Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Iffah   

Wow, nice turn out in Oslo! Thanks for sharing these pics, I enjoyed viewing them.

Why can't we do such a nicely organized gathering in outdoors like that here in Toronto? I think we'd have more people involved that way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

Good turnouts.

It shows that many Somalis around the world have not forsaken their hope and patriotism yet because of the past and current events in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

I see no flags of the countries the celebrations are held in, this only justifies individuals interested in portraying the respective Somali communities as enemies within the state, or some other lame nonsense. Articles like ''the London and Minnesota Somali communities welcomes their president'' sends a wrong underhanded message i.e David Cameron or Obama are not their heads of state.

 

Therefore some symbol of the diasporic country should be added, not just out of respect for the natives, but to also cement to the younger generation that this is their country just as much as Somalia is, and therefore they should extend/showcase the same affection/attachment during these celebrations for the countries they call home today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bilaal, widaay adaa mudan.

 

Celebrations around the world continue.

 

Athens, Giriiga:

 

1da Luuliyo Oo Si Aan Caadi Ahayn Loogu Sagootiyey Giriiga

 

Waxaa lagu qabtay munaasabada 5 star oo ku yaala bartamaha magaalada Athens ee dalka Giriiga ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu sagootinaayay 1da luuliyo.

 

Munaasabadan ayaa lagu xusayay Sanadguurada 50-aad ee 1-da Luulyo markii ay isku biireen gobolada Waqooyi iyo Koonfur dalka Soomaaliya waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin katirsan dowladda Giriiga, Xubno kasocday jaaliayadaha ajnabiga ee Giriiga, Ganacsato Giriig u dhashay, martisharaf iyo Kumanaan Soomaali ah.

 

Xafladaasi waxaa hadalo ka jeediyey madax sare oo ka tirsan xukumad Federalka Soomaaliya oo khadka Telefoonka kaga qeybgalay kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Reysulwasaare Xigeenka ahna Wasiirka Taramarta Dowlada Soomaaliya C/fitaax Goonje iyo Wasiirka jaaliayada dowladda C/laahi Azhari iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay 1-da luulyo iyo sida lagama maarmaanka ah ee loogu baahanyahay in markasta loo taagnaado midnimada iyo nabadgelyada Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Giriiga Dr Ilyas Cali Xasan oo isna khudbada dheer ka jeediayay halkaasi ayaa kaga hadlay waxyaabo badan oo taabanaya dhibaatada Soomaalida Qurbaha ku dhaqan iyo in layska kaashado horumarka iyo maslaxada Soomaaliya, waayo ayuu yiri hadii aan nabad heysan laheyn Qaxooti kuma ahaan laheyn qurbaha.

 

Wuxuu sidoo kale Ilyaas uu ka hadlay hadlay xaalada hada uu ku suganyahay dalka iyo marxaladi ay gobollada Koonfureed uga qaateen xorriyada gumeystihi Talyaaniga.

 

5200.jpg

 

1luu2.JPG

 

e_12.jpg

 

b_21.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khartuum, Suudaan:

 

1da Luulyo & Sida Loogu Soo Dhaweeyey jamhuuriyada Wadanka Suudaan

 

Munaasabad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda kulanka dhalinyarada soomaaliyeed ee wadanka sudan laguna xusayey 1da-luulyo ayaa waxa ay xalay ku qabsoontay howlka shirarka ee jaamacada international university of africa ee kutaal bartamaha magaalada khartoum ee xarunta wadanka sudan.

 

Munaasabadaani oo ay kasoo qeyb galeen safiirka Soomaaliya ee sudan, barayaal, jaaliyada Soomaaliya, ardey iyo xubno kale, kuwaasoo lagu marti qaaday inay markaasi soo xadiraan xaflada,taasoo aheed mid lagu weyneenayey markii Soomaaliya madaxbanaani ka qaadatay mustacmarkii ingiriiska iyo talyaaniga.

