Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UPDATE ON GALGALA FRONT

Recommended Posts

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa dagaal aad u culus ka qarxay aagagii ay isku horfadhiyeen ciidanka Puntland iyo Malayshiyaadka Shiikh Attam, dagaalka ayaa la sheegay in uu yahay mid culus oo la isu adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Inta la ogyahay 11 nin oo ka mid ahaa ciidanka Dawladda Puntland oo ku dhaawacmey dagaalka ayaa la soo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee Bosaso, waxaana sidoo kale Horseed Media loo xaqiijiyey in dhimashada ciidanka dawladda soo gaarey ay dhantahay 2 nin.

 

Saraakiil ka gaabsadey magacooda in toos loo xigto ayaa sheegaya in ay dhanka kale ka dileen 10 nin, dhaawac baddana qabteen kuwaas oo ay sheegteen in dhawaan la soo gaarsiin doono magaalada Bosaso.

 

Dhanka kale mid ka mid ah saraakiisha malayshiyadda Shiikh Attam oo shir saxaafadeed telefonka ku qabtey ayaa dagaalka guulo ka sheegtey.

 

Waxaana adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee dagaalku geystey, saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ka hadlayaan marka uu soo dhamaado, waxayna xaqiijiyeen in dagaalku socdo.

 

Dagaalka ayaa ahaa mid la filaayey in uu halkaas ka qarxo kadib markii maalintii Jimcadda Madaxweynaha Puntland uu sheegay in aysan is horfadhiyeyn iyaga iyo malayshiyada Shiikh Attam, kuwaas oo ka soo horjeeda Dawladda Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: (Sh. M. Network) - Waxaa saakay buurta Tuulada Galgala ee gobolka Bari dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kuwa uu hogaaminayo Max’ed Saciid Atam iyadoo dagaalku uu ilaa iyo hadda socdo.

 

Wararka laga helayo Tuulada Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu dib uga qarxay Dagaal culus kadib markii Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo halkaasi ay ku lahaayeen dagaalanyahanada uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Max’ed saciid Atam.

 

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dhawaqa rasaasta cul culus ee la is weydaarsanayo laga maqlayaa qeybo ka mid ah goobaha ku dhow dhow Tuulada Galgala.

 

Dagaalka oo aan la ogeyn qasaaraha uu geystay ayaa ka soo cusboonaaday Tuuladaasi saakay aroor hore, waxaana uu yimid maalin kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku hanjabay in uu dagaal ku qaadayo Max’ed Saciid Atam iyo Ciidamadiisa.

 

Dagalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili la sheegay in maalmo ka hor dowladda kMG Soomaaliya ay Maamulka Puntland u dirtay Saanad Militari oo lagu sheegay in lagu xoojinayo dagaalka Maamulkaasi Puntland uu kula jiro Ciidamada uu hogaamiyo Atam ee ku sugan qaar ka mid ah buuraha gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rain   

PIStu waxaan islahaa dagaalka waa soo afrajayaan saacad gudeheed. dee malaha nimanka waad naga bad badiseen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Galgala oo La Sheegay in Lagu Kala Baxay

 

Sida la saadaalinaayey waxaa saakey goor hore dagaal culus uu ka bilowdey deegaano ku dhaw magaalada Galgala ee ku taala buuraha dhanka koonfur galbeed Bosaso kaga beegan, dagaalka ayaa ka bilowdey togga loo yaqaan Sugurre halkaas oo ahayd goobta uu yaaley difaaca u horeeya ee Malayshiyada uu wato Shiikh Attam, dagaalkaas ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u culus, waxaana labada dhinacba soo gaarey khasaarooyin.

 

Saraakaal u hadley ciidanka Puntland ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in ay soo afjareen dagaalka Islamarkaana ay cagta mariyeen malayshiyadii Shiikh Attam, waxaana uu sheegay in hadda ay ku jiraan ururinta frixadkii isla markaana goor dhaw ay qaban doonaan shirsaxaafadeed.

 

Dhanka kale warar aanu ka helnay Isbitaalka guud ee magaalada Bosaso ayaa masuul sare oo ka tirsan Isbitaalka waxa uu xaqiijiyey in la soo gaarsiiyey 12 nin oo dhaawac ah iyo laba nin oo meyd ah kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka Dawladda Puntland.

 

Xiriir aan la samayney meelo kala duwan ayaa la xaqiijiyey in dagaalku hadda qaboobey isla markaaana xabaddu ay ka dhacayso meelo ka durugsan halkii lagu dagaalaamay.

 

Ma jirto cid u hadashey malayshiya ka amar qaata Shiikh Attam kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Puntland isla markaana sheegay in ay goobahaas ka dhigayaan Dawlad Islaami ah.

