Sign in to follow this  
nuune

Astro-Physics in AF-Somali

Recommended Posts

nuune   

Soomaalida waa dad aad u yaqaano cilmiga xiddigaha iyo koonka ideelkiisba,

 

bal ila fiiriya erayadan aan soo aruurshey, meela fara badan ayaan ka soo kala helay,

 

si fiican uga dharga smile.gif

 

 

Space = Fagaagga

Space and Time = Fagaagga iyo Semen

Solar System = Iskujoogga qorraxda

The Solar System = Isku-joog qorraxeed

Galaxies = Diillimo-caanoodyo

 

 

Planets = Meerayaasha

Planet = Meere

Planet = Malluug

 

The Sun = Qorraxda

Moon = Dayax

Mercury = Dusaa

Venus = Waxaraxirta(Sugra) ama Bakool

Earth = Dhulka

Mars = Farraare

Jupiter = Cirjeex

Saturn = Raage

Uranus = Uraano

Neptune = Docay

 

Saturn rings = Garaangaraha Raage ama Saxal

Dwarf planet = meere-cillin ah

Nebulae = Ciiryamada xiddigaha

Crab Nebula = Ciiryaamada

Super Nova = Xiddig dhimanaaya

 

 

Asteroids = Dhadhaabyo

Comets = Dibdheeryo

Meteorider = Burburka jibinta ama xiddigaha ridma

Meteor = Jibin

Meteorites = cir-kasoo-dhac ama shiidmadoobe

 

Light Year = If-sanadeed

Black holes = Dalool-madowbaha

The Big Bang = Firdhaad-weynta

The Big Bang = Firdhadkii qaraxweyne

The Big Crunch = Qajajacweyne

Big-Bang Theory = Aragtida firdhadka qaraxweynaha

Open Universe = Koonka Furan

Closed Universe = Koonka Xiran

Expanding Universe = isbaahidda Koonka

Light = ifka

Speed of Light = Xawliga ifka

Cosmos = Koonka

Color Spectrum = shucaaca ilayska-ifka

 

Lunar Eclipse = Dayax-madoobaad

Solar Eclipse = Qorrax-madoobaad

Calendar = Shintiris-sanadeedka

Leap Year = Sanad shindhalad ah

 

Astronomy = Xiddiga'aqoonta

Astronomers = ogaalyahannada xiddigo-aqoonta

Satellite = Dayaxgacmeed

Navigation Satellites = Hagidda dayaxgacmeedyada

Space Exploration = Sahminta fagaagga sare adduunka

Earth-based observatories = Rugaha kuurgalka fagaagga dhulkaku Saldhigan

Research Centres = Rugo cilmibaaris

Spacecraft = Gaadiidka Cir-maaxidda

Spaceships = Maraakiibta cir-maaxidda

Robot Vehicle = Alaadaha dadoobisan

Telescope = Doorbin

Mirror = Biladdaye

Lenses = Quraarada cadaska

Zoom = Waxweyneynta

Observatories = Rugo-kuurgal

 

 

Spherical = Ugxan

Rotation = meerwareeg

Rotate = udub-wareeg

North Pole = Qudbiga waqooyi

South Pole = Qudbiga konfur

Northern Lights = Wirwirka Qudbiga woqoyi

Southern Lights = Wirwirka Qudbiga koofureede

Equator = dhulbaraha

 

Core = Bu'

Inner core = Bu’da gudo-xigeenka

Sulfuric Acid = aashitada kibriidka

Greenhouse effect = kulaylkaydinta

 

 

Astronomical unit = Halbeegga xiddigaha

Diameter = Dhexroorka

Formula = Hab-xisaabeed

 

Particles = bitaanbitooyin

Anti-Particles = lidka-bitaanbitooyinka

Particles = iniino

Nuclear reaction = iskushubmidda bu'aha

Magnetic Field = Birlabta

Charge electricity = Cabbeynta Shixnadaha Jacda

 