 

Daaciga weyn ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo iminka ku sugan magaalada khartoum ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta taariikhiihii kala duwanaa ee uu soomaray dalka ay dugaashadeen xasaradaha ee soomaaliya,isagoo ugu danbeyntii alle uga baryay masiibada heeysata shacabka soomaaliyeed inuu ka samata bixiyo.

 

Sidoo kale waxaa isana goobta ay ka socotay xaflada hadal gooban kasoo jeediyey safiirka soomaaliya u fadhiya wadanka sudan mahdi abuukar,wuxuuna qiray in loo bahan yahay ayuu yiri in shacabka iyo dalka laga samatabixiyo doonida quusaysa oo ay saaran yihin.

 

intii lagu guda jiray munaasabdii lagu xusaayey 1da luulyo ayaa waxaa hoolka lagu soo bandhigay film decuments ah oo ka tarjumaayey taariikhda madaxdii kala duwaneed ee markaasi wadanka soomartay iyo bilicda wadanka siduu ahaa barisamadkii iyo maanta sida uu u muuqdo.

 

Sikastaba ha ahaatee wadaadka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu sudan uga sii talaabi doono wadanka sweden,halkasoo uu ku qaban doono muxaadarooyin iyo barnaamijyo diini ah,wuxuuna casuumaad uu ka helay jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi.

 

suudaan.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanca, Yeman:

 

Cayaar Saaxiibtinimo Oo Lagu Xusayay 1da Luuliyo Oo Yemen Ka Dhacdey

 

Munaasabada 1da luulyo oo naadiga All Ahli yemen kala qeeb qaatey dhalanyaradda jaaliyada soomaaliyee ee dalka yemen

 

ciyaar saaxiibtinimo oo lagu xusayey koowda luulyo ayaa waxaa ka dhacdey garoonka all ahli stadyam ee magaalada sanca ee dalka yemen ciyaartaan ayaa waxaa eey aheed ciyaar aad u xiisa badan,

 

ayadoo aheeyd maalin munaasabad u ah dalka soomaaliya ciyaartaan ayaa waxaa eey bilaabatey 4:00 galabnimo ee maalinta khamiista taariikhdana ku beegneed 1da luulyo 2010 .

 

garsooraha ciyaarta ayaa waxaa uu ahaa garsoore caalami ah oo u dhashey dalka yenen

marka eey sirasmi ah ciyaarta u bilaabatey ayaa waxaa u suurta gashay naadiga all ahli in

ey dhaliyaan gool isla kaambiyadii hore ayaa dhalanyaradda jaaliyada soomaaliyeed ayaa waxaa eey layimaadeen goolkii bareejada

 

kaambiyadii labaad ayaa waxaa marlabaad waxaa u suurta gashey kooxda jaaliyada soomaaliyeed in eey dhaliyaan goolkii labaad ciyaar waa gelin danbe kooxda al ahli ayaa waxaa ee dhaliyeen goolkii bareejada ahaa.

 

Marka ay ciyaarta ka dhimantahay shan daqiiqo ayaa naadiga al ahli waxaa eey dhaliyeen goolkii sedexaad kaas oo eey ku raacdey guusha ciyaarta ayaa waxaa ee ay ku dhamaatey sedex iyo labo gool oo eey ku badiyeen naadiga all ahli yemen oo ah naadiga ugu adag guud ahaan naadiyaasha dalka yemen.

 

yeman.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Toronto, Kanada:

 

Celebrating the Canadian Somali Community in Ontario Somali Flag Raising Ceremony at the Ontario Parliament

 

I want to begin my remarks by thanking the member of the Ontario Parliament from Eglinton-Lawrence, Mr. Mike Colle, for organizing the first ever celebration of the Canadian Somali community in Ontario and the raising of the Somali flag at the Ontario parliament. I also want to thank the other MPPs, distinguished guests and members of the Canadian Somali community who have come to this historic event.

