Sign in to follow this  
UZTAAD

A NEW SOMALI RECONCILIATION CONFERENCE WILL BE HELD IN HERGEISA,

Recommended Posts

Gheele, xaajiga taariikh horaan u dhigaa maalin walbana waxbaa u siyaada

 

asaguna hawlo iga danbeeyey buu igu update gareeyaa marka waan kala faa idnaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

warya faraski ina cabdilla xassanow maxaad sheegtey qarrankad wax iga weydiinayse wamaxay ma qarranka somaliland mise qaranki 1991 dumay eeh ki somalia?

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji xunjuf cayda jooji, oo cashar ka dhegeyso

 

adeer qaran waxa la yiraahdo baan rabaa inaan maanta ku callimo oon si fiicaan kuu geliyo,

 

marka hore waxaan qaran ahay bal ila arag, xaaji. qaranimadu maaha cuqdad ururtay oo maantoo dhan gocosho iyo shalaa lay dilay ku jirta, maaha ciilqab, mana aha tan nabaradii ina siyaad hargeysa u geystay taalooyinka iyo astaamaha u sammeysa. qaranimadu xaaji maaha waxaan jirin oo la aamino si ay maalin un u jiraan, maaha juquraafiga beenta ah ee xuduuda aan jirin madaarist hargeysa ka dhiga oo ardada masaakinta marin habaabiya. maaha sheekada qurbaha, iyo xamaasada hoolasha reer galbeedka lala joogo, ee congress yada oroba lala wareego.

 

xaaji maaha xikmada xumida quruumaha kale inta loo labisto maantoo dhan ictiraaf laga baryo, soomaalida kalena mid la colaadiyo, iyo mid cuqdada laga qabo oo laga fogaado laga dhigo

 

ugu danbeyn qaranimo maaha, laba nin oo lakala bedelo oo waligeed baa soomaali hogaan kala badali jirtey, mana ahaa barlamaan la doorto, oo waligeed baa taa la sameyn jirey xaaji

 

hadaba waa maxay qaranimo? waa casharka soo socda ...break yar baan qaatay ee waa coffee ...ha fogaan xaaji xunjufow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaba adigu ii dhegeyso oo dhagaha sii fiican u fur , shayga qarranimada la yidhaho maha ariin sahlan shayga qarinimada la yidha wa ummado ama qaabil ama qawmiyadu isku tagay oo ayaahooda ka tashaday, oo wax meel isla dhigay oo qaab qarraan wooxooda uu watta oo dastuurkooda ku dhigtay oo dawlad yeeshay wa ereyga gaaladu nation u yaqaanin , Adigu hadaba waxad ku matashay cuqdad yar iyo ina dawladi hore eeh kacaanka laga cawday Somaliland waxad ogayd in kunsagaal boqol iyo kobiyo lixdanki inqlaab la dhigay oo u hor kacayey mujaheed Xassan kayd walanwal, Marka taasi waxay ku tusasey fikirka ina Somaliland shacabkeedu ay ayahooda ka tashadan duninada waxa laga tixgaliya ereyga la yidha self determeenation adigu hadaba qarranka waxad u aragta, in qaab qabil wax loo qeybsado , in dawlado shisheeye loo yeedho. In calan blue ah lo heeso .oo xita anay ka daacaad ahayn ummada koonfurianska idinku ku caan baxay inad marba madaxweyne meesha keenta xita titelki madaxweyne ayaad sharafti iyo karaamadi ka qaadeen markad kii xafaad yar xukuma aad madaxweyne qarran ku sheegtaan , taasa la leeyahay ha is afgarato , Maanta labadeenu weli weynu is afgaranayna laakin u malayn mayo inu wiilkaygu wilkaga afgarandoono.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Maanta labadeenu weli weynu is afgaranayna laakin u malayn mayo inu wiilkaygu wilkaga afgarandoono.

 

:D

xaajigu waa nin fogaadey war casharada ha lakal qaato

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji xunjuf, ku maqlay waadse degdegtay oo anoo casharkii qaranimada dhammaystirin baad soo booday,

 

gabaygii baad isoo xasuusisya :D

****** saflududaa muu wuxuu sugayo sii dhawro

 

markaa casharka dhammeystiro baan ka jawaabayaa xaaji hadalkaaga

 

waa maxay qaranimo, waa tan jawaabtii xaaji

 

qaranimo waa tanaazul iyo wax wadaag, waa heshiis laysku afgarto hannaan dawlidnimo oo reer hebel dhaafsiisan , waa dulqaaad iyo miisaan adag oo qaanuunku gaashaan uyahay is ogolaysiiyana bulshada, cadaaladna ugu garnaqa. qaranimada waa la kobciyaa ee lagama caroodo, waayo kaamil kuma noqoto fac ama laba fac ee waa wax gerenations ku weynaada oo ku qaangaara. saas weeye sida saxda ah ee qaranimada loo qeexi karaa xaaji.