 

Magaalada Bosaso ayaa ah mid dhaqdhaqaaqeedu yar yahay, waxaana magaalada ka baxay ciidamo badan oo gurmad ah, kuwaas oo ka tirsan Dawladda Puntland, waxaana wararka qaarsheegayaan in ciidankaas uu la socdey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ah masuulka u sareeya ee hawlgalka ciidamada Puntland ka wadaan buuraha ku teedsan Galgala.

 

Dagaalka ayaa ahaa mid la filaayey in goorkasta uu qarxi doono, waxaana meesha ka baxay dedaal ay wadeen Odoyaal ka soo jeeda deegaanada Sanaag Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (HWN):- Dagaal culus ayaa saaka markale dib uga bilawday degaanada Karin iyo Galgala oo dhaca gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland, oo beryahanba saasaan colaadeed ay ka jirtay.

 

Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaa weerarka lahaa ciidamada Puntland oo beryahanba abaabul ballaadhan ku jray, halka kooxda Sheekh Atam-na jilibka aasteen, iyagoo u muuqda inay haystaan kalsooni buuxda oo dhan walba leh.

 

Dagaalkan oo ilaa amintan socda ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay khasaare badan, oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Waxaana saakaba Cisbitaalada Boosaaso la keenay Askar badan oo dhaawac ah, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan ciidanka Puntland.

 

Gurmad isugu jira Ciidan fara badan, Saraakiil sarsare, Wasiiro iyo Gaadiidba ayaa goor dhawayd gaadhay goobahan ay dagaaladu ka qarxeen. Waxaana gulufkaa gurmadka ah hoggaaminaya madaxweyne faroole-na u xilsaaray kuxigeenkiisa Gen Cabdisamad Cali Shire.

 

Ciidamada Puntland oo weerarka lahaa ayaa halkaasi kala kulmay iska caabin ba’an, waxaanay wararka qaar sheegayaan in halkaasi lagaga gubay gaadiidka dagaalka, tiro kalena laga qabsaday.

 

Labada dhinac ee kala ah Maamulka goboleedka Puntland iyo Kooxda ay dagaalamayaan ee uu gadhwadeenka ka yahay Sheekh Maxamed Saciid (Atam) ayaan wali soo saarin wax war ah oo ku saabsan dagaalka haatan ka socda degaanadaasi aan soo sheegnay.

 

Colaadda dagaalkan ayaa si rasmiya u bilaabantay Labo todobaad ka hor markii Maamulka Puntland weerar ku qaaday kooxda Sheekh Atam, balse weerarkaasi noqday mid ka dhicisoobay Maamulka Faroole.

 

Dagaalka maanta ayaa isaguna bilawday kadib markii Madaxweyne Faroole uu ku gacan saydhay waawaan ay beryahanba wadeen madax-dhaqmeedyada degaanadaasi, oo lagu dhex dhexaadinayey Maamulka Puntland iyo Kooxda Sheekh Atam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkan oo ay dulaankiisa markii hore soo qadeen ciidamada PSTa iyo kuwa Puntland ayaa Saaka 5Aroornimo si dhab ah uga bilaabma buuralayda Nawaaxigaasi ah,Waxaana Bosaso la soo gaadhsiiyey ilaa 30 Askari oo Dhaawacyo liita ah kuwaasi oo lugu dabiibayo cisbitalka Bosaso.

 

Dagalka ayaa ilaa iminka soconaya waxaana dhacaya Hubka nociisa waawayn Ciidamada Puntland ee ku sugnaa Waddada Laamiga ayaa Qoryohooda iyagoo watakala baxay xaraaraha ama qararka buuraha ah ,Hase ahatee Waxaa Iyana Laamiga afka soo saaray oo Werarkooda xoojiyey kooxda shiikha oo iyagu wacad kumaray inay Buurta ay dagaal noocwalba ah oo lagaga soo qaado iska difaacayaan.

 

Guud ahaan Magaalada Bosaso ayaa iyana Maanta Allbaabada loo laabay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gadiidka ee waddada laamiga gaar ahaan gudaha Magaalada Bosaso iyo Wadooyinka ka baxa.

 

 

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaalkii Laag oo Laamiga Boosaaso kusoo Fiday iyo Maleeshiyaad laga qabtay Maamulka Faroole (Faah Faahin).

 

Sunday, 08 August 2010 10:53 administrator

 

Dagaaladii cuslaa ee saaka ka bilaawday duleedka magaalada Boosaaso ayaa sii xoogaystay waxaana lasoo sheegayaa in Khasaara xoogan uu soo gaaray Maleeshiyaadkii u dagaalamayay Faroole.

 

Dagaalka oo maanta duhurkii mar qaboobay ayaa markale sii xoogaystay kadib markii ay xoogaga deegaanka Galgala weeraro Aar gudasha ah ku qaadeen Firxadka Maleeshiyaadkii Faroole.

