Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Roome, Talyaaniga 2012:

 

1da Luulyo oo Talyaaniga Laga Xusay

 

Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga waxaa lagu qabtay xaflad lagu xusayey munaasabadaha xorriyad qaadashadii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo ku beegneyd 26/06/1960 oo aheyd markii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed laga suro ciida dalkeena & Midowgii goboladii Koofureed & Waqooyi ee Soomaaliya oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliya, waxaana munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Luul Max’ed Sheekh Cusmaan ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaalida oo uu ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Midowga Yurub Nuur Xassan Xuseen (Nuur cadde), ku-xigeenka safiirka Safiyo Max’ed, Madaxa Protokolka Aweys Abuukar Aweys, xoghayaha 1-aad ee safaaradda Culimo C/raxmaan Macalin & marti sharaf kala duwan oo uu ku jiro Cali xaashi dhoore oo ah siyaasi u soo tartamay xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

 

Saacadu markeey ku beegneyd 1:00 xilliga Soomaaliya ayaa laga saaray calanka Soomaaliya dhismaha safaaradda, waxaana munaasabada heeso waddani ah oo ka tarjumaya qiimaha maalmahaas & calanka ku luuqeeyey fanaaniin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Xassan baashi-yare, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyey safiirka Nuur Cadde oo ka warbixiyey qiimaha ay maalmaha 26-ka June & 1-da Luuliyo u leeyihiin Soomaalida.

 

Intii ay khudbadu socotay waxaa soo gaaray dhismaha safaaradda wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga oo dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay la qeybsaday dabaaldega munaasabadda.

 

“1-da Luuliyo waa maalintii gobonimada Soomaaliya seeska loo dhigay, calanka Soomaaliyana meel kasta laga suray, waqooyi & koofurna ay u midoobeen” ayuu yiri Nuur cadde oo la hadlayey dadkii ka soo qeybgalay munaasabada calan saarka.

 

“Waxaan u jeedaa in dhalinyaradii gabdho & wiilal in ay soo baxeen, una soo diyaargaroobeen in ay muujiyaan qiimeynta maalintaan” ayuu yiri Nuur Cadde.

 

Mahiga oo hadalo kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa hambalyadda munaasadda kadib, wuxuu ka shanqariyey in socdaalka uu ku yimid Talyaaniga ay la xiriirto shirkii ugu dambeeyey ee kooxda xiriirka oo maalinta Isniinta ah ka furamaya Itaaliya, ayna ka soo qeybgalayaan dhammaan darafyadii saxiixay heshiiskii Kampala, wuxuuna xusay in shirkani uu noqonayo shirkii ugu dambeeyey ee kooxda xiriirku yeeshaan.

 

“51 cisho ayaa ka harsan waqtigii loo iclaamiyey in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo, wejiyo cusubna la arko, waxaana rajeynayaa in muddadi waqtigaa ka horreysa ay wax waliba sidii loogu talogalay ku dhamaan doonaan” ayuu yiri Mahiga.

 

Luul Max’ed Sheekh Cusmaan oo ka hadashay munaasabadda waxey sheegtay in munaasabadani ay tahay mid weyneyteeda ay waajib ku tahay Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogaan, waxeyna xustay in Soomaaliya ay u baahan tahay isbedel ay horseed ka noqdaan waxgaradka Soomaaliyeed, waxeyna intaa ku dartay in ay jeceshahay inta cimrigeeda ka dhiman in ay aragto Soomaaliya oo ku soo laabato sidii ay beri-samaadkii aheyd, dibna u soo ceshata dowladnimadeedii, sharafteedii & qaranimadeedii ay weligeed ku soo caana-maali jirtay.

 

Xoghayaha 1-aad ee safaarada Culimo C/raxmaan Macalin oo sidoo kale munaasabada ka hadashay waxey sheegtay qiimaha munaasabadaha 26-ka June & 1-da luuliyo ay u leedahay ummadda Soomaaliyeed.

 

“Maanta waa maalinta Qaranimada Soomaaliya, waana maalin ay waajib tahay in laga maamuuso guri kasta oo Soomaaliyeed” ayey tiri Culimo.

 

“Mararka qaar waxaad rumeysaneysaa dadka qurbaha jooga in ay ka waddanisan yihiin dadka ku sugan dalka gudihiisa, cadeynteeda halkan ayaad ka arkeysaa caawa, waayo qurba joogu wuxuu dareemayaa waxa ka maqan qiimahooda” ayeey tiri Deeqa Aadan Guureeye oo madax ka ah ururka Somali refugees Torino ee loo yaqaan Italo-Somalo Sahan.

