Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Liqaye   

Taliyaha Hoogaanka Socdaalka DFKMG Soomaaliya oo soo saarey digniin la xiriirta Pasporka-ka. DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED.

KU.MAAMUL GOBOLEEYADA SOOMAALIYA.

KU.XUKUMADA KMG SOOMAALIYA.

 

Anigo ah Taliye Xigeenkii Hoogaanka Socdaalka DFKMG Soomaaliya Waxaan uga digayaa shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan in ay ka foogadaan kana digtoonadaan basaboorka cusub ee Noocisu yahay E-Pasaborti maxaa yeelay adduunku wuxuu uu aqoonsaday basaboor shaqsi leeyahay,oo ayna jirin dawlad mamusha wax shaqsi leeyahayna adduunku uma aqoonsana basaboor caalami ah dawladaha adduunku waxay u arkeen in basaboorkaan uu yahay duukaan ganacsi.

 

Haddaba waxaan DFKMG Soomaaliya ugu baaqayaa in ay wax ka qabtaan E Pasaboorti oo Xaaladiisi marayso meeshii ugu xumayd maxaa yeelay Dafaha Adduunka oo dhan waxaa ka furan xafiisyo lagu sameeyo isla markaasna ay qataan cidkasta oo ah Madow iyo Cadaan waxaan kale oo ku wargalinayaa Maamul Goboleedyadu in ay ka feejignadaan khatarta uu leeyahay basaboorkaas waxaana maanta Gacanta ku dhigay Argigixiisada caalamka waad la socotaan in dhawaan dalka Masar lagu qabtay (26) Lix iyo labaatan Basaboor oo Noocisu yahay E Basaboorti.

 

Hadaba malagu tilmaami karaa in uu yahay basaboor soomaaliyeed waxaa halakaas ka cad in shaqsi kasta oo ka tirsan Xukuumada hada jirta uu san ku howlaneyn danta guud ee uu ka fikarayo oo kaliya sidee dhaqaalo uga samaysaa danta guud, sidaas darteed waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baqayaa inta la heelayo maamul fiican iyo hoogaan wanaagsan oo wadaddii wanagsanayd ee uu lahaa basaboorku ku soo celiya lana heelayo masuul ka foog khayaanada iyo isdaba marinta iyo dawlad caadil ah in aan lagu khaldin dadka oo lagu kabsoomin basaboorka been abuurka ah lacag danbana looga cunin.

 

Waxaana ciidkasta u cadaynayaa in uusan meel ka mid ah adduunka uusan ka shaqaynayn loona aqoon san yahay basaboorka Argagixiisada, waxaan rajeynayaa in Digniintaas dhagta loo hayo.

 

Sidoo kale waxaan Dawlada FKMG iyo Maamul Goboledyada ugu baqayaa in Talaabo adag laga qaado kuwa u horseeday in basaboorkii sharafta lahaa halkaas la garsiiyo, maxkamadna la soo saaro kuwa ka masuul ah sharaf dhacaas, shacabka soomaaliyeedna waxaan marlabaad uga digayaa in ay ka fogadaan E-Pasaboorti ilaa lagu samaynayo dib u habayn guud.

 

Sidoo kalena shacabka ha ******** basaboorda hada lagu qabtay dalka Masar iney isagu jiraan Diplomatic iyo Servic, arintaasina waxay dhabar jab ku tahay Dawlada FKMG iyo shacabka Soomaaliyeed, waana arimaha cadeenta u ah fashilka ku dhacay magacii DFKMG oo ay umada ka dhursugeysay.

 

F.G.Waxaan si gaar ah uga digayaa ardayda wax ka barata dalka Sudan iyo Jaaliyadaha Somaliyeed ee kala joogo wadamada afrika,Carabta iyo khaliijka sida kuweyd, sacuudiga, imaaraadka.qadar,masqat in ay feejinaadaan si aan lagu khaldiin laguna khasbiin basaboorkaas Foojariga ah isla markaasna cidii hadda qaadatey ay wargelisaa dowlada ay la joogaan oo ay u sheegan in lagu qasbey isla markaasna ay bixinayaan Dad diplomaasiyiin ah oo ka raadinaya dhaqaale ay iyagu jeebkooda ku shubtaan cid la ogna aysan jirin iyaga ay soo suubsadeen waana basaboorka noocisu yahay E Pasaboorti.

