Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Boosaaso

 

1da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Boosaaso

 

9.jpg

 

20.jpg

 

25.jpg

 

Munaasabad balaaran oo lagu xusayo 1-da luulyo oo ku beegan xiligii gobolada koonfureed ee Soomaaliya ay madaxbanaanida ay ka qaateen gumaystihii Talyaaniga islamarkaana ay la midoobeen gobolada waqooyi ee dalka ayaa xalay ka dhacaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Munaasabad lagu qabtay guriga gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan dowladda Puntland, dadwayne,siyaasiyiin iyo ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee magaalada Boosaaso.

 

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay kuxigeenka duqa magaalada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir waxaana uu sheegay in munaasabadan ay tahay mid lagu wayneenayo xiligii umada Soomaliyeed ay ka xoreebeen gumaytihii Talyaaniga,waxaana uu sheegay inuu si’aad ah uu ugu faraxsanyahay munaasabadda.

 

Siyaasi Barqad Cali Saalax oo ka mid ahaa marti sharaftii kasoo qaybgashay kulanka ayaa ka sheekeeyay qaabkii shacabka Soomaliyeed ay u soo mareen sidii xoriyadooda uga qaadan lahaayeen gumaystihii dalka Talyaaniga iyo dhibaatooyinkii gumaystaha uu ku hayay shacabka Soomaliyeed.

 

Waxaa uu sheegay xoriyada maanta ay harsanayaan shacabka Soomaliyeed in loosoo maray dhibaatooyin waawayn oo isugu jirta dil,xabsi iyo waxyeelo kale duwan,waxaana uu sheegay in dhalinta Soomaliyeed in maanta looga baahanyahay in iyagoo isku duuban ay calanka Soomaliyeed ay ka qaadaan meesha uu maanta yaalo.

 

Duqa degmada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu ka sheekeeyay xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo qaankii ay u xoriyadooda u qaateen shacabka Soomaliyeed,waxaana uu sheegay in munaasabaddan uu ku faraxsanyahay,waxaana dhinaca kale uu ka hadlay xaaladda ka jirta dalka Soomaliya waxaana uu sheegay in guud ahaan umadda in looga baahanyahay inay midoobaan.

 

Xuska 1-da luulyo oo ay siweyn loo soo qabanqaabiyay ayaa hadalo badan iyo dardaaran kadib waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidamo katirsan dowladda Puntland kuwaasi oo gaardis kusoo bandhigay madasha ay kasocotay xafladda,waxaana ay salaan sharaf ay ka qaateen masuuliyiintii goobta ku sugnayd.

 

Waxaa intaasi kadib la saaray calanka Soomaaliya,waxaana hal mar isbadalay jawiga goobta xafladda ay ka socotay oo hal mar laguda galay sacab iyo farxad kale duwan.

 

Munaasabadda ayaa intii socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah waxaana goobta siweyn u soo camiray dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari.

 

Haweenka iyo dhalinyarada kasoo caratay xaafadaha Horseed iyo Dayaxa ee degmada Carmo ayaa ciyaaro xiiso badan oo soo jiitay kasoo qaybagalayaasha xafladda soo bandhigay,waxaana ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka dadkii cayaaray ka mid ahaa kuxigeenka duqa degmada Boosaaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir.

 

Si kastaba munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuweyd

 

Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka kuwait waxaa soo Agaasimay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait

 

xuska.jpg

 

k2.jpg

 

k5.jpg

 

Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka Kuwait taasoo looga xusay 1-da Luulyo 2011, halkaas oo ay ka soo qeeb galeen dhamaan jaaliyada iyo ururka ardayda Soomaaliyeed ee Kuwait intoodi

uu ku jiray dareenka Wadaninimo.

 

Xafladan Xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa soo agaasimay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Kuwait oo ay aad ugu eeyntahay Wadaniyada iyo xurmada ay u hayaan dalkoodi hooyo.

