Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Xamar 2012:

 

Koowda Luulyo Oo Muqdisho Looga Dabaal Degay Si’aan Sanadahan La Arag

 

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo nooceeda oo kale aanay sanadahan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo Munaasabadaasina ay kasoo qeybgaleen Madaxda sare ee Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen marwooyinkiisa, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ceydiid Ilkaxanaf,Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ay wehliyeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Safiirro,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska,saraakiil ka socotay AMISOM,xildhibaanno,odayaal dhaqameed,abwaaniin iyo fanaaniin.

 

Bilowgii Munaasabadda ayaa waxaa goobta kusoo bandhigay suugaan isugu jirtay heeso,riwaayado iyo gabayo ka hadlaya qiimaha xoriyadda kooxaha fanka ee kala ah Waaberi,Danan iyo Deegaan ayadoo suugaantaasina ay xambaarsanaayeen fariimmo wadaniyadeed.

 

Munaasabadda oo bilaabatay abaarre 08:00PM fiidnimo ayaa markii ay aheyd 12:00AM saqda dhexe waxaa barxadda Madaxtooyada lagu saaray Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadeenna ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay salaan sharaf ka qaateen Madaxda Qaranka.

 

Kusimaha Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa guud ahaanba Shacabka ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha leh ayadoo kadibna uu kusoo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Munaasabadda ka jeediyey khudbad aad u dheer ayaa uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo heerka maanta ay hiigsanayaan shacbiga Soomaaliyeed oo ah hormar.

 

Munaaabadda ayaa kusoo gebageboowday jawi wanaagsan oo farxad ay ku dheehantahay ayadoo Munaasabaddana ay soo idlaatay abaare 03:00AM waxaana xusid mudan in Ammaanka guud ee Caasimadda ay xalay si weyn u adkeeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

Marka lagasoo tago Munaasbaddan ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sidoo kale waxaa munaasabad kale iyana ay ka dhacday Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhabo taasi oo Taliska Ciidammada Xoogga uusoo qaban qaabiyey ayadoo sidoo dalal badan oo caalamka ahna lagu qabtay Munaasbaddo lagu muujinayo qiimaha ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay Kowda Luulyo oo ah xiligii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna xornimada ka qaateen gumeysitihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

 

nd4di1.jpg

 

1zd29mx.jpg

 

vdjw2p.jpg

 

15ckh7c.jpg

 

ixa4wl.jpg

 

1zqq5ud.jpg

 

25f0dup.jpg

 

5makw1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi 2012

 

Soomaalida Nairobi oo caawa Munaasabadda 1-da Luulyo ku kala xusaya Islii iyo Westland

 

Caawa xaafadaha Magaaladda Nairobi ayaa haawanaysa waxaana dadkii ay kala aadeen xarumaha lagu xusayo munaasabadda maalinta xoriyadda Soomaaliya.

 

Kumanaan shacab Soomaali ah oo intooda badan ku labisan dhar lagu soo xardhay calanka Soomaaaliya ayaa qabsaday wadooyinka waa weyn ee Magaalada Nairobi.

 

Xaafadda ay Soomaalida kubadan tahay ee Islii ayaa waxaa ka soconaysa munaasabad aad ubalaaran oo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed.

 

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo ayaa kamid ah Siyaasiyiinta Caaawa shacabka kula dabaal dagaysa Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi.

 

Axmed Xaaji Xasan oo katirsan Warqaad.com ayaa soo sheegaya in munaasabada ay dadka ka qeyb galaya ka badan yihiin ilaa 2 kun oo ruux meel la istaagana aysan jirin barxad weyn oo munaasabada ay ka dhacayso.

 

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa warar aan helnay ay sheegayaan in uu ku dhawaaqi doono in uu yahay musharax utaagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale Safaarada Soomaaliya ee kutaal Magaaladda Westland ayaa waxaa ka soconaysa munaasabad balaaran oo ay ka qeyb galayaan dad kumanaan lagu qayaasay.

 

Safaaradda Soomaalida ee Nairobi ayaa shacabka Soomaaliyeed usheegtay in Munaasabadan ay si weyn isugu soo baxaan ayna ka qeyb qaataan iyagoo muujinaya qiiradooda.