Gravitational Forces = cuf-isjiidashada ama xoogga-jiiddada

Gravity = Cuf-jiiddada

Forces = Xoogag

Earth's gravity = Xoogga-jiiddada dhulka

 

Inertia Law = Xogta qaynuunka nuuxsi wax-negaadsan

Acceleration = Xowli

Response Act = Qaynuunka falka iyo falcelinta

Theory of Relativity = Fikriga isudhiganka

Quantum Theory = Fikriga imisada ama meeqada

Mass = Jir

Energy = Tabarta

Relative = Hadba Rogmada

Electromagnetic wavelengths = Dhererka hirarka ku danabeysan birlabta

 

Pyramids = Taallo-tiirriyaadyo

Zodiac = Cutubka Meecaad

Constellations = Cutubyada xiddigaha

 

 

Aries = laxo

Scorpion =daba-alleele ama dib-qallooc

Cancer = naaf

Gemeni = mataanaha

Virgo = afaggaal

Sagittarius = dameerajoogeen

Pleiades =Urur

Leo = Libaax

 

 

Ps: Fadlan wixii sixid ah xagga spellingka hala saxo ama wixii erayada aad heesaan ku soo dara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^ mahadsanid saaxiib. Maanan ogeen in luuqadeena uu saas u hormarsan yahey. Cajiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[

 

Astronomical unit = Halbeegga xiddigaha

Diameter = Dhexroorka

Formula = Hab-xisaabeed

 

Particles = bitaanbitooyin

Anti-Particles = lidka-bitaanbitooyinka

Particles = iniino

Nuclear reaction = iskushubmidda bu'aha

Magnetic Field = Birlabta

Charge electricity = Cabbeynta Shixnadaha Jacda

 

maba jiraan hada wax soomaligaan oo kale qori kara

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^ haa Aniga nooh!

 

 

waraa nuuno buugaagtaan aad wili heysid meel dhig! marax yahoo very muhiim waaye walaahi...

 

ciyaal badan waxaan heynaa sidii lax yaashii u hadlaayo oo english iyo somali la isku qooshay ku hadlaayan ama somali iyo dutch lee'ilaaha ilalaahu..waraa noo haay waxaan somali shiinees ku hadleeso xitaa waa heynaa....

 

 

Waree Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Wale waan ka qeyliyay. Tolow goormee af soomaali wax lagu baran doonaa mise English iyo Carabi ayaan u af duubnaaneynaa ebedkeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gotta take your hat off to the early Somalis. They were the creme de la creme of our people.

 

Show what we can do, if we get down to it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Shukran all, qeeba kale oo nafaqeysan ayaan soo wadaa Inshaa Allaah oon meela kale ka soo kala aruurshey.

 

 

Thanks to Cawaale who shared with me a valuable book about Somali Astronomy a while ago.

 

Ps: Xilligii Soomaaliya ay Dowlada aheyd, iskoolaadka iyo jaamacadahuba waxaa wax lagu dhigan jirey Af Soomaali, scienceka, xisaabta dhammaan Af Soomaali bey ku bixi jireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

walaahi waa erayo adag physics ama biology dugsiga sare soomali lagu dhigi jiray markaad aqri maagto waxaad isleedahay tollow ma af soomaaligaad eber ka tahay

runtii luqadeena iney hodon tahay waxad garaneysaa markaad aqriso buugaagtii iskuulada soomali lagu dhigi jiray xiligaan dowlada aheyn

codsi: qofkii heli karo buugaagtaas ama ku og meel laga heli karo link geeda hasoo qoro ,waa muhiim inaan taariikhdeena iyo afkeena wax ka barano

ereyada dhinac kale ee social ama economic ama religion xitaa qofkii haya hasoo bandhigo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Nuune, good stuff thanks for the link. Caruurta yar yar ee aan adeerka u ahay hada ayey Af Soomaaliga si fiican u baranayaan :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this