Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Dubeey, Iimaaraadka 2012:

 

Fanaanka Kooxda Dubai Star Axmed Biif oo Xalay Wacdaro ka dhigay

 

Fanaanka Caanka ah ee Axmed Cabdikariin Maxamed ‘Axmed Biif’ oo ka Tirsan Kooxda Fanka Dubai Star ee Wadanka Isutaga Imaaradka carabta ayaa Xalay Kala qeybgalay Kooxdaasi bandhig faneed Lagu Weyneynayay Munaasabda 1Luuliyo 2012 waxaan sidoo kale Fanaan Biif Ku wehliyay bandhigaan Fanaaniinta Kooxda Dubai star oo ay ka dhex Muuqatay fanaanada Caanka ah ee horay uga Tirsanaan Jirtay Kooxdii Heegan Faadumo Duur.

 

Axmed Cabdikariin Maxamed iyo Fanaaninta Kooxda Dubai star ayaa ka qaaday Magaalada shaaraiqa Heeso wadanio ah oo si weyn u soo jiitay ka qeybgalayaashii Barnaamijkaasi waxaana uu Hobalka iyo Fananaiinta la socotay ay Muujiyeen Dareenka ay u ahayan Maainta qadarinta iyo qiimaha leh ee 1da Luulyo Iyadoo Xalay jawiga Shaariga uu ahaa mid u Muuqday Midabka Baluuga iyo Cadaanka isagu Jira oo ay ku Labisnaayeen Dadweynihii Xafladaasi soo Camiray.

 

Axmed Biif ayaa sheegay Mar aan wax ka weydiinay dareenkiisa 1da Luulyo inay Tahay Maalin ku weyn quluubta Umadda Soomaaliyeed waxa uuna xusay in Sanadkaan uu Runtii uga duwan Yahay sanadihii ak horeeyay isla Markaana uu ku Faraxsan yahay Maadeyska ay Kooxdiisa Dubai star ku soo Bandhigeen Magaalada Shaariqa ee isutaga Imaaraadka carabta isagoo u Mahadceliayya dhamaan fanaaniintii ka qeybgashay bandhigaan lagu xusayay Munaasabada 1 Luliyo iyo dhamaan sahacabka somaaliyeed waxa uuna u Rajeeyay 3 guurada Munaasabadaan ee Sanadka Danbe 2013ka inay ku gaaraan Nabad,Horumar iyo Cadaalad isagoo ugu Baaqay bahda Fankana inay daradargaliyaan Howlaha baaxada leh ee ay u ahyaan Dalkooda iyo Umadooda Maadam Fanku Yahay qodobada ka qeybqaata Isku keenida iyo Nabada Umadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo 2012:

 

Sida Magaalada Baydhabo Janaay Looga Xusay Koowda Luulyo

 

Shacabka Magaalada Baydhabo Janaay ayaa sanaddo kadib si xornimo leh ugu dabaal degay Munaasabadda Koowda Luulyo oo ku beegan sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee dalka ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen Gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

 

62.jpg

 

43.jpg

 

32.jpg

 

81.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo 2012:

 

Ciyaaro lagu maamuusayay 1-da Luulyo oo galabta labada dhinac ee Gaalkacyo ku dhex martay garoonka Yamays Stadium

 

Ciyaartan oo ay soo qaban qaabiyeen bahda sportska Soomaalida ee Holland oo hormuud uu ka yahay C/ladhiif Islaw (Foorgacan) ayaa galabta waxay dhex martay laba kooxood oo ka kala yimid Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ee kala hoos taga Puntland iyo Galmudug isagoo oga dan lahaa isdhex galka bulshada dabaal daga ku aadan munaasabada 1da Luulyo oo ah maalintii ay xornimada qaateen Gobolada koonfureed ee Soomaaliya ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur 1dii bishii 7aad Sanadkii 1960kii.

 

2n7i8tx.jpg

 

2n80myg.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Lest people forget what we are celebrating. This nation and this flag are the reason we are rejoicing!! :D:D

 

459px-flag-map_of_somalia_svg.png

 

somalia-flag.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Orebro, Iswiidhan 2012:

 

JAALIYADDA SOOMALIYEED EE MAGAALADA ÖREBRO OO SI WEYN UGU DABAALDAGAY XUSKA 1-DA LUULYO

 

Xaflad ballaaran oo loogu dabaaldagayay 52 guuradii kasoo wareegatay 1:da Luulyo oo ku beegan markii ay xoriyadda qaateen gobalada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowgii labadii gobal ee Soomaaliya ay kala gumaysan jireen ingiriiska iyo talyaaniga ayaa ka dhacday magaalada Örebro ee bartamaha dalka Sweden .

 

Munaasabaddaan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee Dugsiga Vivalla ”Vivalla Skolan” oo ku yaalla xaafadda Soomaalidu ay ugu badantahay ee magaalada Örebro. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed oo ay isaga soo kala soo kala hayaameen degmooyinka iyo tuulooyinka hoostaga gobolka Örebro Län, si ay uga qayb qaataan maalintaan weyn ee mudnaanta iyo maamuuskaba leh.

