Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Waano_Mogadishu_1.JPG

Urur loogu magacdaray WAANO (Women in Action Against Malnutrition)ayaa maanta looga dhawaaqay xaflad lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana xafladda goobjoog ka ahaa xubno ka socdayururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Waano_Mogadishu_2.JPG

Xafladdan ayaa hadal ka jeedisay Cudbi Cumar Abuukar oo sheegtay inururkan ay ka fikirayeen dhismihiisa muddo hal sano ah, ayna

kuguuleysteen maanta inay ku dhawaaqaan furiddiisa, iyadoo sheegtay inayla dagaalami doonaan nafaqodarriada haysata haweenka Soomaaliyeed.

Waano_Mogadishu_3.JPG

"Waxaa igu dhaliyay inaan ururkan aasaaso anigoo inta badan la soconjiray wararka ku saabsan nafaqo-darrida haysata haweenka iyo caruurtadunida, gaar ahaan kuwa Soomaalida," ayay tiri Cudbi oo sheegtay inaykasoo laabatay dalka Mareykanka si ay wax ugu qabato haweenka Soomaaliyeed.

Waano_Mogadishu_7.JPG

Cudbi waxay sheegtay in cabsi weyn ay ku haysay inay dalka dib ugu soolaabato oo ay urur u adeegaya bulshada sameyso, balse ay kudhiirri-geliyeen dad badan oo ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenkaururkan WAANO Nuur Sheekh Maxamed.

 

"Dadka ku nool dalalka bariga Afrika 50% waxaa haysta nafaqodarro,runtii tanina qayb ayay ka ahayd waxyaabihii igu dhaliyay inaanururkan sameeyo," ayay Cudbi hadalkeeda ku dartay.

Waano_Mogadishu_8.JPG

 

Xubnihii ka hadlay madasha looga dhawaaqay furintaanka ururka WAANOayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dhaqaaqa bulshada rayidka ah eeSoomaaliya C/qaadir Abuukar Gacal (Abkow) oo sheegay in ururkan uuyahay mid ay si weyn u soo dhaweynayaan ayna la shaqeyn doonaan.

 

"Ururrada ka jira dalka 80% waa ururro haween, ururkan WAANO kuwaasayuu kusoo biiray, diyaar ayaana u nahay inaan la shaqeyno oo aancilmi iyo awood ku taageerno," ayuu yiri C/qaadir Abkow. Sidoo kale, Caasho Cabdi Diini, Sahro Maxamed Axmed iyo Duniyo MaxamedCali

oo ka socday qaybaha kala duwan ee ururrada haweenka Soomaaliyeedoo ka hadlay xafladda ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan ururkaan ooay u arkaan mid qayb ka qaadanaya gargaarka loo fidinayo haweenka iyodhallaanka Soomaaliyeed.

 

Ururkan ayaa dadkii goobta ka hadlay waxay ku tilmaameen inuu yahaymid loo baahanaa maadaama ka hortagga iyo la dagaalanka nafaqodarridahaweenka ay horay u ahayd mid aan si gaar ah looga shaqeyn jirin balseay maanta noqotay arrin muhiimad gaar ah la-siiyay.

Xubnaha ururka WAANO oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa qurbo-joogka ah Cudbi Cumar Abuukar oo ah guddoomiyaha ururkan, halka intakalena ay yihiin dad ku sugnaa gudaha dalka 20-ki sano ee aydagaallada sokeeye socdeen.ay dagaallada sokeeye socdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxda dalka oo Muqdisho ka dhoofay

madaxdadalka.jpg

 

 

Madaxda sare ee dalka (M/weynaha iyo ra`iisal wasaaraha) ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyagoona ku sii jeeday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Ujeedka safarkan ayaa lagu sheegay kulan laba maalmood qaadanaya oo ka furmi doona magaalada Nairobi kaas oo ay isku soo hor fariisanayaan Golaha Amaanka iyo dowladda Soomaaliya islamarkaana looga hadli doono ariimaha Soomaaliya.

madaxdadalka1.jpg

 

Waxaa horay u gaaray magaalada Nairobi gudoomiyaha Baarlamaanka SHariif Xassan Sh. Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaas oo iyana ka qeyb galaya shirka Golaha Amaanka ee loogu yeeray madaxweynaha iyo ra`iisal wasaaraha.

 

Shirkan ay madaxda sare ee dalka ka wada weyb galayaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyo gudoomoyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha & xukuumadda federalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Som@li;723018 wrote:
^Luuqadii wadanka miyaa la bedelay, Why the posters are in English? Anyway, Good news!