 

xasan keyd ninkaad leedahay qaranimadii oo dhowr sano jirta buu ka shakiyey oo isagoo keligii ah yiri waa horistaagayaa oo reerkeena dawlad gaar u yeelanaya, nin qayilsan buu ahaa allaha u naxariistee waali buu ku dhintay

 

waxa kaa la mida ina yeygii ina siyaad u muuqday oo dalkii iyo dadkiiba doc faruur ku sameeyey oo dawladnimadii dhac-dhacaysey qalad taariikhii ah ku toosi is yiri oo hadde waa asagii mingiste u galay snm tuna waayadii ku dayatay oo waad la socotaa taariikhdaa xaaji , labadeenu isku ayni baanu nahay markaan Women sectionka la joogin oo taa waad ila ogtahay :D

 

wiilkaygu maalin dhexdaasi oon is waraysanay, oo anagoo xeeb joogna aan sheekeysanay waxaan soomaaliya ugu macnaayey meel uu madax ka noqon karo oo xukumi karo laakiin xoogaa islaaxin ah u baahan , inay bad leedahayna wuu ogyahay , marka xaaji sidaa kaagana wax ugu sheeg, iyagoo masaalix qabiil ka weyn usocda bay dalka ku noqon doonaan insha alaaah waana is fahmayaan ee adigu caruurta boqoradaan baas ee england degen xuduudahay jeex jeexday ha uga sheekeyn :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne, adeer adiga waan ku saamaxay, waxaan qorayba maadan aqrin ee murankeene horaad weli daba socotaa,

 

xaaji xunjuf baan waayadaan is afgaranaa oon rabaa taariikho yar yar inaan ka saxo , ma fahamtay Oodka :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinfanin idinku qarrannmada waaxad u taqanin in dreys la xiidho iyo billada been been ah na la isku nabbo sarkaal la isku sheegto. La yidhahana hantida ummada qarranka ayaan ilaalinaya Musuq masaaq na abahood ad noqotiin, Anigu waxan ogahay nimanka aad ku leedihid wey sall fududyihin inay yihin ummad barakaysan eeh somaliland eeh og qaabka wax loo mamuulo iyo kala danbayn sharciyo xeer dhaqan dawladnimo , sabbab Ii dhe wax walba dallil bey leedahay oo marki anagu anu gooni isutaagi qarranka Somaliland la so noqonay markay bishi ahayd kun sagaal boqol iyo kobiyo sagaashanki , Somaliland way hana qaaday heer qaran heer dawlad heer dimuqradiyad dawladii ama dalki somaliya eeh anu kala noqonay isutagi midwogi Somalia kun sagaal boqol iyo lixdanki maaanta taako kamaa joogto gebigeedi ba way budhudbay boowe anarchist ba helley iyo ummadu shisheeye u shaqeya iyo qaar tigray u shaqeya iyo qaar afganistan u shaqeya marka maanto oo kale faraski ina cabdulla xassanow gabaygu wa kugu deel qaaf :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji xunjuf horta ha caroon , cayduna waa xaraam markaad ila joogto ee saa ogow :D

 

waxaa ii muuqata in hadalkii gabagaboobay oo doodaadu hadda quus tahay, waxaad dhaafi la'dahay qaran baanu nahay, halku dhegyadii jabhaddii snm ta baad ku celcelinaysaa lakin Oodweynaad dhaantaa ilaa hadda xiin waa ****** imaadan oran :D

 

 

midda kale adeer reer ka allaha barakeeyo, waayo sheekh cali warsame baa weli nool, oo xakiim kii hadraawi ahaa baa weli nool, oo ganacsadihii dhiigshiil ahaa baa weli nool, oo dadku waa dad soomaali ah ninyahow, oo hadda ilaah Siilaanyuu wax ugu dhiibay oo odogii suufiga ahaa axmeed yaasiin ahaa iyo bukhuurkisii ilaah waa ka waday , marka reerka xaaji waa reerkayagii oo waanu jecelnahay, laakiin waalida goosashada weeye taan ka waramayna, gabayadana anigu ma tirin ee rag horaa tiriyey observationskoodana anigu khibrad aan ku beeniyo ma lihi