 

The speakers who spoke before me touched on the difficulties facing Canadian Somalis as well as the insecurity that plagues parts of Somalia. The main reason that the positive contributions of Canadian Somalis are largely unknown is due to the fact that we are a modest people. We do not make a concerted effort to showcase the best and brightest among us. One of my duties as the head of the national organization for the 200,000 strong Canadian Somali community is to highlight our success stories so as to create a positive image for our people in Canada and enable us to push back against some of the negative perceptions that have been created about us. I want to take this opportunity to remind my fellow Canadian Somalis that they should stop expecting the media to come into our community and fish for these successes. Instead, we should proactively engage the media and our elected officials, welcome them into our communities and neighbourhoods, and enable them to learn as much as they can about our life in Canada.

 

At this point, I want to mention some of the examples of the successes that need to be known about this dynamic community and its contributions to the larger Canadian society. First, the Canadian Somali community has added its immensely rich culture and heritage to the Canadian mosaic. Aspects of this culture that we can be proud of include, but are not limited to, a rich tradition of poetry and respect for the wisdom of our elders. Second, the Canadian Somali community possesses a very strong and fearless entrepreneurial tradition. Canadian Somalis, like other Somalis around the world, will take business risks, invest and succeed in city areas that have been written off by others. This can be seen by the hundreds of very successful Canadian Somali owned and operated small business establishments in Ontario and Alberta. I was recently in Alberta for an extended period of time and I was fortunate enough to witness how in a short period of time, Alberta Somalis have transformed 118 Avenue from a depressed area to a revitalized and booming business neighbourhood that has now been proudly renamed Alberta Avenue. Despite the media reports of the troubles facing Canadian Somali youth, the third success story is the thousands of youth who are succeeding despite the odds and we as a community owe a great debt to their parents who have struggled with these youth to keep them out of trouble, enabled them to quietly play by the rules and graduate in record numbers from colleges and universities. We as a community owe a special debt to the Canadian Somali women who constantly exhibit resilience and a quiet dignity as they overcome overwhelming odds. That is why we consider them the undisputed backbone of our people in Canada. I can keep going and continue to list more success stories but in the interests of time, I will end my remarks here.

 

I will conclude by once again by thanking MPP Mike Colle and the Ontario government for officially recognizing the Canadian Somali community in Ontario. It is a much appreciated and long overdue gesture of support from our government to our community and we hope it is the first of many celebrations to come.

 

Thank you.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Stora, Iswiidhan:

 

Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Dalka Sweden

 

Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku began xornimo-qaadashadii Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Magaalada Lindesberg ee dalka Sweden, iyadoo xafladdaasna ay ahayd mid ay si weyn uga soo qeybgaleen dadweyne aad u faro badan.

 

Xafladda oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Soomaalida ku dhaqan Xaafadaha Störa, Stråssa iyo Kopperperi ayaa waxaa looga hadlay taariikhda Soomaaliya iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xornimo-qaadashadii Soomaaliya.

 

Munaasabadda waxaa ka hadashay Safiyo Cali Maxamuud oo ka mid ahayd qabanqaabiyayaasha Xafladda, waxayna ka taariikheysay halgankii loo soo maray xornimada Soomaaliya, waxayna xustay in sanadkii 1960kii ay Gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya oo ay kala heysteen Dalalka Britain iyo Italy ay xornimo buuxda qaateen.

 

“Sida aad la socotaan 26-kii June 1960 waxaa xornimo ka qaatay Britain gobollada Waqooyi, iyadoo afar maalmood kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur”ayay tiri Safiyo Cali Maxamuud.

 

Safiyo waxay intaas ku dartay in ay nasiib darro tahay in 50 sano kaddib halgankii loo soo galay xornimada Soomaaliya ay maanta dadka Soomaaliyeed ku jiraan marxalad aad u adag oo nabad iyo nolol la’aan ah.