 

Cali Ameeriko ayaa Wariye katirsan Warqaad.com Saciid Anteno usheegay in munaasabada lagu qabanayo Safaaradda Soomaaliya ee Nairobobi ay tahay mid ay kasoo qeyb galayaan siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda,,.

 

Gaadiidka ka shaqeeya wadada isku xirta Islii, Townka ilaa Westland ayaa ka lacagaystay caawa Soomaalida iyadoo la qaaliyay lacagihii lagu raaci jiray tagaasida iyo gaadiidka kale ee dadweynaha.

Goor dhow filo sawirada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe 2012:

 

Xuska 1-da Luulyo oo ka socota Madaxtoyada Garowe

 

Xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe ayaa waxa ka socota xaflada lagu maamuusayo xuska sanadguurada 52aad ee ka soo wareegtey xoriyadii gobolada koonfireed iyo israacii gobolada waqooyi iyo koonfurta dalka.

 

Kusimaha madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi ,gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka ,saraakiisha kala duwan ee dowladda ,issimo ,xubnaha bulshada rayidka ah oo hormud ka yihiin dhalinyarada iyo haweenku iyo weliba marti sharaf shisheeye oo lagu casumey xuskan ayaa ka qaybgalaya.

 

Kadib aayadaha Quraanka Kariimka ah waxa toos u furantay xafladan 1-Luulyo lagu maamusayo waxana haatan socda heeso,riwaayado iyo suugaan kale oo madasha lagu soo bandhigayo,iyadoon khudbadaha kala duwani ay danbenayaan ee madaxdu soo jeedineyso.

 

Waxa la saari doona Calanka Somalia xarunta madaxtoyada saacadu markii ay gaarto 12:00 habeenimo,waxana saalan sharaf bixineya ciidamada Baambeyda iyo cutub ka tirsan Daraawiishta Puntland.

 

IMG_1857.JPG

 

IMG_1860.JPG

 

IMG_1867.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malaysia 2012

 

Jaaliyadda Soomalida ee Malaysia oo u Dabaal Dagtay munaasibadda 1da Luulyo

 

oomaalida Malaysia ayaa qabatay xaflado yar yar oo lagu xusayay looguna Dabaal Dagayay munaasabada Kowda Luuliyo, sidoo kale laga soo bilaabo 25/06/2012 ilaa 30/06/2012 waxaa lagu qabtay koobka kubadda cagta ah, Koobkaas oo loogu magacdaray 52 -guuradii kasoo lasoo wareegtay maalinta la abuuray Soomaaliya oo ah markii eey isku tageen gobolada waqooyi & kuwa koonfureed ee Soomaaliya.

koobkaan waxuu socday ilaa 6 maalmood,waxaana ka qeybqaatay 12 koox oo wada ah soomaalida Malaysia.

 

waxaana hirgilinta Koobkaan iskana kaashaday Somali Community Malaysia oo uu Madax ka yahay Mudane Safiir Ceymow ( ambassador ceymooy ) & ururka arday soomaaliyeed ee Malaysia ee loo soo gaabiyo Somali student society Malaysia (SSSM).

 

big-cup-1-copy-copy.jpg

kooxda-Taman-Melati-1-copy-copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi 2012 - Safaaradda:

 

Munaasabaddii 1-da Luulyo ee lagu qabtay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi iyo Dr Gaas oo ka qeyb galay

 

Munaasabad Balaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii 52-aad ee xoriyadda Soomaaliya ayaa xalay ka dhacday Xarunta Safaarada Soomaliya ee Magaaladda Nairobi.

 

Munaasabadaas oo ahayd mid aad ubaalaran ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul Wasaaraha dalka Dr C.Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maaamulka Galmudug Caalin iyo Siyaasiyiin uu kamid ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cali Maxamed Geedi.

 

Safiirka dowlada Soomaaliya ujooga Magaaladda Nairobi Cali AMeeriko ayaa masuuliyiinta dowlada iyo siyaasiyiinta kusoo dhaweeyay Munaasabada.

 

Intaas kadib ayaa Waxaa dadkii Munaasabada kahadlay waxaa kamid ahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr C.Wali Maxamed Cali Gaas oo sheegay in Soomaaliya ay hada ku socoto wadadii looga bixi lahaa amni xumadda.

