Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray BAAQ NABADEED

Recommended Posts

Siyaasiyiin Beesha Sool ah iyo Masuuliyiin ka socda Somaliland oo la filayo inay dhawaan ku kulmaan Ingiriiska iyo Kooxo Nabad diid ah oo ku hawlan inay Carqaladeeyaan

 

 

London (Waaheen)-Siyaasiyiin waaweyn oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Buuhoodle ayaa la sheegay inay dhawaan kula shiri doonaan wadanka Ingiriiska Dawlada Somaliland si ay ugala hadlaan arimo la xidhiidha Siyaasada Xukuumada ee ku aadan Gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo sidii loo xalin lahaa Xaaladaha hada ka oogan Goboladaasi, uguna soo laaban lahaayeen Siyaasiyiintaasi Somaliland oo wakhti dheer ka hor ay ka googoosteen.

 

Siyaasintan oo uu ka mid yahay Siyaasiga weyn ee Cali Khaliif Galaydh dhawaana la sheegay inay Somaliland ku soo fool leeyihiin, ayaa la sheegay inay doonayaan marka hore intaanay dalka ku soo laaban inay dhinaca dawlada kala hadlaan waxa loogu talo galay ee Dawlada la siinayo iyo qorshaha Xukuumadan ee ku aadan Gobolada ay ka soo jeedaan.

 

Shirkan la sheegay in uu dhex mari doono Xukuumadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboolada Sool iyo Buuhoodle oo aan la sheegin xiliga la qabanayo iyo cida Xukuumaadda uga qayb galaysa waxa walaac weyn ka muujiyey Kooxaha Nabad diidka ah ee ka soo jeeda Goboladaasi, isla markaana ay isku beesha yihiin Siyaasiyiintan,kuwaasoo sida la sheegay ku hawolan sidii ay u carqaladayn lahaayeen shirkaasi dhex mari doona Xukuumadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin.

 

Kooxan la sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan shirkaasi, ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayaan sidii ay dawlada Igiriiska ugu gudbin lahaayeen dacwad ka dhab ah Somnaliland,iyaga oo ku eedaynaya inay Deegaamada ay ka soo jeedaan Ciimadamada Somalilan Xasuuq ka gaysteen,kuna laayeen dad aan waxba galabsan la iska laayay, taasoo sida la sheegay carqaladooda fure ay uga dhigayaan.

 

Warku waxa uu intaasi ku daray in Kooxdani ka hor inta aanu kulmin Siyaasityiintan iyo Dawlada Somaliland ay doonayaan inay la kulmaan siyaasiyiinta uga dhaadhiciyaan fikrado ay wataan oo ay kaga soo horjeedaan Somaliland si uu u burburo shirkaasi.

 

Siyaasiyiinta Somaliland kala shiraya hada sidii ay ugu soo laaban lahaayeen dhawr iyo toban sano ka dib oo ay ka mid yihiin Saleebaan Waji Xaad oo MR Waji xaad,Baashe Cali Jamac oo ay isku jifo hoose yahiin, Prof:Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa musharaxiintii 1993 u tartamayey jagada madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo rag kale oo siyaasiyiin ah ayaa hore loo sheegay inay ku soo jeedaan dhinaca Somaliland wakhtigan, isla markaana wada hadalo la gelayaan dawlada Somaliland oo ay muddo badan mabdi’iyan ka soo horjeedeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nabad ninkii jiif looga kiciyay oo wiil dhabta loo saaray inta raashinka loo soo gurayo baa yaqaan,

Snm baroor dumarbaa marqaan jabisay,,, towbada allese mar walba waa furantahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

horta odaygan wuxu yahayba wa la ogaaday..tan labaad ma qarsooneen laakin asaga cadeestay. Tan sadexad yuu baaq nabadeed u diraya? ama tacsi? caadi ma aha..maanta hadaan gurigaaga kugu imaado oo caruurta laáayo? baaq nabadeed ma iga maqli ama tacsi? Caruurta iyo umadu wax yeelay ilaahay baa akhira ka abaal marinaya ..intuu dhiman odeygan wayeelka ah waxa u fiican in uu tawbad keeno dadkana amaan siiyo sadexdiisa magaladodna imaan ku qabo

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco: Cuqaal, iyo Waxgarad ka soo Jeeda Deeganka Widhwidh oo xukuumadda ugu baqay inay Qorshe waxqabad ka yeelato Deegaankaas, iyo Shirka Seeska loogu adkaynayey Nabadda Deegankasi oo Saaka La soo Gebogabayey

 

 

Burco: (HWN)Isimada ,Cuqaasha,waxgaradka iyo Garabkii hubaysnaa ee hore uga Tirsanaan jirey Kooxda SSC ayaa maanta kulan Ballaadhan ku yeeshay Deegaanka Widhwidh, waxayna kulankaasi kaga hadleen arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyagoo sheegay in ay Degaamada ay ka koobantahay Widhwidh Noqon Doonto Deegaano ka caaggan Dagaal,

 

Burco: Cuqaal, iyo Waxgarad ka soo Jeeda Deeganka Widhwidh oo xukuumadda ugu baqay inay Qorshe waxqabad ka yeelato Deegaankaas, iyo Shirka Seeska loogu adkaynayey Nabadda Deegankasi oo Saaka La soo Gebogabayey.

