Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo soo bandhigay fariisimihii ugu ballaarnaa saaka la wareegeen

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ayaa soo bandhigay fariisimo cusub oo ay saaka dagaal kula wareegeen, iyadoo Ciidamada Dowladda ay u muuqdaan kuwo xilligan isku ballaarinayaan degmada Hodan, oo inta badan ay hada gacantooda gashay.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan oo hogaaminayay dagaalka ayaa sheegay in fariisimo ballaaran ay kala wareegeen Shabaab, isagoo sheegay in Ciidamadooda ay ku jabeen dagaalada.

 

Jen. Dhega-Badan ayaa sheegay in qorshahooda aanu aheyn inay galaan Suuqa Bakaaraha, hase ahaatee ay doonayaan in dhamaan Magaalada Muqdisho oo idil ka saaraan, isagoo sheegay inay Ciidamada isku xirtaan goobo badan oo ka mid ah degmada Hodan.

 

Goobaha Warbaahinta la geeyay oo aheyd goobo ay ka muuqdeen daqaradii ay u geysteen dagaalada ayaa waxaa lagu arkayay godod ka qodnaa laamiga hoostiisa oo la isaga dhex gudbayay, sidoo kale Xaafadaha qaar ayaa ahaayeen kuwo dhir badan ka soo baxeen oo Howd isu bedelay.

 

Meelaha Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka mid ah Masjidka Sheekh Cali Suufi, Xaafada African Village iyo Sarihii Bangaariyda oo aheyd goob labadii maalmood ee u dambeeyay laga saari waayay Shabaab, kadib markii ay qoryaha loo yaqaan BKM ay saartaan daarahaas.

 

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Brundi ayaa daarahaas durba fariisin ka sameystay, iyadoo daartaas ay tahay mid istiraatiiji u ah fariisimahooda Isbitaalka Xooga ilaa Tarbuunka oo difaac hore uu ugu yahay.

 

Waxaa kaloo Ciidamada Dowladda ay qabsadeen Xaafada loo yaqaano KPP iyo Hotelkii caanka ahaa Hotel Hodan, oo dhismaheeda ka buuqdeen bur bur baaxad leh oo ay u geysteen dagaalada.

 

Inkastoo Ciidamada Dowladda ay sameynayaan horumar ballaaran ayaa hadana goobaha maanta ay la wareegeen ay yihiin kuwii ugu muhiimsanaa marka loo eego istiraatiijiyada meelaha laga saaray Shabaab oo aheyd calooshii degmada Hodan.

 

Dhinaca kale Col. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo ka mid ah Saraakiisha dagaalka hogaamineysa ayaa sheegay inay dagaalka ku qabteen Maxaabiis, isagoo cadeeyay in dhaliyaro laga soo qasbay magaalada Jowhar ay Ciidamada gacanta ku dhigeen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa hada si rasmi uga degay Suuqa Bakaaraha dhabarka dambe, gaar ahaan dhanka Galbeed, taasoo u sahleysa in Shabaab aanay ku sii dhex dagaalamin gudaha suuqa oo la sheegay in dhufeysyo ka sameysteen, sidoo kale dhanka Al-Baraka ayay Ciidamada qeyb ugu jiraan, halkaas oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan Isgoyska Black Sea iyo Baar Ubax oo ah Isgoysyada aadka muhiimka ugu ah gelida Suuqa Bakaaraha.

 

Qorshaha socda ayaa ah mid lagu go'doominayo Suuqa Bakaaraha oo Dowladda KMG horay u sheegtay inay u aheyd Shabaab saldhig ay ka duulaan tagaan, hase ahaatee waxaase la ogeyn sida uu noqon doono Mustaqbal suuqa oo ahaa ganacsiga ugu weyn Soomaaliya tobanaankii sano ee u dambeeyay, balse xilligan isu bedelay Furun dagaal.

gobaha_la_qabtay_1.jpg

gobaha_la_qabtay_3.jpg

gobaha_la_qabtay_13.jpg

gobaha_la_qabtay_5.jpg

gobaha_la_qabtay_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirweynihii Afaraad ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo Barito ka furmi doono Muqdisho

 

Muqdisho (RBC Radio) Shirweynihii Afaraad ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalinta baritom ah waxaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirweynahaan ayaa waxaa lagu qaban doonaa Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho waxaana shirka ka qayb galaya ergay aad u badan oo ka kala yimid gobalada dalka Soomaaliya.

Qobada looga hadli doono shirka ayaa waxaa ka mid ah sida uu sheegay Xogeeyaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim bakistaan.

