Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Safaarada Soomaaliya ee Suudaan oo Xarriga ka jartay Xafiis Cusub

sudan1.jpg

 

Xaflad ballaaran oo lagu furayay Xafiis si rasmi ahaan ay uga shaqeyn doonaan Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Suudaan ayaa ka dhacday Xarunta Ururkaasi, iyadoo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee Suudaan ku dhaqan.

 

Furitaanka Xafiiskaasi cusub ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay suudaan Mudane Ibraahim Guure Maxamed oo sheegay in uu aad u faraxsanyahay xafiiskaasi cusub, waxaana uu tilmaamay in ururka arday Soomaliyeed laga doonayo inay ka shaqeeyaan wax u qabshada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baraneysa wadanka Suudaan

 

Safaarada Soomaaliya ee Suudaan ayuu xusay in kaalin weyn ay ka qaadatay xalinta khilaafaadkii ka dhex aloosanaa Ururka Ardayda Soomaaliyeed.

 

Sido kale waxaa halkaasi ka hadlay Aadan Cabdi Saneey oo kamid ah Odayaasha Soomaaliyeed ee wadanka Suudaan muddo badan kunoolaa halkaasi kaa oo tilmaamay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Xafiiskaasi cusub, isagoo ku booriyey inay ku dadaalaan sidii ay uga fogaan lahaayeen khilaaf soo kala dhex gala ardayda dhexdooda, ayna ka hortagaan wax kasta oo ardayda Soomaaliyeed u keeni karra bur bur.

 

Dadkii munaasabadaasi hadalada kala duwan ka soo jeediyey ayaa waxa ay dhamaantood ku booriyeen sidii ay uga gudbi lahaayeen qabad kasta oo ay u arkaan in ay u dhimeyso danaha Soomaaliya iyo tan ururkooda intuba.

 

Munaasabadaasi ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan

sudan2.jpg

sudan-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Caafimaadka oo guddoontay deeq daawo ah

 

astaanta-qaranka1.jpg

 

Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u guddoontay Deeq daawo ah oo ka timid Isutaga Imaaraadka Carabta, taasi oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladaha caafimaad darri ee ka jira Gudaha Soomaaliya.

 

Xafladaani Wasaaraddu Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay kula wareegeysay deeqdaasi daawada ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamig ah ee Aadan Cadde halkaasi oo ay ka qayb galeen mas’uuliyin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Hadal ay ugu horeyntii halkaasi ka jeedisay Wasiiru-dowlaha xafiiska R/wasaaraha Sahro Max’ed Cali Samatar ayaa waxa ay ugu horeyn uga mahad celisay dowladda isutaga Imaaraadka carabta kaalinta wax ku ool ka ah oo ay la garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay intaa ku dartay in deeqdaasi ay wax weyn ka tari doonto baahida bulshada Soomaaliyeed ay u qabaan dhanka daawooyinka.

 

Wasiiru-dowlaha Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in arrinkaani ay si gaar ah uga mahad celinayaan madaxda sare ee Isutaga Imaaraadka Carabta, iyadoo baaq u dirtay dowladaha kale inay kaalmo beniaadnimo la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee aafeeyeen colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday ee Soomaaliya ka taagan.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimadka iyo daryeelka Bulshada Mudane Cismaan Ibraahim libaax ayaa isna sheegay in ay deeqdaani daawada ah aanu midii ugu horeysay, isagoo tilmaamay in ay jiraan kaalmo daawo oo dhanka badda loo soo marsiinayo kuwaasi oo uu xusay in ay ugu deeqeen Isutaga Imaaraadka Carabta.

 

Munaasabadaasi ayaa ku soo idlaatay sidii loogu talagalay.

 

daawo-dowlada_1.jpg

daawo-dowlada_2.jpg

daawo-dowlada_3.jpg

daawo-dowlada_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun Caafimaad

Published on April 20, 2011 by Editor

 

Munaasabad xariga looga jarayey xarun caafimaad oo ay yeelato degmada Xamar Jab Jab ee Gobolka Banaadir iyo degmooyinka la deriska ah ayaa maanta ka dhacday xarunta degmadaasi, ayadoo munaasabadaasina ay ka qayb galeen mas’uuliyiin uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Munaasabadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana xarriga looga hajarayey xarun caafimaad oo degmada Xamar jab jab ku taala ayaa waxaa sidoo kale ka qayb kalay taliyaha ciidanka booliska ee Gobolka Banaadir G/sare Axmed Xasan Maalin, taliyaha Qaybta bartamaha Cali Xiris Barre iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay.

