Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Wasiirka Caafimaadka oo maanta u duulay Jineva

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Jineva ee dalka Swezerland.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahin Daa’uud iyo wafdiga uu hogaaminayaba waxa ay magaalada Jineva uga qeybgali doonaan shirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxaana shirkaasi ka qeybgalaya dhamaan Wasiiradaha caafimaadka ee wadamada caalamka iyo hey’adaha caafimaadka, iyadoo halkaasi lagu doorandoono hoggaanka cusub ee Heyadda WHO yeelandoonto.

 

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan wasaaradda Caafimaadka, waxana la fulayaa in ay halkaasi kulamo kula soo qaataan mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Caafimaadka ee WHO iyo madax kale, iyadoo tani ay qeyb ka tahay dadaaladda wasaaradu ay ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaadka Bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkii Wadamada dhaqaalohoodu soo korayo oo Istanbuul ka furmay

 

 

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo dhaqaalaha wadamada soo koraya, iyadoo shirkaasina uu ka qeybgalayo wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya.

 

Shirkaasi oo furmay abaaro Sagaalkii Aroornimo ee xiliga Istanbuul ayaa waxaa ka qeygalay wufuud kala duwan oo ka kala socotay wadamada uu dhaqaalohoodu soo koroyo, waxaana mudada uu socdo shirkaasi looga hadlidoonaa sidoo loo horumarin lahaa dhaqaalaha wadamada soo korayo, iyadoo shirkaasina looga doodi doono sidii arigti mid ah looga qaadan lahaa kobcinta dhaqaalaha wadamadaasi.

 

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah C/wali Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shirkaasi Soomaaliya uga qeybgalay, waxaana la filayaa in halkaasi ay ka jeediyaan Khudbad ku saabsan arinta ku aadan dhinaca dhaqaalaha, sida uu R/Muqdisho u xaqiijiyay Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Cabdi Garweyne oo ka mid ah Wafdiga uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeenka.

 

Arintani ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Xukuumaddu ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

thread kan qiimaha badan ma in mas galaad rabtaa indho jacaylow noo daa gabdhaheena iyo dameeraheena:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

^^^ Quick question to Somalina,

 

Why u only show the FAKE side of the current TFG?? Are they paying you? When I post something in this thread about what u think is negative about ur lovely current TFG.. You are quick to post like 10 posts to cover and hide what I post it.. Why don't you just delete it?? If you can?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liban   

^^^ That is so WEAK. You are just desperate and naive as ever, just like the guy in the picture above. LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wajigii labaad siminaar looga hadlayay kala qeybsanaanta Dowladda dhexdeeda iyo xisbiyada dalka ku soo kordhaya oo ay qeyb galaan Ururada Bulshada Rayidka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo siminaarkaas la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado ku tacaluqa xaalada dalka uu ku sugan yahay.

 

Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD oo soo qaban qaabisay siminaarka ayaa waxaa ka qeyb galay, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas'uuliyiin ka socday Ururada Bulshada, Aqoonyahano iyo qurba joogta.

 

Muxiyadiin Xasan Afrax oo ah Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka oo ugu horeyn ka hadlay siyaasada ayaa soo qaatay xaalada dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in Dowladda ay khilaafka dhexdeeda ay ka xalisato.

 

"Dalkan dhibaatada uu ku sugan yahay, waa la og yahay, iyo inay sii dabar go'ayaan kooxihii dalka qaribay, Al-Shabaab waa sii naafoobeen, maxaa yeelay aabahood Usama ee fikirka ay ka qaateen meesha waa ka baxay, sidaas darteed waxaan ku boorineynaa in Dowladda ay khilaafka xaliso, kooxahan inta ka hartay la cirib tiro"ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax oo sheegay in fikirka Usama Bin Laden uu ahaa mid caalamka oo dhan saameeyay, Gaal iyo Muslim.

 

Xildhibaan Xuseen Caraale oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii dalka looga saari lahaa haraadigii dalka qaribay, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu hada hurdada ka kacay, diyaarna u yahay in shacabka uu u dhega-nuglaaday.

 

"Baarlamaanka kaalintiisa waa muuqataa, hurdada inuu ka kaco ayuu diyaar yahay, sidaas darteed shacabka warka ka soo yeeraya diyaar ayaan u nahay inaan u dhega-nuglaano, waxaase idin sheegaa in marka dalka laga saaro doono haraadigii argagixisada, waxay raaci doonaan ninkii Hogaaminayay ee dhaqanka caalamka rogay"ayuu yiri Xuseen Caraale oo intaa ku daray in Al-Qaacida cid walba ay sariirteeda ugu tageyso, isla markaana kuwii ka faracamay loo baahan yahay in la suuliyo sida uu yiri.

 

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cali Waranto oo siminaarka hadal ka jeediyay ayaa tusaaleeyay sida looga baahan yahay in nabada laga shaqeeyo, isagoo soo qaatay kaalinta Hey'adda CCD ay ugu horeyso hey'adaha kale, waxaana uu uga mahad celiyay tallaabada ay qaaday mar walba.

 

Xildhibaan Xasan Cali Waranto ayaa mar uu ka hadlay geeridii Usama Bin Laden iyo sida dalka xilligan xal loogu heli karo ayuu tilmaamay in dilka Usama Bin Laden uu la micno yahay Aqal Xuunkiisa la gooyay, hase ahaatee waxaa uu xusay in Ayax tagay eylkiisa haray, oo ugala jeeday kooxihii ku fikirka ahaa inay wali joogaan

 

Waxaa kaloo siminaarka ka hadlay Xildhibaan C/qaadir Maxamuud Shiino oo soo dhoweeyay dadaalada bulshada ka imaanaya ee dhanka taageerada Dowladda, isagoo sidoo kale ku ammaanay Hey'adda CCD inay qabatay wax muuqda oo ay sare u qaaday fahamka wacyiga dalka ka jira, kadib markii ay isu keentay bulshada qeyabaheeda kala duwan.