 

Abdi Yusuf Jibriil

 

immigrationtfgs@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

War-saxaafadeed ku saabsan socdaalka ra’isul wasaare Farmaajo iyo wafdigiisa ee dalka Maraykanka oo la soo saaray

 

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa warbixin kooban ka bixiyey socdaalkiisa iyo waxii u qabsoomay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011.

 

Shirkaas oo muhiim u ahaa shacabka soomaaliyeed ayaa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo taabaneysey dhinacyo badan, oo ay ka mid ahaayeen sida xilliga kala guurka ah looga gudbi karo oo uu sheegay inay khasab tahay in Somalida ay mowqif mideysan ka wada qaataan sidii looga gudbi lahaa marxalladan kala guurka ah taasoo ay ku jirto danta dalka, diinta iyo shacabka soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha khudbadiisa wuxuu ku xusan inaysan sharci ahayn in barlamaanka hadda jira uu doorto guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha mustaqbalka, bacdamaa uu waqtigiisa ku eg-yahay August 2011, loona baahanyahay in baarlamaanka dib-u-habeyn lagu sameeyo doorashooyinka ka hor, si loo helo sharciyadii iyo kalsoonidii loo baahnaa.

 

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay khasab tahay in dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah ay ka wada tashadaan oo ay si wadajir ah u wada gaaraan xalka ugu habboon. Waxuu kaloo sheegay in mudnaanta koowaad la siiyo soo celinta amniga, iyo kala danbeynta, la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo dhameystirka dastuurka qabyada ah. Sidaas daraadeed, ay habboontahay haddii aan la fulin Karin dhammaan waxa suurta galin karta in doorashooyin sharciyeysan in mudo 12 bilood ah loo wada kordhiyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah, si ay u wada dhameystiraan howlaha baaxadda leh ee horumarka laga sameeyey.

 

Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixintii uu ka soo saaray dhamaadkii shirka ku sheegay in loo baahanyahay dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah inay si deg-deg ah go’aan mideysan uga wada gaaraan arrimaha doorashooyinka Madaxda Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa soo dhoweeyey go’aankan sheegayna in loo baahanyahay in Somalida ay go’aamiyaan mustaqbalkooda, kana codsaday dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah inay ka wada hadlaan arrinkan si go’aan mideysan loo gaaro. Ra’iisul Wasaaraha aya kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergada joogtada ah ee QM ee dalalka xubin ka ah Golaha Ammaanka ee QM.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankii Qaramada Midoobey ka dib gaaray Washington DC oo uu halkaas kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Senatarada iyo Congressman ka dalka Mareykanka oo uu kala hadlay arrimaha Somaliya.

 

Ra’iisul Waaaraha ayaa ka qeybgalay kulan ay soo abaabuleen Machadka Nabadda ee US (US Institute of Peace) oo uu ka jeediyey khudbad, isla markaana ka jawaabay su’aalo halkaas lagu weydiiyey. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalay kulan ay soo abaabuleen jaaliyadda soomaaliyeed oo lagu qabtay Virginia, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, laguna soo bandhigay Documentary muujinayey waxqabadka Dowladda. Ugu danbeyntiina Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka jawaabey su’aalo ay jaaliyadda Soomaaliyeed weydiiyeen.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo muhiim ah la qaatay Senateradan iyo Congressman nadan:

 

Senator Joe Lieberman oo sanadkii 2000 ahaa musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Mareykanka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Senate-ka

 

Senator Richard G. Lugar oo ah Madaxa arrimaha dibedda ee xisbiga Republican ka.

 

Senator Charles E. Schumer oo laga soo doorto New York State.

 

Schumer ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu xafiiskiisa u furanyahay waqti walbana uu la soo xiriiri karo, kuna ammaanay RW sida uu ula dagaalayo kooxaha argagixisada ah.

 

Congressman Peter King, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Congress-ka.

 

Congressman Donald Payne oo xubin sare ka ah Guddiga Congreska ee arrimaha dibedda.

