Sign in to follow this  
Fiqikhayre

One Darwiish speaks with the entire Sec Enclave at the height of Kalshaale War (The Mole's Findings)

Recommended Posts

Liibaan   

Somalidiid website WaryaTV: Wareesiyada Sirta Ah

 

http://www.waryatv.com/read/article/9862

 

 

Waxa keliya ee meeshaas ku jiraa waxa weeye in nin lahjadiisa la garan karo uu indhasarcaad u dhigay nimankaas madaxda ah. Waxa ayaan darro kale ah in taliyihii ciidamada qaranka ee Somaliland, Nuux Taani, uu wiil yar oo SSC ah uu taleefoonada madaxda u qaybiyo oo weliba u warramo. Arrinkaas ayaa ah mid khatar ku ah amniga qaranka ee Somaliland una baahan in tallaabo deg deg ah laga qaado.

 

 

Waa marka ugu horreysa eh waxa ayaan darro ah in nin ay caddahay lahjadiisu oo si fudud loo garan karo inaanu ka soo jeedin beesha uu kolba sheeganayo uu indhasarcaad ku wada sameeyo madaxda Somaliland oo dhan.

 

Waxa haddaba isweydiin leh maxaa faa’ido ama guul ah oo la taaban karo oo uga soo kordhay SSC waraysiyadan ay duubteen ee madaxda Somaliland?

 

Marak hore waxa ugu muhiimsan waraysiyadan qarsoodiga ah ka Madaxweynaha, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaana hadalkiisa ka muuqata in so odaytinimo, dibloomaasinimo iyo nabadoonimo ay ku jirto uu u hadlay, taasina ay muujinayso in marka si qarsoodi ah loola hadlayo iyo marka uu si fagaare ah uga hadlayaba uu hadalkiisu isku mid yahay ee aan wax munaafaqnimo ahi ku jirin marnaba.

 

Mujaahid Maxamed Kaahin ma aha nin xil u haya dowladda haddii runta laga hadlana maalintii ay SNM iyadoo oodaheeda wadata ay soo gashay waa ninkii ku guntaday inaan Laas Caanood la weerarin. Haddalada uu ku hadlayna ma aha qaar ka tarjumaya siyaasadda dowladda ee ku aaddan gobollada bari, umana hadli karo dowladda laakiin waxa muuqata inuu niyad jab ka muujiyay in madaxda dowladda ee beeshaas ka soo jeeddaa ay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa inay ka ciyaaraan khilaakhka bariga ka taagan halka isaga iyo rag kale oo farabadan ay laba dibble u xidheen beeshoodii oo ay ku qasbeen inay wax kasta bilaa shuruud ku aqbalaan. Waa nin dhaliilsan in nimankaas odayaasha ahi ay waajibaadkoodii ku aaddanaa beeshooda ay ka soo baxaan sida isaga iyo kuwa kale ee beeshiisa ka soo jeeda ay uga soo baxeen waajibaadkoodii. Inkastoo uu hadalka si kale u dhigi kari lahaa wax sir ah oo uu ku hadlay ma jirto.

 

Faysal Cali Waraabe hadlakiisa ayey dadku moodaan wax aad u weyn oo sir ah hase ahaatee hadlada uu ku hadlay ee ah in Habar Awal, Habar Jeclo iyo Arab ay ka shireen oo uu isagu ku guulaysan lahaa tartanka madxweynenimada ee Somaliland waa fakir uu horeba u qabay oo shacabka reer Somaliland aan la yaab gelinayn. Waa dhab oo waa laga codeeyey Faysal Cali Waraabee oo dadkii ay isku deegaanka ahaayeen ee ka filayey inay codka siiyaan sida Sacad Muuse iyo Arab oo reer Hargeysa ah- may siin codkoodii. Sababta loogu codayn wayay ma ahayn in reer ahaan looga soo horjeedo balse marka isaga iyo Siilaanyo la is-bar bardhigay ayaa loo arkay in ninka meesha ku habbooni uu yahay Axmed Siilaanyo. Faysal awalba nin caadifi ah ayuu ahaa, immikana wuxuu hore u sheegi jiray ayuunbuu sheegay ee malaha waxani waxay u cusub yihiin SSCda. Waxa is-weydiin leh waa maxay sirta weyn ee waraysiyadan ku jirta?