 

“Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu dhinacyada is-haya uu garan-siiyo wanaagga iyo Soomaalinimada waxa ay tahay”ayay mar kale tiri Safiyo Cali Maxamuud.

 

Haddaba Xafladdii lagu qabtay Xaafadda Stora ee dalka Sweden oo ka qeybgalayaashii ay si weyn ugu damaashaadeen munaasabadda sanad-guuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii ay Soomaaliya xornimada ka qaatay gumeystayaashii Britain iyo Italy.

 

Ugu dambeyntii, xafladda oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxay ka qeybgalayaasha isugu hambalyeynayeen munaasabadda xornimo-qaadashadii Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena Alle ka baryayay in uu dhibaatada ka dul-qaado Dalka Soomaaliya.

 

stora8.jpg

 

stora5.jpg

 

stora4.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Danjire Ameeriko:Xaflada 1da Luulyo Waxaan Ku Qabanaynaa Guriga Safaarada

 

Qabanqaabo xooggan oo loogu dabaaldagayo maalinta xurnmada iyo midnimada Soomaaliya ee 1da July ayaa waxa ay ka socotaa xarunta safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (ameeriko) ayaa Radio Muqdisho u sheegay in safaaradu ay qabanqaabineyso xaflad weyn oo lagu qaban doono dhismihii safaarada la soo celiyay, si soomaalidu u dareemaan xorriyad.

 

Safiirka ayaa waxa uu intaas ku daray in ay doonayaan in ay tusaan dadkii ka shakisanaa soo celinta dhismaha safaaradda oo ay maxkamadda sare ee dalka Kenya 7dii bishii disember 2010 ay u xukuntay dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale safiirku waxa uu sheegay in ay dabaaldagga ka qeyb qaadan doonaan fanaaniin caan ah sida Saado Cali Warsame iyo fanaanka Axmed Naaji Sacad, waxaana markii ugu horreysay la marti qaaday qaxootiga xeryaha Dhadhaab oo Nairobi ugu dabaal dagi doono maalinta xorriyadda, waxaana safarkooda iyo joogitaankooda Nairobiba dusha u ridatay safaarda Soomaaliya ee Nairobi.

 

Dabaal daggaan ayaa waxaa la filayaa in uu ku beegmi doono maalinta 1da luulyo, waxaana jira xaflad kale oo ay safaaradu qabanqaabineyso oo habeenka ay soo galeyso 1da Luulyo ka dhici doonto goobo ku yaalla Nairobi.

 

Hadalka safiirka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay wargeysyada dalka Kenya si aad ah u hadal hayaan, isku day ay wadaan qolyihii safaarada iibsaday oo doonaya in ay dib u furan dacwad, si ay u mar kale ula wareegaan hantidan Soomaaliyeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

OGEYSIIS: Xuska munaasabada Kowda Luulyo ee magaalada München ee dalka Jarmalka

 

Dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada München Ee Dalka Jarmalka & Agagaarkeeda la Ogeysiinayaa inay kasoo qeyb galaan Xaflad ay soo Agaasimeen Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed München oo lagu xusaayo Munasabadda 1-da Luuliyo waxaanna la qaban donaa Maalinta Jimcaha 1-Luulyo, Saacada 20:00 (Laba Saac Habeenimo), Addreska Leipziger Strasse 2 U1 Westfriedhof

 

Waxii Faahfaahin Ah Kala Xiriir Maamulka Xaflada Saalax Muriidi Iyo Ilyas Ahmed 017673276458 Iyo 017673969310

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

U diyaar garowda Xuska 1-luulyo oo laga dareemayo Magaalada Garoowe

 

Qaban qaabada xuska 1-lulyo ayaa waxaa laga dareemayaa qaybo ka mid ah Degaanada Puntland .iyadoona ay 1-lulyo ay ku beegan tahay maalinta bari oo waana waqtigii ay xornimada ay qaateen Gobaladii koonfureed ee wadanka soomaaliya.

