu xilqaamay qaban qaabada shirkan marka hore waxaan idinleeyahay hambalyo, waxaanan rajaynayaa in lagaadhi doono guusha, inkasta oo ay ku haboonayd inaad marhore waxka qabataan arimaha jaahwareerka siyaasada ee kataagan Gobolada maadaama aad ahaydeen Aqoonyahanadii kasoo jeeday Goboladan.

 

waxaan fikir kayga kula talin lahaa gudiga qabanqaabada shirka in marka hore ay ilaaliyaan ulajeeda ay u iclaamiyeen shirkan oo ahayd sixitaanka khaladaadkii tagay iyo khilaafyada beesha dhexdeeda ka taagan, ayna kafogaadaan waxkasta oo keeni karaya khilaaf horleh, waxaan ka codsanayaa in ay xushmeeyaan aasaasayaashii Fikradan ku dhiiri galiyay bulshada SSC inay samaysan karayaan Wax ugaara oo uu kamid ahaa Xushmadle Garaad Jaamac Garaad Cali, inkasta oo haatan uusan jirin quwad ciidan ama qalab lagala wareegayo maamulkii hore, in hadana laga dhigo nidaam lakala dhaxlayo oo ku xidhiidhsan shirkii horseed ee lagu soo dhisay Hogaanka, iyo inay xitaa shacabka SSC hadii ay dib usoo dooranayaan hogaankii hore loosoo bandhigo oo lahorkeeno si ay ugala xisaabtamaan mudadii uu xilka hayay.

 

ilaahow Khaatumada Khayr Noogu Khattin, Aamiin Aamiin…

 

Abdirahman Omar Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Freedom;763939 wrote:
It aint going no where sorry lol

SSC Khaatumo Conference is NOT your business. However, the reality is after more than 20+ years your one-clan secessionist Faction Somaliland aint going no where sorry looool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Freedom;763944 wrote:
Answer my previous question and stop avoiding it LOL what are you clanist or nationalist lol

Debate like grown-ups, don't worry about online character and what I am , go get a life.. Mr F, you are hater and clanist, that should concern you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this