 

talyaani_1_jully4.jpg

 

talyaani_1_jully8.jpg

 

DSCF2174.jpg

 

DSCF2295.jpg

 

DSCF2313.jpg

 

DSCF2314.jpg

 

DSCF2318.jpg

 

DSCF2315.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jidda, Sacuudiga 2012:

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Sacuudiga Oo Xusay Munaasabadda Koowda Luulyo

 

Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool boqortooyada Sacuudi Carabiya gaar ahaan magaalada Jidda ayaa xusay Munaasabadda sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay ka xoroobeen gobollada Koonfureed ee Dalkeenna gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

 

Jaalliyadda ayaa munaasabad tartan kubadda cagta ah oo ay isaga horyimaadeen laba kooxood ku qabtay garoonka ciyaaraha Amiir Maajid ciyaartaasi oo aheyd mid ay Jaalliyaddu ku muujineysay Munaasabadda Koowda Luulyo waxaana kasoo qeybgalay Jaalliyadda Jedah ku nool iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Inkastoo sanad kasta xiligan oo kale ay dadka Soomaaliyeed guud ahaanba u dabaal degaan Munaasabadda Koowda Luulyo ayaa hadana sanadkaan waxey aheyd qaabka loogu dabaal degay mid ka duwan sanadihii hore ayadoo dabaal degga Munaasabaddanna ay ka dhaceen gudaha dalka iyo dibadda.

 

2zy98rd.jpg

 

29a3yb.jpg

 

30uxr38.jpg

 

10fcrur.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daafaha caalamka:

 

Sida 1-da Luulyo loogu dabbaaldegay

 

Munaasabadda maalinta xorriyadda gobollada koonfureed iyo israacii waqooyi iyo koonfur ee 1-da Luulyo ayaa xalay iyo maanta looga dabbaaldegay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Gaalkacyo, Beledweyne, Boosaaso, Dhuusamarreeb, Nairobi, Qaahira, Cape-town iyo magaalooyin kale oo caalamka ka tirsan.

 

Muqdisho

 

Munaasabad maanta lagu qabtay garoonka cayaaraha ee Koonis ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, xildhibaanno, saraakiil ciidan, fannaaniin iyo dadweyne ka kala yimid 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay xafladda ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay ka baxaan dhibka ay ku jiraan, wuxuuna sheegay in dabaaldegga sanadkan uu ka duwan yahay kii sanadkii hore, maadaama garoonka Koonis uu sanadkii hore gacanta ugu jiray maleeshiyada al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xuska koowda Luulyo looga dabbaaldegayo dhammaan qeybaha kala gadisan ee dalka marka laga reebo deegaannada ay ka taliso al-Shabaab.

 

Garoowe

 

Sidoo kale, xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe ayaa xalay laga xusay munaasabadda koowda Luulyo, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Cabdisamad Cali Shire, xubno ka tirsan golaha xukuumadda, baarlamaanka, qeybaha bulshada, saraakiil ciidan, xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Waxaa xafladda lagu soo bandhigay ruwaayad iyo suugaan ka tarjumeysay sidii lagu hantay xorriyadda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdismad Cali Shire ayaa hambalyo ku aaddan maalintan u diray ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Dhuusamarreeb

 

Xaflad ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen maamulka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo ururka dhallinyarada ee degmada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu qabtay degmada Dhuusamarreeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, haween, ururrada bulshada iyo dadweyne qaarkood ay ku lebisnaayeen calanka, kuwaas oo wejiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo raynrayn.

Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Cabdiweli Xaaji Diiriye oo ka hadlay goobta ayaa dadweynihii ka qeyb galay xafladda u sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo ay u soo halgameen dad Soomaaliyeed, loona baahan yahay in qaddariyo.

Xaflado kale ayaa waxay ka dhaceen degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana si aad ah loo adkeeyay goobaha ay ka dhacayeen xafladaha.

 

Nairobi

 

Magaalada Nairobi ee dalka Kenyana dhismaha safaaradda Soomaalida ay ku leedahay waxaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Somaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), siyaasiyiin kale, diblumaasiyiin, xildhibaanno, fanniin ay ka mid aheyd Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuuro) iyo kumannaan dadweyne ah.

