Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Somalina   

Showqi;732359 wrote:
MMA, thanks for the lovely pictures, and the wonderful articles of the Kowda Luuliyo. Waxaan rajaynayaa mar dhow in sawiradaan quruxda iyo sharafta leh ay noo
badali doonaan
kuwa hada ka buuxa Google.

Make sure you recommend the page.

 

Thanks MMA for the thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi, Aaliya iyo Soomaalina, idinkaa wada mudan.

_______________

 

Iswiserlaan

 

Koob Lagu Maamusayay Munaasabada Sanadguurada 51aad ee 1 Luulyo oo ka dhacay Gobolka Zurich ee Wadanka Switzerland

 

2dwc7qb.jpg

 

2lbi0xg.jpg

 

zb906.jpg

 

Waxaa ka dhacay Cariga switzerland magaalada zurich munaasabad balaaraan oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada iyo qaranimada Soomaaliyeed ee 1da luulyo waxaana lagu qabtay koob ay ku tartamayeen afar kooxood oo heerka koowaad ah gobolka Zurich ee wadanka Switzerland

Sii aqriso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suudaan 2012:

 

Xaflad Lagu Maamuusayey 26ka Juun Oo Ka Dhacday Suudaan

 

Xaflad balaaran oo ay kasoo qayb galeen boqolaal Arday ah iyo Jaaliyada soomaaliyeed ee Dalka Sudan ku nool oo ka dhacaysay Hool ku yaala gudaha Jaamacada Africa ee Magaalada Khartoum ayaa inta badan looga hadlay taariikhda ay soo martay halgankii ay xurnimada ku qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale xafladan oo ay dadka dhan gacanta ku haysteen calanka soomaaliya ayaa waxa sidoo kale lagu saaray calankii soomaaliya iyadoo korna loo roday bululeerka taasoo lagu muujinyay farxada ay habeenkan dadka u leedahay

 

Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Dalka Sudan Mudane Ibrahin Guure Maxamed oo goob joog ka ahaa xafladdaas ayaa sheegay in soomaaliya xiliyadii ay dolwadda wayn ahayd ay ahayd dowladdii ugu xooga badneed Geeska Afrika oo ay ahayd dowladi aas aasastay ururka imanka kulmiya ee IGAD.

 

Hooyo soomaaliyeed oo lagu magacaabo maama maryan ayaa halkaasi ka qaaday heeso dhiiri galin ah oo ay ku muujinaysa dareenkeeda ku aadan munaasabadan kasoo wareegatay 52 sano xurnimadii gobolada waqooyi ee 26 Juun.

 

2ykezjt.jpg

 

2zh4lfb.jpg

 

2qbuds9.jpg

 

2im3vv8.jpg

 

33p6b1e.jpg

 

2d85l3q.jpg

Sawiro kale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

kana-siib-300x247.jpg

Somalia-Flag.jpg

images?q=tbn:ANd9GcQ0P8_fN363NHOw5bKTm_i

 

 

 

Gabaygii Kaana siib kana saar – “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan – calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan.

 

Indhawaydba waataan

Salalaysay arladaydiiyee

Ma samaynin maansooyinkii aan

Saayidka u helaye

[saankuleer?] ayaamahan ma bixin

soonfur dabadeede

subucii dhamaadaba

marbaan saari jiray luuqad

sidde la qabsaduu leeyahay

iyo subucyo dhaadheere

labadaba markuu seego

wayga sirgacantaaye

Aan sameeyo maansadii

[dixdeey sidatay rabii]?

 

Anigoo Sabi ah oo

Sita leeb iyo qaanso

[Oo sideedo iskucaano]?

Sabad reer ka fogaaninoon

la’ii aaminin soofkiyo

saacan maanta aan joogno

gabaygu wuygu sugnaa-yoo

suxufiinta dhawaaqdana

anigow ugu sareeyo -e

Hadii aan sixi waayo

aa – ama aan sarsariigo

ama aan sarma seejo

ama aan ka salguuro

ama laygu saluugo

saamiciinta maqlaysaay

isu’aalo hadhowto – ee ee….