 

Xafladan Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay Social

Development Centre halkaa oo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka

soo qeeyb galay Xaflada ay ka qaadeen fanaaniinta jaaliyada soomaaliyeed ee

Kuwait iyo dhaliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto Xaflada Xuska 1-da Luulyo2011.

 

Waxaa kasoo qeeyb galay xafladan xuska 1-da Luulyo Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed Mudane/ Max’mud khumayni

iyo Gudoomiyaha Ururka ardayda soomaaliyeed ee Kuwait Eng. C/rashiid Mahad Ayaanle Shire iyo aqoonyahano , fanaaniinta, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ,Hooyooyinka Mas’uuliin sare oo Ka socda DKM ee Soomaaliya waxaana horkacay safiirka

soomaaliya ee Kuwait.

 

Furitaanka xaflada xuska 1-da Luulyo 2011 ayaa waxaa ka jeediyay qudbado ku saabsan dhibtaada loo soo maray Xoriyada iyo Taariikhda iyo qiimaha wadani nimada iyo Soomaaliyeed, Mudane Max’mud khumayni , Eng.C/rashiid Mahad Ayanle iyo Mudane C/laahi sooran, halkaas oo dad badan wejiyadooda qarisay ilin, aadna arkeeyso inay marba masaxayaan indhahooda, taa oo ay ugu wacneed dareenkooda dhibka loo soo maray Xoriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeeni helo nabad.

 

waxaa lagu soo bandhigay oo kale dhamaan ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku ciyaarayeen goobtaas caruur yar yar iyo dhalinyaro dhamaantood ku wada xaragoonaya Dhar ay ku sawiran yihiin astaamaha Calanka Soomaaliyeed iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dhanka hooyoyinkana waxa ay soo bandhigeen buraanburo ay ku luuqeeynaysay Marwo Shukri hooyoyinka kalena ay iyaguna ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo cayaarti buraanburka, taa oo iyana sii kiciysay dareenka dhamaan dadkii kasoo qeeyb galay Xuska 1-da Luulyo 2011.

 

Waxaa ah wax aan la hilmami karin dadkana dareenkooda aad u kiciyay dhalinyaro yar yar oo qaarkood laga yaabo weligood inaysan arag

Soomaaliya, balse ay ka muuqatay Wadaninimo aysan ku jirin hagrasho. Erayadii ugu qiimaha badnaa ee ay dhalinyaradan adeegsanayeen

 

iyaga oo indhahooda ka muuqato ilmo ayaa waxaa ka mid ahaa Soomali Waa Hal Dad, Soomaaliya Waa Hal Dal, Soomaaliya Nabad insha allah.Dhalinyarada soomaaliyeed ee Kuwait ee soo abaabushay Xuska 1-da Luulyo ayaa waxa ay yihiin kuwo mudan in hiil iyo hooba lala garab istaago si ay u baahiyaan dareenkooda Wadaninimo iyo baahida ay u qabaan dalkoodi hooyo oo hela Nabad iyo Dowladd baahi tiri karta Shacabka Soomaaliyeed.

 

Xaflada ayaa waxa ay bilaabatay 8.00 habeenimo waxa ayna dhamaatay 1.00 subaxnimo, waxa ay xafladaas Xuska 1-da Luulyo 2011 kusoo gabagaboowday Guul iyo sidii ay ugu tala galeen dhalinyaradii soo abaabushay ee Soomaaliyeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumaan

 

1da Luulyo oo Cumaan laga Xusay iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Cumaan oo si heersare ah oogu Dabaal-degtay Sanad-guuradii 51-aad ee Xornimada Soomaaliya

 

cumaan.jpg

 

cumaan1.jpg

 

cumaan5.jpg

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqaan dalka Cumaan ayaa u Dabaal Degtay Maalinta 1 luulyo xafladan ay waxa sii gaar ah ulahaa Qabanqaabadeeda iyo isku-dubraidkeeda gudiga PDF community xafladda oo ahayd heer sare ah ayna kaso qaybgaleen dhamaan bulshada somaliya ee ku dhaqaan sultanate Oman

 

Xaflada waxa kaso qaybgalay safaarad somalida.kowda luulyo waxa loogu talagay baramijo xiis gelyey dadka somaliyad ee goob joog ka ahayd xafladda Waxa lagu furay quuraanka karimka ah.