1 Dib u eegista iyo xeerka ururka iyo wax ka badelkiisa

2 Ogolaanshaha tubta iyo siyaasada guud, barnaamijka hormarinta ururka sadaxda sano ee soo socota, ogolaanshaha miisaaniyada iyo qorshe howleedka ururka

3 Doorashada gudoomiyaha doorashada gudoomiye ku xigeenada doorashada xogeeyaha guud khasnajiga iyo xubnaha kale ee gudiga Fulinta.

Shirkaan ayaa waxa uu socondoonaa mudo labo maalmood ah sida uu sheegay xogeeyay guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliya Maxamed Ibraahin Bakistaan.

Kulankaan ayaa waxa uu imaanayaa xili saxafiyiinta Soomaaliyeed ay heestaan dhibaatooyin aad u badan isla markaana ay u baahanyihiin hogaan wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Howl galkii ugu ballaarnaa abid oo ay ka qeyb galeen Kun askari oo xalay Muqdisho laga sameeyay

 

June 2, 2011

 

 

Howl galkii ugu ballaarnaa abid muddo labaatan sano ah ayaa xalay Ciidamada Dowladda KMG, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne, iyadoo howl galkaas ay ka qeyb galeen ilaa Kun askari ah.

 

Saraakiisha hor kaceysa ayaa sheegay in ilaa Kun askari oo Ciidamada Booliska ay ka qeyb galeen, isla markaana uu ahaa howl gal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyadoo xalay dadka ku nool xaafadahaas ay layaabeen qaabka howl galka u socday xaafadahana ahaayeen kuwo Ciidamadu isku gadaameen.

 

Taliye Kuxigeenka Booliska C/qani Dahir Saciid ayaa sheegay in howl galka ay ku soo qab qabteen ilaa 30-ruux, sidoo kale waxaa uu xusay inay qabteen Waxyaabaha maanka dooriya, Hub fudud oo ay ku jireen Bastooladooyin.

 

"Howl galka wuxuu ahaa mid ballaaran, Ciidamada waxay sameeyeen inay soo qabtaan kuwo maan-dooriyaha iyo muqaadaraadka ka ganacsan jiray, Fuustooyin ay ku jireen calaqa ayaa la soo qabtay, kuwo waxaan ku soo qabanay Bastoolado, Howl galka labo gelin ayuu dhacay mid xalay saqdii dhexe iyo mid galabnimadii ah"ayuu yiri Taliye kuxigeenka Booliska.

 

Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan howl galka, isagoo xusay in abid muddo labaatan sano ah aanay xilli habeen ah sidan oo kale howl gal uga dhicin magaalada gudaheeda, taasoo uu sheegay in tani ay dib u soo celin doonto ammaankii ka jiray Caasimada iyo in dadka ay socdaan xilli saq dhexe ah.

 

Howl galkan ballaaran ee xalay ilaa shalay ka soconayay Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmeya xilli Gudiga Amniga Qaranka ay soo saareen awaamiir dhinaca ammaanka, iyadoo shalay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha lagu faray Ciidamada in aysan hubka ku dhex sidan Magaalada gudaheeda.

 

Dadka reer Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya bilowga howl galdan iyo qaabka ay ku socdaan, waxaana dadka ay ku tilmaamaan in wax badan uu ka bedeli doono falalkii ammaan darada iyo is bar bar yaacii Ciidamada oo magaalada kula xarakoon jiray Hubka.

DSC_0615.jpg

DSC_0628.jpg

DSC_0661.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ololaha Nadaafadda Muqdisho

 

June 1, 2011

 

Olole nadaafadeed oo si wadajir ay u so qabanqabiyeen Maamulka G/Banaadir iyo ururada Bulshada ayaa manta ka bilowday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Ololahani oo ay ka qeybgaadanayeen Baallayaal iyo Katarabiillo, uu diyaariyay maamulka G/banaadir ayaa qashinka looga qaadayay qaar ka mid ah waddooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasabadii furitaanka ololahaasi, ayaa sheegay in maamulka G/Banaadir uusan u dilqaadan doonin in qashin danbe lagu shubo waddooyinka, isagoo intaa ku daray in ganaax ay muteysan doonto ciddii qashin ku shubto waddooyinka.

 

Marwo Canab Xasan Cilmi Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyo guddoomiyaha ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Nuur ayaa labaduba sheegay in ururada Bulshadu ay gacan ka geysan doonaan nadaafada wadooyinka Muqdisho, maadaama dhawaan Muqdisho lagu qabandoono shirka weynaha ay dowladuu ku baaqday.

 

Arintan ayaa muujineeysa sida maamulka G/Banaadir oo gacan ka helaya Ururada Bulashaduba uu xil isaga saarayo sidii dib logu soo celin lahaa bilicdii magaalada Muqdisho.