:) yaa kuu sheegaayo hee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Somalia oo Dhoobley ka wada abaabulka dagaal lagu qabsanayo gobolada Jubooyinka

 

Iyadoo mudooyinkanba ay xiisado dagaal ay ka jireen deegaano ka tirsan gobolada Gedo iyo jubooyinka ayaa waxaa maanta degmada Dhoobley ka dhacay kulan balaaran oo ay wada qaateen wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo qaarkood maanta halkaasi gaaray iyo saraakiisha ciidamada ee degmadaas ku sugan.

 

Kulankan oo looga hadlayey sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah ciidamada Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan gobolada jubooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay wasiirka maaliyada ee dowlada Somalia Xuseen Cabdi Xalane oo maanta gaaray degmadaasi iyo wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga C/rashiid Maxamed Xiddig oo horey u joogay halkaasi.

 

Xuseen Cabdi Xalane wasiirka Maaliyada oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ku booriyey saraakiisha hogaaminysa ciidamada dowlada Somalia iney si deg deg ah uga saaraan gobolada Jubooyinka ciidamada Xarakada Al-shabaab si loogu baahiyo maamulada hoos tagaya dowlada Somalia.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale soo kormeeray xeryo lagu tababaro ciidamada dowlada Somalia oo ku yaala gudaha iyo hareeraha degmadaasi, wuxuuna ciidamada dowlada ee jooga xeryahaasi u sheegay iney dhowaan qaadan doonaan mushaharooyinkooda wuxuuna ku booriyey iney u diyaar garoobaan dagaal looga xoreynayo jubooyinka ciidamada Al shabaab sida uu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maamulka degmada Wadajir oo sheegay inay wadaan Qorshayaal ay ku adkaynayaan ammaanka Deegaanada Hoos yimaada Degmadooda

 

Axmed_Daaci_0.jpg

 

Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) Gudoomiyaha Degmada Wadajir ayaa shaaca ka qaaday in u howlgalayaan sidii deeganada Degmadooda la dheresan ay u noqon lahaayeen meelo nabad ah oo la isku halayn karo.

 

“Deegaano badan oo ka tirsan degmada iyo kuwa ku yaala gobolka Sh/Hoose waxaan ka qaadi doonaa qorshayaal lagu xaqiijinaayo ammaanka Deeganadaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Wadajir oo shalay galinkii danbe kormeer ku tagay deegaanadaasi.

 

Gudoomiyaha oo la hadlaayay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sugida deegaanada ay ka taliyaan, wuxuuna sheegay inay geli doonaan Feejignaan aad u saraysa si loo adkeeyo ammaanka deegaanada ay ka taliyaan.

 

Axmed Daaci ayaa sheegay in deegaanka jasiira aysan ka tirsaneen degamada Wadajir, balse ammaan ahaan ay gacanta ku hayaan maamulkooda hadana ay wadaan qorshe ay ku gaarayaan goobo hor leh oo ka tirsan gobolka Shebeelada Hoose.

 

Waxaa isna halkaasiKa hadlay taliyaha Saldhiga degmada Wadajir Dhamme C/raxmaan Cusmaan Koronto sheegay in uu maamulka masuul ka yahay dhul badan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ka difaacaan cadowga gudaha iyo kan dibada.

 

Taliyaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay sida Madaxda Dowladda isaga xilqaamayn daryeelka Ciidamada, wuxuuna sidoo kale Ciidamada Xoogga ugu hambalyeeyay dadaalkooda ku aadan sida Al-Shabaab uga saarayaan dalka oo idil.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay Maxkamad soo taagi doonaa Raggi la socday diyaaradii lacag siday

 

Ajaanib_lacagta_lagu_qabtay.jpg

 

 

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay Maxkamad soo taagi doonaa Raggi la socday diyaarad lacag u siday burcad badeeda Soomaaliyeed ama u siday Al-Shabaabka.

 

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ilaa saddex nin oo sida uu sheegay cadaan ah, balse heysta dhalashooyin kala duwan iyo waliba lacag dhan 3.600,000 Dollarka Mareykanka ah.

 

Iyadoo maalinimadii shalay ciidamada ammaanka Dowladda KMG ah ay qabteen diyaarad lacag u siday burcad badeeda oo ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka warbixiyay Afhayeenka ciidamada Booliska Dowladda KMG ah Col. C/llaahi Bariise, wuxuuna sheegay inay socdaan baaritaano la xariira kooxaha lacagta faraha badan u siday burcad badeeda.

 

"Marka ay dhammaadaan baaritaanada ku socda kooxaha ka dambeeyay lacagtaasi ayaan idiin soo bandhigi doonaa" ayuu yiri C/llaahi Bariise oo sheegay dhinaca kale in duuliyayaashii diyaarada ay xabsiga t xaabeen, isla markaana maxkamad ay soo taagi doonaan.