 

Qaahira

 

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa soo qabanqaabiyay xaflad heer sare ah oo lagu xusayay maalinta koowda Luulyo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ka hadlay madasha ayaa ka taariikheeyay safarkii dheeraa ee geesiyadii Soomaaliyeed ay u galeen in ay iska kiciyaan heeryadii gumeystaha.

 

Cape Town

 

Dhinaca kale jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape-town ku xustay maalinta xoriyadda, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas, madaxda jaaliyadda, aqoonyahanno, ganacsato iyo marti-sharaf kale.

 

Gobolka Bari

Degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Bari ayaa lagu qabtay munaasabado lagu weyneynayay markii ay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya is-raaceen, kuwa koonfureedna ay xornimada qaateen.

Guddoomiyaha maamulka degmada Carmo oo ka mid ah goobaha munaasabadaha lagu qabtay, Ibraahim Shire ayaa sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay kowda Luuliyo u tahay maalin qiimo weyn ku fadhido, isagoo intaas ku daray in 52-sano ka hor ay Soomaalidu u istaagtay in ay iska qaado heeryadii gumeysiga.

 

Munaasabadahan ayaa qeyb ka ah kuwa ka dhacayo dalka iyo dibaddiisa ee lagu maamuusayo 52-guuradii ka soo wareegtay markii mada banaanida la helay.

 

Baydhabo

 

Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayey nabadda, laguna weyneynayey maalinta kowda Luuliyo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kaasoo ay ka qeybqaateen maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada, ururrada bulshada rayidka iyo qeybaha kale duwan ee bulshad.

Dibadbaxa oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka Bay ayaa ujeedadiisu aheyd in la muujiyo sida loo taageersan yahay nabadda iyo in loo dabaal-dego xornimada Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdifataax Ibraahim Geesey oo la hadlay shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo nabadgelyada, dadkuna kala shaqeeyaan maamulka iyo ciidamada dhowridda amniga.

Dhowr sano kaddib ayaa Baydhabo laga xusay kowda Luuliyo, xilligii ay kooxda Al-Shabaab ka talinasay magaaladan laguma qaban jirin munaasabadaha noocaan oo kale ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saambiya 2012:

 

Xuska 1-da Luulyo iyo Zambia Sawirro qurux badan iyo Xaflad Qiimo badan

 

Iyadoo 24 Saac ee ugu dambeeyay si wayn ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ugu howlanaayeen 52 guurada Soomaaliyeed ee 1-da Luulyo ayaa Xaflado kala duwan waxaa ay ka dhaceen meelo badan oo ka mid ah bariga iyo bartamaha Qaaradda africa, waxaana ka mid ah meelaha sida diirran looga xusay Munaasibadaan Magaalada Luzaka ee dalka Zambia sida uu ku soo warramayo Wariye Siciid Muuse Daahir oo ah wariye Madax banaan.

 

Hadaba Wariye Siciid ayaa soo diray sawirro qurxoon oo Xafladaas ku saabsan iyo warbixin kooban oo ku saabsan sidii ay u dhacday iyo ciddii ka qaybgashay.

 

Dadweynaha Soomaaliyeed ee magaalada Luzaka, ardayda, iyo Jaaliyadda ayaa xafladdaan soo qaban qaabisay, waxaana ka qaybgalay dad aad u fara badan.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Proff: C/weli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Jaamac Yuusuf Tigey iyo Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa khadka Telefanka uga qaybgalay Xafladdaan.

 

3.jpg

 

2.jpg

 

5.2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalooyin badan ee dalka Iswiidhan 2012:

 

1-da Luulyo: Degmada Eskilstuna oo si weyn looga dabaaldegey

 

Waxaa maanta magaalada Eskilstuna lagu qabtay munaasabad weyn oo ku wajahan maalinta xornimada soomaaliya ee 1-da luulyo. Meel fagaare ah ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne Soomaaliyeed iyo kuwo ajaaniib ah oo aad iyo aad u badan. Fagaaraha xaflada ayaa waxaa uu ku yaal bartamaha xaafada ay soomaalidu u badan tahay ee fröslunda. Xaflada ayaa ahyd mid aad iyo aad loo soo agaasimey ayna ka muuqatay farxad iyo wanaag. Xaflada waxaa soo qaban-qaabiyey ururka isutaga dhalinyarada ( SUN)ee magaalada Eskilstuna. Balse xafladu waxaa ay ahayd mid aan loo kala harin oo ay ka qeybqaateen dhamaan soomaalida degmada Eskilstuna iyo weliba dad ka yimid degmooyinka ku dhow-dhow.