 

Ugu horentii waxaa xafladda furay Farxaan oo ahaa xiriiriyaha barnaamijka isla markaana ka mid ahaa dhallinyaradii soo qaban qaabiyay xafladda ayaa dadkii munaasabadda isugu yimid uga sheekeyay qaabka ay ku qabsoontay xafladda iyo muhiimadda ay leedahay xusidda iyo weyneynta maalintaan 1:da LUULYO, waxuuna microfoonka ku wareejiyay Aweys Shiikhow oo ku furay ayado Qur'aanka kariimka ah.

 

Ugu horeenti waxa lagu furay Aayado Quraanka Kariimka iyo wacdi uu soo jeediyay Awees Sheekhow,waxa kadib lagu soo dhaweeyay Guddomiye ku xigeenka Ururka Afrisom Xaliima Cali Siyaad,Mudane Yuusuf Cabdo oo xubin ka ah Golaha Dagaanka,Dr,Faduma Sabti iyo Oday Bashiir.

 

Waxaa markiiba la guda galay barnaamijka munaasabadda. Waxaa madasha qudbado wax ku ool ah ka jeediyay aqoon ayan iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Marwo Xaliimo Siyaad oo ah guddoome ku xigeenka Jaaliyadda AHKC, siyaasiga soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka degmada Örebro Mudane Yuusuf Cabdow, Xarbi Caamir, Drs Faadumo Sabtiile iyo Bashiir oo ah qoraa’ kana warramay halgankii gobonimo doonka.

 

Waxaa xusid mudan waxgarad iyo aqoonyan aad u tiro badan oo munaasabadda ka soo qaybgalay. Waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo qayb galay ayaa oo ay ka mid ahaayeen Samiir, Sheykh Amiir, Baashe, Moonye, Guuleed Khadar, Khadiijo Raage, Canab, Cadar, Maryan Carriif iyo kuwo kale oo badan.

 

Munaasabaddaani oo si qurux badan u dhacday ayaa run ahaantii la wada qiray in ay tahay mid si heer sare ah loo soo diyaariyay, waxaana lagu soo bandhigay heeso ay qaadayeen fannaaniinta kala ah Deeq Dheeg iyo Keyse Koofirow, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, majaajillado ka hadlaya xaaladda Soomaaliya iyo maanta, waxaana lagu qiimeeyay xafladdii 1:da Luulyo ee ugu weyneyd oo laga xuso magaalada Örebro ee bartamaha Iswiidhan.

 

dabaaldagga%201da%20luulyo%20184.JPG

 

1daluulyo_Orebro3.JPG

 

1daluulyo_Orebro2.JPG

 

1daluulyo_Orebro7.JPG

 

dabaaldagga%201da%20luulyo%20207.JPG

 

1daluulyo_Orebro6.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malmo, Iswiidhan 2012:

 

Xaflad lagu maamusayo 1 Luuliyo oo lagu qabtay Magaalada Malmo, Sweden

 

Munaasabadan oo ahay mi aad loo soo agaasimay ayna si hufan uuga soo shaqeeyeen jaaliyad Soomaaliyeed ee dagan gobolka Skona ee dhaca koonfurta wadanka Sweden, ayaa waxa ay ka dhacday fagaare wayn oo ku yaalaa bartamaha magalaada Malmo oo ah magaalada sadexaad ee ugu wayn wadanka Sweden.

 

Dabaaldegan ayaa waxaa lagu xusayey Konton iyo Lbao guuradii Xoriyada wadanka Somaliya oo ay ahayd markii calan Soomaaliyeed laga taago Ciida wadanka Somaliya. Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay dad gaarayaa ilaa 3000 oo qof, dadkaas oo isugu jiray Soomaalida degan Gobolkan Skona, madax ka tirsan gobolka Skona ee Sweden iyo dadkale oo ajaanib ah oo ay soo jiidatay muusiga, ciyaaraha iyo heesihii halaasiga ahaa ee fanaaniinta Somaliyeed ay ka qaadayeen goobta xafladu ka dhacaysay.

 

Fanaaniinta Xaflada ka heestay ayaa waxaa ka mid ahaa Faadumo Ali Nakruuma oo ka soo baqooshay Waqooyiga Ameerika, Xassan Aadan Samatar, oo ka yimid wadanka Holland, Nicmo Yaasiin iyo Shamso Maxammed Food oo Iyaguna safar uuga yimid wadanka Ingiriiska.