 

Dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay u ballan-qaadeen inay ka shaqeyn doonaan sidii dowladda Mareykanka ay u labo jibaari laheyd taageerada dowladda FKMG ah. Ma’uuliyiintan ayaa ku ammaanay RW horumarka ay Xukuumaddiisa sameysey muddadii yareyd ee ay jirtay, kuna dhiiri geliyey inuu sii wado howlaha muhiimka ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay waqtigooda una ballanqaaday in dhankiisa uu sameyn doono dadaal kasta oo looga hortagayo argagixisada iyo burcadbadeeda, si waddanka Somalia loogu soo celiyo amnigii iyo kala danbeyntii.

 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumada KMG Somalia

 

Ayarisow@opm.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo kormeeray xarun lagu dhaqan celin doono Shabaabka soo goosta

 

IMG_0102.jpg

xero-mariino.jpg

IMG_0092.jpg

IMG_0147.jpg

IMG_0125.jpg

IMG_0114.jpg

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saraakiil Ciidan ayaa kormeer howleed maanta ku tagay Xarun lagu magacaabo Xero Mariino taas oo loogu talo galay in lagu dhaqan celiyo Dhallinyarada ay marin habaabiyeen kooxda Shabaab isalmarkaasna isu soo dhiiba Dowladda Soomalaiya.

 

Madaxweyane Shariif Sh Axmed waxaa la socday wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaah gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Ibraahim Isxaaq Yarow iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomalaiyeed s/guuto Shariif Shiikhunaa Maye.

 

Madaxweyanah iyo Xubnihii la socday ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xeradaasi oo horay fariisimo ugu aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa xooggaa dalka iyadoo Goobtaasina ay ku taallo Meel wax yar u jirta xarunta Dugsiga sare ee Tabobarka ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye.

 

Madaxweynaha oo xaruntaasi kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xeradaasi ay ugu talo galeen in lagu wacyi geliyo laguna daryeelo dadka ay qaldeen kooxda Shabaab, islamarkaasna Dowladda ku soo biira, isagoo uga mahad celiyaya masuuliiyiinta wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dadaalka ay ku dhisayaan xaruntaasi.

IMG_0107.jpg

IMG_0111.jpg

IMG_0095.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Prominent Somali Cleric Supports Extension of TFG

 

Hiiraan Online

Tuesday, May 17, 2011

 

Mogadishu, Somalia (HOL) - A prominent Somali religious leader has called for the extension of the term of Somalia’s Interim Federal Government (TFG) citing the worsening security situation as a critical issue that will derail free and fair voting in the strife-torn nation.

Sheikh Mohamed Ahmed Noor who is based in Canada and who is also the founder of Al-Islaahi Islamic party urged all interest groups in Somalia’s murky politics to consider extending the term of the government by one year in order to pave way for democratic elections.

 

“The security situation does not allow free and fair elections in Somalia, there is the need to extend the term of the government to sort out security issues first” said Sheikh Noor

 

"You can seek political legitimacy from people who are in peace. But if you seek legitimacy from unstable community then it is like you don’t care about the needs of the Somali public” he said using a strong Somali metaphor to put across the message that the government needs to work to build the security situation first.

 

This latest introduction of religious voice into Somalia’s disputed election timeline is a major concern from the country’s top Islamic clerics who are viewing the extension of the interim period as but unavoidable for now.

 

Speaking to Voice of America (VOA) the religious leader accused Somali politicians of derailing efforts to snatch Somalia back from the jaws of a devastating decades-long conflict. He said the heated standoff between the interim institutions is a major factor that contributed to a political stalemate in Somalia trampling all efforts to pacify the country into the dust.

 

The cleric however hailed the need to organize elections within the country when the time comes; he however took issue with the current unfavorable election environment particularly in the capital Mogadishu which had witnessed an increased military activity over the past few years.

 

"It is a noble idea to organize elections in Mogadishu, but given the current situation there is seemingly no political settlement between concerned parties especially between the government and the parliament. I urge the creation of a caretaker government that can pave way for elections” he said

 

Since the beginning of the controversy surrounding the extension of the TFG, Somalia’s all-time important religious center of authority, has remained largely silent, leaving many to wonder when, or if, the nation’s senior religious leaders would jump into the controversy that has posed the most significant challenge to the country’s future.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Sh-Gadhyare-Xilligan-Doorasho-kuma-Habboona-121995614.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dayactir ka socda wadada Airporka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dayactir ka bilaabay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Tarmac ee u dhaxeysa lambar afar iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Wadadaasi ayaa waxaa lagu arkayaa shaqaale iyo mashiinada wadooyinka lagu dayactirayo, kuwaas oo howlo wada.

dayactir2.jpg

Maamulka Banaadir ayaa sidoo kale ka wada howlo dayactir meelo kale oo Muqdisho ka mid ah, mana ahan wadadan Tarmaca tii ugu horeysay oo dayactir lagu sameeyo.

