Sign in to follow this  
Siciid1986

Badhan: Dhaq-dhaqaaq Hor Leh Oo ka Bilaabmay Gobolka Cusub Ee Badhan.

Recommended Posts

Somaliland%20Milatry.jpg

Buurta Caanka ah ee Lagy yaqaan Magaalda Badhan.

 

Tan Iyo Inti lagu dhawaaqay Lixda Gobol ee Cusub, waxaa bilaabmay tartan hor leh kaas oo ka dhexeyey lixdii Gobol ee ay ku dhawaaqday xukuumada Somaliland, Hadaba Gobolka Badhan oo ka Go'ay gobolka Sanaag aya ka mid ahaa Goboladaas, haatana waxaa laga dareemayaa Horu kac aan la dhayalsan karin kaas oo durba ka muuqda Magaalo Madaxda Gobolkaas Badhan.

 

Dawlada Somaliland kama nasan sidii ay xil isaga saari lahayd daadejinta Maamul nidaam oo ku siman degmo ilaa tuulo, hadaba Gobolka Cusub ee Badhan ayaa waxaa loo magacaabay dhamaan Haykalkii maamul ee gobol uu yeelan lahaa, dadka ku dhaqan gobolkan cusub ayaa mudo u hamuun qabay Maamul iyo kala danbayn iyadoo markii hore ay u qabysanaayeen laba Maamul waa Somaliland iyo Puntlande ayaad moodaa hada in ay isugu luga duwadeen Dhanka Somaliland, Salaadiinta , cuqaasha iyo Waay-araga degaankaasi oo aad u danynaya xilka ka saaran horumjarinta degaankooda ayaa ka qaadanaya qayb libaax.

 

Balse waxaa jira dhalinyaro tuulo joog ah, oo aad moodo sanadka 2010 inay la kowsadeen dagaalka loo yaqaano (Phony war), Waxay cay iyo aflaaagado dhinac walba ula raaceen Madaxdhaqameedyada Gobolkaas oo aanay cidna dhaafin xataa kuwa Madaxdhaqameedka u ah. maaha kuwo ka fikira inay dadkooda u horseedaan tubta waanagsan, lakin naftooda ayay ku raali galiyaan cayda waayeelka waxgaradka ah.

 

Isku soo wada duuboo dhowaan ayay ahayd markii Magaalo madaxda Badhan laga furay Xafiis wayn oo Hay'ada bisha Cas ka furatay kaas oo fure u noqon doona in dadka degaankaasi loo qabto waxyaabo badan oo nolosha u asaasi ah, mar aanu wax ka waydiinay Masuul sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayuu carabaabay in haatan Gobolada Bariga si fiican ugu soo jeedaan Ha'yadaha ayna danaynayan, hadaba waxaad moodaa in laba jiho loo kala socdo qolona ay u jaamaynayso Budhcad badeeda iyo amni darada halka qolona ay ka fikirayso horusocod.

 

Dhanka kale waxaa haatan gacanta lagu haaya Riigii Magaalada badhan kaas oo ku dhow gaba gabo, waxaana qandaraaskaa wada Gudoomiyaha Ha'ayda Mnahal ee Magaalda Badhan.

 

 

Kala soco dhamaan wararka Gobolka Shabakada SanaagNews.

 

Weriye Cabdale Xasan

Badhan Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The picture above the article isn't from Badhan, so hold your horses (or tie them in burco) for the time being, will ya? :D

 

To use another Somalilander's own words: [yet again] stuff and nonsense.

 

C'mon lads, you can do better, nooh. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Oodweyne:

^^^Well,
my friend
, it's all in the work. And, this is part and parcel of the last remaining job or process in this
"Front"
; this much, I'll tell ya!,
dear lad
...
;)

Somalia oodhan baan rabnaa inaan soo celino, adigana hal gobol bay kaaga dhegan tahey. Kala dheeraa hamiga labada reer. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this