 

30AAAAD.jpg

29AAAD.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

13424813607562978453510.jpg

 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo guluf dagaal saaka ku qaaday goobo hor leh, lana wareegay Shiirkoole

 

 

Dagaal culus oo saaka ilaa duhurkii ka dhacayay qeybo ka mid ah degmada Hodan, iyadoo goobo hor leh ay dagaalada saaka ku fideen oo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen, iyagoo saldhigyo ku yaal aagga Shirkoole ay la wareegeen.

 

Gulufkan dagaal oo saaka ahaa kii ugu ballaarnaa ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutooyinka 4aad iyo 3aad ee Ciidamada Xooga dalka, kaasoo ay kala hogaaminayeen Col. Goobaanle iyo Cagey, iyadoo Ciidamada saaka ay ku sii siqeen Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka.

 

Dagaalka saaka waxaa uu daba socday mid ballaaran oo xalay Shabaab soo qaadeen, ayaa Ciidamada Dowladda waxay kula wareegeen Xaruntii Shiirkole, Guryihii Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada iyo Xeradii Tolmada iyo Harqaanka.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in fariisimihii ugu weynaa Shabaab ee aagga Shirkoole ay ka saareen, isla markaana haatan wixii ka dambeeyay ay horay u sii socon doonaan.

 

Sidoo kale Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay ka dajiyeen Xarunta Shiirkole Calanka Al-Shabaab halkaas u surnaa, iyagoo tilmaamay inay ka carareen calankooda, waxaana ay sheegeen inay ku badaleen Calanka Buluuga ee Jamhuuriyada Soomaaliya ee Xidigta shanta gees ku leh dhexda.

 

Dagaalkii saaka ayaa sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Madaafiic kala duwan ay ku hoobteen jidka Warshadaha qeybo ku dhirirsan oo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa wali wada tallaabooyin ay isku sii fidinayaan qeybo hor leh oo ka mid ah degmada Magaalada Muqdisho, iyadoo istiraatiijiyada haatan muuqata ay tahay mid Suuqa Bakaaraha lagu go'doominayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxwayne Shariif: Ciidamada Hub kuma Dhex sidan karaan Shacabka Dhexdiisa (War-saxaafadeed)

 

Wareegto Maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh.Axmed. ayaa waxa ay u qorneyd sida Soo socota:-

Kadib Markii uu arkay madaxweynaha Soomaaliya xaaladda uu haatan marayo wadanka,.

Kadib markii uu u kuur galay waxa ka dhalan kara jabka ay Ciidamaad qalabka sida gaarsiiyeen kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Markii uu si qoto dheer u eegay horumarrada isdaba joogga ah oo ay Ciidamada Qalabka sida ka gaareen magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka Soomaaliya.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida soo saaray Ammarradaan:-

 

1. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu ammar ku bixiyay laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 1-da bisha June 2011-ka inay Ciidamada qalabka sida joojiyaan hubka ay kula dhex socdaan goobaha Shacbiga, sababtoo ah hubka ay ciidamadu kula dhex socdaan magaalada waxa ay keentay in cadowga ka faa’iideysto oo uu ku dhibaateeyo Shacbiga Soomaaliyeed marka si amniga loo sugo waa inay ciidamadu joojiyaan arrintaasi.

 

2. Askariga waxaa looga baahanyhay inuu badbaadiyo Shacbigiisa ,isagana is badbaadiyo islamarkaana shaqadii loogu talo galay uu u qabto si daacad ah , uuna qaato ammarada ay siiyaan saraakiisha madaxda u ah.

 

3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka shaqeynayaan Ciidamo gaar ah oo isugu jira Xoogga dalka, Booliska iyo nabad Sugidda qaranka kuwaas oo loogu talo galay inay hir geliyaan Sharcigaan, waana in Askari walba oo ka tirsan ciidamada qalabka sida u hogaansamaa Sharciga oo uu hubka kaga tagaa meesha uu shaqada ka leeyahay, askarigii ka dhego adeega qaadashada Ammarradan waxa uu muteysan doonaa Ciqaab adag.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu kula dardaarmayaa dhammaan ciidamaad qalabka sida ee Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan inay qaataan Ammarrada saraakiisha oo ay dhowraan anshaxa ciidan si loo xoojiyo kala dambeynta iyo dadaallada lagu soo celinayo Ammaanka guud ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadda ciidamada Dowladda KMG ah oo saakay dil ku filyay askari horay dil ugu geystay askari kale

Sabti, June 04, 2011 (HOL) – Maxkamada ciidamada DKMG ah ayaa saakay dil ku fulisay askari lagu magacaabi jiray Cabdi C/llaahi Dhuxul oo horay dil ugu geystay askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, sida uu goobta askariga lagu toogtay ka sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

 

Askariga dilka lagu fuliyay ayaa waxaa la xukumay bishii Afaraad ee sannadkan, waxaana lagu toogtay faraaraha dugsiga tababarka ee ciidanka booliiska iyadoo goobta ay ku sugnaayeen saraakiisha ciidamada iyo mas'uuliyiin kale oo dowaldda ka tirsan.