 

dayactir1.jpg

dayactir.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

AMISOM civilian staff relocate to Somalia

 

 

AMISOM

Press Release

Wednesday, May 18, 2011

 

Nairobi, May 18th, 2011 - The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has on Monday 16th May 2011 relocated its civilian international staff and police officers to Mogadishu, Somalia.

 

The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra said with the deployment of these civilian personnel and police officers including the Deputy SRCC, Honourable Wafula Wamunyinyi, AMISOM’s deployment in Mogadishu is now fully reflective of its multi-dimensional nature as a modern Peace Support Operation.

 

"In this regard, the civilian and police components will enhance their support to, and compliment, the efforts of the military component in achieving the broad political, security and developmental objectives of the African Union in Somalia." said Ambassador Diarra.

 

In particular, Ambassador Diarra said the civilian component is expected to provide, more closely, support to the Transitional Federal Institutions (TFIs) in carrying out their mandate and in providing services to the Somali population.

 

Over the past months, troops of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia with the support of AMISOM have pushed Armed Opposition Groups out of key strategic positions hence improving the security situation in Mogadishu.

 

The civilian international staff and police officers who have been operating from Nairobi since 2008 due to security concerns will continue to deploy to Mogadishu in phases as the security situation continues to improve.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

AUN.

====

 

Khamiis, Muqdisho, May 19.2011----- Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga xun tahay duqeyntii arxan darrada aheyd ee shalay 18.05.2011 loo geystay suuqa Bakaaraha taasoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dadkii ku geeriyooday mashaqadaasi waxayna Ilaahay uga baryeysaa inuu jannatul fardawsa ka waraabiyo, ehelladoodiina samir iyo iimaan ka siiyo intii dhaawacantayna deg deg u bogsiiyo.

 

Dawladda Soomaaliyeed waxay had iyo jeer dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii ay nabad waarta ugu soo dabbaali lahayd dalka waxayna aad uga foojigan tahay isla markaasna xil weyn iska saaraysaa ilaalinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

 

Xukuumadu waxay halkaan ka caddeynaysaa in la xaqiijiyey duqeyntaasi in aanay ka imaanin dhanka dawladda iyo ciidamada Nabad illaalinta AMISOM oo aad uga taxadira dhibaatooyin shacabka loo geysto marka ay howlgallada sameynayaan.

 

Haddaba, waxaan shaki ku jirin in falkaasi waxashnimada ah ay ka dambeeyaan kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab oo iyagu had iyo jeer u taagan argagixinta, xasuuqa, iyo bara kicinta shacabka Soomaaliyeed; iyagoo ujeeddadoodu tahay in ay iska hor keenaan dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed maadaama dowladdu guulo waaweyn ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto kooxdaasi.

 

Haddaba, sida caadada u ah kooxda khawaarijta Al shabaab marka ay ku jabaan goobaha dagaalka waxay had iyo jeer si sharci darro oo qasab ah dagaalka u soo geliyaan caruur da’yar aan qaangaarin waxayna sidoo kale baneysteen dhaca iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada

(Muqdisho, Soomaaliya May/19/2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tegay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

 

Waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay xaruntaas agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha dibadda, Danjire Cabdi Salaam Xaaji Axmed asiga oo halkaas ku soo bandhigay xafiisyada dib-u habeeynta lagu sameeyay. Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay booqashadiisa sarakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa wuxuu u mahad celiyay shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan shaqsiyaadka naftiisa u huray inuu badbaadiyo dukumintiyo muhiim ah oo ku sugnaay xaruuntaas.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu boqoasho ku tagayay xarumaha kala duwan ee Ciidamada iyo xarun dhowaan loo sameeyay dhalinyarada ka soo goosata Shabaab, kuwaasoo lagu dhaqan celin doono laguna xanaaneynayo.