 

Mas’uul u hadlay hay’ad lagu magacaabo Osbid oo dib u dayactir ku sameysay xarunta maanta xarriga laga jaray oo markii hore ahaan jirtay xarun caafimaad laguna magacaabio Unburitooriye Ceel gaab ayaa sheegay in dib u habeynta ay ku sameeyen ay tahay mid ka dambeysay wadaniyada iyo wada hadal ay la geleen Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Degmadasi taasi oo uu ku tilmaamay in ay ku guuleysteen dib u dayactiridda xaruntaasi caafimaad.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in xaruntaan caafimaad ay haqab tiri doonto baahida Caafimaad ee ay u qabeen dadka ku nool degmada Xamar Jab Jab iyo degmooyinka kale ee ku xeeran, waxaana uu intaa ku daray in dhismooyinkii wasaaradda caafimaadku lahaan jirtay ay bur bureen.

 

“waxaan rabnaa in aan dib u dayactir ku sameyno xarrumihii caafimaadka ee ku bur buray dagaaladii dalka ka dhacay, Wasaaradduna ay gacan weyn ka geysan doonto sidii dib loo soo nooleyn lahaa xarrumihii caafimaad ee wasaaraddu hoos imaan jirtay”ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Dr Aadan Xaaji Ibraahim ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dadaallada Xukuumadda Soomaaliya ay ugu jirto wax u qabashada Umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo kaalmooyinka dalka dibadiisa uga imaanaya ee ay gacanta ku hayaan hay’ado kale oo danno gaar ah ka leh arrimaha Soomaaliya.

 

Tallaabadaani ayaa qayb ka ah sidii bulshada Soomaaliyeed loogu gaarsiin lahaa adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Deeq raashin ah oo loo qaybiyey qoysas dan yar

 

RAASHIN.jpg

 

Munaasabadaan lagu soo gabo gabeynayey qaybinta deeq mucaawino ah oo ka timid hay’adda bisha cas ee dalka Iiraan, ayna u soo marsiiyeen Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyey magaalada Muqdisho.

 

Deeqdaan oo loo qaybiyey in ka badan 2000, oo qoys ayaa waxa ay soo bilaabatay 10-kii bishaan, iyadoo deeqdaasi raashinka ah oo isugu jirta Bur, Bariis iyo Sonkor loo qaybiyey maanta qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda ay wax ka bartaan Machadka Qamar oo ay maamusho Wasaaradda haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Ugu horeyn waxaa halkaasi hadal ka jeedisay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska Marwo Maryan Qaasim Axmed oo hay’adda bisha cas ee Iiran uga mahad celisay deeqdaasi ay soo gaarsiiyeen looguna talagalay in la gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan gudaha dalka.

 

Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa *****lka ka qaaday in deeqdaasi mucaawinada ah loo qaybiyey sidii loogu talagalay, iyadoo ka dalbatay mas’uuliyiinta hay’adda bisha cas ee Iiran in ay joogteeyaan kaalmooyinka ay sii nayaan walaalahood Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka ee ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday

 

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa dhinaca kale xustay in bisha May ee sanadkan ay ardayda wax ka barata Machadka Qamar laga rari doono goobta ay hadda wax ku dhigtaan, taasi oo ay ku tilmaamtay in ay aad u yartay, ayna rajaynayso in la geyn doono goobo kale oo ka ballaaran goobta ay iminka wax ku bartaan.

 

Arritintaan ayaa waxa ay qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoska ay ugu jirto wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan haysta.

B-HAWENKA.jpg

DEEQ1.jpg

DEEQ-2.jpg

boorka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somalia oo loo balan qaadey in loogu deeqi doono Buseska London.

 

LONDO%20(1).jpg

 

Waxaa Bartamaha bisha ayna ku jirno ee April waqooyi galbeed ee Magaalada London ka dhacey kulan ay isagu yimadeen aqoonyahano, siyaasiyiin soomaaliyeed, iyo qaar ka mid ah madaxda dowlada ingriisaka oo uu ugu horeeyo Mayarkii hore ee London Mr Ken Livingstone.