 

Ilaahaan waxba seegine

subuciisa quraankiyo

sabaxooyin ku sheegayoo

saciira iyo naciima

rabigii kala seerayow

marka suurtu dhawaaqdo e

lasoo saaro makhluuqa

shaqiga iyo saciidka

maalintaad kala soocdo

danbigaanu samaynay

rabigayow naga saamax ee ee….ya

Subciyoo ka dukeeyeye

sowt kaleetona waayoo

Soomaaloo calan taagta

Saakaa inoogu horaysoo

Iinsiga inaad tihiiniyo

Inkalaana saxaynine

Sadex wiik iyo maalmo

Hadaan soor cuni waayo

Safrad laygama yaabo

Sari mayso naftayda e

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

 

Ka’ sideetan Sabaano

Calankaanu sugaynay

een sahankiisa ahaynow

Sermawaydo hilaacdayoo

sagal maanta daroorayoo

siigadii naga maydhayoo

Saqdhaxaanu ahayne

kii soosaaray cadceedow

samada ki u eekaayee

Xidig-gam isa siiyayow

Saaxirkii Kala guuraye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

 

Saalixiinta Islaamko

Sirta kay ku arkeenoow

Saahidiinta quraanka

Subcisaa jimcayaashiyo

Sibhantiyo haweenku

Calankeey Sahadsheenoow

Cidina kaanay na siinine

Saatir noogu yaboohayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

Kaana siib Kanna Saar

 

Sanku neefle dhamaantii

Khalqiga kii u siinaaye

Mid saaxiib la’ahaynoow

Mid saaxiib la’ahaynoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

 

Kii saciida la keenayoow

Samadu kay ku xidhnaydoow

Salaankii

Sayruukhii afrikaadoow

Siraadkii na’ iftiinshaye

Soomaaloo dhan xoreeyayoow[

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Faralka iyo sunaha

Wixii diinta ku Sahabsan

Isna kii sadexeeyayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Kii gumaysiga saaraye

isticmaarkii sumeeyaye

seedihii kogsanaa -iyo

Seetadii naga gooyayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Soomaaloo is cunaysa oo

Isa seegan dhamaanoo

Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysku Cabaystiyo

Hadba soof la xanbaariyo

Sareecyo dami waydiyo

Kii laydhiisu na saaqdaye

Kii safeeyey qabaa-ile

Saf walaalo ka yeelayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Nimankii na siraayeye

Waax-waax noo kala saaftaye

Solonaayey cadkeena

Inagoo dhexda suunku

Sabarkeena qarqooray

Kii sadkeena cunaayey

Sarartiisa ka muuqdaye

Surwaalkii ka yaraadaye

daaro loo sibidheeyiyo

Sariiraha lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo

Mid baabuurka safeeyiyo

sagaal booyd iyo kuug iyo

Aayad saarta caruurtiyo

Waliba seeska uu lahaa

Sabanka uu labayoow

Saaxirkii kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

 

Sawjada qofka qaataye

Intuu soodhka ka taagay

Uu diyaarad Salaantiyo

Saraakiisha amraysa

Sifiihii isticmaarka

ka siyaadiya maanta

Sibilkeenan agjoogoow

Sibirtiisa istaaga

Ninwalbaa sigib beelo

Sare u taaga gacmahoo

Sacabka isu garaaca oo

Nin walbaa sadex goor

Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow

 

Somalia_Flag2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

buho6.JPG

 

Axmed Ismail Dirie "Qaasim",

 

 

 

Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee,

 

Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay Soomaaliya, Dalkeenuna Xornimada Ka helay Guumeesigii Europe waa Italy Iyo Britain.

 

Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna

 

halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen.

 

Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar

 

ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan

 

lahaa arrintaana wuxuu yidhi:

 

 

 

Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya

Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday

Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama

Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa

Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya

Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada

Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye

Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye

Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara

In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey

Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray

Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

 

 

SomaliFlag.jpg

somali-flag-lng-life-mogadishu-somalia+1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Istanbuul, Turkiga 2012:

 

Munaasabad Lagu Maamuusayey Sanadguuradii 52aad Ee Xornimada Gobollada Waqooyi Oo Lagu Qabtay Caasimadda Dalka Turkiga

 

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayey sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Waqooyi ee dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa lagu qabtay caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara.