 

Xaflada Waxaa Xiriirinayey Mohamed Yusuf waxaa halkas ka hadalay oo furay Gudoomiyaha Qaban Qaada Xafladaas Mudane: Mohamed Farah Xaaji Mire oo halks kaso jeediyey Taarikhda kowda luulyo oo kooban xooriyadii somaliya iyo Muhiimada Xaflada Caawa Wuxuuna Mahad Gaar Ah u Celiyey Dhamaan Dadkii kasoo Qayb Galay . Ay Ugu Horayso Safaarada Somalida . Somalida Iyo Sida Wanaagsan Ee Umudu Ugu Riyaaqday Xafladaas Quruxda Badan.

Sii aqriso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jarmalka

 

1d Luulyo oo Jarmal laga xusay - Soomalida Jarmalka oo u dabaaltagtay Maaalintii Xoriyadda Soomaaliya qaadatay

 

jarmalka_xuska_1_luuliyo_2011_18.jpg

 

jarmalka_xuska_1_luuliyo_2011_2.jpg

 

jarmalka_xuska_1_luuliyo_2011_15.jpg

 

jarmalka_xuska_1_luuliyo_2011_29.jpg

 

Xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna xusayay 51 guurada ka soo wareegatay mideyntii gobolada waqooyi iyo koonfureed,ee giyaga soomaliyeed laguna qabtay magaalada trustoof ee dalka jarmalka,ayna ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid,guud ahaan Gobolada uu ka kooban yahay Dalka Jarmalka iyo Wadamada deris la ah Dalka Jarmalka.

 

Furintaanka xaflada waxaa ugu horeyn aayado quraana iyo hadal yar oo kooban, ka soojeediyay Dr. Aweys Cumar Xaayoow wuxuuna Dr Aweys Cumar Xaayoow dadkii ka soo qeyb galay xaflada xusuuyay,qiimaha ay 1 luuliyo ugu fadhido Ummada Soomaaliyeed, taas oo ah mid aan weligeed la ilaawi doonin,inta jiil soomaaliyeed jiro, waxaa kaloo halkaasi ka soo jeediyay eryo soo jiitay dadkii halkaas isagu yimid Safiirka Dowlada Soomaaliyeed u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamud maxamed Tiifoow.

Sii aqriso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Trondheim, Norway

 

Wacdarihii 1da Luulyo oo magaalada Trondheim ee dalka Norway ku soo biirtay

 

SAM_5558.JPG

 

SAM_5810.JPG

 

Tron.jpg

 

Xaflad heer sare oo aad loosoo abaabulay oo lagu maamuusayey munaasibada koowda luulyo oo ka dhacday magaalada Trondheim ee wadanka Norway.

 

 

Sanadkaan oo eey 51 jirsatay Xuriyada qaranimada Soomaliyeed ayaa waxa xafladaan si weyn usoo qabanqaabiyay dhalinyaro isxilqaantay iyo Mudane Ismaaciil Muxudiin oo ah run ahaantii Shaqsi aad ugu firfircoon Bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada Trondheim.

 

Soomaalida ku nool magaalada Trondheim iyo agagaarkeeda ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Soomaalidua Trondheim waxay muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960.

Sii aqriso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soderhamn, Iswiidhan

 

Munaasabada 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Soderham iyo dad caan ah oo ka qeyb galay

 

aw-dinari_1.jpg

 

aw-dinari_3.jpg

 

aw-dinari_4.jpg

 

Waxaa lagu qabtay Magaalada Soderhamn ee dalkan Sweden munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo lagu xusayey Maalinta Xornimada Umadda Soomaaliyeed.

 

Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Jaaliyadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda Haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Söderhamn ee dalkan Sweden.

