Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Welcome to HiiraanLand

Recommended Posts

Waxaa maanta magaalada London ee wadanka Ingiriiska lagu caleemo saaray madaxweyne Cusub oo madax u noqonaya Maamul loogu yeeray Hiiraan Land oo kamid noqonaya maamulada Siyaasada ee kajira wadanka Soomaaliya,waxaana maamulka caleemo saartay dad kasoo jeeda isla gobolka Hiiraan.

 

Maamulkan oo samayntiisa lawaday mudo Bilo ah ayaa maanta xaflad si weyn loosoo agaasimay oo kadhacday magaalada London ee cariga England looga dhawaaqay,waxaana Madaxweyne oo doortay Muqtaar Sheekh Cabdirisaaq oo kamid ahaa dadkii waqtiga badan usoo jaxartamayey samaynta Maamulkaas.

 

Caleemo saarka Madaxweynaha Hiiraan Land ayaanan waqtibadan qaadan,waxaana la sheegey in awal horay looga soo fakaray,isla markaasna Muqtaar Sheekh Cabdirisaaq uu hada wixii kadanbeeya matali doono dadka kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo la sheegey in waqtigan ay dhibaatooyin badani haysato.

 

Madaxweynahan lacaleemo saaray ayaa isla xafladii warbaahinta kula hadlay,wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay xilkan loo doortay,waxaana uu shacabka gobolka Hiiraan ka codsaday inay maamulkiisa isgarab taagaan si ay uga qeybqaateen hor'umarinta maamulkiisa,isla markaasna aysan waxba ureeban taageeradiisa.

 

Warqoraal ah oo aysoo saareen saraakiil katirsan maamulkan ayaa sheegey in Maamulkoodu uu yahay maamul goboleed lamid ah kuwa Soomaaliland & Puntland isla markaasna uu xiriir laleeyahay dawlada waqtigan jirta,balse qoraalkan laguma sheegin in uu maamulkaasu Dawlada hoos tagayo.

 

Maamulka Hiiraan Land ayaa kamid noqonaya raxan Maamulo ah oo kajira guud ahaan dalka Soomaaliya,balse aanan si toos ah gudaha dalka uga shaqeyn marka lagareebo Maamulada Puntland & Soomaaliland oo qeybo badan oo wadanka ah ka jira isla markaasna deegaanadooda nabad kusoo dabaalay intii ay jireen,waxaana maamuladaas lasameeyey wadatashiyo waqti badan qaatay oo kadhacay gudaha dalka,balse maamulkani wuu kaduwan yahay Puntland & Soomaaliland oo dibada wadanka ayaa waqti kooban lagu soo uumay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Hiiraanland oo lagu dhawaaqay iyo madaxweyne loo doortay

 

 

London: (Sh.M.Network) Kulamo joogto ahaa, oo mudo lixbilooda u socday odayaasha, indheer garadka, culumaa udiinka,siyaasiyiinta iyo ururada bulshada ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan, ayaa lagu dhisay dowlada HiiraanLand(Hiiraanland State).

 

Kulamadaasi, oo ka kala dhacay wadamada Yurub, Waqooyiga ameerika, Kenya,Sucuudi Carabiya, koonfur Afrika iyo Soomaliyaba, ayaa kulankii ugu dambeeyay oo ka dhacay dalka Ingiriiska waxaa madaxwaynaha dowlada Hiiraanland loogu doortay Mudane Muqtaar Sh.C/risaaq sh. Cusmaan.

 

Madaxwaynaha, oo hadal kooban jeediayay doorashada ka dib ayaa ugu horayn u mahad celiyay dadkii doortay, waxaana uu u balan qaaday in uu sadex todobaad gudahood ku soo dhisayo dowlada HiiraanLand State, oo matalaysa shacabka reer Hiiraan sida la sheegay, Madaxwayne Muqtaar, ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhisayo gudiyo ka howlgala dhamaan degmooyinka gobolka Hiiraan uu ka kooban yahay.

 

“Waxaan ka xumahay waxa ka dhacaya guud ahaan dalka Soomaaliya. Geed gaaban iyo midba dheerba waxaan u fuulayaa sidii aan wax uga qaban lahaa dalka guud ahaan iyo gaar ahaan nabadeynta gobolka Hiiraan”, ayuu yiri Madaxweynaha la doortay Mudane Muqtaar Sh.C/risaaq.

 

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxwaynuhu in uu il gaara ku eegayo dadka ay dowlada Hiiraanland state ay matalayso ee ku dhibaataysan gobolka Hiiraan iyo meelo kaleba.

 

Ugu danbayntii, Madaxwayne Muqtaar waxaa uu ka codsaday dadkii tirada badnaa ee doortay in ay gacansiiyaan maadaama qof keligii waxba qaban Karin.

 

Kulamadan soconayay mudada lixda bilooda, ayaa sidoo kale looga hadlay nabadgelyada iyo amaanka gobolka Hiiraan iyo xaaladaha sidyaasadeed, horumar iyo dhaqan dhaqaale ee gobolka iyo mida bini’aadanimo, taasoo keentay in lagu dhawaaqo dowlada Hiiraanland satate.

 

“Dowlada Hiiraanland State waxay matalaysaa dadka ku nool gobolka Hiiraan, wadashaqayn fiicana waxaa ay la yeelanaysaa dhamaan maamulada la deriska ah iyo dowlada soomaaliyeedba”, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed loo qaybiyay saxaafada.

 

Madaxwayne Muqtaar ayaa durbaba bilaabay kulamo uu la qaadanayo dadka reer Hiiraan ee ku nool dalka Ingiriiska.

 

Lama oga qaabka ay u howlgaleyso dowladaan looga dhawaaqay dalka Ingiriiska iyadoo aan sidoo kale la ogeyn qaabka madaxda dowladaan oo haatan ku sugan wadamo shisheeye ay u socodsiin karaan dowladooda maadaama gobolka ay dowlada uga dhawaaqeen intiisa badan ay Maamulo u sameeyeen oo ay hoostagaan dhaq dhaqaaqyada islaamiyiinta ee ka jira Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Interesting development. They Just gotta take out the HI faction in Hiiran, and it's smooth sailing from then onwards!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Welcome Hiiraanland,

 

Congratulations to Hiiraanland - the newly founded regional state of United Somalia, and the new president.

 

 

We looking forward brotherly cooperation on all fronts, particularly our 2 states will work together very closely to strengthen peace and unity between all Somali regions

 

Good Luck Hiiraanland, We Wish You Every Success

 

From SSCland (Darwishland)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

ya man ..!

 

this is worth a celebration indeed ..

 

but we can't post dancing nude people .. so ..

 

.. back to obama talking about the economy..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Adduun!, qolo waxay rabtaa in waddanka u kala qaybiso: 'HiiraanLand, Jubaland, ShabelleLand, CadaadoLand etc..' qolona: Intan iney hal calan hoos keento kadibna inta maqan raadiso, kuwaas isku himad & feker ma yihiin? HAL YASTAWIYAANI MATHALAN?

Share this post


Link to post
Share on other sites

This name is very misleading. They should rather call themselves Isbaaroland-- which is more befitting; just as we pirates have Pirateland and the greenery grazers call their place Marfashland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this