 

dhex6.jpg

 

dhex5.jpg

 

dhex1.jpg

 

dhex16.jpg

 

SAM_2020-600x450.jpg

 

SAM_2085-600x450.jpg

 

SAM_2037-600x450.jpg

 

SAM_2024-600x450.jpg

 

w7g0zk.png

 

ify91h.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

Katrinholm, Iswiidhan 2012:

 

Sidee Looga Xusay Magaalada Katrinholm 1-da Luulyo

 

Munaasabad Balaaran oo Lagu Xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Katrinholm waxaana soo qaban qaabiyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi.

 

Qudbado looga hadlayay halgankii lagu helay Calankeena Soomaaliyeed ayaa halkaasi laga jeediyay waxaana ka hadlay Goobtaasi Aqoonyahano is kugu jira Odayaal, Haween, Dhalinyaro iyo Qeybaha kala gedisan ee Magaaladaasi.

 

Guddoomiya Ururka Samfalka Soomaalida ee Waqooyiga Yurub Nuur Ali Gacal oo ka mid ahaa Qabanqaabiyayaashii Xafladaasi lagu xusayay Maalinta Calanka inooga waramay waxuuna inoo sheegay in reer Katrinholm ay caawa ku taagan yihiin in ay saaraan calanka ayagoo aan u kala harin waxuuna ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed sanadkaan kiisa xiga iyo wadankeenii oo Barwaaqo iyo nabad ah.

 

DSC01074.jpg

 

DSC01062.jpg

 

DSC01067.jpg

 

DSC01071.jpg

 

DSC01072.jpg

 

DSC01076.jpg

 

DSC01083.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bolnes, Iswiidhan 2012:

 

Sidee Looga Xusay Munaasabada 1-da Luulyo Magaalada Bolnes

 

Xaflad Si Aad ah loo soo agaasamay laguna maamuusayay Maalinta 1da luulyo ayaa waxa ay ka dhacday magalada Bolnes ee Wadanka Sweden Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Magaalada Bolnes.

 

Xaflad Si Aad ah loo soo agaasamay laguna maamuusayay Maalinta 1da luulyo ayaa waxa ay ka dhacday magalada Bolnes Ee waddanka Sweden Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Reer Bolnas ayaa waxaa Ka qaybgalay Munaasabadda Dhinaca qadka telefoonka Ra,isulwasaarihii Hore Ee doowladda Kmg ahna Safiirka Dalalka Yurub Mudane Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ka jeediyay qudbad xasaasi ahayd oo ka hadlaysay dhinacyo badan ayaa waxa uu ku billaabay ka sheekeynta Taariiqda 1da luulyo isagoo Umadda soomaliyeed U rajeeyay in ay nabad iyo Barwaaqo ku gaaraan Sanadka xiga Mar uu ka hadlayay marxaladda kalaguurka ah ayuu sheegay in ay waajib tahay in laga gudbo dowladda Kmg ah iasagoo shacabka Soomaliyeed ka codsaday in ay ka qayb qaadtaan Hurumarinta iyo in ay taageeraan in la hormariyo dalka.

 

Waxaa dhinaca kale qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Wakiilka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Qaaradda Yurub Xasan Cabduqaadir muudey oo wax lagu farxo ku tilmaamay in Ra.isulwasaarihii hore Nuur cade in Uu kala qaybgalo Munaasabadda iasagoo ka sheekeeyay Tariiqda 1da luulyo iyo Waxqabadkii nuur cade kuna amaanay in uu yahay Geesi qaran.

 

bild-42-768x1024.jpg

 

bild1-1024x768.jpg

 

bild-61-768x1024.jpg

 

IMG_6563-11-1024x682.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beledweyne 2012:

 

Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

 

Dhowr sano kadib waxaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan munaasabad lagu maamuusayay 1-Luulyo oo ku beegan 1960-kii, maanta oo kale waqtigii ay ka xuroobeen gobollada Koonfurta Soomaaliya gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii labada gobol Koonfur iyo Waqooyi.

 

Munaasabada oo ka dhacday xarunta maamulka gobollka Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka tirsan maamulka gobollka, saraakiil ciidan, iyo qeybaha bulshada oo siweyn ugu faraxsanaa xuska maalinta 1-Luulyo oo ah maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Qudbado kala duwan oo dhamaantood salka ku hayay qiimaha maanta oo kale ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed, iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xuriyada maanta la harsanayo ayaa waxaa halkaa ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan.