 

WARYA TV

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Qaybtii Labaad Waraysigii Sirdoonka SSC Ka Duubeen Maxamed Kaahin-(Maqal)

 

Maxamed+Kaahin+Axmed.JPG

 

Halkan Ka Dhegayso Wareysi Sir Ah - Maxamed Kaahin (Part 2)

 

http://www.zshare.net/audio/8809491601db0994/

 

Hargeysa,(Lasanod Online)- Weli fari kama qodna waraysiyadii sirdoonka SSC ka duubeen madaxda sare ee Maamulka Somaliland..waxaad maanta nala dhegaysataan..

 

Dagaal ooge Maxamed Kaahin iyo nacaybka uu hayo reer SSC iyo cadaawada ninkan ka buuxda.

 

 

 

 

 

 

 

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

Sirdoonka SSC oo la xidhiidhay Wasiirka Gaashaandhiga SNM Axmed Xaaji Cali Cadami

 

 

2377106103_77c21b0be6.jpg

 

Halka Dhegeyso Wareysi Sir Ah - Ahmed Cadami

 

http://www.xargaga.net/images/file/Abaar/Wasiir_Cadami.ram

 

xargaga@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dhamaan Madax Ku Sheega SNM OO Taleefanadii Iska wada Bedelay OO Xitaa Caruurtooda Aamini Waayey Inay Taleefan Kula Hadlaan

 

silanyo-iyo-faysal2.jpg

 

ALLSSC.COM Kadib markii sirdoonka SSC ay ka qabteen qabqablayaasha SNM sir iyo nacaybka ay u hayaan bulshada SSC ayay waxay bilaabeen inay lambaradii lagu yiqiin wada bedelaan. Hada Hargeysa waxaa ka socda inaan nimanka madaxda isku sheegaa taleefan kuwada hadal, ku balamaana inay isugu yimaadaan xafiisyada iyo makhaayadaha iyagoo aan is aaminayan. Siilaanyo ayaa lasoo sheegayaa inuu shaqadii ak eryey ninkii talefanka u geeyey kuna eedeeyey inuu SSC lacag ka qaatay. Siilaanyo oo uga taliaya SNM gurigii Moorgan ayaa shaqaalaysiieyey siduu ina Cali Waraabe sheegay marya calas kasoo jeeda Burco oo ahaa ragii kula taliyey inuu Kalshaale u xalaaleeyo beeshiisa intuu kursiga SNM-ta ku fadhiyo ayuu dhowaan u sheegay inay yihiin wax ma garad jar ka tuuray kurisigii uu geed dheer iyo dhowba 50ka sano u fuulayey.

 

Sirdoonka SSC wuxuu kaloo hayaa siro badan oo kale oo markii loo baahdo la shaacin doono. Siilaanyo ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu Garaadadii iyo cuqaashii uu sheegay inuu laaluusho xidhiidhna la lee yahay ee uu kashifay iyagoon weli howshiisii u fulin wuxuu kula hadli doono, in laga duubana u dhow hadalkooda danbe.

ALLSSC.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Che -Guevara;704308 wrote:
^If these conversations are true, it validates how administrations in Northern Somalia run everything by Zenawi.

More tellingly what ever minute vestige of legitmacy it might have held for non triangle residents is gone. Re listen to the generals recording

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Crickey! I cringe on their behalf! I think they kinda got called at the wrong time, aka kolkay dayuuradda duushay! Nin cirka marayana hasn't got the gravitas to do some background check on who calls.

 

The SSC has done a brilliant expose' here. I'm sure if this was to happen in US of A, fox will be hounding 'em to sell! But still the boys have show-cased what they can do...

 

SSC 1 -SL 0

 

PS: I liked the change of accent I mean the tempo of convo peppered with lots of Adeer macaane, gacaliye...etc...when it came to Cadami :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The SSC and it's supporters remind me of a circus that's badly run with little support, to attract attention it resorts to more desperate measures by the day...

•One day they have killed a dozen or so sl army.

•then they killed Ina Kahin

•they have captured the disputed area and are in firm control

•today's above lie takes the biscuit. They have a recording of every major leader from SL saying something controversial, as if the SSC supporters gave them all a hand written script in a play portraying the SSC as some sort of heroes ready to save the day.

Give us a break. There is propaganda and there is down right dishonest lies...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this