 

Sida uu sheegay afhayeenka Booliska Dowladda KMG ah diyaarada siday lacagta ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay afhayeenka in diyaaradaasi lacagta saaran lagu wareejiyo diyaarad kale oo horay ugu sugneyd garoonka, balse ka timid magaalada Gaalkacyo si ay lacagtaasi ugu sii gudbiso burcad badeed afduub ku heysta markab madax furasho ahaan loogu siiyo.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Warsaxaafadeed: Shirka golaha wasiirada waxaa looga hadlay safarkii Farmaajo, dhacdo ka dhacday Airporka iyo dagaalo beeleedka

 

Cshakuur_Sh_Xassan.jpg

 

Talaado, 24 May 2011----- Shir ay maanta Golaha Wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegey New York iyo Washington, magacaabis agaasimaha hay’ada nabadsugidda qaranka, dhacdo ka dhacday airportka Muqdisho iyo dagaalo beeleed ka dhacay gobolka Mudug.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasirada siiyey warbixin la xiriirta safarkii uu dhowaan ku tegey magaalooyinka New York iyo Washington oo uu ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011 oo looga hadlayey arrimaha Somalia. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ka warbixiyey kulamadii uu la qaatay mas’uuliyiin ka socota aqalada Senate ka iyo Congressman ka iyo kulamo uu la qaatay jaaliyadda soomaalida ee dalka Mareykanka.

 

Ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Abdishakur Sh. Hassan Farah uu soo gudbiyey musharaxii agaasimaha hay’adda Nabad suggida Qaranka ayaa golahu ka doodeen, isla markaana isku raaceen in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed uu noqdo Danjire Ahmed Mo’allim Fiqi Ahmed.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca mudane Abdihakim Haji Mohamud Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Abdishakur Sh. Hassan Farah ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta dhacda saakay ka dhacday airportka Muqdisho oo ay labo dayuuradood oo aan sumad laheyn ay soo cagadhigteen garoonka, ka dibna ay is weydaarsadeen xamuul. Ka dib baariteen ay ku sameeyeen hay’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu helay inay wadeen lacag gaareysa 3 million iyo 600 kun oo dollar. Booliiska ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaadkii ka danbeeyey arrinkan waxaana socda baaritaan ay boolika soomaaliyeed ku waddaan falkan.

 

Golahu waxey si aad ah ugu ammaaneen wasaaradda arrimaha gudaha sidii ay falkaan uga hortageen, isla markaana ay gacanta ugu dhigeen dadkii ka danbeeyey falkaan.

 

 

Ugu danbeyntii golaha wasiirada waxey u soo jeediyeen baaq nabadeed beelaha ku dagaalamay baacad weyn ee gobolka Mudug, uguna baaqay inay joojiyaan dagaalka oo ay wada hadlaan. Golahu waxey isla garteen in wafdi heer wasiir iyo xildhibaano loo diro goobaha ay beelaha wallaalaha ah ku dagaalameen.

 

- DHAMAAD -

 

 

 

--

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Waa nin ceynkee ah ninka loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida qaranka !!!!!!

 

sssss.jpg

 

Ahmed Moallim Fiqi wuxuu ku dhashay sanadka marka uu ahaan 1971, magaalada Mogadishu , intaa kadib Ahmed wuxuu u guda galay waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe, heerkiisa dugsiga sare wuxuu ku soo qaatay gugsiga sare ee kaasabalbalaare sanadka marka uu ahaan 1988kii

Ahmed Moallim Fiqi intaa kadib wuxuu usii guda galay waxbarasho heer jaamacadeed wuxuuna Arday ka noqday Jaamacadda Umadda gaar ahaan “Kuliyadda Qaanuunka”sanadka marka uu ahaa 1990kii

 

Ahmed Fiqi xiligaasi uma aynan suura gelin in uu sii wato waxbarashadiisa Jaamacadda Umadda, balse sanadka marka uu ahaa 1991kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay Dalka sudan Jaamacadda Khartoum gaar ahaan “Kuliyadda Beeraha” wuxuu ka qalin jabiyay sanadka marka uu ahaa 1998kii .

 

Marka uu ka qalin jabiyay jaamacadda Khartoum wuxuu u ruqaan-saday Aaday wadanka soomaaliya isagoo qeyb ka noqday mid kamid ah iskuulada ku yaala xamar iyo Ururada bulshada, muddo gaaban kadib wuxuu xubin ka noqday Maxkamadihii islaamiga, isbaheysiga dib u xureynta

Dhowr sanno kadib Ahmed Moalim Fiqi wuxuu aaday wadanka Malaysia isaga oo durbadiiba biloway in uu u guda galo waxbarashada Majesteerka ah , Takhasus master Of Management.