 

Kulankan oo ka dhacey Friend’s House ayaa lagu soo dhaweenaayay duqa magaalada Muqdishu Mudane Mohamud Amed Nuur ”Tarzan”, taasi oo loogu hadlaayay marxlada Magalada Muqdishu ka taagan waqtigan, horumarka, waxqabadk iyo isbedelka 9 bilood ee la soo dhaafey inta uu xilkaas hayey TARZAN.

 

Kulankan ka hor ayaa Waxaa kulan wada qaatay Mr Livingstion oo ahaa Maayirkii hore ee London isla markaana hada u sharaxan Qabashada Xilkaasi iyo Eng Baana Ali oo ka mid ah Maamulka Waaxda Socdaalka Dhulka ee London (London Transport) kana mid ah Maamulka Mashaariicda (Project managers) kaasi oo u shaqeeya Muddo 13 sanadood.

 

Eng. Baana Ali iyo Mr Ken Livingstone ayaa ka wada hadlay sidii buseska duqoowey ee London loogu deeqo wadanka soomaaliya maadaama ay London Transport ay ugu deeqdo busueska marka ay duqoowaan wadamada dhibaatooyinka ka jira ama u baahan kaalmada noocan oo kale ah.

 

Mr Livingstone oo kulankiisa gaarka ahaa ka dib la hadlay Jaaliyada Soomaalida iyo Madaxda kala gedisan ee kulankaasi isugu timid ayaa soo dhaweeyay Fikirka iyo Talada uu usoo jeediyay Eng. Baana Ali oo ka mid ah Maamulka (London Transport Project Manage).

 

"Waxaan Soomaalida u sheegayaa hadii aan ku guuleesto Doorashada Duqa Magaalada London in aan ugu deeqi Doono Mashaariicda Buseska Duqooway oo aan horey ugu deeqi jirnay Dowlado kale, kaasi oo aan kala kaashaneeno Howlwadeeno ka tirsan London Transport" Ayuu yiri Livingstone.

 

Mayorkii hore ee London ayaa ku celiyay in suurta gal nimada Arrinkaasi ay noqon karto hadii uu ku guuleesto doorashada soo socota, asigoona ugu baaqay Soomaalida in ay is diiwaan geliyaan si ay ugu qeyb qaataan codbixinada ka dhacaya dalka Britian.

 

"Eng. Baana waxa uu ii balan qaaday in uu Arrinkaasi igala shaqeyn doono, waana mid hubanti ah Maadaama uu asiga igu dhaliyay in uu igala shaqeyn doono balse, waxaan soomaalida ugu baaqayaa in ay is diiwaan geliyaan si ay codbixinta ugu qeyb qaataan" Ayuu yiri.

 

LONDO.jpg

 

Mr Livingstone waxuu ahaa Mayorkii ugu horeeyey oo loo dorto London waxuuna hayey labo teeram oo is xiga. waana shaqsi gacan ka geysta sidii uu wax ula qaban lahaa jaaliyadaha kala gedisan ee ku nool dalka Britian gaar ahaan London, Asigoona inta badan kalsoonida ka heysta soomalida ku nool london.

 

Talaabadaan ayaa hadii ay romowdo waxa ay fursad u noqoneesa shacabka soomaaliyeed iyo dalka soomaaliya oo xilligaan u baahan in loo fidiyo taageero dhan waliba ah, iyadoona Dalka Britian 3 sano mar ay is badal ku sameeyaan Buseska ka howlgala Magaalada London.

 

Ugu Danbeyntii Waxa uu mas,uulkaan baaq u jeediyay Aqoon yahanada kala gedisan ee ku sugan Dalka Britian kuwaasi oo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u abuuri lahaayeen fikrado, iyo Barnaamijyo wax tar u leh dalkooda, taasi oo ay ugu faa ideenayaan buu yiri shacabkooda iyo dalkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay doorasho dalka ka dhacda, kana hadlay xaaladda dalka

 

madaxweynaha1.jpg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheikh Axmed ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan doorasho madaxweynenimo oo la qabto.

 

Madaxweynaha oo maanta xarunta madaxtooyada Villa Somalia kula hadlayay mudanayaall baarlamaan oo 100 ka badan, ayaa sheegay in uusan wax ka qabin in doorasho ka dhacdo dalka , maadaama muddadii dowladdu ay haatan gabaabsi tahay .