 

Munaasabaddan oo ay ka so qeybgaleen Marti sharaf badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalkan Sweden ah ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Cabdi Raxmaan Diinaari, Wasiirkii Ganacsiga hore, isla markaasna ahaa Afhayeenkii Dowladda Kumeelgaarka.

 

Martisharaf ta kale ee ka soo qeybgalay munaasabaddan ayaa waxaa ka mid ahaa Abwaanka Weyn Mustafa Sheikh Cilmi, Abwaanka Weyn Cabdullahi Nuur Ducaale, Mudane Cabdullahi Yalaxow Maalin oo ah xubin sare oo ka tirsan Ururka Waddaniyiinta Soomaaliyeed iyo Madaxda Xisbiga Social Democrats ee Söderhamn Kommun iyo Madaxda Ururka ABF Hälsingekusten.

 

Munaasabaddan ayaa abwaan Cabdullahi Nuur Ducaale ku soo bandhigay isla markaasna warbixin kooban ka bixiyey Ruwaayadda Sandareerta oo ah mid ka hadleysa sida ay u dhaqmaan madaxda dowladda ee ka doortay lacago yar yar halkii ay qaranimadda u istaagi lahaayeen.

 

Khudbadihii la soo jeediyey oo runtii ahaa kuwa aad u xiiso badan ayaa waxaa khudbad xiiso badan ka jeediyey Mudane Cabdiraxmaan Diinaari oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga ee dowladda ku meel gaarka ah, isla markaasna ah Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Suuriya. Mudane Diinaari ayaa ka warbixiyey sida ay muhiim u tahay in dhalaanka soomaaliyeed lagu abaabiyo qaranimo iyo dal jaceyl, isagoo ku baaqay in ay wadaniyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isku xirnaadaan waxna u qabtaan dalkooda.

 

Dhinaca fanka iyo heesaha waxaa isku soo dubariday isla markaasna wacdaro ka dhigay goobta fanaaniintan kala ah Faysal Hobolka, Fanaanka Söderhamn Maxamed Warsame Ganey, Maxamed Saalax Qaasim iyo fanaanka da'da yar Maxamed Yare. iyadoo dhinaca fankana uu qeyb weyn ka qaatay Abwaan Mursal Geesaale.

 

Munaasabaddan ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay laga dareemayey wadaninimo iyo dal jaceyl.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Atlanta, Mareykanka

 

JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE ATLANTA OO U DABALDEGTAY MAALMAHA XORIYADDA SOOMAALIYEED

 

611.jpg

 

Waxaa Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka lagu sameeyey Xaflad aad iyo aad u heer sareysa oo ay abaabuleen Somali_American Community Center oo loogu dabaldegaayey Maalmaha 26 Juun oo aheyd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago iyo 1da Luulyo oo aheyd Xoriyaddi Goboladda Koonfureed iyo Midawgii Labadii Gobol oo ay halkaa ku noqdeen Jamhuuriyaddi Soomaaliyeed,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Odayaal oo ay dhamaantood ka muuqatay Shucuur wadaninomo,waxaana Xaflaadasi lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah,waxaana ku xiga Heestii caanka aheyd ( SAREEYOW MA NUSQAAMOW KAN SIIB KANNA SAAR),waxaana heestaasi inta ay socotay kor u kacay shucuurtii Soomaalinimo oo ay Muujiyeen ka soo qeyb galayaashii,waxayna Ummadii ka soo qeyb gashay ay soo Bandhigeen in ay yihiin kuwa waligood aysan ka tirtirmeynin Wadaniyadda iyo Soomalinimadda,waxayna ka soo qeyb galayaashi ay u Mahadceliyeen Guddiga Soomali-Americaan Community Center,iyago ka codsaday in ay sanad walba Maalintaa oo kale la qabanqaabiyo Xaflado loogu dabaldegaayo maalmahaasi qiimaha leh.

Sii aqriso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

MMA, thanks for the lovely pictures, and the wonderful articles of the Kowda Luuliyo. Waxaan rajaynayaa mar dhow in sawiradaan quruxda iyo sharafta leh ay noo badali doonaan kuwa hada ka buuxa Google.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.