Sign in to follow this  
Gabbal

Clashes between Somaliland and Puntland?

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamada Somaliland Oo sooweeraray M/weyne Ku Xigeenka Puntland Ahna ku simaha

 

(Laascaanood}18.1-07

War Deg Deg Ah:::::::: Ciidamada Maamulka Labaxay Somaliland Ayaa weerar kusoo qaaday Madaxweyne ku xigeenka puntland Xasan Daahir Afqudhac oo haatan ku sugan degmada uu kasoo jeedo ee Xudun.....................................

 

Sida Ay noosheegayaan ilo war gal ah oo kusugan degmada xudun madaxaweyne xigaha Puntland mudane Xasan Daahir Maxamuud Oo haatan ku sugan degmada xudun ee gobolka sool ayaa waxaa dhinaca waqooyi galbeed kasoo weeraray ciidamada Milateriga ee maamulka labaxay somaliland.

 

Boqolaaal Ciidamada Lugta ah ee maamulka labaxay somaliland ayaa lagu arkayay galabta deegaamada ku hareeraysan degmada xudun ciidankaas oo lasheegay inay kusii jeedaan gudaha degmada halkaas oo uu haatan ku sugan yahay xasan daahir afqudhac madaxweyne ku xigeenka maamul gobolledka puntland.

 

Israsaasayn aan lasheegin wali khasaaraheeda ayaa lasheegay in galabta makhribowgii laga maqlayay agagaarka degmada xudun.

 

wararkii ugu danbeeyay ee aanu kahelno jiida hore ee magaalada laascaanood na waxaa lasheegay in ciidan xoogan oo isla maamulka labaxay somaliland ah halkaasi lasoo duldhigay kuwaas oo haatan diyaar ah

 

Dhanka kale ciidamadii maamul goboleedka puntland ee horay ugu sugnaa aaga ay labada ciidan isku horfadhiyaan ee kudhow Abeesaley oo waayadanba cutubyo ciidamo ah laga soo kaxeynayay si ay uga mid noqdaan ciidamada dowlada Somalia ayaa lasheegayaa in haatan la xoojiyay.

 

magaalada laascaanood waxaa laga diyaariyay 15 gaadhi oo tikniko ah laguna xoojinayo ilaalada madaxweyne ku xigaanka ahna ku simaha madaxweynaha puntland xasan daahir afqudhac.

 

Wafuuda joogta Degmada Xudun Oo Uu Horkacayo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno Taliyayaasha ciidanka iyo waliba masuuliyiinta gobolada oo uu kamid yahay Ibraahim Jaamac Daad Gudoomiyaha Gobolka soool

 

........................

 

Liibaan Jordan

 

Widhwidh Online News Desk....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

dagaal qadhaadh oo hada ka bilowday degmada xudun

Warkii 18-Jan-2007 iyo Qormadii: axmed c/laahi

 

war hada naga soo gaadhay degmada xudun ayaa wax uu sheegayaa in uu dagaal qadhaadh uu kabilow day hada dagaalkaas oo u dhaxeeya maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyaad ka Daahir Riyaale.

 

dagaalkan ayaa waxa uu kadan beeyay kadib markuu madaxwayne ku xigeenka xasan daahir afqudhac iyo wafdi uu hogaaminayo ay tageen aagaas oo in dhawaaleba ay qas siyaasadeed ay kataagnaayeen.

 

dagaalkan ayaa ah mid habeenimo bilowday saa daraadeed aan la ogayn wax uu qasaare gaysatay wax wara laga mahayo oo dhaba dagaalka xaalkiisa iyo qasaaraha dhabta ah wixii kasoo kordha dagaalkan waxaanu idinkala soo socodsiindoonaa wararkayaga kale

 

kala soco wixii kasoo kordha afnugaal.com

 

afnugaal.com

 

axmed c/laahi

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Geedi can, I thought he already did.

 

Anyways, hopefully this news isn't so true,we can't have another conflict in that area.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

For me, I have to worry about somaliland & xabashis occupying adhicadeeye, before I deal with the xabashis in Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

All the Somalilander overseas...Are raising money for the army as we type away lol. Invaders will be dealt with

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this