 

Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu ku dheeraaday ka hadalka xaaladaha adag ee dalka ka jira sida abaaraha iyo colaadaha, waxa uu xildhibaannada iyo mas’uuliyiintii kale ee kulanka joogay kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka iyo dadka looga samata bixin lahaa dhibaatooyinka jira,waxa uuna ku baaqay isku duubni in lagu waajaho dhibaatooyinka jira oo dhan.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in waqtiga u haray Dowladda uu iminka yahay mid gabo gabo ah loona baahanyahay in la dhamaystiro tallaabooyin badan oo ay Dowladdu horay u qaaday, isagoo carabka ku adkeeyay in Dowladdu ay sii socoto ayna u baahantahay wadashaqayn dhexmarta Hay’adaha dowladda iyo tallooyin midaysan oo laga qaato go’aanada hadda yaala.

 

Sidoo kale Mudane Shariif Sheikh Amxed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu hoosta ka xariiqay in doorasho uu diyaar u yahay, islamarkaana uusan diidanayn laakiin waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaantahay in la eego waqtiga ku haboon iyo muhiimada arinkaasi uu leeyahay, isagoo mudanayaasha u sheegay in waxwalbo ay u baahanyihiin diyaar garow, dadaalkana ay lagama maarmaantahay in mid intaa kabadan lala yimaado si howlaha yaala loo fuliyo.

 

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa ugu dambayntii tilmaamay in xilligan loo baahanyahay in xal laga gaaro marxaladaha muuqda, Xukuumaduna ay soo gayso waxqabad iyo mowqif midaysan oo lagu wajaho dhibaatooyinka dalka ka jira gaar ahaan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha dhibaatada ku haya umadda, dadaalka Xukuumadana loo garab geli lahaa maadaama ay muuqdaan tallaabooyin badan oo wax laga qabtay siyaasadda dalka iyo howlaha amniga ay u baahan yihiin in la isku jaangooyo ee aaney hakinin howlaha hadda la wado

 

Kulankan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed uu la qaatay mudanayaasha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa kii labaad oo muddo todobaad aan ka badnayn ayaa waxa uu Madaxweynuhu mudanayaasha kala hadlay sidii looga gudbi lahaa marxalladda adag ee uu dalku marayo.

 

Dhageyso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'adda Daryeel Bulsho Guud oo guryo u dhistay dad barakacayaal ah oo ku nool Muqdisho

Khamiis, Abriil 21, 2011 (HOL) – Hay'adda wadaniga ah ee Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigtay 200-guri oo ka sameysay jiingado kuwaasoo ay u dhistay barakacayaal ku nool kaamam ku yaalla degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Kaamamka laga dhisay guryahaan ayaa waxaa qaarkood ku nool dad curyaamiin ah kuwaasoo sheegay inaysan haysan guyo ay dagaan balse ay hay'adda DBG u dhistay guryo ka sameysan jiingado oo aysan maanka ku hayn in loo dhisi doono.

 

"Guryahan waxaan u dhisnay 200-qoys oo ahaa dadkii ugu liitay ee ku noolaa dhowr kaam oo aad soo aragteen, guri walbana wuxuu ka kooban yahay qol jiif ah iyo barsad," ayuu yiri agaasimaha hay'adda DBG Cumar Colaad Axmed oo saxaafadda la hadlay markii lasoo gabagabeeyay socodkii lagu tagay kaamamka guryaha laga dhisay.

 

Sidoo kale, agaasimaha DBG wuxuu sheegay in inay wadaan mashruuc ay biyo ku siinayaan kaamam ku yaalla degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo Hodan kuwaasoo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

 

"Mashruucan biyaha aan ku gaarsiinayno kaamamka waa socdaa waana saddex KM oo aan doonayno inaan ka sameyno 15-rugood oo biyaha ay ka dhaansan karaan dadka ku nool kaamamka laga dhex dhisayo," ayuu yiri Cumar Colaad.

 

"Dhawaan waxaan soo afjarnay mashruuc aan ku qaybinnay raashin 400-mitiric-tan ah, kaasoo isugu jiray bariish, digir, galley iyo saliid, sidoo kale waxaan qaybinay 2,000 oo bacood oo ah kuwa roobka laga galo iyo maro kaneecooyin," ayuu Colaad hadalkiisa daba-dhigay.

