Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Bristol, Ingiriiska 2012:

 

Dalka Ingiriiska oo si qurux badan looga xusay 1-da Luulyo

 

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay laguna xusaayey maamuuska qiimaha badan ee ay leedahay maalinta Kowda luulyo oo ah maalintii ay xornimda qaateen Gobolada Koonfureed ahna maalintii ay Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfureed ayaa lagu qabtay Xalay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.

 

Munaasabadan oo ay isugu yimaadeen Shacabka Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan Magaalad Brisol ayaa waxaa ka muqatay farxad ay ku marxabeynayeen maalinta qiimaha badan tasoo ay ka soo wareegtay 52 sano, maalintaa oo ah maalintii Calanka Baluugley ee Shanta Xidileh si xor ah uu u babaday Hawada Caafimaadka qabta ee Dalkeena Soomaaliya.

 

Xafladan oo ay ka hadleen masuuliyiin badan ayaa waxaa hadal Qirada shacabkii ku sugnaa Dhaqaajiyey ka jeedisay Xaajiya Dahaba Luula oo aheyd Hooyooyinkii goob jooga u ahaa markii halganka loogu jiray Calanka iyadoo halkaa ka tirisay Buraan buradii Hawenka ay kaga soo qeyb qaateen halgankii iyo Heesihii dhiirigalinta lahaa ee Calankan lagu keenay iyadoo ku dheeraatay ka sheekeynta halgankii nadiifka ahaa ee ay SYL Shacabka Soomaaliyeed usoo qabatay.

 

Sidoo kale waa Xaflada ka hadlay Dr Cumar Sabriye oo isagu sheegay in uu aad u xusuusto Habeenkii Xoriyada walow uu sheegay in uu Da`yaraa hadane ay aheyd habeen Damaashaad weyn iyo kalgacal uu qaaday Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka haday Cabdiraxmaan Gentleman Maxamuud Dhagacade oo isna ka sheekeeyy qiimaha ay leedahay Maalmaha Xoriyada ee 26 juun iyo 1 Luulyo.

 

tiib712.jpg

 

tiib76.jpg

 

tiib721.jpg

 

tiib73.jpg

 

tiib77.jpg

 

tiib79.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wuhan, Shiinaha 2012:

 

Koowda Luulyo Oo Laga Xusay Magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha

 

Xaflad balaaran oo lagu xusiyey 52 guradii kasoo wareegatay markii ay xuriyada ka qateen gobolada konfurta iyo midowgii gobolada waqooyi iyo konfur ayaa ka dhacday magaalda wuhan ee dalka shiinaha .

 

Xafladani ayaa waxaa kasoo qayb galay safiirka somaliya u fadhiya ee china yusuf xasan ibrahim yusuf dheeg iyo ardayda somaliyeed ee ka kala yimi gobolada shinaha , walidiin iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Hadaba xaflada sungurada 1 luulyo ayaa lagu soo bandhigay ruwaayado , ciyaaraha hidaha dhaqanka iyo hadalo qiiro badan kaasi oo taabtay ardaydii somaliyeed .

 

Safiirka somaliya ee shiinaha yusuf dheeg ayaa madasha xafladaasi kaga warbixiyey marxaladihi la so maray iyo waxbaqabadkii uu u soo qabtay umada somaliyeed , iyadoo uu safiirka so qabtay jagadani laba jeer , ayaa dardaaran u jeediyey ardayda somaliyeed ee waxkabarta china oo ku jira marxaldii iftiinka mustaqbalkooda.

 

15gp384.jpg

 

2re1pwo.jpg

 

24yxmcy.jpg

 

34qsi75.jpg

 

34dsbkm.jpg

 

8xor6h.jpg

 

1zdtzzc.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ankara, Turkiga 2012 II:

 

Madaxda Ugu Sareysa Turkiga Iyo Safiirrada Dalalka Caalamka U Fadhiya Dalkaasi Oo Soomaalida Kala Qeybgalay Munaasabadda Koowda Luulyo

 

Ayadoo dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan si aad ah ugu dabaal degayaan Munaasabadda Koowda Luulyo oo ku beegan sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa Madaxda ugu sareysa dalka Turkiga waxey Soomaalida dalkaasi kala qeybgaleen xuska Munaasabaddan qiima leh.

 

Munaasabad si heer sare ah loosoo qaban qaabiyey oo ay qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa lagu qabtay Hotelka RIXOS oo isagu ah hoteelka ugu weyn magaalada caasimadda ah ee Ankara waxaana Munaasabaddaasi kasoo qeybgalay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo ay wehliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda,Caafimaadka,Saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Qalabka Sida ee Dalkaasi,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi gaar ahaan xildhibaannada loogu magac daray walaalaha Soomaaliya iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

 

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay dhammaanba Safiirrada dalalka Caalamka uga wakiilka ah dalka Turkiga iyo Ardayda Soomaaliyeed ee iyagu deeqaha Waxbarasho ka helay dalkaasi ayadoo ardaydana ay Munaasabadda kusoo bandhigeen suugaan wadani ah oo ka hadleysay halganka gobanimo ee dalkeenna.

 

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey madaxda sare ee dalka Turkiga iyo Safiirrada dalalka caalamka uga wakiilka ah dalkaasi kasoo qeybgalka Munaasabadda waxaana uu dhanka kale Dowladda Turkiga uga mahad celiyey sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday taariikhda halganka xoriyadda Dalkeenna isagoo sidoo kalena ka hadlay xiligan doorkii lama ilaabaanka ahaa ee ay Walaalaha Turkigu ku lahaayeen gurmadkii ay caalamku Soomaaliya usoo sameeyeen sanadkii aynu kasoo gudubnay bartamihiisa xiligaasi oo dalka intiisa badan ay abaarro ku dhufteen.

 

Ra’isulwasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa aad ugu dheeraaday xaalada guud ee Soomaaliya halka ay mareyso xiligan iyo sida ay aheyd billo ka hor waxaana uu dhanka kale mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ku ammaanay sida ay had iyo goor u garab taagan yihiin ardaydooda islamarkaana ay u dhiiragelinayaan ayadoo khudbadda Ra’isulwasaare Kuxigeenkana ay aad uga qiireysiisey dhammaanba kasoo qeybgalayaashii Munaasabadda.

 

Munaasabadda ayaa guud ahaanba kusoo idlaatay jawi farxadeed waxaana Munaasabaddan oo ka mid aheyd Munaasabaddo ay soo qaban qaabisey Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga islamarkaana loogu dabaal degayey maalmaha Xoriyadda Dalkeenna ay qeyb ka tahay Munaasabaddo si weyn sanadkan uga dhacay dalalka Caalamka iyo gudaha Dalkeenna kuwaasi oo dhammaanba ay shacabka Soomaaliyeed ku muujiyeen qiimaha maalintan.

 

d8enn.jpg

 

167l79x.jpg

 

ogc7m1.jpg

 

11virys.jpg

 

8xsmty.jpg

 

2wfjm7m.jpg

 

9llwea.jpg

 

icqm82.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.