 

Sarkaal u hadlay dadka deegaanka Galgala oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in ay dileen labaatameeyo katirsan Maleeshiyaadka PIS-ta Faroole ee Weerarka ku qaaday dadka deegaanka.

 

 

Dagaalka ugu culus wuxuu ka socdaa laamiga Boosaaso iyo Karin kala qaybiya, Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakadda SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadka Faroole loosoo riixay dhanka magaalada Boosaaso oo Rasaasta wiiftada ah ay yool ka dhigtay wadad laamiga ah.

 

 

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa shacabka kadib markii Maleeshiyaad lasoo dhigay dhamaanba wadooyinka magaalada.

 

 

Maleeshiyada Faroole ayaa beeraha shacabka ku duqaynaya madaafiicda BM-ka oo ay Itoobiya ugu deeqday Maamulka Ashahaadda ladirirka waxaa jira Maxaabiis farabadan oo laga qabtay Maleeshiyaadka PIS.

 

 

Maxaabiista lagu qabtay dagaalada ka socda Duleedka Boosaaso waxaa ka mid ah saraakiil iyo Xidiglayaal hor boodayay dagaaladii saaka dhacay, warar kale ayaa sheegaya in gaari Candha Maydle ah uu Maleeshiyaadka uga dhacay Tog Biyood.

 

 

1-Ahmed Ali Muuse Madaxii Saadka ee Ciidanka PL.

2- Mustafe Guray Laba Xidigle.

3- Maxamed Dheere

4- Jamaal Ciisa Kaar

5-Cali Muuse Xidgle.

6- Maxamuud Qodox

7-Jaamac Axmed Yuusuf [Darweel Gaadhi Dagaal]

8-Maxamuud Haybe [ Gaandhari Macaa Gaadhigiisii]

10- Farxaan Qooje

 

Waxaa Jira Saraakiil dagaalka lagu dilay oo aan weli magacyadooda lahelin balse saacadaha soo socda laheli doona, Isbitaalada waaweyn ee magaalada Boosaaso waxaa buux dhaafiyay dhaawacmayada Maleeshiyaadka Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Xoogan Oo Saaka Barqanimadii ka Qarxay Buuraleyda Galgala Iyo Baabuur Laga Gubey Puntland

 

 

Wararka kaa imanaya buuraleyda Deegaanka Gal Gal ayaa sheegay in saaka barqanimadii uu ka bilowday dagaal xoogani oo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinta ee uu hogaaminayo maxamed saciid Atam iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo weliba ciidamada PIS-ta iyo weliba kuwa puntland oo dhinac ah ...

 

Wararka ay ka helauyso shabakada afnugaal ayaa sheegaya in Gaadiid dagaal laga gubay Ciidamada puntland iyo kuwa PIS-ta kuwaasoo saaka barqanimadii weerar xoogan ku waaday deegaanka gal gala ee gobolka bari

 

Sidoo kale qaar ka tirsan dadka shacabka degmada Galgala oo khadka telafoonka aan kula xiriirnay ayaa sheegay in dagaalku socdo waloow ay sheegeen in gawaari tikniko ah laga gubay ciidamada puntland islamarkaana ay ciidamada Mujaahidiinta ee uu Sheekh Atam horkacayo ay Jilibka u laabteen oo ilaa iminka la maqlayo Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

 

Axmed weli oo kamid ah dadka deegaanka gal gal oo war siinayey warbvaahinta uqdisho ayaa sheegay Inay 5 Gaari gacanta ku dhigeen ciidamada sh ,atam oo kaashanaya dadka deegaanka halka Mid kamida gaadiidkaasi uu gubanyahay, qaar ka tirsan ciidamada puntland ahna ay ku go,doomeen buuraleyda gala gala

 

Dhinaca kale Odayaasha deegaanka Galgala ayaa saxaafada u xaqiijiyay in madaxweyne Faroole uu si cad u diiday Wadahadallo lagu doonayay in lagu dhax dhaxaadiyo labada dhinac, ciidamada Faroolena uu ku weeraray deegaanada ku dhaw dhaw Galgala ayaa dhawaanahanba lagasoo daad guraynayay Garowe oo ah halka ay saldhiga ugu weyn ku leeyihiin ciidmada PIS –ta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Kn:Wararka ugu dambeeyey ee ka imaanaya degaanka uu dagaalka ka socdo ee buuraleyda Galgala ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo, Waxaana dhinaca kale sii kordhaya khasaaraha dagaalka ka dhashay.

 

 

Warark laga heleyno shaqaalaha caafimaadka ee Boosaaso ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay duhurnimadii maanta gaaraysay 4 ruux iyo dhaawac ka badan 10 ruux oo dhamaantood ah ciidamada Puntland ee ka qeyb qaadanayey dagaalkii..