 

Agaasimaha haya'dda DBG ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan mashruux ay ku dhisayaan sideed dhisme oo isugu jira dugsi Qur'aan iyo iskuullo ay ugu talogaleen inay wax ku bartaan caruurta aan waxbarashada haysan ee ku jira kaamamka ku yaalla Muqdisho qaarkood.

 

"Hay'adda Daryeel bulsho guud waxaa daacad ka ah inay dadkeeda u shaqeyso, waxaana hay'adaha kale ee dalka ku sugan ka codsanaynaa inay kaalmeeyaan dadka ku dhibaateysan gudaha iyo daafaha caasimadda maadaama ay jiraan abaaro iyo colaado," ayuu yiri Colaad.

Qaar ka mid ah dadkii ku noolaa kaamamkii saxaafadda la geeyay ayaa waxay uga mahadceliyeen hay'dda DBG guryaha iyo musqulaha ay u dhistay iyadoo dadkii ku noolaa kaamamkaas qaarkood ay sheegeen inay tahay markii ugu horreysay oo loo dhiso guryo jiingado ah muddo 20-sano ah oo ay kaamamkaas dagganaayeen.

 

Waxaa sido kale jiray dad iyaguna ka cabanayay inaan guryo loo dhisin balse loo sheegay markii hore in guryo loo dhisayo, kuwaasoo sheegay in mas'uuliyiinta DBG ay u sheegeen inuu dhismuhu dhamaaday, balse mar kale guryo loo dhisi doono.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

AU Special Representative re-emphasizes need for TFG’s strengthened ability in coordinating reconciliation process for Somalia.

 

AMISOM-TOP.gif

 

 

PRESS RELEASE

(for immediate release)

Wednesday, April 20, 2011

 

 

Rome-Italy - The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra has appealed to the International Community to assist the Transitional Federal Government and the local administrations to recognize each other’s role as stipulated in the Transitional Federal Charter.

 

Speaking today during the policy-oriented round table on Somalia in Rome, Italy, Ambassador Diarra said this would also strengthen the Government’s ability to co-ordinate the reconciliation process at the local level.

“International support is pivotal; there is a need for long-term commitment from the international community to ensure that the outcomes of the peace process are implemented and the Somali institutions are fully supported to efficiently execute their mandate.” Ambassador Diarra said.

 

The AU Special Representative noted that there is no quick fix solution to all the problems facing Somalia, but said resolving the issues related to the end of the transition and the post-transition arrangements would be the starting point.

 

Ambassador Diarra told the one day Round Table on Somalia organized by the Italian Ministry of Foreign Affairs that the International Community must also consider establishing mechanism for implementing sanctions and other punitive measures against spoilers of the peace process.

 

Somalia is the only country in the world where people instigate wars, commit crimes against humanity and are not bothered. The sooner the message is sent to the people of Somalia that sanctions are available and ready for use, I believe the attitudes will change and the chance for positive political settlement will increase,” the AMISOM Head of mission emphasized.

He commended the Italian Government for its support to AMISOM, through the Africa Peace Facility, noting that this assistance has significantly contributed to implementation of the mission’s mandate.

 

The Round Table was introduced by the Italian Minister of Foreign Affairs and the Somali Ambassador to Italy. The forum discusses policy-making options on the stabilization process in Somali and the role of the International Community. Participants included Italian policy makers, senior officials of international organizations, representatives of the Somali Diaspora, and analysts from major European and international think tanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maamulka G/Banaadir oo billaabay dayactirka Bullaacadaha Muqdisho

 

Maamulka gobalka Baanadir ayaa magaalada Muqdisha ka bilaabay dayactirka Bullaacadihii biyaha geyn jiray badda, ka hor inta aan la guda galin xilli Roobaadka.

 

Agaasimaha waaxda Bullaacadaha iyo dhismaha waddooyinka Sh. Salaad Xuseen ayaa Radio Muqdisho u sheegeen in maamulka Gobolku billaabay dayactirka Bullaacadaha, laga billaabo Madaxtooyada ilaa Xamarweyne.

 

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dayactirka Bullaacaduhu ay muhiim u tahay Caarfimaadka Bulshada, isla markaana ay sare u qaadeyso bilcdii magaalada, waxaana ku dadaaleynaa ayuu yiri in aan howlshan ku guuleeysanno ka hor inta aan la gaarin xilli roobaadka.