 

Ahmed Fiqi marka uu Qaatay darajada majesterka wuxuu biloway in uu waqtigiisa ka faa’iideysto wuxuuna u guda galay in uu dhigto daraaso kala duwan sida “Business administration,warfaafinta,diplomaasiyadda iyo intaasi in kabadan”

 

 

Ugu danbeyntii Ahmed Moalim Fiqi wuxuu noqday mid kamid ah la taliyayaasha iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Shariif, dabayaaqadii 2010 Ahmed Fiqi waxaa loo magacaabay Danjiraha dowladda midnimada qaran ee soomaaliya u fadhiyo wadanka Sudan, maanta oo ay talaado tahay kuna beegan 24/05/2011 loo magacaabay taliyaha nabadsugida qaranka

 

Wariye: Anwar Bakhiit

 

Madaxa warbixinada dayniile.com

 

Ee qaarada Africa & Asia

 

Sudan-Khartoum Tel:+249-925293622

 

Email:- wararka@live.se

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

shirkenya.jpg

 

Shirka Nairobi ee Golaha Amaanka iyo somalida oo si rasmi ah u furmay

 

Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi shirkii Golkaha Amaanka QM iyo soomaalida kaas oo soconaya mudada labada cisho.

 

Shirkan ayaa waxaa goob joog ah madaxda dowladda KMG iyo maamul goboleedyada Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

 

Waxyaalaha ugu waaweyn ee lagaga hadlayo shirka ayaa ka mid ah ammaanka iyo xilliga kala guurka ee dowladda Soomaaliya oo waqtigeedu ku egyahay bisha Agosto ee fooda inagu soo haysa.

 

Shirka ayaa waxaa furay oo warbixin ka jeediyay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agostino Mahiga.

 

Sidoo kale waxaa shirka goob-joog ah wufuud ka kala socota Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

 

WIXII KUSOO KORDHA KALA SOCO CALANKA.

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

shatiftv.jpg

 

M/weyne Shariif oo la hadlay shacabka

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wuxuu booqasho ku tagay Wasaarada Warfaafinta, gaar ahaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

 

shatiftv1.jpg

 

Madaxweynaha ayaa waxuu halkaas si toos ah ugala hadlay ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan dalka iyo dibadaba iyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay taageraan guulaha isdaba jooga ah ay gaarayaan Ciidamada qalabka sida ayna kala shaqeeyaan sugida amniga.

 

“Ciidamada Xooga Dalka ayaa guulo isdaba joog ah ka gaarayo sugida amniga oo ka socoto koonfurta Soomaaliya waxaana ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed in ay sharaftooda dib usoo ceshtaan taas oo ku jirto dowladnimo, waana in aan u hurnaa nafteena maalkeen iyo waqtigeena” Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Ciidamada qalabka sida iyo Ciidamadda Midowga Afrika oo garabsinayo.

 

shatiftv2.jpg

 

Madaxweynaha ayaa kadib wuxuu gaaray Guriga Ummada (Golaha Shacabka) halkaas oo ku soo dhaweeayay kusimaha Raisul Wasaarha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/Xakiim Xaaji ( Fiqi) iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika(AMISOM) halkaasna loogu soo bandhigay guulaha isdaba jooga ah ee ka socdo magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa si wada jir ah ugu mahad celiyay taliyayaasha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, guulaha isdaba jooga ay gaareen.

 

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdisho, Soomaaliya

mabdalla@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirka lagu qabanayo Muqdisho ku tilmaamay mid fursad u ah Soomaaliya

 

Jimco, May 27, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in shirka lagu qabanayo Muqdisho bisha soo socota uu yahay mid lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya madaxda DKMG ah, isagoo xusay inuu dan u yahay Soomaalida.

 

Farmaajo ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu xalay siiyay Raadiyo Muqdisho oo ku hadla afka dowladda, isagoo xusay in looga baahan yahay shacabka oo dhan ay qayb ka qaataan sidii uu shirkaas ku qabsoomi lahaa.

 

"Shirka lagu qabanayo Muqdisho bisha June ee soo socota waa mid ay dhammaan qaybaha Soomaalidu kasoo qaybgalayaan, laguna xallinayo khilaafaadyada ka dhex oogan hay'adaha dowladda kuwaas oo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah," ayuu yiri Farmaajo.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii Nairobi lagu go'aamiyay uu ahaa mid lagu go'aamiyay in Soomaalidu ay xalliso khilaafyada u dhexeeya, isagoo ku tilmaamay taas mid guul ah, wuxuuna xusay inuu rajeynayo in lagu xallin doono khilaafyada jira oo cirka isku sii shareeyay shirkaas.

 

Mudane Farmaajo ayaa ka mid ahaa xubnihii DKMG ah uga qaygalay shrikii lagu qabtay Nairobi, kaasoo uu soo qabanqaabiyay golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay diiraddana lagu saaray xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sida xal looga gaari karo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda.

 

Hay'adaha dowladda KMG ah ayaa isku maandhaafsan sida looga gudbi karo xilliga kala guurka ah, iyadoo hay'ad walba ay iskeed u kororsatay muddada taasoo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this