Sign in to follow this  
Suldaanka

New face of old Ali Mataan Mosque

Recommended Posts

MasjidMat.jpg

 

Hargeysa, December 18, 2005 (Haatuf) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maalintii Jimcaha ka qayb galay xaflad lagu furayay Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa oo dib u dhis lagu sameeyey, ka dib markii dhismihii hore la dumiyey badhtamihii sannadkan, kaas oo laga dhisay goobtii masaajid cusub oo saddex dabaq ah oo dhismihiisu socday 7 blood iyo badh.

 

Xaflada furitaanka Masaajidka Cali Mataan oo ay ka soo qayb galen masuuliyiin ka kala socotay saddexda gole qaran, waxa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, gudoomiye xigeenada 1-aad iyo labaad ee golaha wakiilada, X. Cabdi Waraabe, badhasaabka gobolka Hargeysa, maayarka caasimada, Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir.

 

Ugu horeyn, waxa xafladaa ka soo jeediyey warbixin uu kaga waramayo marxaladihii dhismaha masaajidku soo maray, Imaamka Masaajidka Cali Mataan, Sh. Maxamed Aadan Muxumed, wuxuuna sheegay inay masaajidka ay ka bilaabeen dhismihiisa guddi 25 xubnood isugu jiray, golaha xukuumada, culimaa’udiin, ganacsato iyo dadweyne. Waxaanu sheegay in dhismaha masaajidkan saddexda dabaq ah ay ku baxday lacag dhan $357,241 oo dollar, isla markaana ay ku tukan karaan 5000 ilaa 6000 oo qof, taas oo uu sheegay in la bilaabay dhismaha masaajidka 14-kii May 2005, isla markaana bishii ramadaan lagu tukanayay taraawiixdii.

 

Imaam Sh. Maxamed Aadan, waxa uu sheegay in baahida keentay duminta dhismihii hore ay ka dhalatay markii uu masaajidku qaadi waayey dadkii ay ka fekereen dhismaha masaajidka cusub, kaas oo uu sheegay in masaajidkani yahay ka kaliya ee shanta wakhtiba buuxsama. Waxa kale oo uu sheegay in dhismaha masaajidkan ay iskugu tageen 4 Injineer oo u kala qaybsanaa injineer fuliye ah, Rashiid Cali Askar, engineer Maxamed Xaashi Cilmo iyo Injineer Ciise Xamari oo ahaa consultant iyo ingineer Ibraahim Xaashi oo uu sheegay inuu yahay Electric-ga mid qaabilsanaa. Waxaanu u mahadnaq u soo jeediyey dadkii maalka iyo muraqaba u huray dhismaha masaajidkan cusub.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isaguna xadhiga ka jaray dhismaha cusub, isla markaana Salaadii Jimce ku tukaday masaajidka, ayaa isaguna xafladii furitaanak ka soo jeediyey sida ay fadliga weyn u leedahay wixii masaajidada la geliyo, taas oo uu sheegay in masaajidadu yihiin meelaha mufaatiixda jannada laga qaato.

 

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in masaajidka Cali Mataan uu yahay masaajidka kaliya ee laysku laayo safka hore, isla markaana uu dhalinyaranimadiisii ka mid ahaa dhalinhtii ku tukan jirtay, isagoo ka hadlaya dhismaha masaajidkan cusub wax auu yidhi “Cali Mataan waxa uu kayd geystay aakhiro, wayo wuxuu bixiyey dhulkan uu masaajidku ka dhisnaa iyo dhismihiisii horeba, waana ehlu jannoâ€. Madaxweyne ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Culimada barigii hore waxa lagu xaman jiray gacan adayg, wa alxamadulilaah hadii uu manta illaahay gacmihiinii furayâ€. Waxaanu u soo jeediyey in bulshadu ay qab ka qaadato nadaafada masaajidada oo ay xil iska saaraan daryeelkooda.

 

Waxa isaguna xafladaa furitaanka Masaajidka Cali Mataan khudbado dhiiri gelin iyo waano iskugu jiray ka soo jeediyey X. Cabdi Waraabe, Sh. Maxamed Cumar Dirir, Sh. Xasan Cabdi Salaan, kuwaas oo guud ahaan xaflada ka sheegay in la sii ambaqaado waxqabsiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Masha'allaah, great news. We need more of these Culuma. No doubt their work outweighs that of the politicians. May Allah increase their reward.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

That is great....walaahi. For the will of the people, everything is possible. I used to hang out there when I was little.

 

Next is the bridge...

 

 

Suldaan,

 

Why did you put this article in the politics section?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

ASSALAMU CALAYKUM,

 

Wow what a Mosque, great size and design. I will surely try to pray there next time I visit Hargeysa. Allah has promised a house in paradise to anyone who builds a mosque in the world. May Allah have mercy on all of those who have taken part in building this mosque and to you Mr. Suldaanka for sharing the picture and information about the mosque.

 

Once again thanks brother Suldaanka for that. It's really something to be proud of; to see such great looking mosque in our homeland and city.

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Madaxweyne ku xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Culimada barigii hore waxa lagu xaman jiray gacan adayg, wa alxamadulilaah hadii uu manta illaahay gacmihiinii furayâ€.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this