 

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax kabarata,mas’uuliyiinta Safaaradda iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

 

Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi Turkiga Maxamed Sheekh Mukhtaar oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga qabanqaabada Munaasabadan qiimaha leh waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay Ardaydu aad udhiiragelineyso in ayaga oo Dalkooda ku sugan si lamid ah ay Munaasabadda qiimaha leh ee 26ka June u xusaan.

 

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay qiimaha ay maalintaan ugu fadhido shacbiga Soomaaliyeed waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ka safaarad ahaan ay mar walba u taagan yihiin sidii ay Ardayda Soomaaliyeed u dhiiragelin lahaayeen.

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celiyey sida ay shacabka Soomaaliyeed u garan taagan yihiin waxaana uu safiirku ballan qaaday in lasii laba jibaari doono howlihii Safaaradda isagoo dhanka kalena ammaan u jeediyey shaqaalihii horey safaaradda u joogay.

 

28v9jbm.jpg

 

nb3xcp.jpg

 

2u5fipz.jpg

 

2rduuzc.jpg

 

w7blfn.jpg

 

69fbm9.jpg

 

1jsps6.jpg

 

4tner4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi 2012:

 

Qabanqaabada 1da Luulyo Oo Nayrobi Ka Socota

 

lulyooslo38.jpg

 

Magaalada Nayrobi ee Dalka Kenya waxaa ka socda Abaabulkii ugu balaarnaa oo loogu diyaar garoobayo Munaasabada 1da Luulyo.

 

Magaalada ayaa waxaa ka socda Abaabul bulshada Soomaalida ah ay ugu diyaar garoobayaan Munaasabada qiimaha leh ee maalinkii Xornimada Gobolada Koonfureed ee Dalka.

 

Dadwayanaha Xaafada Soomaalidu ku badantahay ee Islii ayaa maalmihii lasoo dhaafay iibsanayay calamo iyo dhar lagu xardhay calanka Soomaaliyeed, waxaana suuqa alaabahaasi lagu gado uu ahaa mid mashquul ah oo dumarka ay gadanayeen agabka lagu labisan oo calanku kuwada xardhanyahay.

 

Dhan kale waxaa socda abaabulka Munaasabado balaaraan oo la filayo in Magaalada ay ka dhacaan waxaana gudaha xaafada Islii lagu arkayaa Gawaari waaweyn oo ay ku xiranyihiin qalabka codka baahiya kuwaas oo dadka lagu wargalinayo ka qaybqaadasha munaasabadaasi.

 

Safaarada Soomaalida ee Nayroobi ayaa qabanqaabinaysa xaflad heerkeedu sareeyo oo ku aadan Munaasabada 1da Luulyo taas oo ay ka qaybgali doonaan Masuuliyiin kala duwan.

 

Dhalinyarada Waayaha Cusub ayaa abaabulaya iyaguna munaasabad balaaran oo ka dhici doonta Eastlight High School oo xaafada Islii kuyaala waxaana ka qaybgali doonaa Fanaaniin badan oo caan ah oo uu kamidyahay fanaanka Cabdi Shire Jaamac Jooqle, Waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Masuuliyiin uu kamidyahay Ra’iisul wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdulaahi Farmaajo kaas oo munaasabada kula hadli doona bulshada Nayrobi.

 

Guud ahaan dacalada dunida ee Soomaalidu ku nooshahay ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacaan Munaasabado waayweeyn oo lagu xusayo maalinta 1da Luulyo.

Xigasho

____________________

 

The best Kowda Luulyo I ever experienced happened at Nayroobi's Soomaali embassy in last year. What a wonderful occasion it was, overcrowded not only by general public but well-known wadani singers like Axmed Naaji Sacad iyo Saado Cali among others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Holland 2012:

 

XAFLADA 1-DA LUULYO HOLLAND

 

Haarlem1.jpg

 

Waxaa dhamaan bulshada ku dhaqan wadanka Holland lagu wargelinyaa in lagu qabanayo xaflad loogu dabaaldegayo 1da luulyo 2012.

 

Xafladaasi oo ka dhicidoontamagaalada Haarlem ee wadanka Holland.Xafladaan waxaa siweyn u soo abaabuley uruka FSAN,SSHO Haarlem iyo M&H Supermarkt oo ahdukaan Somaliyeed oo kuyaal magaalada Haarlem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.