Sign in to follow this  
Juje

Maxamed Dhere bites the dust....gix..gix..gix..!

Recommended Posts

Juje   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

 

doqonfg5.jpg

 

Talaado, July 29, 2008(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Muqdisho waxay xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ka qaadeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Shirka ay Golaha Wasiirrada isugu yimaadeen oo uu shir guddoominayay Ra’’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxday in Xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Midkii Duqa Magaalada Muqdisho laga qaaday Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere).

 

Warar aynu ka helnay Ilo ku dhow dhow shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta waxaa lagu sheegay sababta Maxamed Dheere xilkaas looga qaaday xil-gudasho la’aan iyo in ay ka soo eed-sheegteen Xubno kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sheegay in ay la shaqeyn waayeen Maxamed Dheere.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in xilkii uu hayay Maxamed Dheere si KMG ah loogu sii dhiibay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada.

 

Maxamed Dheere ayaa xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir loo magacaabay 26-kii April ee Sanadkii 2007, iyadoo uu magacaabay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareegto xafiiskiisa ka soo baxday lagu sheegay in uu magacaabistiisa aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Maxamed Dheere ayaa intii aan xilkaas loo magacaabin wuxuu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ku midoobay Isbaheysi la magac baxay La-dagaalanka Argagixisada, kuwaasi oo ay ka awood roonaadeen Maxkamadihii Islaamka bartamihii sanadkii 2006.

 

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa intii aaney ka awood roonaan Maxkamadihii Islaamka waxaa uu muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo marka laga soo tago in uu dadka gobolka ku soo rogay Shuruuc adag iyo Canshuur xad-dhaaf ah uu dhinaca kale si weyn u sugay ammaanka Gobolkaas, taasi oo keentay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeeyaan Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

 

maxameddhereic0.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

That's gr8.

This dumbass was most pathetic figure in the traitors team...Darwish and Qeyrdiid should follow suit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

There has been and always will be dumb, uneducated imbiciles turned politicians but this man takes the buscuit.

 

*says nothing about the president* <<<<< make a note people :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder where will he hide after the millions of people he helped displace?

 

Nowhere in somalia is safe for that guy.

 

I hope AY is next, getting rid of that old man would be one step closer to peace in somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

mdheere.jpg

Mogadishu Mayor Sacked for Lack of Competence

Mogadishu, Somalia (HOL) - In a meeting held today in Mogadishu, Somalia’s Transitional Federal Government (TFG) cabinet removed the mayor of Mogadishu Mr. Mohamed Omar Habeb (aka Mohamed Dhere) from his post as mayor of Mogadishu.

 

The Prime Minister of the TFG Mr. Nur Ade chaired the cabinet meeting where the decision to remove Mr. Mohamed Dhere from both chairmanship of the city council and his mayoral position was taken.

 

Sources close to participants in the cabinet meeting where the decision was taken told us that among the reasons stated for removing Mr. Mohamed Dhere from his position include incompetence and the fact that several senior members of the city’s administration complained about him and made it clear that they could not work with him.

It is also reported that Mr. Mohamed Osman Ali (aka Dhagah-tur) who is currently deputy mayor of social services will be the interim mayor of the city.

Mr. Mohamed Dhere was appointed to position of the mayor of Mogadishu on April 26 2007 by former Prime Minister Prof. Ali Mohamed Gedi in memo that noted that the president of TFG Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed approved of Mr. Mohamed Dhere’s appointment as mayor of Mogadishu.

 

Before being appointed to mayor of Mogadishu, Mr. Mohamed Dhere was a member of a group of warlords who united under the umbrella organization to fight terrorism which was defeated by Union of Islamic Courts (UIC) in the middle 2006.

 

Before that, Mr. Mohamed Dhere was the strongman and self-appointed governor of lower Shebele region for five years. While acting as governor of lower Shebele, Mr. Mohamed Dhere ruled the region with iron fist and imposed high taxes but was able to make the region, particularly the city of Jowhar which is the capital of lower shebele one of the more secure cities in southern Somalia. This led to President Abdillahi Yusuf Ahmed and former Prime Minister Prof. Ali Mohamed Gedi to set up temporarily the offices of the TFG in Jowhar for nine months.