 

midda kale ina cabdalla xasan sow anagii ka sheekeynay maaha, oo kusoo gabagabayney inuu ahaa ninkii hanka soomaalinada asagu keenay dabadeedna boqoradii ingiriisku u carootay oo cirka bombka ugasoo daadisay ka dib na ina igarihii oodweyne bililaqada ula tegey, oo cali dhuuxii marqaan weyne gabayga xunka ah ee digashada ah ka daba tuuray isna ilaah sidaa ku oofsaday maad iska deysid xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya camo anigu ma cadhoodo anigu dhoola cadeynaya ayaan hadalka tuurta ,eeg somalidu waxabay isku raaci karayn waxaynu nahay labba quroomood oo kalla Mentality ah , wa halkay salaadu iska qabsan laadahay , Anigu qarranka iyo dumuqradiyada waxan u haysta inay tahay cadalaad sinaan beelaha ama umahada wadda dagan oo mustabalkood iyo ayahoodi ka tashaday idinkuna meesha waxba kuma haysin ,oo waxan ay somaliweyntan ay dhakadu idinku cadaadtay xita ina abdilla xassan marku leeyahay Somali ma oga dawga loo qadayo anigu waan ogahay wuxu uga jeeday , Qawmiyadisa isagu shakhsiyan u ku abtiirsado ayaa ina iimey ku hadhaysa ina bossaaso isbaarada bada u dhiganaysa ina ay gedo alshabaabku ku ciqaabayso isagu wu oga ina dhashi ina walanwal iyo ina igarre ayaa somaliland ugu talinaysa , faraski ina abdilla xassan na manta ayuu ii leeyahay reer somalilandow hanaga tagiina wa abaar la aantiin :D waleh anaga somaliweyn iyo wax la mid ah lanuguma siro :D . Walugu digta hadu ruux ku darnaan jiray bal daya waka wadaadki sii dabayshadeye :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

Originally posted by UZTAAD:

According to some reliable sources, a new Somali reconciliation conference will be held in Hegeisa, Somaliland after the end of Sharif hotel mandate

This will be the first reconciliation conference held in Somali soil

Unlike the other former 15 failed attempts. This conference is expected to be fruitful due to various factors which it defers from other conferences

1. Firstly it will be held in Somali soil where there is little interference from foreign countries that have their own agenda and interest. So it expected Somalis will agree some thing which is workable when left to their own xeer dhaqan.

2. The new government will be based in hergeisa which is peaceful because the government needs a peaceful place to function normally. Mogadishu which has become the grave yard of many government will be reduced to a merry troubled region in Somalia which will be solved in time it.

3. Since the government has a stable base it will not worry much about its safety but instead it will focus on how it could develop the already peaceful regions in Somalia and it will gradually expand it rule to lawless regions in south and central Somalia. it is very unwise to the government to be based in most troubled regions in Somalia and that is the reason why all those past efforts went in vain

4. This time both Puntland and Somaliland will be taken on board and their combined energies and sources will be utilized in best way possible

Hopefully this will be the last peace conference for Somalia and it will finally find the elusive peace for Somalia.

Reer aqoonsidoon as A&T used to call them will not be able to resist the temtation of the benefits which the capital will bring and this time it is expected that they will not cry we secede from Somali.

exactly what I have been saying all along....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma la barjeena miya!! cuz Hargeeysa is only good for that.

 

Currently, the leaders of this Xabashi piss-town has sold their souls to the Amxaar Bir. So this point is mood!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Oodweyne:

Mr. Xiiny
,...
:D:D

 

Waryaa,
Xiiny
, maxaad tidhi, waa cuqdad yururta iyo joqraafi beena ah, waxa aad Somaliland ku haysaan.

 

Adeer
, si fiican ii idgageyso, inkasta oo
xaaji xunjuf
kuu dhigi doono cashar oo aan hubo; laakiin waxaan ku odhan, adiga iyo tolkaa waxa u geeyey in aad xabishida aad
"xiniinyo"
kasoo
"amaahataan"
waa
"Cuqdad"
, iyo waliba si aad mar-uun u noqotaan dowlad Soomaali oo dhami ay hoostimaado. Markaa, waxa ay iigu muuqadaa in aad taas u taqaanid wax ragu ku faano ama loo
"han-weynaado"
. Yaa miskiin....
icon_razz.gif

 

Tukale oo aad kudarsato hadaan ku idhaahdo waxa weeye, Somaliland, ragga dhisay, waa rag garanayo
"dowladnimo"
iyo
"qaranimo"
waxa ay tahay. Sabata oo ah isha kaa muuqata waxa weeye, in aanu kafaano waxa adiga kula ah wax loo hanweynaato; gaar ahaan mar hadaad aad hadalkaada aad ku tidhi maad nagala soo qaybgashaan waxa
Xamar
kasocda oo dabadeedna aad
"dhiisha"
ka buuxsataan, si
"tol-ahaaneed"
.