 

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii xalay ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in munaasabada 1-luulyo sanadkan ku soo beegantay waqti sida uu hadalka u dhigay bulshada Soomaaliyeed cagta saareen wadadii dowladnimada, dhinaca kalana ay socdaan wadahadallo u dhaxeeya dowladda KMG iyo maamulka Soomaaliland oo maanta oo kale 1960-kii is raacay.

 

BALADWEYN3.jpg

 

BALADWEYN8.jpg

 

BALADWEYN2.jpg

 

BALADWEYN6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso 2012:

 

Munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo ka dhacday dowladda hoose ee Boosaaso

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey, oo loogu dabaal degayey maalinta xoriyadda gobolada koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumeysanayeen oo ku beegneyd 1-July-1960, ayaa xalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso.

 

Xafladda oo ay dad badani kasoo qayb galeen ayaa ahayd mid leh muuqaal aad u qurxoon kaas oo laga dheehan karay sida ay dadka Soomaaliyeed maalintaasi qalbigooda ugu dheertahay ayna u jecel yihiin inay dib u midoobaan.

 

xuska-1-da-Luulyo-2012-Boosaaso-8.jpg

 

xuska-1-da-Luulyo-2012-Boosaaso-52.jpg

 

xuska-1-da-Luulyo-2012-Boosaaso-1.jpg

 

xuska-1-da-Luulyo-2012-Boosaaso-36.jpg

 

xuska-1-da-Luulyo-2012-Boosaaso-33.jpg

 

xuska-1-da-Luulyo-2012-Boosaaso-34.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabuudwaaq 2012:

 

1da Luulyo oo Maanta Laga Xusay Magaalada Caabudwaaq

 

dadweynaha-Caabudwaaq-oo-isu-soo-baxay-3

 

Waxaa Manta siweyn looga dabaal dagay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud munaasabada 1-luulyo oo ah maalin kuweyn guud ahaanba qalbiyada umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan.

 

Munaasibadani ayaa ka dhacday Bartamaha Magaalada Caabudwaaq ayadoona ay kasoo qayb Galeen Boqolaal Dadwayn ah kuwaasoo iskugu Jira Qaybaha Bulshada waxaana Halkaasi ay ka Jeediyeen Hambalyo ku aadan Munaasada 1da Luulyo oo ah Malinta Xornimada Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Israacii Goboladii Waqooyi Iyo Koonfureed.

 

Munaasabada oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiinta maamulka Magaalada Caabudwaaq iyo Ururada Bulshada , ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka Tirsan Ahlusunna , ururada haweenka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan Caabudwaaq.

 

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Caabudwaaq Xasan Cabdi Calas Xasan Caabudaaq oo kamid ahaa Dadkii Kasoo qayb Galay Nunaasibadani Maanta ka dhacay Magaalada Caabudwaaq ayaa wax lagu farxo ku Tilmaamay in Bulshada Magaalada Caabudwaaq siwayn u xusaan 1da Luulyo wuxuuna Hambalyo u diray Guud ahaan Shacabka soomaaliyeed isagoona alle oga baryay in uu dhibka haysta ka dulqaado.

 

faadumo caanood oo kamid ah Ururada Haweenka ee Degmada Caabudwaaq oo iyana madasha ka hadashay ayaa Hambalyo u dirtay Shacabka Soomaaliyeed Waxaana ay sheegtay in Shacabka Degmada Caabudwaaq ay Usoo ducaynayaan Dalka in Eebe ka dulqaado Dhibaatada umada soomaaliyeedna Noqdaan kuwii aayahooda Garta ayadoona ay Munaasida Maanta ka dhacday Magaalada Caabudwaaq ay ahayd Mid siwayn ay ula dhaceen dadkii kasoo qayb Galay waxaana ay Munaasibadani maanta ka dhacday Bartamaha Magaalada Caabudwaaq.

 

Munaasibadani Maanta ka dhacday Magaalada Caabudwaaq ee Loogu Da’baal Dagayay 1da luulyo ayaa qayb ka noqonaysa Munaasibado waawayn oo sidan oo kale looga dhigay Gobolada Dalka soomaaliya iyo Guud ahaan deegaanada ay ku nool yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.