Sign in to follow this  
Che -Guevara

TFG 's Role in Farax's Case

Recommended Posts

Dawladda TFG ee Soomaaliya door intee le’eg ayay ku leedahay dacwadda loo maleegayo Faarax Macallin?

 

March 3rd, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dawladda Sheekh Shariif ee Soomaaliya, ayaa qiratay inay ka dambaysay qoraal baadhitaan Xukuumadda Kenya la raadinayso guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalkaas Mr. Faarax Macalin.

 

Wasiirka Khaarajiga Kenya Mr. Moses Wantengula oo todobaadkii hore warqad qoraal ah u diray guddiga xidhiidhka dibadda ee Baarlamaanka dalkiisa, waxa uu ka codsaday inay baadhitaan ku sameeyaan safarkii dabayaaqadii December 2009 uu guddoomiye Faarax Macalin ku yimi Somaliland, kaasoo uu ku eedeeyay inuu Hargeysa ka sheegay hadalo uu ku dhiirigelinayo gooni-isu-taaga Somaliland, isla markaana uu magaalada Laascaanood ka jeediyay hadalo xasarad dheliyay.

 

Danjiraha dawladda TFG u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo shalay u waramay BBC-da, waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo lugta dawladdiisu ku leedahay dacwada lala raadinayo guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya. “Annagu ka dawlad ahaan, waxaanu aaminsanahay in Soomaaliya mid tahay, waxaanu aaminsanahay in cid kasta oo ka shaqaynaysa inay kala qaybinayso Soomaaliya aanu ka soo horjeedno. Waxaad ogtahay in IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay intaba ay ka soo baxeen go’aamo ku saabsan in Soomaaliya mid loo aqoonyahay, Somaliland iyo Puntland-na ay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Dawlad ahaan, waxaanu aad ugu faraxsanahay nabadda ay leeyihiin Somaliland iyo Puntland oo ka tirsan Soomaaliya. Markaa waxaanu aaminsanahay in dawladda Kenya iyo dadkeeduba aad u soo dhawaynayaan in Soomaaliya mid tahay,” ayuu yidhi Mr. Ameeriko. “Marka hore, waxaanu aad uga soo horjeedaa cid kasta oo ka shaqaynaysa inay Soomaaliya ka dhex dhaliso xiisad, waxaananu soo dhawaynaysaa in nabad laga wada shaqeeyo iyo Soomaaliya mid ah sidii loo heli lahaa,” ayuu yidhi Safiirka oo la waydiiyay waxa caddayn loo hayo in hadalkii Faarax Macalin xiisad ka dhex dhaliyay Somaliland iyo maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaiya.

 

Mar la waydiiyay doorka dawladdiisu ku leedahay isku-daygan dacwada gudaha Baarlamaanka Kenya loogaga maleegayo guddoomiye kuxigeenka, waxa uu ku jawaabay; “Waa arrin u dhexaysa labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya, mana doonayo inaan hadda ka hadlo…Waraaqo laba dawladdood is dhaafsadeen in laga hadlo ma fiicna, in arrimaha dawladda Kenya aanu dhex galnana ma rabno.”

 

Danjiraha dawladda Sheekh Shariif u jooga Kenya, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin doorashooyinka qabsatay. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay Somaliland oo uu Puntland ku lamaanaysiiyay ay ku amaanayaan nabadda ay dhisteen. “Waxaan xaqiijinayaa in aanu ku faraxsanahay nabadda ay leeyihiin Puntland iyo Somaliland doorashooyinka ay galeen, laakiin mar kasta waxaanu aaminsanahay inay ka tirsan yihiin wadanka Soomaaliyeed oo mid ah,” ayuu raaciyay.

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

 

wararkasomaliland@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^ waa been waan kugu raacsanahay, Sh. Shariif waxaa lagu yaqaannaa NIN beri abaal u galay waa ixtiraamaa, Faarax dawaarena siduu u taageeri jiray waa la ogaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Che, it seems u r more interested in this issue than anyone else, are u trying to prove u r actually a real puntlander? I know some here were questioning ur identity. :D

 

You even went to a somaliland website to find news lol desperation numero uno ahaaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Zack,

 

You forget that our brother CHE is patriotic somali who believes Somaliweyn and United Somalia (=all Somali peninsula including Farah's home region NFD), before he is Puntlander or SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

I was seening in another news which the TFG denied that they had anything to do with this Farax Macaliin saga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Che -Guevara:

So Faroole didn't complain?
:D

Are you serious about that? Do you believe that Farole is happy about the last visit.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

To be honest i don't think faroole cares about SSC that much , his got enough security problems with his own puntland let alone think about somewhere else.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this