 

Xuska maalintii ay xoriyada ay qaateen Gobaladii koonfurta soomaaliya oo kuna beegan 1-lulyo ayaa waxaa dadka ku dhaqan magaalada garowe caasimada Puntland ka buuqatay u diyaar garowda xuska maalintasi qiimaha wayn ku leh umada soomaaliyed meel walba ay joogaan .

 

Maxamad Cali Cabdi oo ka mid ah Dadka indho garadka ah ee ku dhaqan magaalada garoowe ayaa maanta isago u waramayay warbaahinta Dunida Online xafiiska magaalada Garoowe ,waxa uu sheegay xuska luulyo kowdeeda inay tahay maalin qiimo leh ,isagoo ay ka buuqato qiiro iyo wadaniyad ayaa waxa uu sheegay naf ahaan tiisa inuu barito xus gooni ah u samaynayo .

 

Dhanka kalena hooyoyinka ku dhaqan magaalada Garoowe waxaa laga dareemayaa u diyaar garow maalinta 1-lulyo oo ah xiligii ay midoobeen Gobaladii waqooyiga iyo koonfurta soomaaliya ,waxayna dhamaan iisheegaan inay ku farax san yihiin xusitaanka maalintaasi qiimaha leh .

 

Dowlada Puntland dhankeeda wax qaban qaabo ah lagama dareemayo oo ku aadan xuska maalinta 1-lulyo xoriyad qaadashada G/koonfureed ee dalka soomaaliya, waxayna arintaasi kusoo beegmaysaa xili wadanka soomaaliya uu caga la galay waqti xun oo dadka wax ku oolka ah la dilayo maalin cad.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidee Loogu Diyaar Garoobay Maalinta Qiimaha Badan ee 1-da Luulyo

 

Waxaa I Naga Xigta Hal Maalin Iyo Saacado Maalinta Qiimaha Badan Ee Xurnimada Qaadanay Ee Ku Beegan 1-da Luuliyo Oo Ah Habeenkii aan Ka Xurownay Gumesytiahii Talyaaniga Isla Markaana ay Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koofur,

 

 

 

Waa Maalin Qiimo Badan Guud Ahaan Shacabka Soomaaliyeed Meel Walba oo ay Joogaan u Dabaal Daga Isla Markaana U Sameeya Fantastiyo Ku Aaadan Maalitaan Dabcan Sanad Walba waxa uu Wataa Wacadaro Gooni ah Iyo Marxalad u Gaar ah oo ay kaga Duwan tahay Qaabka Loo Qaabilo Maalintaan Qiimaha Badan ee Kowda Luuliyo,Taa oo Sababeynayo Xaaladaha Cagiran ee Ka Jira iyo Dagaalada aan Dhamaad Laheyn ee Hareeyay Caasimadii Dalka Hooyo iyo Deegaanada Dalka Hooyo Ee Soomaaliya.Nasiib Darada Haleeshay Shacabka Soomaaliyeed Ku Dhawaad 20Sano Si Wada Jir ah Uma aysan Xusin Maalinta Qiimaha Badan isla Markaana ugama Aysan Arag Fagaaraha ee looga Bartay In Loogu Dabaal Dago Maalintaan Qiimaha Badan ,

 

 

 

Sanadaan Soomaalida Waxa Dhamaan Magaalooyinka ay ku Nooshahay Waxaa Laga Dareemayaa Dahq Dhaqaaqyo Culus iyo Diyaar Garow Xoogan oo ay ugu Jiraan Soo Dhaweynta Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee Kowda Luuliyo,qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada,Fanaaniinta ayaa Wada Dhaq Dhaqaaaqyo ay kusoo Dhaweynayaan ayadoo ay horseed u yihiin Bulshada in ay Kala Qeyb qaataan Xuska 1 Luulyo,Goobo Badan ayaa Loo Diyaariyey si Bulshada Isugu Timaado Isla markaana ay Meel ugu wada Xusaan,