 

Fanaaniintan oo goobta ka dhigay Fantasiyo ay kun soo bandhigeen muusig iyo heeso quruxbadan oo ay aad uuga heleen dhamaan dadkii Somalida iyo Swedish ka ahaa ee daawanayeye xaflada ayaa waxaa kale oo ay suurta geliyeen in Dhalinyaro Soomaliyeed ay halkaa ku soo bandhigaan cayaaraha ay Soomaalidu hiddaha iyo dhaqanka u leedahay ee ay ka midyihiin Dhaantada, Saylici iyo Niiko, Dhalinayardaas oo in mudo ah uu tababar ku hayayey ururka Hidde iyo Dhaqan oo uu hogaamiyo Warsame Cismaan, xaruntiisuna tahay isla Magaalada Malmo ayaa waxay daawadayashu aad uula dhaceen qaab ciyaareedkooda iyo sida ay jaanta iyo Cidhibta isula helayeen.

 

Waxaa iyaguna meesha ka maqnayn Haweenka Somaliyeed oo doorwayn ku lahaa Ababbulka iyo suurta gelinta xafladan iyoga oo dhamaantood xirnaa dhar ku dhaxran midabka Buluuga iyo xidigtii cadayd ee shant geesta ahayd, taas oo astaan unah calanka Somaaliyeed.

 

Ururka Hidde iyo Dhaqan ayaa Fagaarha xafladu ka dhacaysay waxaa uu ka dhisay Aqal Somali, Aqalkaas o oka turjumayey in Somalidu leedahay Dhaqan soo jireen ah, Aqalkaas waxa uu ka samaysnaa Harar, Kabad, Duur iyo Caws oo ah waxayaabo ay miyiga Somaliya aad looga isticmaalo. Waxaa iyaiguna meehs yaalay Alaabo kale oo hida iyo dhaqan u ah Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen, Haamo, Xeero, Barkin, Tip iyo Mooye iyo kuwa kale oo badan.

 

Waxaa Halkaas qudbado ka turjumaya xoriyada wadanka Soomaaliya iyo dhibaatooyinkii laga soo maray helitaankeeda ka soo jeediyey waxgarad Somaliyeed oo isugu jiray rag iyo dumar.

 

Ugudanbayntii, xafladu waxay ahay mid aad iyo aad uga fajicisay dhamaan ka soo qaybgalayaashe, waxaa kale oo ay xafladu bedashay fikirka dayarta Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray wadanka Sweden ay ka qabeen dhulkooda hooyo ee Somalia , taas oo dhalinyaradaad u bidhaamisay in ay leeyihiin wadan leh dhaqan iyo taariikh qani ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Phoenix, Mareykanka 2012:

 

Munaasabadda 1da Luulyo oo kadhacday Phoenix Arizona

 

Munaasabadda lagu maamuusayay 52 guuradii ka soo wareegtay xornimadii Soomaaliya oo lagu qabtay gobalka Arizona ee dalka Mareykanka.

 

Munasabadda oo ay soo qaban qabiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobalka Arizona (Somali Association of Arizona) ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ad u fara badan oo isugu jiray madaxda Jaaliyadda Haween Caruur iyo dhalinyaro ,Culuma’udiin Soomaaliyeed islamarkaasina lagu maamusayay dabaal-dega maalinta weyn ee 1 Luuliyo.

 

Waxaana dadweynaha munaasabadda ka soo qeby galay la hadlay Madaxa Jaaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cali dhuux islamarkaasina tilmaamay muhiimda ay Soomaalida u leedahay 1luuliyo oo ah maalin taarikh ah.

 

Waxaa farxad iyo sharaf inoo ah hadii aan nahay Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool degaanka gobalka Arizona inaan maanta u dabaal dageyno maalinta weeyn ee taarikhda ah islamrkaasina aan la qeybsaneyno Shacabka Soomaaliyeed meel walba ee ay aduunka ugu dabaal dagayaan munaasabadda weyn ee 1 luuliyo isla-markaasina an ku faraxsanahay inaan loo kala harin dabaal dega malinta muhiim-ka ah ee 1 Luuliyo .

 

Munaasabadda intii ay socotay waxaa hadal ka jediyaay Xaliimo Cabdirizaaq oo ka mid aheyd madaxda Haweenka Jaaliyadda (Somali Association of Arizona) waxaana hadalkeedii ka mid ugu horeentii waxaa mahad iska leh allaha weyn ee inoo suurta geliyay inaan caawa xusno maalinta 1Luuliyo islamrkaasina aan la qeyb –saneyno umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yahiin.

 

Waxaan intaasi ku dari hadii aan nahay Ururada Haweenka Soomaaliyeed ee Qaarada America inaan baaq nabadeed u jeedino wada-hadaladii Dowladda KMG iyo Dowladda Soomaliland dhawaan lagu gaaray wadanka (Isutaga imaaradka Carabta) in ay noqdaan wada-hadalo mirro dhal-yeesha .sido kalena ay labada dhinac ka sii shaqeeyaan sidii Soomaalida ay isu af garan laheyd.

 

1da_luulyo_arizona14.jpg

 

1da_luulyo_arizona8.jpg

 

2cn741w.jpg

 

8x3orm.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.