 

"Saakay maxkamada ciidamadu waxay toogatay dable Cabdi C/llaahi Dhuxul oo 19-kii bishii afaraad ee sannadkan dilay dable C/risaaq Maxamed Cali," ayuu yiri G/sare Xasan Muun-gaab u sheegay saxaafadda markii ay toogashadu dhacday kaddib.

 

Guddoomiyaha maxkamaddu wuxuu sheegay in dilkan uu qayb ka yahay howlgalo ay maxkamada ciidamada DKMG ah uga hortagayso askarta falal dambiyeedyada ka geysanaya Muqdisho, isagoo xusay inay askar kale oo dilal ku xukuman dhawaan lagu fulin doono xukunka lagu riday.

 

Sidoo kale, guddoomuhu wuxuu uga digay askar dowladda inay falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dil u geystaan dadka shacabka iyo askarta kale ee ay la shaqeysa isagoo sheegay in askari walba oo dambi sharciga la marsiin doono.

 

Mas'uuliiintii goobta ku sugnaa oo saxaafadda la hadlay ayaa iyaguna sheegay in askari walba oo dil geysta la dili doono, waxayna uga mahadceliyaan maxkamadda ciidamada tallaabooyinka ay sharciga ku horkeenayso askarta ku dhaca falal dambiyeedyada.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuno dil ah ku fuliso askar lagu eedeeyay inay dilal u geysteen askar kale iyo dad shacab, balse horaantii sanadkan ayay dhowr jeer fuliyeen toogashada askar lagu xukumay dil.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/wasaare Farmaajo oo xarigga ka jaray wadada Afisioni oo dib loo hagaajiyay

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray wadada isku xirta Ceelgaab ilaa Afisione, taas oo maamulka G/Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyay.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya islamarkaana maanta ka dhacday wadada dheer ee isku xirta Ceelgaab ilaa iyo Afisyooni ayaa waxaa ka soo qeeyb galay mas’uuliyiin ka socoto Dowladda oo ay ka mid ahaayeen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamad C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan saraakiil iyo marti sharaf kale.

 

R/wasaare Maxamad C/llaahi Farmaajo oo marki uu soo gaaray goobta ay ka socotay munaasabadda ayaa waxa uu mid mid u gacan qaaday shacabki ka soo qeeyb galay munaasabda iyo haween ku labisnaa Calanka Soomaaliya.

 

Intaasi kadib Mudane Maxamad C/llahi Maxamad Farmaajo waxa uu xarigga ka jaray wadada isku xirto Umulotoriyo Ceel gaab ilaa iyo Afisyooni halkaa uu dhawaan maamulka gobalka Banadir dayactir ku sameeyaay, kana qaaday bacaadkii xiray wadadaasi.

 

Intii ay socotay munaasabadda ayuu R/wasaare Farmaajo waxa uu shahaado Sharaf gudoonsiiyay guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar jajab iyo Waabari.

 

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamuud Axmad nuur Tarsan oo ka hadlay munaasabada maanta xariga looga jarayay wadadaasi uu maamulka Gobalka Banaadir ku guuleeystay in uu ka qaaday bacaadkii faraha badnaa ee xiray wadaasi.

 

Waxa uuna shgeegay gudoomiyuhu in uu ku faraxasan yahay in R/wasaaraha uu soo dhaxgalo shacabka islamarkaana ay muuqato shacabka sida uu u rabo dowladnimada.

 

Sidoo kale R/wasaare Farmaajo ayaa haalkasi ka hadlay waxa uuna ugu horeeyn u mahad ciliyay guddoomiyaha gobalka Banaadir oo muujiyay hoowlkarnimo islamarkaan qeeyb weeyn ka qaatay amniga iyo hooyooyinkii ka qeeybqaatay nadaafadda.

 

Mudane maxamd Cabdullaahi Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha lugu nadiifinayo waddooyinka magaalada Muqdisho islamarkaan ay dib u soo celidoonaan adeegyadii Bulshadii Bulshada.

 

Maamulka G/Banaadir ayaa hore ugu guuleystay dib u dayactirka inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo arintaasi ay soo dhaweeyeen bulshada G/banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Oba :D xariifka aqriso dheh inta.

 

----------

 

Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo shacabka soo dhex galay, xarigana ka jaray wado dib loo dayactiray (Daawo-Sawirada)

farmajo_dhex-gal_shacab_1.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_2.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_3.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_4.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_6.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_7.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_8.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_13.jpg

farmajo_dhex-gal_shacab_15.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this