 

Arintan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro dib u soo celinta bilicdii magaalada, iyadoo maamulku hore ugu guuleeystay dayactirka waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in Agaasime Cusub loo magacaabay Wakaallada SONNA

 

wasiirkaiyo-agasimaha.jpg

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa kaga warramay dhowr arrimood oo ay ka mid tahay diyaar gorowga ay Xukuumaddu waddo ee ku aadan shirka wadatashiga ee ay Xukuumaddu ku baaqday in la qabto bisha June iyo dib u howlgelinta Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

 

Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in C/fitaax Cabdi Nuur loo magacaabay in uu noqda Agaasimaha Wakaalladda SONNA, ahna Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, isagoo xusay in Khamiis walba uu qaban doono shir ku saabsan xaaladda dalka iyo horumarka ay Xukuumadda ku tallaabsato.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa ka dhawaajiyey in ay socoto qaban qaabada ku aadan shirka wada-tashiga ee ay Xukuumaddu ku baaqay in la qabto bisha June, kaasi oo uu tilmaamay in ay meel wanaagsan socota, ayna ku raja weyn yihiin in shirkaasi ay ka soo qayb galaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in Xukuumadda Soomaaliya soo dhaweyneyso go’aankii ka soo baxay shirkii hogaamiyayaasha dalalka bariga Afrika ugu soo gabo gaboobay magaalada daru-salaam ee dalka Tanzania.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

GOS oo Mudisho ka furay tababar muhiim ah

 

tababar5.jpg

Sabti, April 23, 2011(HOL): Waxaa Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho si rasmi ah markii ugu horreysay uga furmay Tababar sare oo maamulka Isboortiga 'Advanced Sport Managemen Cours- Organizing An Olympic Sports Organization Module' kaasoo ay soo agaasintay GOS oo gacan dhaqaale ka halaysa Guddiga Olambikada Adduunka "IOC - Olympic Solidarity".

 

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin sare oo ka tirsan GOS iyo wasaaradda Isboortiga iyo xubnaha Guddiga Fulinta GOS. Waxana ugu horeyn halkaasi hadalo ku aadan ujeedada Tababarka ka sheegay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee GOS Duraan Axmed Faarax isagoo tibaaxay Tababarkan uu yahay markii ugu horeysay oo dalka gudahiisa lagu qabto ayna casharo ka bixinayaan macalimiin taqasus ku qaatay maamulka Isboortiga.

 

tababar3.jpg

"Tababarkan waa mid sare oo dibadda loo tegi lahaa, lakiin anaga waxaan nasiib u yeelanay inaan dalkeena ku barano markii ugu horeysay macalimiin taqsus ku soo qaatay oo illaa Master ka diyaariyay maamulka isboortiga ayaana casharadan bixinaya. Tababarkan muddo hal sano ayuu soconayaa bishiiba labo mar ayuuna dhacayaa, Waxaan loogu talagalay in isboortiga Soomaaliyeed uu helo aqoonyahano Isboorti oo awoodi kara inay aqoonta maamulka isboortiga berito u sii gudbiyaan jilalka kale."ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka GOS Md. Duraan.

 

Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa dhinaciisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay maanta in ay furaan tababar sare oo dhinaca maamulka isboortiga, wuxuuna tibaaxay in ay tani cadeyn u noqonayso in maamulka sare ee GOS uusan isku koobeyn hogaanka Isboortiga balse ay soo sareyso aqoonyahano xirfad u leh maamulka Isboortiga.

tababar7.jpg

"Tababarkan sare ee dhinaca maamulka Isboortiga waa markii ugu horeysay oo dalka lagu qabto inta uu jiray Isboortiga Soomaaliya, waana waxaan balan qaadnay markii nala dooranayay inaan kobcinayno maamulka dhanka Isboortiga. Maanta tababarkan waxaa ka qeybqaadanaya Jaamiciyiin waxaana rabnaa inay dadkaan noqdaan macalimiin maamulka isboortiga, inay ka qeybqaataan xiriirada ama madaxdii berito anaga na bedeli lahayd inay noqdaan." Ayuu yiri Guddoomiyaha GOS Md. Wiish.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada Isboortiga, Shaqada iyo Shaaqalaha Cali Sheekh C/laahi {Cali Afgooye} ayaa ugu danbeyn sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Tababar sare oo heer caalami ah oo dalka gudahiisa lagu qabto markii ugu horeysan, wuxuu GOS ugu mahadceliyay dadaalka baaxadda leh ee ay ugu jiraan horumarinta Isboortiga. Wuxuu kula dardaarmay ka qeybgalayaasha Tababar inay ka faa`ideystaan casarada dhinaca maamulka Isboortiga oo uu sheegay inay muhiim tahay inay iyaguna beri si wanaagsan u gudbiyaan wixii ay barteen. Ugu dambeyn wuxuuna wasiir ku xigeenka Isboortiga Md. Cali Afhooye ku dhawaaqay in Tababarku furay yahay.