 

Burco: (HWN)Isimada ,Cuqaasha,waxgaradka iyo Garabkii hubaysnaa ee hore uga Tirsanaan jirey Kooxda SSC ayaa maanta kulan Ballaadhan ku yeeshay Deegaanka Widhwidh, waxayna kulankaasi kaga hadleen arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyagoo sheegay in ay Degaamada ay ka koobantahay Widhwidh Noqon Doonto Deegaano ka caaggan Dagaal, Sido kale waxay ku dhawaaqeen in ay la shaqyn Doonaan, Somaliland, hawlaha iyo Horumarka ay waddona ay kala qaybqaadan Doonaan.

 

Kayse Cabdi Yusuf oo u hadlayey Garabkaasi Hubaysnaa ee SSC ka soo Goostay Dhowaan ayaa Sheegay in Magaalada Hargaysa ay u tageen Ceelalyo Nabadeed, waxa kaliya ay ku soo arkeena Tahay, Dad, siyaasiin, Culimo iyo aqoonyahanoba leh oo Danaynaya Horumarka,jecel Nabadda isla markaasna Ku dheggan wada hadal iyo wada Tashi in wax kasta lagu dhaammeeyo.

 

Wuxu sheegay Sarkaalkani in laga Bilaabo Maanta in ay Qoriga Dhigeen, isla markaasna aanay u Dulqaadan Doonin cid kasta oo Boon colaadeed Yeedhisa, sido kale waxa uu kayse cabdi yusuf kula Dardaarmay Bulshada qaybaheeda kala Duwan in ay Nabadda ka wada qaybqataan, isagooo ugu yeedhay inay u hayaamaan Jidka horumarka.

 

Kayse Cabdi Yusuf ayaa Bulshada Reer Widhwidh u sheegay inaanu isagu dhaqaale raadsan, xilna aanu raadsan, Balse Gogosha iyo Nabadda ay xukuumaddu u fidisay ay ajiibaan, waxa uu sakaalkani aad ugu mahadnaqay shacabka iyo xukumadda Somaliland,isagoo xusay in Meel walba si diiran loogu soo dhoweynayey.

 

Garaad Diriye Maxamed oo wakiil ka ahaa Garaad Abshir saalax oo Dalka Dibaddiisa hawlo caafimad ugu maqan ayaa xusay in somaliland laga rabo in wixi dalka iyo Dadka ay u ballan qaadeen inay Fuliyaan, waxaanu Garaadku xusay in Deeganka Widh widh oo maamulo in ka badan 9 Tuulo, isla markaasna ay Bulsho Badani ku nooshahay, waxa uu sidoo kale xusay Garaad Diriye Maxamed inu Deegankan xil ka saaranyahay Xukuumadda Somaliland.

 

Cuqaal iyo waxgarad kale oo iyaguna Saaka Munasibadda ka hadlay ayaa xusay in ay qaateen Nabadda, iyagoo xukuumaddana ugu baaqay inay qorshe waxqabad oo cad ka yeelato Deegaanka Widhwidh.

 

Isku Soo wada Duuboo Kulankan ayaa ahaa Mid Seeska loogu adkaynayey Nabadda Deegaanka Widhwidh, kadib markii ay Kooxihii Hubaysnaa ee Deegaankaasi ay Qoriga Dhigeen, Nabaddana Qaateen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Aaliyyah;704867 wrote:
odeygan wayeelka ah waxa u fiican in uu tawbad keeno dadkana amaan siiyo sadexdiisa magaladodna imaan ku qabo

 

salaam

 

Islaanta Wayeelka ah ee Saado ali waxa uu ficaan inu tawbad keento inti dhimaan and cover herself/while quitting singing iyo music and stops instigating clannism between neighbours.

 

 

Salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ Kana saaduu ku khafiifay. This project is in life support in the ICU... Alle ha idiin sahlo. If after all, booto iyo wixii bakhbakh ay ku soo ururtay oday baa la soo raac iyo nin baa xageena u soo wareegay, waa idinka dhamaatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Islaanta Wayeelka ah ee Saado ali waxa uu ficaan inu tawbad keento inti dhimaan and cover herself/while quitting singing iyo music and stops instigating clannism between neighbours.

whether she covers or stops singing that is her personal life. And, I don't believe that concerns any of us including yourself.....as for that man silaanyo your so called president? he can not be compared to saado Ali he is a murderer and killed thousands of people and still continues to killing innocent ppl..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

A khadar give up arguing with these people walaal ka caqli ronow...Dadka SSC u dhashay way tashadeen hawshoodana way ogyihiin u taala. Wayna wadaan...meel wacana way marasa..

somalinimo iyo horumarna waan u rajaynayana...but I HONESTLY think it is a waste of precious time having repetitive arguments with people who just dont care to understand where you are coming from but just wanna argue for their lil cause (Somaliland) without really making much sense...maanto dhana raba in ay iska daldalmaan...so yeah dnt waste your time :)...

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Aaliyyah Saado ali is doing the samething as murdering she is driving alot of young people to their coffins with her warmongering/tribal instigating songs.

 

 

Salaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^she is telling them to stand up for their cities ..mise you think those men should let Somaliland occupy their cities and do as they bid! Think again inanyahow....and if we were to talk abt qabiil ... Somaliland is one clan state and its engine is qabilnimo iyo cuqdad ee somalinimo u qabaan!...and no one really cares they should just keep their clan mindset to their three cities ..ha goostaana haday rabaan!

 

SSC is part of somaliwayn....Somalinimo ayey waligood usoo dagalameeyn maanta u dagalamay..ma aha umad xaqdaro rabta! xaqooda ayeey rabaan xaqooda way helayaan cidna kama baryayaan!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this