 

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

mabdalla@presidency.gov.so

 

shariif-tafa_dhere_1.jpg

shariif-tafa_dhere_2.jpg

shariif-tafa_dhere_3.jpg

shariif-tafa_dhere_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Horyaalkii 12aad ee Kubadda Gacanta oo ka Furmay Muqdisho

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_9.JPG

 

MUQDISHO: Waxaa si rasmi ah uga furmay Garoonka Kubadda Gacanta ee Degmada Waberi Horyaalka 12aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgelayaan 8 kooxood oo Wiilal ah. Waxaana soo agaasminay Xiriirka Kubadda Gacanta Soomaaliyeed.

 

Horyaalkan 12aad waxaa furitaankiisii ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socday Guddiga Olambikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada iyo Maamulka

Degmada Waberi.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan [Eenow] ayaa ugu horeyn ka warbixiyay dadaalka ay u soo galeen

hirgelinta Horyaalka xilli uu dalka ku jiro dagaalo, wuxuuna sheegay in uu si weyn ugu mahadnaqay GOS, maamulka kooxaha iyo maamulka degmada Waberi, Macallimiinta, Ciyaartoyda, Garsoorayaasha iyo weliba Dadweynaha u soo daawasho taga Ciyaaraha Kubadda Gacanta oo uu sheegay

inay qeyb weyn ka qaateen taabagalka Horyaalka.

 

“Waan ku faraxsanahay inaan gudano maanta waajibaadkii naloo doortay, ee ah horumarinta Kubadda gacanta, Horyaalkan waxaa ka qeybqaadanaya 8 kooxood waxaana rajeynayaa inuu si guul ah inoogu dhamaado. ” ayuu ku daray gudoomiye Eenoow.

 

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] oo isna furitaanka Horyaalka ka hadlay ayaa sheegay in Xiriirka Kubadda Gacanta uu muujiyay dadaal, wuxuuna ku ammaanay xilligan adag sida ay ugu dhabar adeegeen hirgelinta howlahii loo

idmaday.

 

“Xiriirka wuxuu ka mid yahay Xiriirada ugu firfircoon Xiriirada Soomaaliyeed ee hoos-yimaada GOS, waxaan u rajeynayaa Xiriirka K/Gacanta guul iyo horumar. Sidoo kale waxaa ammaan mudan Guddoomiyaha Degmada Waberi oo wadashaqeyn weyn u muujiyay GOS iyo Xiriiradiisa

kala duwan. Aad ayaan ugu Mahadnaqayaa.” Ayuu ku soo xiray isagoo cod baahiyaha ku wareejiyay Guddoomiye Axmed Faal.

 

Guddoomiyaha Degmada Waberi Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu horeyn GOS iyo XSKG iyo Dhamaan Xiriirada ku wargeliyay in garoonka uu yahay mid hoos yimaada GOS isla markaasna diyaar uu yahay mar walba in laga fuliyo dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee dalka.

 

“Ku soo dhawaada Degmada Waberi, Garoonkan waa garoon hoos-yimaada GOS, Maanta ka dib waxaad la wareegaysaan howlahiisa Isboorti, GOS iyo Xiriiradiisa waa mid mar walba u furan. Degamadan waxay caan ku tahay Isboortiga. Maamulka Degmadana diyaar ayuu u yahay wada

shaqeyntiina..Tartankana waa furan” ayuu ku gunaanaday Guddoomiye Axmed Faal.

 

Ciyaartii maanta lagu furay Horyaalka 12aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya ayaa waxaa isaga horyimid Kooxaha Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya Heegan iyo Fero, waxaana 26-16 ku badiyay Kooxda Kubadda Gacanta Heegan.

 

Ciyaartan waxaa garsoorayay Maxamed Faarax Muxuyadiin iyo C/llaahi Xasan [Kuusoow], waxaana garsoorka keydka ahaa Maxamed Xasan Fiidoow.

