Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Marxuum Maxamuud salax fagadhe dies in France

Recommended Posts

Wakiilkii dalka Faransiiska u fadhiyay Somaliland oo galabta geeriyooday

Written by Qarannews

Dec 27, 2009 at 12:39 PM

Paris ,(Qarannews)- Waxa galabta 4,30 kii galabnimo markii ay saacada Hargaysa ahayd ku geeriyooday cisbatal ku yaala magaalada Paris ee casimada dalka Faransiiska wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalkaasi marxuun Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, marxuunka ayaa xukumada Somaliland u soo magacwday in uu noqdo wakiilka Somaliland ee dalkaasi, taariikhdu maraka ay ahayd bishii tobnaad ee sanadkii 2007.

 

Fagadhe ayaa ahaa wakiil kii ugu horeeyay ee si toos ah ay xukumada Somaliland uga soo dirto dalka, iyada oo wakiiladii hore ay ahaan jireen qaar ku nool dalkaasi, tan iyo intii uu xilkaasi la wareegayna waxa uu marxuun Fagadhe uu kor u soo qaaday xoidhiidhka u dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Faransiiska.

 

Geerida marxuunka waxa shabakada qarannews u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arimaha dabada Somaliland., kuna tilmaamay in uu Fagadhe ahaa siyaasi rugcadaa ahaa, waxa aanu sheegay wasiir ku xigaanka arimaha dabadu in ay aad iyo aad uga xunyihiin geeridaasi kutimid marxuun Fagadhe.

 

Fagadhe ayaa xilal kala gadisan ka soo qabtay xukumada Somaliland, isga oo xiliyada qaarkood ahaa wasiirkii arimaha dibada ee Somaliland, dhanka kalena isaga oo ka mid ahaan jiray madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye ee Somaliland isaga oo ka soo noqday gudoomiye ku xigeenka labaad ka hor intii aan laga dhigin safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska.

 

Ilaa hada ma cada in maydka marxuunka loo qaadi doono dalkii iyo in lagu aasi doono dalka Faransiiska, hase ahaatee waxa xiligan socda qaban qaabada sidii marxuunka loo aasi lahaa iyada oo ay maanta tahay maalin fasax lagaga jiro dalka Faransiiska ayaa waxa xiligan dalka Faransiiska ku sugan marxuunka walaalkii iyo xaaskiisii, kuwaasi oo si dhakhso ah ay ugu biiri doonaan shaqaalaha xafiiska Somaliland ka hawl gala.

 

Dhanaka kalena waxa jira dadaal xoogan oo ay wado wasaarada arimaha dibada Somaliland iyaga oo xidhiidho la soo samynaaya xafiiska Somaliland ee dalka Faransiiska, taasi oo ilaa bari lagu wado in ay warar ka soo baxaan dhanka qoyska marxuunka iyo xaga xafiiska Somaliland, warkaasi oo la ogaan doono marxuunka halkii lagu aasi lahaa.

 

Dhawaan ayaa waxa dalka Sucudiga ku geeriyooday isaga oo xajkii gudanaaya wasiirkii macdanta iyo biyaha Somaliland xaga doraad lagu aasay magaalada Hargaysa wasiiru dawlahii arimaha dibada, masuulkan ayaa ah masuulkii sadexaad ee mudo bil gudaheed ah ka baxa xukumada Somaliland, dhamaantoodna Ilahay naxariistii jano ha ka waraabiyo.

 

 

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun!

 

 

Dhamaan hawl-wadeenada shabakada Qarannews dibad iyo gudaba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacabka reer Soomaaliland gaar ahaana qoyskii qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday ilaahay ha u naxariistee wakiilkii Somaliland ee dalka Faransiiska Marxuum Danjire Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe),oo maanta ku geeriyooday magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Marxuumka waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu janadii geeyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto. Fagadhe rug cadaa siyaasi ah ayuu ahaa. Waxaana u baryayaa inuu Ilaahay janadii ka waraabiyo. Waxaase ayaan daro ah isagoo safiir ah in dhul gaalo lagu aaso.

 

Malaha been bey noo sheegeen show bahashu wali ma duulin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this