 

tababar6.jpg

Waa markii ugu horeysay taariikhda isboortiga Soomaaliyeed in Tababar sare oo noocan oo kale dalka lagu qabto, waxaana hore GOS u qaban jirtay aqoon kororsi la xiriir maamulka Isboortiga oo maalmo ku kooban kaasoo ay ka faa`ideysan jiraan madaxda xiriirada. Balse kani ayaa kaga duwan mudada dheer ee uu soconaya 'April 2011-April 2012' iyo aqoonsiga Caalamiga ay ka helayaan ka-qeybgalayaasha IOC.

 

tababar.jpg

tababar2.jpg

tababar1.jpg

tababar4.jpg

 

 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

buuna@isboorti.com

Isboorti.com Managing Editor

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo magacaabay Garyaqaanka guud ee Dowladda Soomaaliya

 

Sabti, April 23, 2011(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa magacaabay garyaqaanka guud ee Dowladda Soomaaliya, wuxuuna xilkaas u magacaabay Avv. Xasan Cali Xeyle oo ka mid ah aqoonyahannada arrimaha sharciga soo bartay.

 

Xaflad ka dhacday Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa laga aqriyay wareegto uu madaxweynaha ku magacaabay Garyaqaanka guud ee dowladda, iyadoo goobtana uu ku sugnaa Avv. Xasan Xeyle.

 

Madaxweynaha oo magacaabista ka hadlay ayaa sheegay in Avv. Xasan Xeyle ay sugeyso howl aad u adag, wuxuuna u rajeeyay in uu ka soo baxo xilka loo magacaabay. Dowladda Soomaaliya ayaanan horay u lahayn wax garyaan ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in aysan dowladihii Soomaaliya loo soo dhisay tan iyo burburkii kaddib aysan yeelan wax garyaqaan ah.

 

Avv. Xasan Xeyle oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay howl badan oo aad u adag ay sugeyso, wuxuuna hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in ay ku gacan siiyaan xilka loo magacaabay.

 

Garyaqaanka oo isla goobtaas lagu dhaariyay ayaa magacaabiddiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu khilaaf u dhaxeeyo hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in howsha ugu horreysa ee uu garyaqaankan qabanayo ay tahay in uu qaab sharci ah u dhexgalo waxyaabaha ay isku hayaan madaxda hay’adaha ugu sarreeya Dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kalena magacaabidda garyaqaankan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay qorsheynayeen in ay la kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan ka qeybgalay shir aysan raali ka ahayn madaxweynaha Shiikh Shariif iyo Ra’iisal Wasaare Farmaajo.

 

Ugu dambeyntiina, Goobta lagu magacaabay ee lagu dhaariyay Avv. Xasan Xeyle ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyay Seddex Wasiiru-Dowle oo uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Siminaar loo qabtay Garsoorayaasha

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta Siminaar socon doona muddo 6 bilood ah u furtay Garsoorayaasha Maxkamadda, kaas oo kor loogu qaadayo aqoontaGarsoorka si loo hagaajiyo hannaanka Garsoorka dalka.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf oo siminaarkaasi furay ayaa sheegay in garsoorayaashu ay ka faa’iideysan doonaan casharro qiimo leh oo ku saabsan shaqadooda iyo in ay caddaalad sameeyaan, wuxuuna ugu baaqay in ay waqti siiyaan Tababarka si loo gaaro ujeeddada guud.

 

Mudane Ilkaxanaf ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Maxkamaddu ay u taagan tahay sidii ay kaalinteeda uga soo bixi lahayd, ayadoo la adkeynayo Adeegga Garsoorka dalka oo ahmiyad weyn ku leh dadaalka dib loogu soo celinayo Ammaanka iyo kala dambeyeynta dalka.

 

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa dhawaan loo magacaabay xilka, wuxuuna sheegay in uu wax badan ka qaban doono arrimaha garsoorka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this