 

 

 

Xarunta Madaxtooyada Ee Dowlada KMG ah Soomaaliya Ayaa La Faliyaa in Lagu Dhigo Munaasabad Balaaran oo Loogu Dabaal Dagayo Maalintaan Qiimaha Badan Waxaana Munaasabadaas Ka Qeyb Gali Doono Madaxda Sarsare Ee Dowlada KMG ah Soomaaliya,Mas,uuliyiin Kala Duwan, Golaha Barlamaanka,Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Marti Sharaf kale oo Aad Badan,Sido kale Munaasabado kuwaan La Mid ah ayaa Aayaguna Lagu Qaban Doonaa,Gobalada Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Deegaanada ay Ka Taliyan Maamulada Ka Madax Banaan Ururka Al Shabaab,

 

 

 

Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Ayaa Ayaduna Lagu Wadaa In Lagu Qabto Munaasabad Balaaran oo Aay ka Qeyb qaadan Doonaan,Fanaaniin,saxafiyiin,Madaxda Jaaliyada Dalka Kenya,iyo Marti Sharaf kale oo Farabadan,waxaana Munaasabadaa lagu Casuumi doonaa Madax Ka Socota Dowlada Dalka Kenya.Sida uu Warbaahinta u sheegay Safiirka Soomaaliya U fadhiya Kenya Cali Americo,waxaana Xusay in Ay Ka Duwanaan Donto Maalintaan Maalmaha Kale.

 

 

 

Goobaha Waa weyn ee Ilaa Iminka La Cayimay Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Xarunta Weyn ee Tv-ka Caalamiga ah Universal Tv Halkaa oo uu Ka Dhici Doonp Xaflad Balaaran ooo Ay Soo Agaasimeen Madaxda Tv-ka Caalamiga Ah Universal Howl weyn ayaa loo Diyaariyey Si Dadweynaha Ku Sugan Magaalada London Iyo Nawaaxigeeda ay uga Qeyb Qaataan Munaasabadaa Waxaana Halkaa Lagu Casuumay Fanaaniin Aaad U farabadan Aayadoo Dadweynaha Ku Sugan Daafaha Dunida ay Xafladaa Si Toos Ah Uga Daawan Doonaan Shaashada Caalamiga ah ee Universal Tv.

 

 

 

Guud Ahaan Magaalooyin Waa Weyn oo Caalamka Ka Mid Ah Isla Markaana ay Ku Badan Yihiin Soomaalida Aayaa Waxaa Ka Socda Qaban Qaabo Xoogan oo Ay Wadaan Jaaliyadaha Soomaalida ee Ku Nuul Qurbaha, Magaalooyinka La Filayo In Fantasyiyaha uu Ka Dhaco Waxaa Ka Mid Ah Wadamada South Africa, America, Swedan, Sacuudi arabiya, Dubai, Holand, Maleysia, Qadar, Kuweit, iyo Wadamo Kale Oo Badan.

 

Maamulka iyo Shaqaalaha Kala Duwan Ee Shabakada Warbaahinta Caalamka.net Ayaa Dhankeeda Diyaar Garrow Kaa La Mid ah Gashay Waxaana Shaashada Weyn Ee Caalakamka.net Si Talantaali ah Idin Kugu So Gudbin Doonto Hadba Munaasabad Walba ee Loogu Dabaal dagayo Maalinta Kowda Luulyo,ayado Sido Kale Shabakada Aay soo Bandhigi Doonto Barnaamijyo,Maqal iyo Qoraal ah Intaba Kuwaa Oo Ku Saabsan Taariikhda Faca Weyn ee Maalinta 1-da Luulyo Ku Dhax leedahay Bulshada Soomaaliyeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.