 

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Dr Gaas in ay ka go’an tahay in Shabaab laga saaro guud ahaan goboladda dalka.

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa hadal uu munaasabada ka jeediyay isagana sheegay in maalintan uu aad ugu faraxsan yahay.

 

5-Safaaradda.jpg

 

11-Safaaradda.jpg

 

15-Safaaradda.jpg

 

19-Safaaradda.jpg

 

23-Safaaradda.jpg

 

Fannaaniinta Hibo Nuura iyo Farxaan Xiddig

 

25-Safaaradda.jpg

 

4-Safaaradda.jpg

 

16-Safaaradda.jpg

 

26-Safaaradda.jpg

 

28-Safaaradda.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi 2012 - Islii:

 

Munaasabadii ugu balaarneyd ee xuska 1-da Luulyo oo Islii ka dhacday

 

Magaaladda Nairobi gaar ahaan Xaafadda islii ayaa xalay waxaa ka dhacay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal dagayay xuska sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo.

 

Munaasabadan ka dhacday Xaafadda Islii ayaa waxaa ka qeyb galay shacabkii ugu badnaa iyadoo dadka goobta gaaray ay ka badnaayeen ilaa 4 kun.

 

Dadkii ka qeyb galayay munaasabadda ayaa hamigooda uu ahaa in ay arkaan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaalia DrMaxamed C/lahi Maxamed Farmaajo.

 

Laakiin shacabkii ayaa ku guul daraystay in ay arkaan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo kadib markii xili danbe loo sheegay in uu ubaaqday sababo amaan iyo arimo kale oo la xariira howlihiisii uu ujoogay magaaladda Nairobi.

 

9-Munaasabada-1-da-Luulyo.jpg

 

6-Munaasabada-1-da-Luulyo.jpg

 

10-Munaasabada-1-da-Luulyo.jpg

 

16-Munaasabada-1-da-Luulyo.jpg

 

8-Munaasabada-1-da-Luulyo.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kambaala 2012:

 

Munaasibad loogu debaaldegayo 1-da Luliyo oo xalay lagu Qabtay magaalada Kampala

 

zk1p44.jpg

 

Guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Uganda ayaa waxaa todobaadkani ahaayeen kuwa u dubeeldagayay munaasibadaha is biirsaday ee Xurnimada Shucuubta Soomaaliyeed waxaana habeenkii xalay ahaa ay dhigeen fantasiyo aad u sareeya oo ay ugu debaaldegayeen 52-tan guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Konfureed ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen gobolada Woqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.

 

Goobta ay munaasibadani loogu debaaldegayo 1-da Luliyo ka dheceysay oo aheyd hoolka Agakhan ee magaalada Kampala ayaa waxaasoo buux dhaafiyay dadweyne aad u badan oo intooda badani hagoognaa Calanka Quruxda badan ee Baluuga Xidigta loo Asteeyay waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay madax kala duwan xildhibaano iyo diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo weliba dad ajaanib ah oo Soomaalida la qeybsanayay farxada 1-da Luliyo.

 

Iyadoo dadkii halkaasi qudbooyinka ka jeediyay ay aad u badnaayeen ayaa waxaa ugu danbeyn dadka la hadlay Xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xaraare oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xoghayaha1-aad ee Safaaradda Soomaaliya Uganda isla markanaa wakiil ka ahaa Qunsulka Safaaradda waxaana ay shacabka Soomaaliyeed soo xasuusiyeen dhibka loo soo maray xurnimadani manta la harsanayo.

 

Abaaro 12-kii saqda dhexe ayaa waxaa ay jaaliyad saaratay Calanka Soomaaliya taasi oo ay ku muujinayay qiimaha ay uleedahy 1-da Luulyo oo maanta Ku beegan.

 

Dhanka kale waxaa magaalada Kampala xaafadaha ay ka deganyihin Soomaalida aad looga dareemayay u diyaar garoowga Maalintani ku weyn shacabka Soomaaliyeed waxaana dukaamada Ganacsiga lagu xardhay Calanka Quruxda Badan ee Soomaaliya .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.