 

 

Aad ayey u adag tahay in la helo xaqiiqda dhabta ah ee dhinaca kale ee dagaalka inkastoo wararku ay sheegayaan in khasaare uu jiro, ayadoo la xanibay dhamaan isgaarsiinta ku xeeran Galgala.

 

 

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa u sheegay warfidiyeenada in rasaastu ay dhacayso oo dagaalku socdo illaa saacadan 2:30 duhurnimo waqtiga Soomaaliya, dagaalkan oo bilawday saaka subaxnimadii hore.

 

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gallad   

Idaacada BBC da ayaa waxay wareysi la yeelatey sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka Galbeedka Bari oo uu hogaaminaya Sh. Maxamed Siciid Atam, dagaalkaasoo maanta ay ciidamada Puntland weerar ku qaadeen deegaanka Sugure ee ku dhow Karin.

 

C/laahi Axmed Faarax oo BBC u waramay ayaa sheegay in ay maanta ka gubeen ciidamada Puntland 4 gawaari oo nooca gaashaaman, iyo waliba ay ka qabsadeen gawaari kuwa dagaalka ah. Sidoo kale ayaa sheegay in ay ciidamada gaaraya 40 nin ay isu soo dhiibeen isla markaana ay haatan hayaan. C/laahi Axmed Faarax ayaa sheegay in ay shacabkii maanta aad u kaceen isla markaana ay iska difaaceen.

 

Warka duhurnimadii ee BBC da ayaa waxaa uu C/laahi Axmed Faarax uu sheegay in ciidamada dagaalamaya ay yihiin ciidamada deegaanka isagoo sheegay in dowladii hore uu Cade Muuse watey uu dagaal ugu dhamaadey 4 sano, haatana uu Faroole halkaasi kasii wado howsha.

 

C/laahi Axmed Faarax ayaa sheegay in ay wax waan waan ah haatan socon kadib markii ay maamulka Puntland odayaal dhaqameedka ku gacan seyreen.

 

Warar kale oo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalkii maanta uu joogsadey 5 casarnimo isla markaana uu dhacay dagaal kale saacad kadib kaasoo ilaa iyo haatan socda. Dhaawacyada la keeney magaalada Boosaaso ayaa waxay kor u dhaafayaan ilaa iyo 70 iyadoo uu gurmadka ciidamada Puntland iyo kuwa ah ciimada beeleed uu kasoo kala baxay Garoowe, Gaalkacyo, iyo Qardho, kadib markii uu madaxweynaha ku dhawaaqay in beelaha hubkooda qaataan.

 

Magaalada Boosaaso gudaha iyo banaanka ayaa waxaa gabi ahaanba la joojiyey isu socodkii iyo gaadiidkii isaga gooshi jirey. Warar ayaa sheegaya in Gen. C/laahi Jaamac Ilka jiir uu aad uga xunyahay dagaal lagu qaadey deegaanka Galgala isla markaana la saadaalinayo in uu iska casilo shaqada uu u hayo Madaxweyne Faroole.

 

source: Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Sidoo kale ayaa sheegay in ay ciidamada gaaraya 40 nin ay isu soo dhiibeen isla markaana ay haatan hayaan. C/laahi Axmed Faarax ayaa sheegay in ay shacabkii maanta aad u kaceen isla markaana ay iska difaaceen

The people of Col. Abdisamad shouldn't be held responsible for the Galgala/Boosaaso disaster. I see some of reer Sanaag are pointing fingers at him and his clan. It's war time, so no finger pointing or who is right or wrong...

 

 

Guys, keep us updated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by LafaYare:

news is getting worst by the minute.

 

doubt this will end anytime soon.

Neither worry nor hate anything sxb.

 

Beeni cidda isku maaweelisay dhib ku haysaa.

 

I tell you that Atom and his clan-minded supporters will no longer be a threat to any one.

There won't any one killed in mosques.

there will be no longer so-called tribal-elders want to distract any one just to elongate these assasinations and even clan-based attempts expressing to drive people from their indigenous strongholds.

I tell you the truth that things are already finished as it was planned.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

:D dambarsame, considering this false scenerio and allegations that reer Galgala are behind the instability in Bosaaso, wasn't the mayor of Galka'yo who recently lambasted the southern part of the city as directly responsible for the killings and mayhem in the city? However, PL feels emasculated in this conflict other than to live with it.

 

This is just to show you that this conflict of Galgala/Bosaaso is nothing but a political gamesmanship plotted from outside PL in order to destroy its peace and turn the inhabitants against each other.

 

The Gal'ayo war wasn't winnable, so they have to live with it. It's sad that in this conflict a large section of SSC and of Maakhir are believed to be serving their own interest in this resource war and control of one's domain of influence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this