 

Mr. Mohamed Dhere does not have many friends among Somalia’s political elite and developed a reputation as an arrogant and confrontational man as indicated by the number of people who complained about him and some of the public statements he made while in power. He is also from the large and powerful Abgal clan which controls part of Mogadishu and several other southern cities. All this makes this an important development in Somalia politics. Observers will sure be watching very closely what moves Mr. Mohamed Dhere makes as a result of this.

 

Additional contribution by Mohamed Amin Ahmed, Hiiraan Online

mamin35@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Good Riddence.. Warlord Mohammed Dheere was xayawaan, mujrim and murtad. Intoow ku danbeeyn doonaa? maalintii la qararamsado ii soo sheega. Yeey, Qaybdiid, darwiish, and the rest of the war criminals should follow. Nur Adde is on mission to cleanse warlords out of the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaali hore ayay u tiri "ninkii sxbkiisa loo xiirow adna qowso". Marka mar hadi maxamed dheere la cunay qeybdiid iyo darwiish baa ku xiga. waxayna ila tahay sababta loo deg degay arintaas waxa loo rabaa in loo magacaabo sh. shariif...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ee shalay wareegto ra’isul wasaaruhu soo saaray xilka looga qaaday Mudane Maxamed Cumar xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistaas,waxaana uu sheegay in xafiiska ra’isul wasaaruhu uu yahay xafiis sharaf mudan,laakin uu ku kooban yahay oo keliya in uu madaxweynaha usoo jeediyo xil hadii la qaadayo.

 

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ee shalay wareegto ra’isul wasaaruhu soo saaray xilka looga qaaday Mudane Maxamed Cumar xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistaas,waxaana uu sheegay in xafiiska ra’isul wasaaruhu uu yahay xafiis sharaf mudan,laakin uu ku kooban yahay oo keliya in uu madaxweynaha usoo jeediyo xil hadii la qaadayo.

 

“Horta anigu aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta ay dalka dowladi Soomaaliyeed ka jirto oo masuul xilka laga qaadayo masuul kalana loo magacaabayo,waana soo dhaweynayaa hadii walaalkey Soomaaliyeed booskayga lagu badalayo,laakin waxaa ay xil ka qaadisteydu sharci noqoneysaa marka uu madaxweynaha jamhuuriyadu saxiixo”ayuu yidhi Mudane maxamed Dheere.

 

“Anigu meesha kamasoo dhalan,kamana soo hor jeedo in xil la iga qaado,sababtoo ah masuulkii loo dhiibo isna mar ayaa laga qaadi doonaa,laakin waxaa muhiim ah in sharciga la raaco”ayuu mar kale yidhi maxamed Dheere oo xalay u warramayay BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga.

 

Qaran diidka weyn Yuusuf Garaad ayaa isku dayay in uu mudanahan weydiiyo su’aalo caro kicin kara,laakin mudane maxamed Dheere,waxaa uu xalay ahaa mid aad u dagan,isagoo amaana u jeediyay ra’isulwasaaraha qaranka ee soo saaray wareegtada xil ka qaadista sheegeysay.

 

“Hadii uu madaxweynaha qaranku soo saaro wareegto uu xilka iiga qaadayo,ama uu saxiixiisa saaro wareegtada hada kasoo baxday ra’isulwasaaraha waan qaadanayaa,si la mida sidii xilka uu iigu wareejiyay masuulkii iga horeeyay,ayaana masuulka loo dhiibo u qabanayaa munaasbad weyn oo aan xilka kula wareejinayo,laakin wax kasta waxaa ay ku xirnaanayaan in marka hore madaxweynaha jamhuuriyadu uu saxiixo xil ka qaadisteyda”ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay mudane Mxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

-------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this