Sign in to follow this  
Paragon

X. Islaam oo ka niyad jabay dagaalkii

Recommended Posts

Paragon   

Horaa loo yiri “Labadii xaq darro ku heshiiso, xaqa ay ku diriraan”

 

Xisbul Islaam iyo kooxda loo yaqaano Al-Shaab, markii ay isdoor bideen maalmihii lasoo dhaafay awood u suurta galin karta inay xukunka qabsadaan ama ku dhawaaqaan dawlad Islaam ah oo ka dhalatay dalka Somalia. Laakinse waxaad moodaa in dabeeshu dhinici la filayay maahee dhinac kale ka timid.

 

 

Al-Shabaab waxay wateen qorsho aan cidna la ogeen, Xisbul Islaamna waxay wateen qorshihii dawladda ku meel gaarka looga adkaan lahaa. Labada kooxna midba mida kale ayay is lahayd awrka ku kacso oo ku dan gaar.

 

Xisbul Islaam dharbaaxo aad iyo aad u culus ayaa run ahaantii ku dhacday oo aysan filanaynin maadaama dhanka siyaasadda aad moodid inay xoogga saareen, dhanka ciidankana ay islahaayeen Al-Shabaab maadaama aad isku aragti dhawdihiin kaalmeeysta.

 

Xisbul Islaam muragada ka muuqato maanta oo ah luda jecli lafta jecli, ayaa waxa amakaag iyo wax aan la filanaynin ku noqotay in kooxda Al-Shabaab heshiiskii ku xirtay arrimaha soo socdo:

 

Somalia waxaa ka dagaalamaya AL-Shabaab oo ukala qeeybsan (Al-Muhaajiriin iyo Al-Ansaar)

 

Al-Muhaajiriin waa dadka shisheeye ee aan Somalida ahayn ee dagaalka ku jira.

 

Al-Ansaar waa Shabaabka Soomaalida ah.

 

 

Waxaa xukunka qabanaya kooxda Al-Muhaajiriinta ah.

 

Sidaa darteed AL-Shabaab waxay go’aansadeen in ninka la yiraahdo Abu Yaxaya Al-Leebi oo u dhshay dalka Liibiya inuu Dawladda Islaamka Soomaaliyeed Madaxwweyne ka noqdo.

 

 

Fadhigaas lagu gor gortamayay sidii loo qeeybsan lahaa xukuumada cusub ay dhisi doonaan Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa lagu kala dareersaday oo heshiis ka dhici waayay kadib markii Shabaabka ay shuruudahaas kor ku xusan soo sheegteen, Xisbul Islaam wax aysan qaadan karin oo aad moodid laf dhuun gashay ayay ku noqotay arrintaas ayada ah.

 

Waayadanba arrinkan ah inay AL-Muhaajiriin dalka ka taliyaan waa ay socotay laakinse in badan oo dadka ka mid ah maanay ogayn, waxaase moodaa inuu arrinkan fahmay Mukhtaar Rooboow oo intaan asaga irrida laga saarin isdaba qabtay, idaacadaha iyo dadka ka faalooda arrimaha Shabaab waxay inoo sheegayeen inuu Abuu Mansuur (Mukhtaar Rooboow) uu goballada Bay iyo Bakool ka eryay Shabaabka aan u dhalan goblladaas. Mukhtaar wuxuu yiri, (Shabaab waad mahadsantihiin Jihaadka aad ilasoo gasheen, laakinse aniga Muhaajiriin ma ii talinayso) oo laakinse hab dadban ah. Dadka waxay ku dhaleeceeynayeen ina Rooboow oo maalmahaanba ka gaabsaday arrimaha Shabaab iyo hawl galadooda inuu qabiil ahaan u leexday. Ninku qabiil wax ka weeyn ayuu arkay waana nin taliye ahaa oo dhariga wax lagu karinayo xaabadiisa ninki hayay waaye, marka fiiradiisu waxay tusisay inuuu Shabaab meel iska mariyo intaan asaga dariishada laga bixinin.

 

Midda kale, Abu Yaxya Al-Liibi waa kuma:

 

Soomaaliyeey barta madaxweeynihiina mustaqbalka hadiinaan ogayn, Abuu Yaxya wuxuu u dhashay dalka Liibiya, wuxuuna ahaa dadkii AFGHANISTAN ka dagaalami jiray laakinse dhanka dagaalka kuma xeel dheereen, waxaa loo diray dalka Muritaaniya inuu aqoon diineed soo kororsado ka dibna kusoo noqdo AFGHANISTAN.