 

Ma`aha markii ugu horeysay ee XSKG uu qabto Horyaal ama tartan xiiso leh, wuxuuna safka hore kaga jiraa Xiriirada ugu fir fircoon ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_1.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_2.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_3.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_4.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_5.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_6.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_7.JPG

Horyaalka_12aad_Kubada_cagta_8.JPG

 

sboorti.com Managing Editor

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

Email: buuna@isboorti.com

Website: www.isboorti.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

Munasabad Balaaran oo ay ka qeyb galeen Xubno isugu jiray Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Odoyaasha Dhaqanka,Haweenka Beesha xxxxx iyo Marti shraf ayaa maanta lagu qabtay Magaladda Muqdisho.

 

Munasabadaasi oo lagu maamuusaayay ku dhawaaqidda ururka dhalinyaradda Beeraleydda Soomaaliyeed ee Loo yaqano (Somali Agriculyucarel Youth Organization SAYO) oo ay leeyihiin dhalinyaradda besha xxxxxx ayaa waxaa soo abaabulay soona qaban qaabiyay Inj Faarax Cabdi Guure oo ahaa Gudomiyaha Dhaqanka Beelaha xxxxxx, ayaa waxa si rasmi ah Gudoomiye loogu doortay leeyskuna raacay in uu Noqddo Gudoomiyaha Ururka dhalinyaradda Beeraleeydda Soomaliyeed Inj Cali Maxamed Munye, taas oo ababulkeedda soo socotay in muddo ah .

 

Hadallo ay halkasi ka jeediyeen ugu horeeyn Xoghayaha Dhaqanka ee beesha xxxxxx Md Jiiha Ibrahim xasan ayaa sheegay in Fursadan ay tahay mid muhiim ah loona baahan yahay in si dhab ah loogu hawlgallo si loo mideeyo dhalinyaradda beeraleydda Soomaliyeedm waxana uu xusay in maamulka cusub ee ururkaasi loogaga baahan yahay in uu ka soo dhalaalo waajibaadaka loo doortay, isagoo kaashanaaya dhalinyara weynta beeshaasi oo caan ku ah qabkii leysku kaashan lahaa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in hal ku dhiga ururku uu yahay Qoriga dhig ee Daabka Yaanbadda qaado, si loo gaaro horumar dhinaca tacabka beeraha ah.

 

 

Gudoomiyaha Ururka dhalinyaradda Beeraleydda Soomaaliyeed Inj Cali Maxamed Munye oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in talabadda ugu horeyso ee uu qaadayo una qaadayo dhinaca dhalinyaradda ay tahay sidii uu u midayn lahaa Dhalinyaradda Beeraleydda, wuxuuna sheegay in dhalinyaradda dalka aanan shaqo looga heli Karin, islamarkasna ku dhamaanaayaan badaha iyo jeelasha dawladaha dibadda uu ka hor istaagi doono, waxaana uu sheegay in dhalinyaradda uu u jaheyn doono dhinaca wax soo saarka maadama beelweeynta xxxxxx ay caan ku tahay dhul beereedka labadda webi ee Shabeele iyo Jubba.

 

Gudoomiyaha sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in uu xoogga saari doono in dhalinyaradda loo helo Xirfaddo kala duwan si aysan ugu hooban si indho la’aan ah badaha caalamka, waxaana uu ugu baaqay in ay joojiyaan Tahriibka ay ku qulqulayan safaradda qardajeexa ah ee ay ku haligmayaan.

Gabagabadii munasabadaasi waxa isna hadallo dardaaran ah ka soo jeediayay Gudomiyaha Dhaqanka Beelaha xxxxxx Inj Faarax Cabdi Guure isagoo ugu baaqay dhalinyaradda beeraleydda Soomaliyeed in wixii hadda ka dambeeya ay u soo jeestaan sidii ay dalka guduhiisa uga raadsan lahaayen fursaddo muhiim ah oo ay uga weecdaan fikradaha khaldan ee Tahriibka sharci daradda ah, una soo jeestan wax soo saar dhab ah.

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_SomaliyeeUrurka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

 

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

Ururka_Dhalinyarada_Beeraleyda_Somaliyee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Afartan ka mid ah Imaamyada Masaajidada Muqdisho oo Maanta Kulan uga Furmay Muqdisho

 

Muqdisho (RBC) Kulan dood cilmiyeed ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta DKMG Soomaaliya ayna ka soo qaybgaleen 40 ka mid ah Imaamyada iyo Khadiibyada masaajida Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo socon doona mudo afar maalmood ah ayaa lagu wadaa in looga hadlo mawduucyo la xiriira wacyigelinta dadka ee xagga diinta, maamulka masaajida iyo aqoontada dadka khudbadaha ka akhriya masaajida, Waxaana mudadaasi muxaadarooyin ka jeedinaya kulanka culimo aqoon dheer u leh diinta.