 

Halkaa waxa ka muuqda, sida wali
"boolidii Qaran"
ee aad ku soo ababtey ay kuu lugaysay, adiga oo maanta kor-kaaga ay ciradu (gadh ilaa hoos) ay ka degtay; ileyn waa adigaa wixii ragu ka faani jireen ee ahayd "xatooyo-xoolo-qaran" oo "tolka" looga buuxiyo faraqyadda ayaad adigu utaqaanaa wax qaran lagu noqdo amaba qaran sidiisaba sameeya...

 

Markaa, adeer, hadii cidi han-yari heyso waxaan fili lahaa in adigu iyo "tolkaa" ugu dhowdihiin dadka noocaas ah. Maadaama, aad wali aad kufakareyso idii aad booli kale oo qaran oo soomaali kawada dhaxeeya aad faraha adiga iyo "tolkaa" uga buuxsan lahaydeen; oo aad markale sidii hore loo yidhi ee ahayd:
"Mar-na ma Rasaaq-ba Mar-na waa Rashid, intakalase Ma rooti-baa"
, aad aad Somali afka-baarkiisa ku boobi laheydeen.

 

Tanina, waa ta maanta aad taariikhda ugu gasheen in aad
"Amxaar xiniinyihiis"
oo aad Soomaali kale ku dishaan aad uga soo amaahateen; ileyn, waxaad tihiin ummad aan naftooda ku filneyn amaba ku kalsooneyn, ilaa ay ku noolaataan xoolo iyo hanti Soomaaali aad ay kasoo afmiishaareyseen mooye; oo ah sababta aad isu tidhaahdee,
Zenawi
ayaa Soomaali markale dusha idinka saari doona, oo aad dabadeedna halkii iyo
1960-kii
baydun ku noqon doontaan.

 

Markaa,
Adeer
, hadal iyo dhamaantii, Soomaali isbaratey oo ogaatey ninka naftiisa ku kalsoon, oo og in haddii uu goonidiisa isu taago uu isku filan yahey; iyo ka hanka yar ee wali raadinaya
"booli-qaran"
iyo xoolo aanu shaqaysan oo uu cuno; koley kutahay in uu
"Xiniinyo Amxaar"
soo kireystana ku dhahoo, si uu mar uun uu u helo waxa uu ogyahey in aanu noolaan karin hadaanu gacanta kuhayn, taas oo ah xoolo qaranka laga soo afmiishaareeyey iyo wixii xilka lahaa ee booli-qaran la-odhan jirey..

 

Sidaa daraateed, waa runtaa,
Adeer
, oo isku si uma naqaano micnaha waxa
"qaran"
yahay; oo adigana waa
"harag"
la isu huwado oo tolka lagu naas nuujiyo; anagana, waa
"ummad-wadareed"
wixii mustaqbalkeedu noqon lahaa oo siwadajir ah loo gorfeeyo... :cool:

 

Regards,

Oodweyne.

Waar Oodweyne,

 

Maskiinkii Xiin, wali ma noolyahay? What caravan is he currently on? The Abdullahi Yusuf caravan went off the cliff, the Sharif caravan sunk in the middle of the ocean, etc., etc. Now add the bitter taste of venomous jealousy after an unmarred election and smooth transition. Maskiin, Illaahey ha u sahlo!

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

waa maxay qaranimo, waa tan jawaabtii xaaji

 

 

wiilkaygu maalin dhexdaasi oon is waraysanay, oo anagoo xeeb joogna aan sheekeysanay
waxaan soomaaliya ugu macnaayey meel uu madax ka noqon karo oo xukumi karo
laakiin xoogaa islaaxin ah u baahan , inay bad leedahayna wuu ogyahay , marka xaaji sidaa kaagana wax ugu sheeg, iyagoo masaalix qabiil ka weyn usocda bay dalka ku noqon doonaan insha alaaah waana is fahmayaan ee adigu caruurta boqoradaan baas ee england degen xuduudahay jeex jeexday ha uga sheekeyn

:D:D

Soo typical

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this