 

Nasiib darro, LIIBIGA intuu maqnaa ayaa Taalibaan oo sheeganayso inayba diinta ayaga yaqaanaan dagaalna uga adkaaday kooxihii soo jihaadi jiray ayaa waddanka qabsaday, marka Abuu Liibi dantii loo diray cid uga baahatay maba jirto. Haddana wuxuu xiddigiisa soo ifay mar labaad qaraxyadii 9/11 ee maraykanka ka dhacay, wuxuu ahaa ninka u qaabilsan inuu wacdiyo dhallinyarada yar yar ee loo taba baro kooxda la magac baxday Al-Qaacida. Waxaa kagu xiray Pakistan kadibna uu ka baxsaday xabsiga muddo ka dib. Waayadan danbane wuxuu aad iyo aad isugu mashquuliyay arrimaha Soomaliya iyo inuu Shabaabka Sooamliyeed u noqdo ninka ay ku halqabsadaan. Wuxuu usoo diraa wax loo yaqano WARAAQADO oo ah hawlihii ay ku fal gali lahaayeen, waxa ay sameeyn lahaayeen, wacdiga jihaadka, in gaalada la diriro, madaxda la laayo.

 

Soomaaliyeey ninkaan oo kaliye maahan dadka waddanka rabaan inay ka taliyaan, waxaa jira kooxo kale oo ku yimaado ururo sama-fal. Oo keeno raashin iyo lacag intuba. Waxay mararka qaarkood ku dhiiradaan inay dawladda ku meel gaarka ah kula gor gortamaan haddii aan Mucaaradada lala shaqayn waa Shabaab iyo Xisbul Islaamee, ay ku hanjabaan inay taageero fara badan siin doonaan mucaaradada. Waxaa ka mid ah ninkaan sawirkiisa aad hoos ku aragtaan ee la yiraahdo Cabdiraxmaan Al-Nucaymi, dalka Qatar ayuu u dhashay, wuxuu waayo dhexdaas ah yimid dalka ha ugu danbeeyso bishii February 2009 ee lasoo dhaafay isagoo hogaaminayo wafdi isku sheegay inay dhexdhexaadin doonaan dawladda iyo mucaaradada.

 

Dadkaan shisheeye haba ahaadaan dad Muslim ah, waxay wataan qorsho ayaga u gaar ah oo ay kula dagaalamaayaan dawladaha reer galbeedka, Somalia waxay u noqotay goob ay usoo raadsadaan inay danahooda ku fuliyaan. Dhaqaalaha ay Shabaabka siinayaan ama leeyihiin waxaan ugu tala galnay ummadda Soomliyeed waxaa ka weyn danaha kale. Waa musiibo runtii in dad aanan dhaqanka Soomaalida aqoonin inay hadana yiraahdaan waxaan u imaanay hishiis inaan sameeyno, islamarkaana ay dhinaca kale hoos ula shaqeeyaan Shabaabka ayagoo danahooda fushanayo. Waxaa ka mid ah dadka ku kaalmeeynayo arrimahan ayaga ninkaan Qatariga ah dad Culimo isku sheegayo oo Soomaali ah rabaana marna inay dawladda jilaafeeyaan, marna inay dadka u muujiyaan inay heshiiska ka shaqeeynayaan, sida ninka la yiraahdo Maxamad Sheekh Cusmaan.

 

Waxaa Nasiib darro noqotay caruur aan aqoon badan lahayn iyo caqli toona inay adeegsadeen oo hooyooyinka soomaaliyeed iyo caruurti ku dhamaatay. May dalkooda maraykanka jooga ee xeryahay ka sameeystay la dagaalamaan hadeey run sheegayaan. Waa ayaga baabuurta kala jiidan wata oo guryaha waaweeyn dhistay ee nolasha wanaagsan ku jira. Maxay ka rabaan Somalia oo waddankeena u burburinayaan?

 

Soomaaliyeey barta dadka rabaan inay dalkiina u taliyaan

 

Good question. Caruurtaa Kashafa ka mid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Paragon did you know in ONKOD iyo GOOBJOOG labaduba ay yihiin Islaax garabka Shariif raacay ah raggii asaasay labada websitena ay madaxda shariifka ku jiraan sida ninka baddii Soomaaliya iibsaday ee c/raxman C/shakuur oo webmaterka goobjoog ah.

 

 

marka reliable source ma aadan keenin ee ku noqo ;)

 

ISlaax kuwooda xalaasha ahi dagaalkaan garabna ma taageersana dawladdana ma gelin ee waa ka digeen, kuwa raacayna hab QABIIL iyo HUNGURI ayay ku raaceen.

 

ma garatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very interesting article, laakiinse lama yaabayo hadii maanta Libyan ama cid kale inoo taliso oo horaa loo yiri "hadaadan tashan, waa laguu tlin".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by MoonLight1:

Very interesting article, laakiinse lama yaabayo hadii maanta Libyan ama cid kale inoo taliso oo horaa loo yiri "hadaadan tashan, waa laguu tlin".

Good point.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War kuwa Liibi madax ka dhigtay baan layaabay. War ninku muu Liibya qadaafi ka xoreeyo marka hore. How cam you build a house for others when your house is burning and your family membes are inside the inferno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this