 

imam4.jpg

imaam2.jpg

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DKMG C/laahi Abyan Nuur oo maanta ka hadlay furitaankii kulanka ayaa sheegay in ujeedada kulankan dood cilmiyeedka ah ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta xagga diinta ee Imaamyada iyo Khadiibyada, maadaama aysan jirin macaahid sare oo dalku lahaa mudadii burburka.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ahmiyada weyn ay siinayaan sidii masaajida oo ah halka ummada diinteeda laga hago ay u noqon lahaayeen meel ay joogaan culimo aqoon iyo xirfadba isku darsatay una dhisan buraarujinta dadka, iyado laga fogaanayo in dadka si khaldan loogaga faa’ideysto diinta.

 

Inkastoo 40 Imaam ee kulankan ka qeybgaleysa aysan ahayn dhamaan masaajida ku yaalla Muqdisho, haddana waxaa jira masaajido fara badan oo ku yaalla qeybaha DKMG maamusho ee magaalada oo aan fursad u helin inay kulamada noocan oo kale ah ka qeybgalaan.

Wuxuuna kulankan ku soo beegmay iyadoo mudo haatan laga joogo labo bilood ay wasaaradu go’aamisay in xilliyada salaada Jimcaha la joojiyo ganacsiga guud ahaan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciidamada Dowladda KMG ah oo la geliyay Diyaargarow sare iyo qaarkood oo uu sii Ruqaansanaaya Jiidaha Dagaalka

 

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay qaarkood buuxiyaan jiidaha hore ee dgaalka, iyadoo maalintii shalay Wadooyinka Muqdisho lagu arkaayay Ciidamada Dowladda KMG ah oo raxan raxan u socda.

 

Waxaa la arkaayay ciidamada oo ku socda amar iyo kala dambayn, iyadoo dadka Muqdisho ay daawanaayeen ciidamadaasi oo ku sii jeeda furamaha dagaalka, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag.

 

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Qaarkood oo u waramaayay webstetkaan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana ay u diyaar garoobayan sidii ay dagaal xooggan ugu qaadi lahaayeen Xoogagga Al-Shabaab.

 

Ciidamadaan ayaa ahaa kuwo lugaynaaya, waxayna ku hubaysnaayeen Hubka noociisa Cul culus, iyadoo ciidamada Dowladda la sheegayo inay galayaan dagaal ay ku qaadaan fariisimada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale Ciidamadaasi ayaa ahaa kuwo markoodii hore tababar ku soo qaatay dalka Uganda, waxayna ahaayeen kuwo ay ka muuqatay kala dambayn iyo kala amar qaadasho.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali-Canadian helps to rebuild besieged nation

 

Abdirashid_Khalif.jpg

Somali Minister of Public Works and Reconstruction, Abdirashid K. Hashi

 

Mr. Hashi, who studied politics at the University of Toronto and became a journalist and book publisher in Canada for more than 20 years, now holds one of the toughest jobs in war-torn Somalia. He is the Minister of Public Works and Reconstruction – making him responsible for rebuilding one of the most devastated cities in the world with little money or resources.

He plans to seek bids from contractors to rebuild seven hospitals, three schools and a court complex. This month he spent $100,000 on heavy equipment from Dubai to help repair one of Mogadishu’s main streets.

 

The Globe and Mail

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali Police Arrest Foreigners Carrying $3.6 Million, Somalia Report Says

 

Police in Somalia detained two Americans, two Britons and two Kenyans at the airport in the capital, Mogadishu, after they arrived carrying $3.6 million, Somalia Report said, citing police spokesman Abdullahi Hassan Barise.

The six were arrested after making an unscheduled landing at the Aden Adde International Airport, possibly to refuel, the Nairobi-based online news agency said on its website today. Police don’t know where the planes departed from, it said.

 

At least two ships held by pirates off the coast of Somalia are due to receive ransom money following negotiations for their release, the agency said, citing unidentified sources.

 

Source: Bloomberg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this