 

Xildhibaanka Shiino ayaa sidoo kale tilmaamay in xaalada dalka uu ku jiro ay ka rajeynayaan is bedel, isla markaana dadaalka xukuumada ee ku soo dabaalida nabadgelyada dalka uu meel wanaagsan marayo.

 

Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah Haweenka Dallada Ururada Bulshada ayaa iyana wax laga xumaado ku tilmaamay kala qeybsanaanta iyo is qab qabsiga u dhaxeeya Dowladda, iyadoo tilmaamtay in dhinac kasta oo mas'uul ah uu gooni wax u wato.

 

"Waxaa nasiib daro ah inay kala qeybsanaadaan, shacabka wuxuu rabaa nabad, waxaan uga baaqayaa dowladda in qolooyinka is heysta ay heshiiyaan, oo meel isugu imaadaan, waxaan ugu baaqayaa Hey'adda CCD inay gogol u fidiso oo dib u heshiisiin ah, dadka is heysta"ayay tiri Ruriqo Cali Cabdulle.

 

Xubnaha ka qeyb galayaasha siminaarka, gaar ahaan haweenka ayaa ahaa kuwo dhex taalinayay inta uu socday siminaarka iyo khudbooyin, iyadoo sugaano ku cabirayay xaalada dalka uu ku jiro, iyo sida lagama maarmaan u tahay in laga wada shaqeeyo sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa.

 

Siminaarkan ayaa noqonaya wajigii labaad oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD, kaasoo ujeedkiisa ahaa mid looga hadlayay qaabka looga bixi karo kala qeybsanaanta Dowladda iyo xisbiyada dalka ku soo kordhaya, waxaana ay ku soo beegmeysa xilli Dowladda ay ku kala qeybsan tahay xilliga kala guurka ee ku eg jiritaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

dalada-ccdparty_1.jpg

dalada-ccdparty_2.jpg

dalada-ccdparty_3.jpg

dalada-ccdparty_4.jpg

dalada-ccdparty_5.jpg

dalada-ccdparty_6.jpg

dalada-ccdparty_7.jpg

dalada-ccdparty_8.jpg

dalada-ccdparty_9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Liban;717893 wrote:
^^^ That is so WEAK. You are just desperate and naive as ever, just like the guy in the picture above. LOL

Sure, now go puke elsewhere.

 

PointlessDrivelHeaderGraphic.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka arimaha gudaha oo tababar u soo xiray ku dhawaad 300 oo qofood

 

wasirka-dfr1292771091.jpg

Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta ku dhawaad 300 oo dadweyne ah magaalada Muqdisho ugu soo xirtay Siminaar looga hadlayay tiiraanyo bixinta.

 

Siminarkan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka G/Banaadir isla markaana socday Muddo 10 maalmood ah ayna ka qeybqaadanayeen ilaa iyo 270 xubnood oo ka kala socotay qeybaha bulshada, ayaa waxaa casharo ka bixinayay macalimiin ka timid Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana lagu baranayay tiiraanyo bixinta.

 

Xiritaankii Simanarkani ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa magaalad Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isagoo kula dardaarmay xubnihii ka qeybgalay Siminaarkani in ay bulshada uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay ka kororsadeen.

 

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sh. Xasan Faarax oo Siminaarkaasi soo xiray ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaashii Siminaarkaasi in ay ku dadaalaan in aqoontii ay ka dhaxleen tababarkani ay bulshada gaarsiiyaan si looga wada faa’iideysto.

 

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu maamulka G/Banaadir ugu jiiro sare aqaadinta aqoonta iyo wacyiga bulshada ku dhaqan G/Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo kulan la qaatay Gudiga Dib u heshiista Qaranka, talooyin ka dhageystay

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka; isagoo ka dhageystay talo bixintooda ku aadan xaaladda uu dalka marayo ee dhinacayada arrimaha bulshada iyo dib u heshiisiinta iyo sidoo kale dhinaca amniga iyo siyaasadda.

 

Waxaa uu Madaxweynuhu ka dhageystay Gudiga figradaha ay ka soo jeediyeen sida dalka looga bixin karo dhibaatada jirta, loona helo xal wax looga qabto.

 

Waxuu Madaxweynaha la socodsiiyay xubnaha Gudiga Qaranka ee dib u heshiisiinta horumarka laga sameeyay dhinaca amaanka iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto inay gobolada dalka oo dhan ka sifeyso kooxaha nabad diidka ah ee Soomaaliya u diidan inay gaarto dowladnimo iyo horumar

Madaxweynaha Mudane Shariif Sheekh Axmed waxuu u sheegay Guddiga inay ka qaataan doorkooda sidii dalka looga saari lahaa maraxaladda KMG ah, loona gudbo hanaan dowladeed oo ku yimaada doorasho guud oo dalka laga sameeyo si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo joogto noqota.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa isna hadal ka jeediyay kulanka, isagoo muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in Gudigooda ay qeyb ka qaataan xalinta khilaafaadka Dowladda KMG dhexdeeda.

gudiga-dibuheshinta_1.jpg

gudiga-dibuheshinta_2.jpg

gudiga-dibuheshinta_3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this